Home » Archive Sannadka 2010
Yaa Baxaya, Yaase Joogaya? Sh. Shariif Sh. Axmed, Mise Cumar Cabdirashiid?
Hordhac:
Qormadani waa qormo aan ahayn taxanihii Somalia for sale, waa qoraal aan ugu tala galay bal sida ay wax u socdaan in aan falan qayn ku sameeyo akhristayaashana ay ila akhristaan kadib na aan lasugno wakhtiga, waxaan ka hadli doonaa khilaafka jira iyo marka uu bilaawday iyo khilaaf walba oo dhaca qolaa laga saaraa meesha ee yaa la saari doonaa, yaa baxaya, yaase joogaya.
Baroortu orgiga...
Khilaafka Shariif iyo Sharma,arke Ma sharciyaa Ma Dan Shacabaa mise waa Sheekadii hore?
Waxaan igu kelifay inaan maanta arimaha siyaasada oo aan ka gaabsaday mudo xuskooda inaan bal qalinka ku falanqeeyo ummadii dhamayd ee soomaalida ahayd oo noqotay daawadayaasha aflaanta lagu jilo madaxtooyada iyo hoteelada magaalada muqdisho Somalia , Nayroobi Kenya, Adisaba itoobiya iyo Jabuuti.
Waxaynu ka wada dheregsanahay waxaa la yidhaahdo filin inuu yahay sheeko aan dhicin dhicina doonin...
Draft Constitution will deepen Somalia’s crisis | By Uluso
September 15, 2010: While the persistent political squabbles among the leaders of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG) are the hallmark of dysfunctional and corrupt regime, the ongoing dispute over the Draft Constitution deserves attention, scrutiny and comment. The externally-driven Constitution-Making Process will deepen the Somali crisis, will perpetuate the chaos and massacre...
Warbixin: Khilaafkii Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo sii xoogeystey
Shiikh Shariif “Aniga is ma haysano Ra’isul Wasaaraha, is ma haysano Guddoomiyaha Baarlamaanka ee waxaan ka aamusi kari waayey Xaaladda uu dalku marayo, waana waajib i saaran inaan aqbalin waxyaabaha qaarkood”
Waa in si deg deg ah isbedel loogu sameeyo Xukumada
Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka laguma Magacaabin Wareegto Madaxweyne
Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif...
Muqdisho: Bannaan bax looga soo horjeedo Gubista Quraanka Kariimka
Dibadbax xoog leh oo ay soo qaban qaabiyeen Xarakadda Mujahidiinta AL shabaab oo looga soo horjeedo gubista Kutubta Quraanka kariimka ayaa Arbacadii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo hay’addaha Horn relief , Fusenet, Mercy corps oo dalka laga mamnuucay.
Halkan ka daawo Sawirada bannaanbaxa
Dibadxaan oo ay ka soo qeybgaleen dad kor u dhaafaya kumayal ruux ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah gaalada...
Muqdisho: Warbixin Jaamacadda Xamar
Drs. Muumino Sheekh Cumar: “Jaamacadda Xamar waxaa loo aasaasay daboolidda baahida waxbarasho ee Soomaaliya waxaana lagu dhigaa Manhajkii Jamacaddii Ummadda”
Jaamacadda Xamar oo la aasaasay 15-kii May 1999-kii, ayaa waxaa aasaasiddeeda iyo Fikradeeda lahaa Proff Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo isagu ka mid ahaa macallimiintii wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.
Halkan...
Hay’addaha Haro oo deeq gaarsiisey Xeryaha Duleedka Xamar iyo Rahmah oo Gurmad Gaarsiisey Cisbtaal Martiini
Hay’adda Samafalka Rahmah oo gurmad degdeg ah gaarsiisay naafada Isbitaal Martiini iyo Hay,adda HARO oo fitro dan yarta u qeybisey xeryaha barakacayaasha……..
Hay,adda HARO ayaa raashin fitro ama zakaad ah gaarsiisey qaxootiga ku nool Xeryaha Qaxootiyada ee duleedka Magaalada Muqdisho
Fidradaas ay HARO bixisey ayaa ka koobnayd raashinka galayda ah oo aad ubadan waxaana ka faa’iideystay...
RATIGii JAABIR IYO IPODKII SHIBLE ???(2) !!!!
