Home » Qoraallada Halkudhegga "Eenow"

MASHRUUCA DEEGAAN-CIREED IYO DABAQ-GEEYIHIISA

Jan 17, 2012
Markasta oo lagu xeel-dheeraado fahamka aayadaha abuurka ah, waxaa si wacan loo helayaa ogaallada la xiriira aayadaha ooraaheed ee ku soo aroorey kitaabka quraanka ah. Taas ka soo hor-jeedkeeda waxaa ah, markasta oo caadifad la raaco oo laga fogaado jaan-tusyada abuurka iyo cimilada, waxaa lagu sikanayaa nolol ah fadhiid iyo fadhi ku-dirir. Waxaa laga fogaanayaa xeerarkii nolosha oo quraanku uu inoo... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVIII-aad

Jan 5, 2012
Dabkii ka shidmay Geeska Afrika (Dhacdadii Wal-waal) waxaa xigay colaad baaxad wayn ee ka aloosantay meelo kamid ah gobollada dunida. Middeedii ugu horeysey waxay ahayd dab-shid ka qarxay koonfur-galbeed qaaradda Yurub. Dalka Isbaaniya ayaa markaas waxaa ka hurey dagaal-sokeeye oo ay ku riiqmeen dadkii ku dhaqnaa halkaas. Colaaddaas oo socotay muddo saddex sano ku dhowaad ah, waxay bilaabatay bartamihii... 
Halkudheg:

SAM-SAM – BIYIHII BARAKEYSANAA

Dec 19, 2011
Sam-sam waa biyo kamid ah biyaha dhulka laga helo. Laakiin waxay kaga duwan yihiin biyaha kale, waa biyo barakeysan. Degaanka uu ku yaal balliga laga cabo biyahan, waa bartamaha magaalada xurmeysan ee Maka. Wuxuu kacbada u jiraa masaafo dhan 20 m. Waxaa balligaas ka soo burqanaya biyo nadiif ah, saafi ah, dahiran, leyskuna dahiro. Sida la hubo taariikhda cimriga balligu wuxuu ku mataanan yahay taariikhda... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVII-aad

Dec 9, 2011
Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay ku sugan tahay sidaas aanu ka soo sheekeynay, ayaa dunida waxaa ka qarxay dagaallo culus oo si teel-teel ah uga curtey gobollo kala duwan ee dacallada adduunka ku yaal. Waxaa ku hardamayay dowladihii xilligaas ugu itaalka roonaa dunida. Colaadda waxaa u saldhig ahaa, sida caadada khilaaf walba uu yahay masaalix dhaqaale oo leysku af-garan waayay. Dagaalladaas oo kuwo... 
Halkudheg:

HIBO LA HILMAANSAN-YAHAY

Dec 3, 2011
Eebaha boqorka ah wuxuu aadanaha ku galladeystey nicmado aanan tiro lagu koobi karin. Waxay isugu jiraan muuqato iyo ma-muuqato. Wax-kasta oo nolosha inoo hagaajinaya ayuu inoo unkey. Dabadeed wax kasta wuxuu inoo dhigey meeshii ay ugu habooneyd. In badan oo nicmadahaas kamid ah waa ay ka maqan yihiin garashada aadamiga oo maahan arimo aan ka daba-tegi karno. Intooda wax laga ogaadey, kuwooda ugu hilan... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVI-aad

Nov 27, 2011
Soddonkii sano ee ugu horeeyey qarnigii tegey, dhaawac xooggan ayaa ummadda Soomaaliyeed ka soo gaaray dagaalladii iska-caabinta gumeysiga. Dagaalladaasi waxay bulshada ku reebeen naafo iyo saboolnimo ay madaxa la qaadi-waayaan. Dhallinyarada badan ee kaga dhintey kasokow, dhaawaca guryaha buuxiyay iyo aafada saboolnimo ay nolosha ku reebtey ayaa duddooyin badani ay la jilba-dhigateen. Arintaasi waxay... 
Halkudheg:

