Home » Warar
Mahiiga: “Odayaasha La isugu Keenay Muqdisho Waxay kala dirayaan Baarlamaanka Hadda ee Soomaaliya, waxayna soo xulanayaan baarlamaan cusub”
iyo Sheikh Shariif oo Qarammada Midoobey ka codsaday in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta Hubka iyo Mahiiga Kulanka ka soo daahay, markaasna Sheikh Shariif dantu ku khasabtay in uu khudbadiisa jeediyo inta la sugayo Mahiiga….
iyo Sheikh Shariif oo la weydiiyey in dawladiisu ogolaansho siisay Yurub in ay burcadda ku weeraraan gudaha berriga Soomaaliya, waxaana uu ku jawaabey “faahfaahin...
Wafula Wamiyiyi “Waxaa Rabnaa in Ciidamada Amisom Waajibdkooda Gutaan islamarkaana joojiyaan Tacadiyada u Geystaan Shacabka”
Ku Xigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafuula Wamiyiya ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya iminka ka jirta.Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegey in Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya in ay suurta geliyeen in gacanta dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo celiyaan Degaana ay hore uga talin jireen Ciidamada xarakada Shabaab.
Wafuula ayaa intaa raaciyay in ciidamadu iminka...
Bakhti-yaa nasiib been abuur ah: IOM waa beenisey (Scam Lottery)
IOM, Hay’ada Caalamiga ah ee socdaalka Adduunka –
“IOM waxay ogaatay been abuurasho ay sameeyeen ama ay hal abuurkeeda leeyihiin shaqsiyaad iska dhigaya in ay yihiin dad ka mid ah shaqaalaha Hay’ada IOM.
Shaqsiyaadkan ayaa lasoo xidhiidha ama lasoo xidhiidhey dad ka mid ah mujtamaca ku nool dhulalka Soomaalida iyagoo dadka u sheegaya in ay ku guuleysteen Bakhtiyaanasib si ay lacag uga...
Midawga Yurub oo diidan in Dawlada KMG ah ay waqtiga kororsato
Midawga Yurub waxaa uu ugu baaqay madaxda dawladda Soomaaliya inay qaadaan tilaabo kastan oo sahli karta inuu isbadal dhaco marka la gaaro 20 bisha August ee sanadkaan.
Sida ay daabacday wakaaladda wararka KUNA ee dalka Kuwait War saxaafadeed ka soo baxay Golaha ururka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha dibbadda ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub uusan u dulqaadanayn in dawladda KMG ee Soomaaliya ay...
Guddoomihii Hore ee Baarlamaanka DFKMG oo Dhaariyey Wasiirka Cusub ee Beeraha…
iyo Sheikh Shariif oo u dhoofay New York, xilka ku-simaha madaxweynaha DFKMG ku soo dhaafay Shariif Xasan….
Guddoomiyihii xilka laga qaadaya ayaa maanta Muqdisho ku dhaariyey wasiirka cusub ee Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha DFKMG, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.
Dhanka kale madaxweynaha DFKMG ayaa u ambaxabaxay xarunta Qaramada Midoobey ee Neyw York si uu uga qayb galo shir ay UN-ku...
Prof. Gaas oo Odayaasha Dhaqanka ” ka codsaday iney soo dedejiyaan xuliska Ergada” ansixneysa Dastuurka….
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha KMG uu “Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ka codsaday iney soo dedejiyaan xuliska Ergada si waqtiga loo dhowro islamarkaana uu sheegay Odayaasha Dhaqanka in Ergada aad soo xuli doontaan waxa uu saameynayaa mustaqbalka dalka…” Hoos ka akhri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo...
Minnesota: Bannaanbax looga soo horjeedo xiritaanka Xawaaladaha oo ka dhacay Minneapolis
Dadweyne farabadan ayaa Jimcadii isugu soo baxay barxadda farasmagaalada Minneapolis. Bannaanbaxaas oo looga soo horjeeday qorshaha ay bangiyada Maraykanku ku diideen lacagta ay Soomaalida Minnsota u xawilaan eheladooda.
Dadkii halkaas isugu soo baxay ayaa sidey tabeelayaan ay ku qoran yihiin in ay bangiga lacagtooda kala bixi doonaan oo akoonadooda ka xiran doonaan haddii aan bangigaasi aqbalin xawilaadda...
Puntland oo ka soo horjeesatey Dastuurka Qabyada ah ee DFKMG
– Maamulka Puntland oo ku baaqay in aan la ansixin dastuurka qabyada ah oo ay sheegeen in uusan ku haboonayn Soomaaliya, awooduna aysan si siman ugu qaybsanayn Dawladda dhexe iyo goboladda, yahayna dastuur ku xad gubbaya federaalnimada..
– iyo Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Itoobiya….
Qoraal May 11, 2012 ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul...