Horudhac :
Waxaan Qeybtii hore ku soo qaadanay sida Axaadiista loo aruurin jiray oo ay Saxaabaddii iyo taabiciyiintii iyo kuwii kale ee Ahlu Xadiiska ahaa ay Safro dhaadheer iyo Khataro u jibaaxi jireen in ay soo xasiliyaan hal Xadiis kaligiis, sida ay ku Qaatatay Saxaabigii weynaa ee Jaabir ibnu C/llaahi in uu Rati u gatay si uu ugu Safro Shaam oo uu hal Xadiis uga soo wariyo C/llaahi ibnu Unayso...
Beesha Caalamka oo dib u dhigtay kullan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid
Maanta (Sept 14, 2010) ayaa la qorsheeyey in xarunta Golaha Shacabka kulan ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baaarlamaanka kadib markii arrintaasi uu codsaday Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Badda iyo Dekedaha Sheekh Maxamed Nuur, waxa uuna ujeedada shirkaan uu ahaa sidii Dowladda uu hogaamiyo Cumar C/Rashiid ay codka Kalsoonida u weydiisan lahayd Golaha Wasiirada.
Hadalka ka soo yeeray...
Xaflad ballaaran oo ay qabteen Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan
iyo Xafladdii Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Shiinaha…..
SUUDAAN:
Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Caalamiga ah ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay munaasabadda Ciidul fidriga ee barakaysan , Raabidadan oo metesha jamaacadda Ictisaam ayaa kulankan cinwaan uga dhigtay “Midnimaddu waa aasaaska sharafta...
Siihayaha Safaaradda Shiinaha oo khudbo ka jeediyay shir ka dhacay Shiinaha oo loo qabtay Safiirada Africa (Zhejiang International Business Week)
Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha (China) Mudane Cawaale Cali Kullane ayaa ka qeyb galay shirweyn oo lagu casuumay dhamaan Safiirada Safaaradaha Africa ee dalka Shiinaha shirkaasoo loogu magac daray (Zhejiang International Business Week).
Shirkan oo ka dhacay magaalada Hangzhou, Zhejiang Province, ayaa waxaa loo qabtay in lagu dhiirigaliyo ganacsatada Shiinaha ee dooneysa...
War Hilbaha Culimada waa Sun eh IsKa Ilaaliya. Q.2aad
War hibaha culimada waa sune iska ilaaliya (2)
Asalamu calaykum
Qeybtan waa qaybtii labaad oo raacsan ama ku xiran qormadii hore ee aan todobaadkii hore soo gudbinay , waxaana horay u balan qaaday in aan dhamaystiri doono inshlaah maxaa yeelay mowduuca ayaa aad muhiim u ah .
Waxuu taabanayaaa marka ka koobaad waaqica iyo xaaladda aan maanta ku jirno oo amadda soomaaliyeed oo dhan ay ku jirto .
Marka...
Maxaa ka jira In Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay Ereteriya ka codsadeen in ay ka qayb qaadato Xal u helida Somaaliya
Iyadoo Wadanka Ereteriya ay saaran tahay Cunaqabateyn Caalami ah waxaana Cunaqabateyntaas ku soo rogey Qaramada midoobey ka dib markii lagu eedeeyey Ereteriya in ay sii hurineyso Xaalada Soomaaliya isla markana la sheegey in Saanad Meleteri u dirtey Kooxaha ka soo horjeeda Dowalada KMG iyadoo taasi ay jirto islamarkaana Dowladda Ereteriya ay dafirtay ayaa hadana wararka la heleya waxay sheegayaan...
Yeey dani ugu jirtaa illaalinta nabadgelyadda iyo ammaanka Puntland | Jooje
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta qaaliga ah ee islaamka (ACWW).
Kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ee sanadii 1991dii waxaa dhammaan dhulka Soomaaliyeed saameeyay dagaaladii sokeeye kuwaaso ay Soomaali ku weysay hanti iyo noolba...
Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho iyo Nairobi ku kala wada Shirar midba kale uu doonayo in uu xilka ka qaado
Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in uu dhexdhexaadinyo Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdi rashiid—-
Markii uu Khillaaf uu ka dhex oogmey Madexweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa bilwdey Shirara lagu kala shukaansanyo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada waxayna shirarkaas ku saabsan yihiin khilaafka u dhaxeeya...
If the ‘Mosque’ Isn’t Built, This Is No Longer America | By Michael Moore
I am opposed to the building of the “mosque” two blocks from Ground Zero.
I want it built on Ground Zero.
Why? Because I believe in an America that protects those who are the victims of hate and prejudice. I believe in an America that says you have the right to worship whatever God you have, wherever you want to worship. And I believe in an America that says to the world that we are a...