BULSHADII KU-DEYASHADA MUDNEYD

Nov 21, 2011
Dhanka wanaaggsan in loo kala hinnaaso waxay kamid tahay saldhigyada ay nolosha ku socoto. Heer qofeed iyo heer qaran, wixii wanaagga kaaga dheereeya, dareenka caafimaad-qaba wuxuu keenayaa in laga hinnaaso, damiirka noolna wuxuu keenayaa in lala looltamo. Loolanka wanaagsan ee halkaas ka dhasha wuxuu kamid ah arimaha lagu gaaro hr u-marka labada nolol. Kitaabka Quraanka ah meelo dhowr ah ayaad ku... 
Halkudheg: , ,

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed Casharkii XV-aad

Nov 13, 2011
Prince Luigi Amedeo, 11 cisho ka hor intuusan Xamar ka dhoofin wuxuu furey dhismihii waynaa ee kaniisaddii Xamar. Waxay ahayd xilligaas kaniisadda ugu wayn ee qaaradda Afrika ka dhisneyd. Qaab-dhismaheedka kaniisaddan waxaa loo ekeysiiyay dhismo kaniisad ku taal magaalada la yiraahdo Cefalù oo 75 km. u jirta Palermu oo ah magaalo-madaxda jasiiradda Sicilian, taas oo la dhisey markey taariikhdu ahayd... 
Halkudheg:

REER SAALAX IYO RAASKOODII

Nov 6, 2011
Kitaabka quraanka ah ooraadiisu maahan mid la hadleysa meel maran. Bal waa ooraah leh yool ay kula hadleyso guud ahaan aadamiga si ay u gaarsiiso xaqiiqada ay noloshu ku dhisan tahay. Si gaar ah waxay ula hadleysaa intii sheegatay in ay rumeeyeen. Waa kitaab qofkii u dhega nuglaada, uu ka helayo lab faxan iyo nuur. Qofkii ka dhega adeygana wuxuu helayaa lab ciriiryoon iyo gudcur. Waa kitaab rumeyntiisa... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii:Casharkii XIV-aad

Oct 30, 2011
Khudbaddii uu Boqor Cismaan ka jeediyay Boosaaso, waxay soo af-jartey dagaalkii la magac-baxay Dagaalkii Shanta Sanadood ee Soomaaliya (Cinque Anni di Guerra in Somalai). Cesare Maria De Vecchi, oo ahaa xaakimkii Talyaaniga, islamarkaana hoggaaminayay dagaalka, buug uu ka qorey ayuu ku soo ururshey sheekooyinka ka harey dhacdooyinkii dagaalka. Wuxuu qoraalkiisii ku soo gabagabeeyey war-bixin uu kaga... 
Halkudheg:

QORAALLADII QUMRAAN

Oct 24, 2011
Qumraan waxaa lagu magacaabaa dhul-dhagaxeed ku yaal xeebta galbeed ee badda meydka ah (Dead Sea) bariga dalka Jordan. Dhulkaasi oo ah dhul qarar badan leh ayaa wuxuu 8 km. u jiraa degmada Ariixa (Jericho) ee dalka Falastiin kaga taal daanta galbeed ee webiga Jordan. Waxaa halkaas ku dhaqan qabaa’il lagu magacaabo Al-Tacaamir ee carabta badowda ah. Degaanku maahayn mid la yiqiin muddadii ka-horeysey... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed Casharkii XIII-aad

Oct 13, 2011
Dabayaaqadii 1926-kii, kadib markii xooggii gumeystaha uu ku fashilmey labadii qorshe-weerar ee hore, Talyaanigii wuxuu bilaabey qorshaha weerarkii saddexaad ee uu ku doonayay in uu kula wareego gobolka. Ciidamo tiro badan ayuu soo ceegaagey gobolka afartiisa jaho. Ciidankii ugu horeeyey oo dhamaa hal guuto, waxay ka soo dhaqaaqeen degmada Eyl markey taariikhdu ahayd 18/ 11- 1926-kii. Ciidankan oo... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed Casharkii XII-aadii