Xukuumadda KMG oo heshiis Is-afgarad MOU ah la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM.
DFKMG ayaa heshiis is-afgarad MOU waxay la saxiixatay Qaramada Midoobey.
Heshiiskaas is-afgarad ama MOU nuquladiisii la kala saxiixday lama faafin, waxaase warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG lagu sheegay in qodobada la kala saxiixaday ay kamid yihiin kuwo la xiriira xuquuqul insaanka.
Xukuumadda oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM.
Ref: XRW/OM/PR 0175/05/12
Muqdisho,...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Mas’uuliyiin ka kala socota Koonfur Afrika iyo Mozambique.
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:
Muqdisho, May,10, 2012—– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socda Koonfur Afrika iyo Mozambique.
Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la qaatay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Mr. Jeffrey Radebe, Safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi Mr, Didumusi...
Maxamed Xasan Xaad “ waxaan uga Digaya Oodayaasha la sheegey in ay Ansaxinayaan Dastuurka in aysan iska Horkeenin Bulshada Soomaaliyeed”
Guddoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Shirka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iminka uga soconaya Magaalada Muqdisho. Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha ayaa sheegey in haatan aan loo baahnaynba Dastuur Dalka loo sameeyo isagoona sheegey in uu jiray dastuur weligiis lagu dhaqmi jiray kaasoo ah kii Lixdankii.
Xaad...
Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed oo si Kulul u Weeraray Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Shiikh Axmed Dhicisow ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya xiligan ay ku hawlan tahay sidii dalka ay uga hir gelin lahayd Dastuur Shacabka Soomaaliyeed u si weyn uga soo hor jeedo. Guddoomiayaha ayaa sheegey in dastuurkaasi gebi ahaantiisaba u yahay mid ka fog shareecada iyo dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana ay dabada ka riixayaan Dad dano gaar ah ka leh.
Sheikh...
Prof. Gaas oo Muqdisho kula kulamy Saraakiil UN-ka, Mareykanka, UK, AMISOM & Midowga Yurub
Kulan ay ka soo qayb galeen Qaramada Midoobey, TFG-da, Ahlusunna, Galmudug, Puntland, IGAD, AMISOM, Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub ayaa waxaa ka qayb galay ra’iisul wasaaraha DFKMG sida ku cad warsaxaafadeedk ahoose oo ka soo baxay DFKMG…
Warsaxaafadeed:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay kulan Amniga looga hadlayay oo maalintii labaad uga soconayay Xalane iyo kulamo...
Dowlada Jaban oo Kuwareejisay Gawaari iyo Qalab Kala Duwan Ciidanaka Booliska Soomaaliyeed
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in Japan ay Ciidanka Booliska ugu deeqday 16 Land Garuuser, 2 Ambalaas 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo jaakadaha laga xirto xabadda iyo koofiyadaha aan xabadu karin.
Warsaxaafadeedkaas hoos ka akhri
War Saxaafadeed:
Isaniin May, 07, 2012 Dowlada Jaban ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaalyeed...
Hayadaha WAMY iyo HARO oo Deeq isugu jirta Raashin iyo Dhar Gaarsiiyey Dad Barakacayaal ah
Hayadaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) iyo World Assembly Muslim Youth (WAMY) oo Deeq Gargaraar oo ay iska kaashadeen waxay gaarsiiyeen dad Barakacayaal ah oo ku jirey Kaam lagu magacaabo Tawakal oo ku yaal Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa Deeqdaan la gaarsiiyey 450 Qoys oo la sheegey in ay ahayeen dad aad ugu baahnaa deeqdaas.
Halkan ka daawo Sawirada
Deeqdaan oo isugu jirey...
Tirada Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku jirta Xabsiyada Libya oo kor u kacday
(Tripoli):- Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Libya Md.Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa shalay(5/5/2012) 10 Muhaajiriin Soomaali ah,ka soo daayay Xabsi KMG ah oo ku yaalla Degmada ‘Nasma’ oo 200 km.xagga koonfurta kaga aaddan Tripoli.
Muhaajiriintan oo kala ahaa 5 rag ah iyo 5 dumar ah, ayaa muddo lagu hayay degmadaas, ka-gadaal markii ay rag kuwa wax tahriibiya ah ku soo daadiyeen,...
Turkiga Oo Ardayda Soomaaliyeed Ee Sudan Qaarkood U Dhisay Hooy Ay Ku Noolaadaan. Daawo Sawirada
Dowladda Turkiga oo hoygan deeganka ardayeed ah ugu talagashay 100 Arday Soomaaliyeed ah ayaa waxay ka dhistay meel u dhow Jaamacada Caalamiga ah Afrika ee ku taala Dalka Sudaan gaar ahaan Magaalada khartuum oo Arday Soomaali ah gaareyso 2000 arday ay dhigtaan.
Halkan ka daawo sawirada… RIIX HALKAN
Hoygan oo ay Dowlada Turkiga ugu talagashay Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha kabarata dalka...
