Home » Archive Bisha February, 2013

Tacsi: Cabdullaahi Maxamuud Faarax (Cabdullaahi Nagnagle) oo ku geeriyoodey Jarmalka

Feb 28, 2013
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعونَ كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ثُمَّ إِلَيْنَا تُرْجَعُونَ‏ Inaa lilaahi wax inaa ileyhi Raajucuun. Waxaa xalay oo taariikhdu ahayd 27.02.2013 ku geeriyooday wadanka Jarmalka Cabdullaahi Maxamuud Faarax (Cabdullaahi Nagnagle)Ilaahay waxaan u weydiinayaa Marxuumka... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaare Shirdoon oo Dacaayad Raqiis ah ku Tilmaamey in uu Khilaaf kala Dhaxeeyo Madaxweyne Xasan

Feb 28, 2013
Waxaa Mudooyinkii Dambe la isla Dhex marayay Warar ku saabsan in Khilaaf uu xiligan u dhaxeeya labada Mas’uul ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirddoon. Mar uu la hadlayey qaybo ka mid ah Warbaahinta ayaa arrintaa Tafaasiil dheerad ah ka bixiyay isagoona sheegay in... 

Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Maxkamadii la Horkeeney Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan

Feb 28, 2013
Qaybaha ka Duwan ee Saxaafadda oo Maanta Filayey in ay Xoriyadooda heleen Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul balse ka Caroodey.. Waxaa Maanta Maxakamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir la Horkeeney Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan ka dib markii Maxakamadda Darajadda Koowaad ay Labadooda ku Xukuntey Min Hal Sanno oo Xarig ah hase yeeshee waxaa Racfaan ka qaatey... 

Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul oo mar kale Dacwdooda ka Bilaaban doonto Maxakamada Racfaanka

Feb 27, 2013
Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta oo soo Xushey Shan Xubnood oo ka Doodaya Xeerka Saxaafadda. Waxaa maanta Xarunta Soscensa ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Kulan ay isugu yimaadeen Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta waxaana Kulankaasi Shir Gudoominayey Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Suleymaan Shiikh Ismaaciil ( Barasatamol) waxaana Kulankaan looga arrinsanyey sidii Qaybaha... 

Ra’iisal Wasaaraha oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Feb 27, 2013
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay Safiiro cusub oo shan ah —Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed (Commanda Bolisiya) saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulankan waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane... 

Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga oo Tababar u u Furey 25 Diblomaasi.

Feb 27, 2013
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan: Machadka diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo kaashanaya macallimiin Soomaali oo mutadawiciin ah iyo diblomaasiyiin Wasaaradda ka tirsan ayaa maanta u furay 25 diblomaasi oo ka howlgala xarunta Wasaaradda tababar la xiriira Horumarinta xirfadaha hogaanka iyo xiriirka... 

SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii

Feb 26, 2013
FSNAU iyo FEWS NET waxay baahinayaan siideynta warbixin ay ku midoobeen oo ah “SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii”. Qormadani waxay gudbineysaa halka ay marayso xaaladda sugnaanta cuntada iyo nafaqada waqtigan (Bisha 7aad 2012) iyo sadaasha muddooyinkan (Bilaha 2aad-6aad 2013) iyadoo dib loo eegayo dhacdada loo badinayo. Waxay qormadu koobaysaa xogta guud... 
Halkudheg:

Qaramadda Midoobey oo sheegtey in uu Hoos u Dhac ku Yimid Tahriibayaashii Soomaalida ee Dalka Yaman soo Gali Jiray.

Feb 26, 2013
Warbixin ay diyaarisey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo UNHCR loogu yeero ayaa ka hadashay Tahriibayaashii Soomaalida oo ku soo shubmi jiray Dalka Yaman.War Bixinta ay Hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in Sanadkii la soo dhaafay ee 2012kii ay ahayd sanadkii ugu yeeraa ee Soomaalida ka soo talowda Soomaaliya ee soo gala Dalka... 

Shir lagu casumay Guddiyada Qaban qaabada Maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka oo lagu qabanayo Muqdisho

Feb 25, 2013
Ra’iisul wasaaraha Dawlada Federaalka ayaa casuumaad u diray gudiyadda qaban qaabada maamul u samaynta gobolada Jubooyinka si ay uga qayb galaan shir wada tashi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 26ka Feebaraayo ilaa 1da Maarso, 2013. Warqadda Casumaadda Halkan ka akhri…. GUJI  Read More →

Isu soo bixii ugu waynaa oo ka dhaca Garoowe abid, Looguna magac daray Maalintii Carada

Feb 24, 2013
Bannaan bax lagu muujinayey sida shacabka Soomaaliyeed uga caraysan yihiin dilkii loo geystey Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka dhacay Garoowe Waxaa furay daadihinayeyna shirka Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed oo ku bilaabay hadalkiisa Mahadnaq uu usoo jeediyey Allaah kadibna geesiyaasha reer Garoowe ee ku guuleystay in iyagoo faramaran ay soo qabtaan dhagarqabihii dilay sheekha ee hubeysnaa. Sh. Wuxuu... 