Sep 30, 2011
Sida aanu soo xusney guutooyinkii u adeegayay xooggii gumeystaha, waxaa lagu soo ururshey degmada Eyl. Dabadeed waxay guda-galeen howl-galladii weerarka ahaa oo ay kaga hor-tegayeen dagaalyahaniintii axraarta ahayd. Ciidamadii Talyaanigu watay iyaga oo laba af ah ayaa waxay u hayaameen dhanka waqooyi. Ciidan waxay qaadeen dhulka xeebta ku dhereran ee degmada Eyl kaga began waqooyiga, degaankana dhanka... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii |Casharkii XI-aad

Sep 21, 2011
Talyaanigii ciidamo badan ayuu ku soo dejiyay degmooyinkii uu u arkayay in ay ahmiyad istraateejiyadeed u leeyihiin weerarada uu ku doonayay in uu ku gumeeyo degaanka iyo dadkiisa. Degmooyinka uu markaas ciidamadiisa fariisiyey waxaa kamid ahaa Boosaaso iyo Xaafuun. Sheekooyinka odey ka-sheekeega ah ee ka waramaya dagaallada xilligaas dhacay waxaa kamid ah fal ka dhacay degmada Boosaaso. Koox dagaalyahanno... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii |Casharkii X-aad

Sep 11, 2011
Waxaa bilowdey fara isa-saarkii u dhexeeyay Soomaalidii ku dhaqneyd Majeertiinya iyo xoogaggii is-dhadnaa ee Talyaaniga uu ka soo dejiyay xeebihii gobolka. Colaaddaasi waxay si buuxda u amba-qaaday dabayaaqadii bishii oktoober 1925-kii. Talyaanigu wuxuu markaas itaalkiisii isugu geeyey weeraradii hore oo uu ku duqeynayay degmooyinka xeebaha ku yaal. Waxaa markaas bilowdey dagaalka ay Soomaalida u yaqaaniin... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii |Casharkii IX-aad

Sep 2, 2011
Go’aankii iska-caabinta ahaa oo ay gaareen qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa gobolka Majeertiinya, waxaa dhinac socdey qorshayaashii uu De Vecchi ku doonayay in uu ku weeraro gobolka. Waxaa xusid mudan in xilligaas uu ahaa isla xilligii xoogga Talyaaniga uu Mudug soo weerarayay. Sida aanu soo sheegney labadaas degaan waxay ahaayeen labada meelood oo markaas gacantiisa ka maqnaa. Talyaanigu... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii VIII-aad

Aug 21, 2011
Dilka maqaawiirtii Fallaago, inkasta oo ay ahayd dhacdo kooban, misana waxay reebtey utun taariikh dheer socotey. Waxay kala fogeysey cududda qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee isku duddada iyo isku-danta ahaa. Cududdaas oo raggii kacdoonka waday ay doonayeen in ay isla helaan iyada oo is-raacsan si ay  Talyaaniga isaga caabiyaan, waxay dhaawacantay dilkii dabadeed. Bal dhacdadu waxay kamid noqotey saldhigyada... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii VII-aad

Aug 9, 2011
Dareen xooggan ayaa ka dhashey falkii han-jebiska ahaa iyo su’aalihii xujada ahaa ee Soomaalida uga imanayay maamulkii Talyaaniga ee la wareegey talada degaanka Ceel-Buur. Waxay ahayd xilli uusan Talyaanigu si fiican u caga-dhigan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Dareenkii ka dhashay hanjabaaddiisa waxay keentey jawaab fal-celis ah, taas oo maamulkii Talyaaniga uga timid dhanka kooxdii Fallaago. Xabsigii... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii VI-aad

