Home » Warar

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu casuumay Xafladda Boqortooyada UK iyo Shirka hordhaca G8

Jun 14, 2013
oo martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron si uu uga qeybgalo xafladda loo sameynayo Boqortooyada Ingiriiska ee 15ka Juun oo ku beegan maalintii ay dhalatay iyo shirka hordhaca ee G8 ee Sabtiga 15ka Juun 2013.  Read More →

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo Lagu Wareejinayo shirkad laga leeyahay Turkiga

Jun 13, 2013
War-saxaafadeed: Golaha Wasiirada Ayaa Maanta Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Duulista Cirka Iyo Saadaasha Hawada … Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxayna ka doodeen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeed ay soo gudbiysay Wasaaradda Warfaafinta,... 

Ra’iisul Wasaare Shirdoon: Baarlamaanka ha la Weydiiyo in Dastuurka Qaranka lagu daro Xeerka Badda Soomaaliyeed ee Law No. 37

Jun 12, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo uu waraysi layeeshay Telefishanka SomaliChannel ayaa xoojiyey go’aankii Golahiisa Wasiiradu ay June 6, 2013 kasoo saareen arrimaha Badda Soomaaliya. Sheegayna in xukuumaddiisu u taagan tahay danta dadka Soomaaliyeed.  Read More →

Suldaan Deeqow: Kenya Waxay Jubbaland u Gashay in muran la geliyo Kismaayo, si markaas loo ilaawo NFD

Jun 12, 2013
Guddoomihii Xornima Doonkii dhulka Soomaaliyeed ee NFD (Northern Frontier District), Suldan Deqow Suldan Macalin Sanbul, oo isagoo ku sugan magaalada Soomaaliyeed ee Gaarisa waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA ayaa sheegay in sababihii ay Kenya u gashay Jubbaland ay yihiin Khayraadka badda ee ku jira iyo Kenya oo ku fikiraysay in Kismaayo muran gasho oo markaas la ilaawo NFD. Waxana uu... 

Dowladda Soomaaliya oo sagootisay UNPOS iyo Ambassador Mahiga

Jun 11, 2013
Shir jaraa’id oo ay wada qabteen ayuu madaxweynahu yiri “Maanta Saaxiib ayaan sagootineynaa. Saaxiib nala joogey waqtiyo adag iyo kuwo kaleba. Saaxiib aan ka daalin caawinaada Soomaaliya oo suurtogeliyey in Soomaaliya ay afar sano isbedel muuqda ka sameysey amniga iyo siyaaasadda.  Read More →

C/Shakuur Mire Adan “Waxaan ku Baaqayaa in Xilka laga qaado Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Maadaama ay Ogolaatey in Muran la Geliyo Badda Soomaaliya”

Jun 10, 2013
“Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyeed shalay waxay iska saxiixday dhulkii Soomaaliyeed, cid la xisaabtantay oo wax kaqabatay ma jirto, waxay la saxiixday Kenya in uu muran ka taagan yahay dhul-(badeedka) Soomaaliyeed, waa dembi la galay, waa khiyaamo qaran” (Dhagayso) cabdishakuur Mire Aadan C/Shakuur Mire Adan Wasiir ku xigeenka Dekedadaha Puntland C/Shakuur Mire Adan oo Telefoonka... 
Halkudheg:

Dawladda Sucuudiga oo Soomaaliya ugu deeqday 72 milyan oo doolar oo lagu fulinayo Mashaariic uu hirgelinayo Ururka Iskaashiga Islaamka

Jun 9, 2013
R.Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey kaalmada Ururka Islaamka codsina u diray caalamka inay dib-u-dhiska Soomaaliya ka qayb qaataan Muqdisho, 09, June, 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayey mashaariic ay dowladda Sucuudigu ugu deeqday Soomaaliya oo uu hirgalinayo... 

Dowladda Somaaliya oo 22 sano kadib, dib uga mid noqotay Heshiiska caalamiga ee waddamada Afrika Carribean and Pacific (ACP) iyo Midowga Yurub(EU) loona yaqaan COTONOU AGREEMENT

Jun 9, 2013
Shirweynihii 38aad ee golaha wasiirada waddamada Africa, Carribean and Pacific iyo Midowga Yurub (EU-ACP) ayaa lagu qabtay 6-7 June 2013, magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana looga hadlay codsi ay dowladda Federaalka Somaaliya ay hore u gudbisay, oo ahaa in dib loogu oggolaado ka mid noqoshada saxiixayaasha heshiiska Cotonou agreement oo ah heshiis wadajir ah oo u dhaxeeya wadamada saboolka... 

