Home » Archive Maalinta June 27th, 2012

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dawladda FKMG oo Ra’iisul Wasaare Gaas ku Eedeeyay inuu ku been Abuurtay.

Jun 27, 2012
  Iyadoo uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya Xuseen carab Ciise uu sheegey in ay bixiyeen lacagihii Mushaaraadka Ciidanka ah isla markaana la joogteyn doono ayaa haddana arrintaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda. Col. Axmadeey Maxamed Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda KMG ee ku sugan Aagga afgooye oo la hadlay qaar... 
Halkudheg:

Odayaasha Dhaqanka oo iska soo xulay Gudigga Xalinta Khilaafaadka Odoyaasha.

Jun 27, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda kumeel gaarka ah ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ay iska suleen guddi ka kooban 26 xubnood oo xallin doona Khilaafaadka Odoyaasha. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa maanta Arbaca u ambabaxay dalka Uganda. Hoos ka akhri: Warsaxaafadeed: Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa isla soo xuley gudigga Xalinta Khilaafaadka Odayaasha. Gudigga... 
Halkudheg:

Maxaa ka jira in Kaniisaddii weyneyd ee ku taalay Muqdisho dib loo Dhisi doono

Jun 27, 2012
Warar naga soo gaaraya Dalka Talyaaniga waxay sheegayaan in Dowladda Talyaaniga ay wado qorshe dib loogu dhisayo Kaniisaddii Weyneyd ee ku taalay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho , taas oo ku burburtay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho. Wixii ka haray burburkii Kaniisadda oo haatan ay degan yihiin dad Qaxooti ah ayaa Dowladda Talyaaniga waxay Dowladda Federaalka KMG ka codsatay in dadka... 
Halkudheg:

Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland oo lagu soo gabagabeeyey shirkii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadda Soomaalida

Jun 27, 2012
Shirka waxaa lagu qabtay Markaska Islaamiga ee Weyn ee Magaalada Lausanne, Dadweynihii ugu badnaa reer Switzerland ayaa sanadkan kasoo qayb galay shirka.. Warbixinta faahfaahsan hoos ka akhri: Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisi Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Waxaa Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyey maalintii axadda 24/6/2012 shirkii sanadlaha ahaa ee ay soo... 
Halkudheg: ,

Meeyey Gu’gii Carbeed?

Jun 27, 2012
Tan iyo markii ay kacadoonada barkaysan ka bilowdeen Wadamada Carbeed ee ay ka talinayeen Madaxdii kali taliska ahaa ee xooga ku haysay Shacuubtooda laga soo bilaabo Tuunis Masar Liibiya Yaman iyo Siiriya, kacdoonkaas  oo loogu wanqalay ama loo bixiyey Gu,gii Carbeed ayaa dadka qaar waxaa ay iswaydiinayeen oo ay saadaalinayeen in dabayshaas caafimaad ay mar un Badda soo talowdo oo ay Geeska afrika... 

QORISTA DASTUURKA ISLAAMIGA AH (3) !

Jun 27, 2012
Akhristoow wali waxaa inoo socda masaa’ilkii aan ka soo qaadanay kitaabkii Mowlaanaa Abuu Aclaa AL-mowduudi ee ( Tadwiin AL-dastuur AL-Islaami ) : [ wuxuu shiikhu ku yiri fasalka seddexaad ee kitaabkaas , waxaan rabaa in aan idiin sheego Masaa’il aad muhimad u leh aasaasna u ah Dastuurka Islaamiga ah anigoo soo gaabinaaya waxaan ka helnay masaadirta asaasiga ah ee Islaamka, taas baanan... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...