Home » Archive Bisha January, 2015

War deg deg ah : Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Waqti Dheeri ah siiyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Jan 31, 2015
Cumar Cabdirashiid ayaa baarlamaanka sidaas ka dalbaday…. Baarlamaanka Dowlada Federaalka oo maanta kulan ka yaasheey sidii Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Xukuumda Cumar Cabdirashiid taasoo ka kooban laabatan Wasiir hase yeeshee markii uu uu furmey Kalfadhiga ayaa Raiisul Wasaaraha Xukumada Federaalka uu ka dalbadey Baarlamaanka in la siiyo Waqti dheeri ah si uu ku soo dhameystiro Xukuumadiisa. Waxa... 

SHAQO HAA TUUGSI MAYA !

Jan 29, 2015
Dagaaladii sokeeye ee soo maray Dalka iyo Dadkaba waxay bulshada Soomaliyeed Ilowsiyey wax walba oo Hormarkooda ku jirey iyo Kheyraadka Dalkooda hodanka ku yahay, Siday uga faaidaysan lahaayeen si ay uga baxaan Gaajada, Aqoondarida iyo Shaqa la`aanta ku Habsatey Ragg iyo Dumar waxayna wada haleeshay Miyi iyo Magaalo. Dalka Somaaliya waxa uu hodan ku yahay Nicmat Rabbi ku manaystay, Wadankani kheyradkiisa... 

RW. Cumar oo caawa ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 20 Wasiir

Jan 27, 2015
Muqdisho, 27, Jan, 2015. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada, kadib wadatashi uu la yeeshay madaxweynaha, gudoonka baarlamaanka, xildhiibanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, Golahaan Wasiirada ayaa waxay ka kooban yihiin 20 wasiir, iyadoo si dib laga soo magacaabayo Wasiiro Ku-xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha. Ra’iisul... 

Daawo Baraf iyo Dabaylo Xoogan ayaa ku dhufatay Gobolada Waqooyi Bari ee dalka Maraykanka Video

Jan 27, 2015
Gobolada Waqooyi Bari ee dalka Maraykanka ayaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay ka dib Baraf iyo Dabaylo Qabow wata uu ka dhuftay 9 Gobol oo ka tirsan Waqooyi Beri ee Ameerica. https://youtube.com/watch?v=eUC0NbkGMF4 Barafkani ayaa la sheegay in uu yahay mid taariikhi ah iyadoo Saxaafada Maraykanka si weyn u hadal heyso waxaana gebi ahaan la joojiyey isu socodka Gaadiidka iyo Duulimaadyada Sidoo kale... 

Minnesota: Wiil 13-jir ayaa Dhintay kaddib markii walaalkiis Xabbad kaga fakatay

Jan 27, 2015
Booliska magaalada Eagan (oo kaabiga ku haysa Minneapolis) ayaa sheegay in wiil 13-sano-jir ah uu dhintay kaddib markii xabad kaga fakatay walaalkiis oo 15-sano-jir ah. Wiilka dhintay waxaa magaciisu ahaa Suhayb Jamal Hassan. Arrintan ayaa dhacday Axadii la soo dhaafay (Jan 25, 2015) kaddib markii uu barqanimadii 11:07am uu booliska soo wacay wiilka 15-jirka ah oo ku wargeliyey. Suhayb Jamal Hassan.... 

Shiweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA oo Ka furmey Magaaladda Muqdisho.

Jan 27, 2015
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmey Shirweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA ,waxaana uu shirkaaasi ka dhacay Hotelka Makka Al Mukarama  ka soo socdey muddo Seddex maamlmood ah 26ka, 27ka, iyo 28 /01/2015. Shirweynahaasi oo labadii sano mar  la qabto, waxaa ka soo qayb galey xubnaha  Dalladda oo ka kooban 60 Dalladood , iyo ka badan 40 goob joogayaal oo shirka lagu casuumey, ujeedada shirka oo ahaa... 

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade

Jan 26, 2015
Muqdisho, Jannaayo 26, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Allaha u naxariiste Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxana Ra’iisul Wasaaruhu tacsi u diray qoyska uu ka tegay, xildhibaanada baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya, isagoo... 

Booqashadii Ordogan oo kala Xayirtey Lamaane is Aroosi lahaa !!

