Home » Archive Bisha November, 2012

Warbixin iyo Waraysiyo SomaliTalk Jabuuti

Nov 6, 2012
Sii hayaha Xildhiga Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Muuse Cabdulle “…Wariyayaashu Waxay Ka Mid Yihiin Dadka U Shaqeeya Shacabka Oo Gaarsiiya Fariimaha Dalka Ka Jira Wanaag Iyo Xumaan Waxa Ay Yihiinba, Waana Ka Xunahay In La Dilo, Laakiin…” G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ku dhawaaqay Gole Wasiiro oo ka kooban 10 xubnood

Nov 4, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Dawlada federaalka Soomaaliya, Cabdi Farax Shirdoon, ayaa caawa Nov 4, 2012 waxa uu ku dhawaaqay golahiisa wasiirada oo tiradoodu tahay 10 Wasiir. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa faafiyey magacyada iyo warsaxaafadeedka hoose: Halkan ka daawo Sawirada Magacaabista Wasiirada CUsub Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Caawa Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda. Muqdisho, Axad,... 
Halkudheg:

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maanta Garoonka Diyaaradaha ku Qaabilay Wafddi uu heerkiisu Hooseeyey oo ka socdey Dowladda Maraykanka.

Nov 4, 2012
Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Maanta Shir Albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay Wafddi ka socday Xafiiska Wasaaradda arrimaha Dibadda Maraykanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Shirkan oo soconayay muddo Shan iyo Afartan daqiiqa ah oo saxaafaddu ay dibad joog ka ahayd ayaa waxaa Wafdiga ku socday Maraykanka waxaa Hoggaaminayay ku Xigeenka Kaaliyaha... 

Uganda oo Gebi ahaanba Ciidamadeeda kala Baxaysa Soomaaliya

Nov 3, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadooda 5,700 ay kala baxayaan Soomaaliya,  kaddib markii ay Uganda ka carootay warbixin QM…. Uganda waxay ka carootay warbixin Golaah Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo Uganda ku eedaysay in ay taageertay kooxda mucaaradka ee dagaalka kula jira dawladda dalka Democratic Republic of Congo. Arrintaas isagoo ka jawaabayey ayaa ra’iisul... 
Halkudheg:

QAYLA DHAAN: Waa ayo dadka ‘AF-SOOMAALIGA’ ku hadla? (Qalinkii Maxamed Xaaji)

Nov 2, 2012
Dalka Soomaaliya oo tan iyo burburkii kusoo baxay dal bilaa walaal, bilaa saaxiib ah ayay taasi keentay inay dunidu nagu nacayso erayga dal fashilmay ( A failed state) oo taxa ama liiska lasoo saaro aan sanadkiiba safka hore ka cariirsanno balse mida calool xumada lihi intaa oo dhan maahee waa dadkii Soomaaliyeed oo iyagoo aan nasteex caalami ah lahayn iyagii is necbaystay. Waxaan doonayaa inaan maqaalkan... 

“2,700 Askari oo Uganda kaga Dhintey Soomaaliya”, sidaas waxaa sheegay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya

Nov 2, 2012
Wasiir ku xigeenka Kenya waxa kale oo uu sheegay in 36 askari oo Keenyaati ah ay sannadkii hore ku dhinteen Soomaaliya… Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Richard Onyonka, ayaa kulan looga hadlayey Arrimaha Soomaaliya waxa uu ka sheegay in ciidamo tiradoodu kor u dhaaftay  2,700 ay Uganda kaga dhinteen Soomaaliya…. Arrintaas markii Wakaaladda Wararka AP oo isku dayday... 
Halkudheg: , ,

Madaxweynaha Kenya oo Ereteriya u soo jeediyey in ay kala Qayb qaataan Nabadda Soomaaliya

Nov 2, 2012
Madaxweynaha Dawladda Kenya Mwai Kibaki ayaa Qoraal u diray Dhiggiisa Eritireeya Esiyas Afawarki taas oo uu ku weydiisanayay in Xukuumadda Eritireeya ay ka qayb qaadato Nabadda Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynaha Dawladda Kenya ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay kala shaqaynayso Eritireeya sidii looga qaadi lahaa Cuna qabataynta haatan saaran. Madaxweynaha ayaa Qoraalkaas uu u diray Xukuumadda Eritireeye... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...