SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Shacabka Jubbadda Hoose oo soo Dhaweeyay Go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Badda Soomaaliya.

Xildhibaanadii oo Dowladda uga Digey in Dib loo soo Celiyo Heshiiskii Badda

Iyadoo maalinimadii shalay Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu qeexay Mowqifka Somaliya ee Heshiiskii Is Afgarad iyo inuusan jirin wax wada hadal ah oo dhinaca Badda ah ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliya ayaa arrintaa waxaa si diiran looga soo dhaweeyay Gobolada Jubbooyinka.

Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay soo Dhaweynayaan go’aankii Golaha Wasiiradu ka qaateen arrimaha Badda Soomaaliyeed gaar ahaana Xeebaha hoos yimaada Gobolka Jubada Hoose oo la doonayay in gor gortan la geliyo.

Shacabkan ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Go’aanka Golaha Wasiiradu ay ku laaleen heshiiskii ay hore u gashay Xukuumaddii ku meel gaarka ahayd oo sida la sheegay Xukuumadda Kenya in ay qayb ku yeelato Biyaha Koofureed ee Soomaaliya arrintaasna Heshiis iyo Gor gortan laga galo.


Kismaayo - isha sawirka: http://en.wikipedia.org/wiki/File:Kismayo.jpg

Warar maalmo dhaweyd soo baxayay ayaa sheegayay in Dowladda Xasan Shiikh ay waddo xiligaan sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Heshiiskii Is Afgarad ka gadaal markii ay kulamo qaateen labada Wasiir arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba Shacabka Reer Jubbaland ayaa dareenkooda ku cabiray sida ay uga xun yihiin in Biyaha Koofureed ee Soomaaliya oo Gobolkaa dhaca in qayb laga siiyo Dawladda Kenya sidoo kale Inta Badan Dadka Soomaliyeed ayaa si weyn uga Horyimid in Muran la geliyo Badda Soomaaliya .

Barlamaankii ku meel gaarka Soomaaliya ayaa arrintaas Ciribta ku dhuftay iyadoo Gebi ahaanba Heshiiskaas la laalay, waxaana maalmaha soo socda la filyaa in Xilidhibaanada Hore ay Kulan ka yeeshaan Heshiiska Badda ee dib loo soo Nooleeyey , iyadoo maanta lagu wadey in Kulankaas uu qabsoomo balse baaqadey , mar aan la kulmey mid ka mid guddiga Qabanqaabada Kulankaas oo Dowladda uga digey in ay soo Celiyaan Heshiiskaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.u
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Baarlamaanku Dastuurka Qaranka haku qoreen Law no. 37

Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran. (akhri....)

Tallaada dhiman waa in Xeer Dastuuri ah oo Baarlamaa ee soo baxay June 6, 2013, si xukuumad iyo dawlad kasta oo Soomaaliyeed ee mustaqbalka timaada ay halkaas uga ambaqaado, dhaxalkaasi u jiro - si aan muran dambe la gelin badda Soomaaliyeed.

Arrintaas in ay ku dhaqaaqaan ayaan ku dhiiri gelinaynaa baarlamaanka Soomaaliyeed.

Hab-raaca arrintaas loo marayo wuxuu noqon karaa:

1.In baarlamaanku soo saaro xeer ku qoran Dastuurka Qaranka (sida dalka Peru oo si aan baddiisa oo ah 200 mayl-badeed oo (Maritime Domain) aan muran loo gelin, xeerkiisa badda ku qoray Dastuurkiisa) - xeerkaas dastuuriga Soomaaliyeed oo noqonaya mid qeexaya sida ku soo baxday Go'aanka Golaha Wasiirada ee ahaa (Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed....)

2. In markaas "Xeerkaas Dastuuriga ah" baarlamaanku u gudbiyaan madaxweynaha si uu u saxiixo, kuna soo saaro FAAFINTA RASMIGA ah ee dawladda.

3. Kaddib in Golaha fulinta (Ra'iisul Wasaaraha iyo Golahiisa Wasiiradu) ay go'aankaas oo rasmi ah, oo TIXRAAC DAWLADEED leh, u gudbiyaan Safaaradda Soomaaliya ee New York.

4. In markaas Safaaradda Soomaalidu ay Qaramada Midoobey la socodsiiso xeerka Law no.37 oo ahaa sharci soo jirey Afartan sano, horena ugu jirey websiteka Qaramada Midoobey, haddana uu ka mid noqoday qodobadda Dastuurka Qaran, kana dalbadaan sidaas (Update ahaan) lagu soo saaro website Golaha Qaramada Midoobay, si uu noqo dhaxal gal tixraac rasmi ah.

Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in ay arrintaas ku taageeraan Dawladda Soomaaliyeed, kuna dhiiri geliyaan si ay uga mira dhaliyaan. Gaar ahaan dhiiri geliyaan baarlamaanka Soomaaliyeed in uu arrintan hirgeliyo. Guul insha Allah.

Faafin: SomaliTalk.com |  June 7, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....


 

 

 

somalia map