Ciidamada Itoobiyaanka oo Toogasho ku Dilay Nin Ganacsade ahaa ka Gadaal Markii Gaadiid ay Wateen Qarax lala Eegtay.
Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha Magaalada Beled Weeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Arbacadii qarax Nooca Miinada ee Sheeda laga hoggaamiyo ah lagula Eegtay xaafadda Hawl Wadaag ee Magaalada Beled Weeyne. Kolonya Gaadiidka Ciidamada Itoobiyaanku ay wateen ayaa Qaraxaas lala eegtay taasoo sida dad arkayay ay ku soo warameen uu Khasaare soo gaaray Ciidamadii la socday Gaariga uu qaraxu haleelay.
Khasaaraha...
Liiska Odoyaasha ka qayb gelaya Shirka Muqdisho ee lagu ansixinayo Dastuurka Jajuubka ah
Odayaashii Matalijirey Beelaha Soomaaliyeed oo qaarkood iska waayeen Liiska 135-ka Xubnood ee “Odoyaasha Dhaqanka” ee ka qayb gelaya Dastuurka Jajuubka ah ee lagu qulaaminayo Soomaalida–
Waxaa maalintii labaad galay shirka aan Soomaalidu u dhamayn ee la doonayo in lagu jajuubo dastuur aan nuqulkiisa ugu dambeeya ilaa hadda loo soo bandhigin shacabka Soomaaliyeed.
Markii la arkay...
Shiikh Maxamed Cabdi Umal” Qofkii is leh Dastuur baa la Dejiyey oo Dowlad baa la Dhisayaa uu yahay Qof Qarwaya”
“Qaramada Midoobey Goormey Noqotey Mid ka Shaqeysa Danta Ummada Soomaaliyeed”
Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo u waramayey qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa si weyn uga Hadley Dastuurka Muranka dhaliyey ee la filayo dhawaan la ansaxiyo , wuxuuna sheegey Shiikh Umal in Dastuurka Cusub ee Soomaaliyeed uu yahay mid ay Qoreen Qaramada Midoobey oo iyagu yihiin kuwii dejiyey...
Ra’iisul Wasaare-xigeen, ahaana Wasiirka Beeraha DFKMG oo iscasilay
Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim “Anigaa Qaatey in aan Is casilo si Danta Qaranka Halkeeda uga sii Socoto”
Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Ra`iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirkii Beeraha ayaa 30 kii Bishii tagtay ee April u gudbiyey iscasilaad Madaxda sare ee DKMG iyadoo ay jahwareer ka heysatay Madaxweynaha iyo Ra`iisul wasaaraha sharciyada ay uga qaadeen xilka Wasiirkii Beeraha iyo...
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka oo si Weyn uga soo Hor Jeestay Shirka Maanta Muqdisha uga Furmay Ergada Ansixinta Dastuurka.
Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmey Shirweynihii Oodoyaasha Dhaqanka ee Ansaxinta Dastuurka qabyo qoraaleedka ayaa haddana waxaa arrintaa qayla dhaan fara badan ka keeney .Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Bakool wuxuuna si aad ah uga hadlay kulankii maanta furmey Magaalada Muqdisho gaar ahaana Dugsigii Sare ee Boliiska.
Xildhibaanka ayaa sheegey in Odoyasha...
Warbixin: Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Saameyntii Xilliga Jiilaalka
Hay’adda Falaqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) waxay hadda soo saartay warbixin Saddex biloodle ah oo ku saabsan Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Saameyntii Xilliga Jiilaalka. Warbixintan goobani waxay i noo iftiiminaysaa xaaladda Cimilada, Colaadda Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suugyada iyo Nafaqada iyo waliba Falaqeynta Baahsan Sugnaanta Cunnada ee Magaalooyinka iyo reer miyiga.
Tiro...
Kulan looga hadlayey Xaalada Soomaaliya islamarkaana uu soo Qabanqaabyey Suldaanka Guud Beesha Tunni oo ka dhacay Muqdisho
Kulan aad u balaaran oo si weyn loo soo agaasimeya ayna ka soo qaybgaleen Culima’udiin Odey dhaqameedyo, Siyaasiyiin , Xildhibaano , Waxgarad, Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween oo lagu qabtay hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaana looga hadlayay Kulankaas xoojinta nabadda iyo sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd nabad. Islamarkaana Beesha Tunni Door Muhiim ah uga yeelan lahayd Siyaasada Soomaaliya...
War-saxaafadeed Shirkii Golaha Wasiirada May 03 2012
Shirka Golaha Wasiirada
Muqdisho, Khamiis, May 3, 2012——-Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga dhagaystay warbixino Gudiyo loo xilsaaray shirka ay isgu imaanayaan hogaamiyayaasha dhaqanka kaas oo lagu wado inuu si...