ONLF ma aha cilmaani
Acww dhamaan umadaha muslimiinta ah guud ahaan gaar ahaana umada Soomaaliyeed ee A/Bari. Sida la wada ogyahay Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa dagaal xornimo doon ah kula jirto gumeeysiga gaamuray ee itoobiya. Dagaalada lagu diidan yahay in loo hogaansamo damaca gumeeysiga ee aay umada Soomaaliyeed gashay guud ahaan gaar ahaana reer Ogaadeenya ayaa ah mid taxana ah oo aan marna...
Randers, Denmark, Kampala, Cape-Town, Nairobi, Toronto, Minneapolis iyo guud ahaan dunida oo Si heer sare ah looga Ciidey
Jimcadii oo taariikhuna ahayd 10-ka September 2010 waxaa si heer sare ah ciid fidriga loogu tukaday magaalada Randers ee Denmark.
Sifiican ayaana loogu wada ciiday magaalada, markii salaada ciidufidriga latukaday siday caadadu ahayd waxaa bilaabmay khudbadii markay dhamaatayna waxaa halkaa lagu wada cunay macmacaan iyo kaffe iyo shaah muslimiintii halkaa isugu timi jawigu aad buu uga duwanaa ciidihii...
Xarakada Alshabaab oo sheegatay Weerarkii garoonka iyo Warsaxafadeedyo AMISOM, IGAD, UN iyo DFKMG
Warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen AMISOM, IGAD iyo UNPOS
Warsaxafadeedka wadajirka ah oo ay soo saareen AMISOM, IGAD iyo UNPOS ayey ku sheegeen in markii weerarka alagu qaaday Garoonka Muqdishu ay Muqdisho ku sugnaayeen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Dr Augustine P. Mahiga, wakiilka guddiga Midowga Afrika u qaabisal Soomaaliya Ambassador Boubacar Diarra iyo Kipruto arap Kirwa oo...
CIID MUBAARAK: Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr
Bismillah:
Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ramadaan u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.
Waxaan idiinku hambalyaynaynaa cibaadada suuban, waxaan idiin rajaynaynaa nabad, barwaaqo iyo baraare. Allah cibaabada suuban dhammaanteen ha inaga aqbalo.
Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda...
Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 30aad
Waxaa mahad oo Dhan leh allaha nagu Galadeystay inaan Muslimiin Noqono ee noo soo Diray Rasuulkii ugu fadliga Badnaa Nabiyada oo dhan Nabi Muxamad (Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee), Nagana Dhigay Umad tan ugu Kheyr badan ee wanaaga is Farta Xumaantana Iska Reebta Alana Remeysa..
Intaas ka Dib: Waxaan qeybtan kusoo Gunaandayaa Maqaalkii aan ugu Magac Daray Sideen u fahamnaa Qur’aanka? Ee...
Wasiir ka tirsan Xukuumadda FKMG oo ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo
Nairobi: Cumar C/rashiid ayaa ka digay ficilka xildhibaanada qaar ay ugu ololeynayaan mooshin isaga ka dhan ah, waxana uu Nairobi Casho sharaf ugu sameeyey qaar kale oo xildhibaanno ah…
Wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka KMG Cabdirashid Maxamed Xiddig ayaa ku baaqay in Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo xukuumaddiisuba ay is-casisho, isagoo dhaliilay...
Ciiddu Waa Jimcada Sept 10, 2010: Sidaas waxaa laga iclaamiyey dunida Islaamka
Badanaa Dunida Islaamka ayaa iclaamiyey in Ciidul Fidriga sannadkan 1431 ay ku beegan tahay Maalinta Jimcada ee bisha September 10, 2010.
Dalalka shaaca ka qaaday in Jimcada ay tahay ciid waxaa ka mid ah Sacuudi Careebiya, Imaaraadka Carabta, Qadar iyo dalal badan oo Muslimiin ah.
Wakaaladaha wararka ee Dalalka Islaamu waxay sheegeen in markii qorraxdu dhacdaay Arbacadii in aan la arkin bilashada bishii...
Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?. Q: 29aad.
Suurada 112aad Al-Ikhlaas:
Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Ikhlaas:
Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid ah,...
Wararkii ugu dambeeyey khilaafka u dhexeeya Sheekh Shariif iyo Cumra C/rashiid
iyo Guddoomiyihii baarlamaanka SHariif Xasan oo taageeray mawqifka uu dastuurka ka istaagay Ra’isul Wasaaraha DFKMG….
Waxaa maalmahan warbaahinta gudaha iyo dibadda si aad ah u hadal hayeen khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar C/Rashiid, waxa uuna khilaafkaasi keenay in qaybo ka mid ah warbaahinta ay isku dhaafsadaan hadalo sii kicinaya...