Mareykanka Ma Ukun Baa, Turkigana Ma Xadiid baa!! “Maxaa loo yiri Ku meel Gaar Waan ka Baxney”

Feb 24, 2013
“War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii baan ka baxney,Beerka Caaro Idiin Goysey “Qayladaan waxay ka soo yeertey Nin Odey ah oo aan si wanaagsan isku naqaan da’diisana aan ku qiyaasey 70 Sanno” markaas baan ku irir” Adeer maanta war waa weyn baa kaa baxaya ee Sidee wax u jiraan ” Inta ii soo dhawaadey oo uu soo jiitey Kursi ayuu yiri” Adeer aad baan kuugu baahnaa”... 

Kulan looga Arrrinsanayey in Maamul Loo sameeyo Gobolka Shabeladda Dhexe oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Feb 24, 2013
G/Sare Maxamed Axmed Di Gaab “ Gobolka Shabellada Dhexe waa Gobol isku filan ee wuxuu u Baahan yahay in Dowlada u Dhisto Maamul ay Dadka Soo Doortaan” Iyadoo Dowladda Federaalka ay sheegety in ay Maamulo dadka ay soo Doorteen ay ka dhisayaan Gobolada dalka Ayaa Hotelka Raaso ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay ka qayb galeen Qaybaha kala Duwan ee Bulshada ka soo jeeda Gobolaka Shabelada Dhexe... 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Midowga Yurub

Feb 24, 2013
Muqdisho, 24, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka xafiiskiisa kulan balaaran kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michal Caravan, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark Boucher, iyo wakiil ka socda Safaarada Faransiiska ee Kenya. . Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Ra’iisul... 

Ra’iisul wasaaraha dawlada Federaalka oo baaq ka soo saaray Dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo

Feb 24, 2013
WAR SAXAAFADEED Moqdisho, 23, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta soo saaray baaq ku aadan dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo. “Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen... 

Faahfaahin ku Saabsan Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga uu ku yimid Magaalada Muqdisho.

Feb 24, 2013
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho Barqanimadii ayaa maanta ayaa ka soo degay Wafddi Ballaaran oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaer ku Xigeenka Dalka Turkiga Bekir Bozdag. Wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa waxaa Magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay Ra;iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka arrimaha Dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji... 

Dilkii Sheekh C/Qadir Gacamey AUN Maxaa Looga Dan Lahaa?

Feb 23, 2013
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig) Warku maqalkiisu wuu murugo iyo mashaqo waynaa. Wuuna Indo xumo iyo calool xumo badnaa. Qof walba oo Muslim ah naxdin iyo uur ku taalo ayuu ku reebay. Waligay ma sawiran sifo la mid ah. Una malayn maayo qalbi qof Muslima in uu ku soo dhici karo abid. Kuwii soo maleegay musiibo ayaa ku dhacday. Waana hubaal halaagooda in la arkayo. Alle waxaan ka baryaynaa adduunyada... 

Jamaacada Al-Ictizaam oo Baaqii 3-aad ka soo saartay Dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax

Feb 23, 2013
Jamaacada Al-Ictizaam Bilkitaab wasunnah oo soo saartay baaqii saddexaad oo ku saabsan dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax, baaqaas oo u qornaa sidan: BAAQII 3aad Al-Shabaab aynu Meel Uga soo wada Jeedsanno Halkan ka akhri baaqa oo saxiixan Ugu horayn waxaan u mahadcelinaynaa illaahii inoo fududeeyey qayb ka mid ah wax ka qabadka dilkii Sh. Cabdulqaadir, Nuur Faarax, oo Kooxda Al-shabaab ku dishay Masaajidka... 

Waxaan Badbaadiyey Naf !!

Feb 22, 2013
( I SAVED A LIFE ) Laba Qubo ah oo ka mid ah Qubooyinka u Nool Badda Gunteeda ayaa waxay Saaxiib ku noqdeen sidii ay isaga Ilaalin lahaayeen Caddawgooda Koowaad ee Bani’aadam, waxay is Tusiyeen in ay kaga Badbaadi karaan Badda Gunteeda , waxaana maalin waliba Dhex marta Sheekooyin ku aadan Caddowgaas , mid baa mid kale ku yiri”Saaxiib Cadowga Bani’aamka ee aan leeynahay waxay ku Dagaalamaan... 