Jan 25, 2015
Iyadoo weli ay Xiran yihiin Isu socodka Gaadiid yo Dadkuba ka dib markii uu Booqasho ku yimid Madaxweynaha Wadanka Turkiga Rajab Dayid Ordogan ayaa waxaa la kulmey Nin dhalinyaro oo aad u Careysan waxaana weydiiyey Sababta uu u Careysan yahay waxaa uu ku jawaabey isagoo qaylinaya kuna sugan Suuqa Bakaaraha “ Waad ii jeedaa sida aan u labisanahay maanta waxaan ahaa Oroos hase yeeshee aniga iyo... 

Rajab Dayib Ordogan Waa Nin Cayn Kee ah?

Jan 25, 2015
Waxa Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan iyo Wafdi aad u balaaran , waxaana Booqashaada lagu tilmaamey midii ugu balaarneyd ee Muddo labaatan sanno Ruux Darajadaas leh uu ku yimaado Magaalada Muqdisho, waxayna Booqashadaan lagu micneeyey Mid Ordegon uu ku doonayo in in uu ku sii Dardargeliyo Gacan siinta Ummadda Soomaliyeed Rajab Dayib Ordogan haddii aan Dib u Milcsano... 

Isbitaalka Digfeer oo loo bixiyey Rajab Dayib Ordogan Hospital

Jan 25, 2015
Isbitaalka Digfeer oo la dhisey Sannadkii 1963 dii ayaa waxaa uu ku burburey Dagaaladi Sokeeyey , waxaana u sii wehlyey Duqnimo , waxaa Sannadkii 2011 Xiligaas oo uu yimid Raiisul Wasaarhii Turkiga Ordogan oo haatan ah Madaxweyne uu sheegey in uu dib u dhisayo Isbitaalka islamarkaana uu Casri ka dhigayo , waxaana Isbitaalkaas haatan loo bixiyey Ordogan Hospital Isbitaalka oo ay maalgelisey Hayada... 

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku tegey Muqdisho

Jan 25, 2015
War deg deg ah -Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayib Ordogan oo Goor dhow ka soo degey Garoonka Aadan Cadde. Ordogan oo Xariga ka jarey Qayb Cusub oo lagu Kordhiyey Garoonka Waxaa Goor Dhow Garoonka Muqdisho ka soo digey Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan oo hogaaminaya ilaa 120 Xubnod oo isugu jra Wasiiro , Xildhibaano, Ganacsato iyo Shirkado uwa oo doonaya in maalgashadan Dalka ... 

Dowladha Jabuuti iyo Turkiga oo kala saxiixdey Heshiisyo Cusub.

Jan 25, 2015
Iyadoo Maalmahaan uu Booqasho uu ku marayey Wadamo ka tirsan Geeska Afrika Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan ayaa inta uusan soo gaarin Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la yeeshey Madaxweynha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele , waxaana Booqashadaan lagu tilmaamey mid sii Xoojineyso Xiriirka labada Wadan Turkiga iyo Jabuuti Labada Wadan ayaa waxay kala saxiixdeen Heshiisyo hor leh oo... 

Turkiga : Macaan iyo Qaraar.

Jan 24, 2015
Bishii Agoosto ee Sannadkii 2011 waxaa Magaalada Muqdisho Soo gaarey Raiisul Wasaarihii Wadanka Turkiga Ragab Dayib Ordogan oo haatan ah Madaxaweynaha Dalkaas ka dib markii uu ka damqadey Abaar ba’an oo ku dhufatey dalka . Imaanshahiisii Soomaaliya Ordogan waxay albaabada u furtey in Madax badan iyo Ha’yado Caalamiga ay yimaadaan Soomaaliya kuwaa Gacan balaaran siiyey Dadkii Macaluusha haysey... 

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan .

Jan 23, 2015
Muqdisho, January 22, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee xubnaha golaha Wasiirrada, waxana kulanka looga hadlay Amniga dalka, soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo maalinta berri ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo R/wasaaruhu dar-daaran... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Jan 23, 2015
Muqdisho, Januari 22, 2015….Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ku qaaday maanta Hotel SYL, wuxuna tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay, isagoo alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo. “Waxaan canbaaraynayaa... 

Warsaxaafadeed hay’ada culimada Soomaaliyeed

Jan 22, 2015
بسم الله الرحمن الرحيم war saxaafadeed ku saabsan kualankii Raiisul wasaaraha iyo Hay’adda culumada soomaaliyeed قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : الدين النصيحة ، قلنا لمن يارسول الله ؟ قال : لله ولكتابه ولرسوله ولأئمة المسلمين وعامتهم . رواه مسلم . Hay’adda culumada... 