Jul 26, 2011
Nadaamkii Xamar ka dhismey ee Talyaaniga uu hoggaanka u hayay, muddo dheer kuma ayan qaadan in uu muquuniyo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Banaadir. Waxaa sidaas u sahlay awooddii dowladda Talyaaniga ee la daba-taagneyd taakulada iyo saadka joogtada ah. Isla-xilligaas uu culeyska ku hayay Banaadir, maamulkii gumeysiga wuxuu gacanta ku hayay qorshihii uu kula wareegi lahaa meelaha u haray oo... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii V-aad

Jul 19, 2011
Guddoomiyihii Talyaaniga ee fashiistiga ahaa (Cesare Maria De Vecchi), dib uma uusan dhigan in uu soo saaro xeerar uu ku adkeynayay maamulkiisa gumeysiga ah. Mid kamid ah xeerarkaas wuxuu ahaa qaanuun uu hubka kaga dhigayo qof kasta oo Soomaali ah. Waxay ahayd xilli laga soo baxay dagaalkii I-aad ee dunida. Ummadihii uu dagaalku qabsadey dhulkooda, geerida iyo bur-burka badan ka sokow, waxay ka dhaxleen... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii IV-aad

Jul 18, 2011
Wixii ka horeeyey dagaal-waynihii I-aad ee dunida (1914-1918), Ingiriiska iyo Talyaaniga heshiis ayay ku ahaayeen qeybsiga dhulka Soomaaliyeed. Laakiin markii uu dagaalkii dhamaadey, sida aanu arki doono, waxaa is-beddeley hoggaankii siyaasadda dalka Talyaaniga. Waxaa markaas bilaabatey, guud ahaan in si xooggan uu khilaaf u soo kala dhex-galo aragtidii siyaasadeed ee labada dal. Taasi waxay dhalisey... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii III-aad

Jul 1, 2011
Sayid-kiiba damac dowladnimo loona dacarreeye Waxdhan buu dagaallamay intuu diiday gaalada’e Dalkan aynu leenahay waqiis lama dullaaleene Dayr laguma oo-teen kuwii diirka ii xigaye Dubaakhooyinkii lagu dhuftiyo daqarki loogaystay Doc ka weerarkii iyo markii bahalku dooxaayay Soomaali baa ugu darnayd daalinkii cunaye Idinkaa duleedinahayee dirir itaalkiise Goortuu dan-gabay wowsagii sii... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 2-aad

Jun 23, 2011
Qaybtii Koowaad ka akhri Halkan…. Bilowgii qarnigii XX-aad, xilliga maamulkii Faransiiska uu ku howlanaa mashruuca dekadda Jabuuti iyo dhismaha waddada tariinka, aragtida Soomaali wayn waxaa ololkeeda ay ka hureysey gobollada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed ee Soomaaliya. Waxay caga-dhigatay labada gobo lee hadda lagu magacaabo Sool iyo Nugaal. Waxaa halkaas degey halgankii hanaqaadka noqdey... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii I-aad

Jun 23, 2011
Soomaali-wayn waa erey maqalkiisa uu ku yar-yahay dhegaha inbadan oo kamid ah faca Soomaaliyeed ee maanta nool. Waxaase wax badan ku hadaaqey ereygaan labadii fac ee ka horeeyey faca dhallinyarada ah ee nasiibkoodu noqdey in ay xilligan noolaadaan. Qaar kamid ah Soomaalida ayaa waxay u arkaan ereyga Soomaali-wayn in uu xambaarsan yahay aragti la xiriirta ahaanshaheena dadeed iyo lahaanshaheena daleed.... 
Halkudheg:

Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow – Qaybta: 3aad

Aug 4, 2010
Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhda Soomaaliya xilligii bilowgii Islaamku soo gaarey Soomaaliya iyo safaradii ay Soomaaaliya ku yimaadeen bad-mareenadii Carbeed iyo bad-mareenadii Muslimiinta ahaa. Waxa kale oo Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayaa jidkii ganacsiga ee loo aqoonjirey Wadadii Xariirta ahayd taas oo isku xiriirin jirey ganacsiga Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha, wadadaas oo mari... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...