Madaxweynaha Somalia oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagalka Kismayo

Jun 9, 2013
Shir Jar’aaid oo ay wada qabteen Madaxweynaha Somalia iyo Ergeyga cusub ee QM ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo. “Aad iyo aad baan uga xumahay inaan maqlo dagaalo ka soo cusboonaaday Kismaayo. Waa arrin khaldan in Soomaalida dhexdooda ay is dagaalaan, oo dagaalku ma keeno xal ama hami siyaasadeed. “Waqtigii dagaalada waa uu dhammaaday. Waa inaan midownaa... 

Kulan looga Hadlaya Nabadda iyo Isdhexgalka Bulshada oo lagu soo Gabagabeeyey Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe

Jun 9, 2013
Ururka u Dooda Xuquuqda Dhalinyarada ayaa ku qabtay Magaalada Jowhar kulan ballaaran oo looga hadlayay is dhex galka Bulshada, qaabka Dhalinyarada uga qeyb qaadan karaan Nabada, iyadoo kulankan lagu Abaalmariyay Kooxihii ka qeyb galay Tartan Isboorti oo Todobaadkan ka socday Magaalada. Waxaa kasoo qeyb galay inta badan qeybaha Bulshada iyadoo ay joogeen Mas’uuliyiinta Gobolka oo uu ka mid ahaa... 

Muqdisho: Qarax lala beegsaday Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo khasaare geystey

Jun 8, 2013
Qaraxan oo lala beegsaday gawaari kolonyo ah oo waftiga guddoomiye kuxeenka maamulka gobolka banaadir , waxaana la sheegay in qaraxan ay ku dhinteen askar la socotey waftiga..  Read More →

Beer lagu Xanaaneeyo Digaaga oo Markii ugu Horeysey laga Hirgeliyey Muqdisho (Al-Naciim Poultry Farm)

Jun 7, 2013
Anagoo ka kooban Koox Wariyayaal ah ayaa waxaa u Dhaqaaqney si aan u soo eegno islamarkaana uga Diyaarino War Xarun lagu Xanaaneeyo Digaaga oo lagu Magacaabo (Al-Naciim Poultry Farm) oo ku Taal Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho  Read More →

Shacabka Jubbadda Hoose oo soo Dhaweeyay Go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Badda Soomaaliya.

Jun 7, 2013
Xildhibaanadii oo Dowladda uga Digey in Dib loo soo Celiyo Heshiiskii Badda – Iyadoo maalinimadii shalay Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu qeexay Mowqifka Somaliya ee Heshiiskii Is Afgarad iyo inuusan jirin wax wada hadal ah oo dhinaca Badda ah ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliya ayaa arrintaa waxaa si diiran looga soo dhaweeyay Gobolada Jubbooyinka.  Read More →

Madaxweynaha Somalia oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo

Jun 7, 2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa aad iyo aad uga xumaaday dagaallo saakay ka dhacay magaalada Kismaayo, kuna baaqay in si deg deg ah loo joojiyo collaadaha iyo dagaalada Soomaalida dhexdeeda ah.  Read More →

Hay’ada USAID oo Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal iyo Bulshada Deegaanka Ku wareejisay Dhismayaal Cusub iyo Qalab Xafiisyo

Jun 7, 2013
Hay’ada dawlada maraykanka u qaabilsan kaalmada dibadda ee USAID ayaa maantay Dhismayaal iyo xafiisyo qalabaysan ku wareejisay maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal iyo Bulshaada Deegaanka kuwaasi oo ay maal gelisay hay’ada USAID isla markaana ay fulisay hay’ada DAI.  Read More →

SomaliTalk.com oo Taageertay Go’aankii Golaha Wasiirada ee Sharciga Badda Soomaaliyeed, Barlamaankana ka codsatay in ay Dastuurka ku daraan Law no. 37

Jun 7, 2013
Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.  Read More →

Prof. Jawaari: “Asaga (Madaxweynaha) Weydii” – in Badda Soomaaliya cabbirkeedu yahay 200 miles ama in…

Jun 6, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la weydiiyey fikirkiisa ku aadan cabbirka badda Soomaaliya ayaan si toos ah uga jawaabin.. Waraysi Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu la yeeshay weriye Cabdikariin Cali Kaar ee Telefishanka Somali Channel ayaa wax ka weydiiyey safarkiisii Norway iyo fikrika guddoomiyaha ee ku aadan cabbirka badda Soomaaliya. (VIDEO hoos ka daawo.)  Read More →
Halkudheg:

