Home » Archive Maalinta January 2nd, 2014

Biibto: Madaale Howlkar ah oo aan ku Guuleysan Abaalmarin Caalami ah

Jan 2, 2014
Xabiibo Axmed Jimcaale (Biibto): Mucjisada Saxaafadda In ka badan Muddo 24 Sanno ayaa aad u aqaaney Xabiibo Axmed Jimcaale oo ku Magac Dheer Biibto , waxaana dhawaan kula kulmey Munaasabad ka dhacaysey Hotel Amiira ee Magaalada Muqdisho ka dib markii aan Xoogaa ismoogeyn, hase yeeshee mudadaas dheer ee aan is naqaaney Biibto waxaa inta badan aan  ku kulmi jirey Goobaha Saxafada ee ay wararka ka... 

Xaasilkii Dawlad nimada Puntland Ee 15 jirsatey | W.Q.Cabdulaahi Ciise Yuusuf

Jan 2, 2014
Ka qeybgalkeygii kulanka Garowe, Karkaar & Haylaand 31/12/2011 Shirkii Garowe 2aad, ee leysguku keenay odey-dhaqmedyada 2gobol, waxaa ka horeyey 3 shir, oo odayo dhaqmedyada 6gobol laga qeybgeliyey shirarka soo socda: 1) Garoowe1aad “Nugaal iyo Sool” 2) Galkacyo “Mudug & ceyn 3) Bosaaso “ Bari & Sanaaag” Hawlwadeennada dawlada P/Land, waxay ka soo xuleen 8 gobol, odayo dhaqmeedyo... 

Gugiga xalinta khilaafaka ma gutay hawshiisi

Jan 2, 2014
Sidaa la wada socano gudiga xalinta khilaafadaka markiisi hore waxaa uu ah mid muran uu ka taagan yahay cida xaqa u leh in aay soo magacaabi karto isagooo murankaa ku jira aya maxada waynnahu C/raxman Maxamed soo magacabay iyaad murankii ka taagnaa naan loo joojin waxay keentay in uu murankii halkisi ka sii cosdo ilaa uu mushariinta ay muu jiyaan tanaasul leh geesinimo daacadnimo iyo ilaalita aayaha... 

Qofku inta uu gaariga wado waa ka xaaraan isticmaalka Mobaile-ku

Jan 2, 2014
Sheekh Khalaf Almudlaq oo ka mid ah culumada waaweyn ee Sucuudiga ayaa fatwooday inay xaaraan tahay in qofka gaariga wada uu mobile-ka isticmaalo. Sheekhu wuxuu yiri: shareecadu waxay u timid inay ilaaliso dadka diintooda, naftooda, maalkooda, sharaftooda iyo ubadkooda. Sheekhu wuxuu yiri: isticmaalka mobile-ku waa arrin khatar badan marka qofku gaariga wado; waayo wadida gaarigu waxay u baahantahay... 

Akadeemiye-Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA) oo qabatey Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warbaahinta .

Jan 2, 2014
Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Aqoon Isweydaarsi loogu Magacdarey Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warrbaahinta waxaana soo qaban qaabiyey Akadeemiye Goboleedka ee Afka Soomaaliga oo markii la soo gaabiyo loo yaqaan (AGA ) waxaana ka soo qeyb galey ku dhowaad Boqol Xubnood oo ka kala socday qeybaha Warbaahinta ee ka Howlgala Muqdisho iyo Gobolada dalka. Kulankaan... 

QEEYBINTA WAXAA I BARTEY ISHAA DHURWAA KA LAALAADA!

Jan 2, 2014
“Qeeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada!”  HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, aan ku bilaabo’e, Dawacaa laga sheegey, “Qeeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada!”, kadib markii Libaax ku yiri Dhurwaa, “Bal Dhurwaa hilbaha neefkan Habar-Dugaag... 

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed oo sheegay in sanadkan ay Ciidanka Qalabka sida u noqon doonto sanadkii dib u dhiska iyo xoreynta

Jan 2, 2014
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay sidan: Muqdisho, January 1, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka iyo dhamaamba ciidanka Qalabka-sida, sanadkii dib-u-dhiska... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...