RW. Cumar ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed.

Jan 22, 2015
Muqdisho, January 21, 2015… Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Ha’yada Culimada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta in ay gacan ka gaysta sidii dalka looga saari lahaa marxalada uu ku jiro. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay culimada ayaa la isku... 

CUMAR CABDIRASHIIDOW XALAAL BARQAA LA QASHAA !!

Jan 21, 2015
Soomaalidu waxay tiraahdaa “GURBAAN MAXAA HABEENKII LOO TUMAA HADDII AYSAN LAQDABO KU JIRIN” , marka aan sidaa leeyahaay dadka Soomaaliyeed waxay la yaaban yihiin Labadii Gole Wasiir ee ay kala soo magacaabeen Cadbiweli Shiikh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka lagu dhawaaqey Waqti Ummada Soomaaliyeed ay Hurdaan oo cid soo jeeda aaney jirin marka waxaana ku tilmaami karaa Wax Cusub... 

Maraykanka oo Maanta oo kale laga xasuusto Hogaamiyihii Xaquuqda Madaniga ah Martin Luther King.

Jan 19, 2015
Martin Luther King Wuxuu ahaa hogaamihii isu taagay u dagaalanka xuquuqda dadka Madoow ee Maraykanka si aanan rabshad lahayd, isagoo taariikhda ku galay khudbadii caanka noqotey ee uu jeediyey ee magaceedu ahayd “Waxaan ku riyoodaa” Marting Luther King waxa uu dhashay 15 kii Janaayo 1929-dii, wuxuuna siyaasadda iyo kacdoonkii u dagaalanka xuquuqda madoowga galay isaga oo dhawr iyo labaatan jir... 

R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Jan 19, 2015
Muqdisho, January 19, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha... 

2009: Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay

Jan 17, 2015
somalitalk.com/2009/09/16/cumar-crashiid-oo-qarammada-midoobay-u-gudbiyey-waraaq-burinaysa-goaankii-baarlamaanka-kenyana-u-ogolaanaysa-badda-soomaaliya-ee-ay-cabiratay/  Read More →

Cumar Cabdirashiid oo kala diray Golahiisii Wasiirada

Jan 17, 2015
Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad ah ku ogolaadey Codsigii Raiisul Wasaaraha ee ahaa in la kala diro Golaha Wasiirada Cusub Inta uusan Baarlamaanka ka doodin Kalsooni siinta Xukuumada Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid aya waxaa Gudoonka Sare soo gaarey Warqad Qoraal ah oo uu soo direy Raiisul Wasaaraha oo uu Baarlamaanka uu ku wargelinyo in uu kal direy Golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo agacaabey... 

JE SUIS MUSLIM (Waxaan nahay Muslim) Hal-ku-dhigga Banaanbixii ay dhigeen Ardeyda Jaamacada Soomaaliya.

Jan 17, 2015
Marka la weeraro Dadka Madow, reer Galbeedka ama Dadka Dimoqraadiyadu Madax martey waxay yiraahdaan “Waa Midab Takoor” (Racism) Marka la weeraro Dadka Yuhuuda ah waxay dhahaan “Yuhuud Naceyb” (Anti-Semitism) marka arrimo Haween laga hadlo waxay yiraahdaan “kala Soocida Ragga iyo Dumarka” (Gender Discrimination), marka la weeraro Ragga isu taga ama isu Galmooda waxay la soo boodaan... 

Xukuumada Sharmaarke oo la sheegey in ay ku adkaan doonto in ay Codka Kalsoonida ka hesho Baarlamaanka maalinta Beri ah

Jan 16, 2015
Maalinta Sabtida waxaa la filayaa in ay kulan yeeshaa Xubnaha Baarlamaanka si Xukuumada uu dhawaan soo dhisey Raiisul wasaaraha Dowladda Federaala ee Cumar Cabdirashiid u siiyaan Codka Kalsoonida ama u didaan hase yeeshee Maalintii Kkamiista ahayd ayaa Raisul wasaaraha loo diidey in Waqti loogu daro Kalfadhiga baarlamaanka . Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Kulamo kala goon gooni ah oo looga arinsanayo... 

Wasiirkii hore ee Khayraadka Badda oo Geeriyoodey

Jan 16, 2015
R/Wasaare Cumar ayaa ka tacsiyeeynaya geeridii ku timid Wasiirkii Khalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Coloow Barroow. Muqdisho, Janaayo 16, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Coloow Barroow ku-simihii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...