SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

C/Shakuur Mire Adan “Waxaan ku Baaqayaa in Xilka laga qaado Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Maadaama ay Ogolaatey in Muran la Geliyo Badda Soomaaliya”

  • Xigasho: Radio Dalsan oo wararka ka baahiya Muqdisho

"Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyeed shalay waxay iska saxiixday dhulkii Soomaaliyeed, cid la xisaabtantay oo wax kaqabatay ma jirto, waxay la saxiixday Kenya in uu muran ka taagan yahay dhul-(badeedka) Soomaaliyeed, waa dembi la galay, waa khiyaamo qaran" (Dhagayso)

cabdishakuur Mire Aadan
C/Shakuur Mire Adan

Wasiir ku xigeenka Dekedadaha Puntland C/Shakuur Mire Adan oo Telefoonka kula hadlay Radio Dalsan ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee DFS oo uu ku eedeeyey Iney ogolaatay in muran uu ka jiro Dhulka Xadka Badda ah ee Soomaaliya iyo Kenya taasoo micnaheedu uu ku sheegay iney gashay khiyaano Qaran sidaas daradeedna xilka laga qaado.

Halkan ka dhagayso C/shakuur Mire Aadan

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Dawladda Soomaaliya taladeeda ay isku koobeen Mas’uuliyiinti Jaamacada SIMAD iyo Hay’ada Munadamtul Ifriiqiyal Caalamiyah , waxuuna sheegay in taas ay tahay mid aan tusineynin Puntland astaan Dawladnimo

“Waad arkeysaa MadaxweynihIi waxuu Magacaabay 18 la Taliye iyo safiir kuligood waa Simad Afriiqyiah Caalmiyah , Puntland waxey qoonsan tahay in awoodii federaalka ee wax qeybsiga lagu takri falayo”

Waxuu sheegay C/Shakuur iyo Wasiirka Maaliyada uusan Puntland matali Karin oo uusan xitaa xalin Karin kala taga Puntland iyo dawladda sidaas daraadeed aysan sax aheyn markii horeba qof nuucaas ah in wasiir laga dhigo.

Dhinaca kale waxuu beeniyey in shalay Calanki Soomaaliya lagu gubay Puntland laakin waxuu qiray in sawirka madaxweynaha la gubay taasna ay aheyd dareenka dadka oo aan la dhacsaneyn siyaasada dawladda.

Wasiirka ku xigeenka ayaa Gabagabadi sheegay in Dawladda ay fikirkeedu uu ka shaqeeyo kaliya meelo yar oo Muqidisho mid ah oo aysan xitaa gobolada dalka fikir ahaan aan laga taabacsaneyn sida Hiiraan Baydhaba iyo kismaayo.


Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda

Hadalkisa waxuu imaanayaa xili Dawladda Soomaaliya shalay looga Banaanbaxay Garowe ayna sii kala fogaanayaan labada dhinac ee Puntland iyo Soomaaliya,sidoo kale Dhawaan waxaan Magaalada Nairobi Heshiis Dhinaca Badda ku gaarey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxaana heshiiskaas Dhinaca Soomaaliya u saxiixey Wasiirka Arimaha Dibada ahna Raiisul Wasaare Kuxigeen Dowladda Federaalka Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan balse Fowsiya waa ay beenisey in ay Heshiis Dhinaca Badda la gashey Kenya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com |  June 11, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda



Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



SomaliTalk.com miyaa Buun-Buunisay Badda Soomaaliya, mase Fowsiya Xaaji ayaan ku Baraarugsanayn waxa ku Qoran Heshiiska ay la Saxiixday Kenya


somalia map