Gabay: Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur –WT Maxamuud Axmed Cabdalla(shiine)

Feb 22, 2013
Dhammaan ummadda Soomaaliyeed waa salaamaynaa. Gabaygan waxa Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine) kaga qisoonayaa dilkii bahalnimada ahaa ee loo geystey Alwaalid-Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, oo Garoowe Masjidka Beder lagu dhex dilay. Gabaygan waxa abwaanku ku xusayaa Sheekha dabeecadihiisii, khayrbadnidiisii, isla markaana waa ugu ducaynayaa. Akhris wanaagsan, codkiina naga suga dhowaan  Read More →

SYAO oo Magaalada Beled Weyne ku soo GabagabeyseyTartan Ciyaareed ay ugu Magacdartey Isdhexgelka Bulshada

Feb 22, 2013
Tartan isboorti oo ay ka qeyb galayeen 8 kooxood Mudo Todobaad ahna ka soconayay Garoonka Kubada Cagta lama Galaay ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa lasoo gaba gabeeyay Munaasabad lagu abaal marinayay kooxihii kaalmaha galay oo lagu qabtay Garoonka Lama Galaay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Dowlada, iyo Kuwa Amisom ee ka socda... 

Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya oo Kormeer shaqo ku tagay Gobolka Sh/Hoose, Una Kuurgalay Xaaladda…

Feb 22, 2013
Wafdi uu Hogaaminayey Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya Mustaf Bashiir Xaaji Goob-Doon ayaa Kormeer iyo howlo shaqo ku tagay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose si ay u soo qiimeeyaan Xaaladda Nololeed ee dadka Gobolka Sh/hoose iyo qaabka ay u howlgalaan Hay’adaha Swess-ka ee ka shaqeeya Magaalada Marka oo howlo Banni’aadannimo u haya dadka Degmadaasi.  Read More →

Xasan Shiikh, Saacid iyo Jawaari soo Fiiriya Xabsiga Dhexe.

Feb 21, 2013
“Ma Ogidiin Miyaa in Shiikh Shariif laga adkaadey” ( Ha la yaabin waa Xaaladaha ka jira Xabsiyada ) Koox Wariyayaal ah oo Dhawaan Booqatey Xabsiga Dhex si ay u soo ogaadaan Nolosha Maxaabista halkaa ku jirta waxayna si gaar ah u Daneynayeen Xaalada Wariye Cabdicasiis Koronto oo dhawaan Maxakamada Racfaanka Ku Xukuntey Lix Bilood oo Xariga ah markii uu wareystey Haweeney Sheegatey in la Kufsadey... 

Konton Kun oo Doolar oo Halis Wadata !!

Feb 21, 2013
(Warbxin Xiiso leh) “Rasaasta aan Maqleyney Alla Waa Wariye Hebel ee Deriskeennaa ahaa waxa la diley , markiiba Laba Nin oo ka dhawaa halkii lagu diley Wariyaha ayaa meel Luuq ah ku eryadey Raggii Diley Wariyaha waxayna labadii nin markii ay soo galeen Luuqa ayey yara Hakadeen ka dib markii ay dareemeen Muqdi yar maadaama uu markaa Dayaxana uu sii dhacayey, Salaadii Cishana laga soo baxay , inta... 
Halkudheg:

Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan oo la hor keenay Maxakamada Racfaanka

Feb 21, 2013
Dood Kulul oo Dhexmartey Qareenada u Doodaya Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul iyo Xeer Ilaaliyha Guud ee Qaranka  Waxaa maanta Maxakamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ka furantey Dacwadii Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) iyo Haweeneydii la Kufsadey ama lagu Xadgudbey Luul Cali Cismaan ka dib markii Maxkamadii Derajada Koowaad ee Gobolka Banaadir ay labadooda ku Xukuntey Min hal... 
Halkudheg:

Maxaa keeney weerarkii lagu qaadey Masjidka Xaram 1979?

Feb 20, 2013
Assalaamu Alaykum. Maanta iyo qoraalkeena waa qiso dhab ah oo dhacday Xaramka mudo iminka laga jooga 34 sano! Qof kasta oo Muslim ah waa fahansanyahay qeymaha iyo qadarinta ay naga mudanthay magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukarramah. Makka qof lagu dila iskadaaye, geedaheeda lama ogala in lagooya. Xitaa qofkii niyada xumaan uqaada magaaladaas Allah wuxuu ku abaalmarin doona Cadaabka Aakhira. Meesha... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...