Hay’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) oo Dhar Noocyo kala Duwan u Qaybisey Dad Danyar ah

Jun 6, 2013
Hay’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) ayaa Macaawino Dhar Nooco kala duwan ah ka qeybiyay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho waxaana la siiyey dad ku dhaw Kun Qof oo Dad tabaalaysan ah ,waxaana Deeqda Dadkaaa Tabaalaysan gaarsiiyay Xubno ka tirsan Hayadda HARO  Read More →

SomaliTalk.com miyaa Buun-Buunisay Badda Soomaaliya, mase Fowsiya Xaaji ayaan ku Baraarugsanayn waxa ku Qoran Heshiiska ay la Saxiixday Kenya

Jun 5, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka jawaabtey qoraal ku soo baxay SomaliTalk.com, laakiin ka aamustay qoraal kaas la mid ah oo kusoo baxay Daily Nation Siyaasiyiinta marka ay doonayaan in ay khaldaan rayiga dadweynaha waxay adeegsadaan hadallo ay u dhigayaan sida dadku jecelaan lahaayeen in ay ka maqlaan madaxdooda, laakiin marka la dhuuxo ah “xuub caaro isku qarin” oo aan u daadegeyn... 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ugu baaqday dowladda South Africa badbaadinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed

Jun 4, 2013
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ambassador Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda South Afrika inay ka shaqeyso badbaadada nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed .  Read More →

Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo si Rasmi ah ula Wareegey Xafiiska Howgalka Cusub ee UNSOM

Jun 4, 2013
Wakiilka Cusub ee qaramada Midoobay Wakiilka uga noqonaya Soomaaliya Nichloas Kay ayaa manta soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoona isla manta shaqadiisa ka bilaabay Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.Ambashador Kay oo isla markii uu soo degey waxaa uu ka qayb galay Munaasibad lagu soo dhaweynayay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Khudbad ka jeediyay Munaasibaddii soo dhaweyntiisa.  Read More →

Fawsiya Yuuuf oo Nairobi ku Saxiixday Heshiiskii Xadaynta Badda ee MoU, ma mari doontaa Wadadii uu maray C/raxmaan C/shakuur

Jun 3, 2013
Heshiiskii Is-fahamka ee baarlamaankii hore diidey ayaa markale waxaa Nairobi ku saxiixday Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, haddaba Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya tallaabo intee leeg ayuu ka qaadi doonaa mar haddii xukuumaddu ku xad gudubtey xeer baarlamaan….  Read More →
Halkudheg:

Xafiiskii UNPOS ee Soomaaliya ee Mahiga oo 3-da June isku Bedeleya Howgalka UNSOM ee Nicholas Kay

Jun 2, 2013
Iyadoo 2 Bisha June ay ku egtahay Hawshii uu qaban jiray Xafiiskii Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah oo bishu tahay 3-da Juun 2013 Xafiiskaas Xafiiskii bedeli lahaa laga furayo Soomaaliya. Xafiiskan Cusub ee UNSOM oo hawshii uu Xafiiskaasi hayay bedelayay ayaa Doorkiisa waxaa loo qaybiiyay illaa Afar Qaybood oo waa weyn.  Read More →

“Ciidamada Kenya Soomaaliya uma Imaan In qabsadaan ee waxay u yimaadeen in ay Nabad ku soo Dabaalaan”

Jun 2, 2013
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo iminka booqasho ku jooga Magaalada Yokohama ee dalka Jabaan ayaa waxaa uu halkaa kulan kula qaatay Madaxweyne ku Xigeenka Kiinya William Ruto Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Xiriirka labada Dal iyo Mugdiga waayahan dambe soo kala dhex galay gaar ahaana Arrimaha Gobolada Jubbooyinka oo Ciidamada Kiinyaanka ee halkaa ku sugan lagu... 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda “waxa aanu ka codsaneynaa baarlamaanka inuu ansixiyo Sharciga Shaqada arrimaha dibadda”.

Jun 1, 2013
Dr. Jamaal Maxamed Barrow ayaa maanta ka hor akhriyay Xubnaha golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sharciga shaqada Arrimaha dibadda ( Foreign Service Low) , kaasoo Wasaaraddu ay diyaarisay , kuna dooneyso dib u yagleelidda hab raac diblomaasiyadeed oo xilliyeynaya xilalka diblomaasiyadda iyo habka shaqo iyo shaqaale ee Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya ee dibadda .  Read More →