Home » Warar
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo sheegey in ay ka war Hayaan Bixitaanka Ciidamada Kenya ee Gobolada Jubbooyinka
iyo Qaraxyo iyo Madaafiic Xalay laga Maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
—
iyo Bixitaanka Ciidamada Kenya ee Gobolada Jubbooyinka
—
Cabdiweli Shiikh Maxamed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wa bixiyay Siyasadda xukuumaddiisu ay ku hawl galayso.Ra’isul wasaaraha oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda VOAd laanteeda afka Soomaaliga ayaa waraysigiisa dhinacyo...
Dr.Abdirahman Dualeh Beileh oo xilka Wasaaradda Arrimaha.Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga kala wareegay Fawzia Yusuf Xaji Aadan.
Mogadishu, February 02,2014- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr.Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xilka Wasaaradaasi kala wareegay Wasiirkii hore H.E. Fawzia Yusuf H. Adam kadib munaasabad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo ku taala Caasimadda Muqdisho.
Munaasabadan...
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo Baaq Furan u diray Madaxweynaha Soomaaliya
Muuqaalka ka soo baxaya shirka Turkiya ayaa ka dhigaya sidii labba dowladood oo siman oo wada hadalya, halka ay gooni goosatadaan saldhig uga dhigayaan kala goynta dalka in 60-kii labba Jamhuuriyadood oo kala madaxbanaan ay Soomaalidu ahayeen dabadeena sameysteen Jamhuuriyadda Soomaaliya….
Baaq furan oo ku socda madaxda Qaranka Soomaaliyeed
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka tacsiyeeyey geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi C/risaaq Xaaji Xuseen: “ Guddi aas qaran qabanqaabiya ayaan u xilsaarnay”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Isagoo ku hadlaya Magaciisa, Kan xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh...
Macalinkaygii Siyaasada Hon. Abdirisaaq Xaaji Xuseen illaahay ha u naxariisto
أنالله وانا اليه راجعون
Ilaahay wuxuu ceshto isagaa Iska leh, wuxuu bixiyana isagaa Iska leh, wax kastana agtiisa waxay ku leeyihiin waqti go’an, sabra oo ajar xisaabsada.
Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaan illaahay uga baryayaa inuu u danbi dhaafo una naxariisto, Waxaan uga...
Geeri Naxdin Leh: Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo ku Geeriyoodey Minneapolis, USA
Allah ha u naxariistee waxaa maanta Janaayo 31, 2014 magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku geeriyoodey ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo ahaa geesi ka geeriyoodey Soomaalida oo dhan, halyey adduunka magac wanaagsan kaga tegey.
Waxaana bahda SomaliTalk geeridaas uga tacsiyadaynayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisii, marxuumkana waxaan...
Shirweynihii Golaha Guud ee Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho.
Waxaa Hotelka Ramada ee Magaalada Muqdisho maanta oo Taariikhdu tahay 31 January lagu qabtey Shirweynihii Golaha Guud ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association (SMA) , waxaana ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Dhaqaatiirta Soomaaliyeed , Ururada Bulshada iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka
Ugu Horeyn waxaa halkaa ka Hadley Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Ururka Dhaqaatiirta...
Xukuumadda Soomaaliya oo baaq u dirtay Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta kulanku uga socdo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hormuudka u ah wadahadallada iyo wada tashyada ka socda magaalada Baydhabo arrimaha soo socda:
1- In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda;
2- Sidii horey laysku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa,...
Dalladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan looga hadlayey Doorka Bulshada Rayidka ugu Aadan Heshiiskii (New Deal)
Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaaladda Muqdisho 28-29 kii lagu soo Gabgabeeyey Kulan looga doodayey Doorkaa Bulshada Rayidka kaga aadan Heshiiskii New –Deal ee Soomaaliya looga yaboohay Dhaqaale gaaraya Malaayiin Doolar , waxaana Kulankaan ka qayb galey Qaybaha kala duwan e Bulshada , waxaana soo qaban qaabiyey Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA
Kulankaan...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo kulan la qaatay beeralayda : “ Wax-soosaarka beeruhu waxa ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta mustaqbalka Soomaaliya”
29 January 2014
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay beeralayda Soomaaliyeed si uu ugala hadlo caqabadaha haysta iyo kaalinta ay Dowladda Federaalku ku saacidi karto beeralayda sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen wax-soosaarka dalka, waxana Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay kulanka in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto...
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Ku Dhawaaqay Golahiisa Wasiiradda
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta (Janaayo 28, 2014) waxa uu soosaaray liiska golahiisa wasiirada oo isugu jira wasiiro, wasiir xigeenno iyo wasiiro dawle oo tiradoodu tahay 47. Akhri magacyadooda…
Read More →
Degmadda Wanle weyn oo lagu Qabtey Munaasabad lagu Caleemo Saarayey Ugaas Cusub
Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimey islamarkaana lagu Caleemo saarayey Ugaaska Beesha Erdho ee Shanta Caleemood ayna soo qaban-qaabiyeen Aqoonyahanada, Culimaudiinka Waxgaradka,Odayaasha Dhaqanka ee beesha Erdho iyo Dadweyne aad u fara badan ayaa ka dhacdey Degmada Wanle Weyn ee Gobolka Shabeeladda Hoose
Ugaas Maxamed Cusmaan Axmed oo ka soo jeeda Beesha Erdho ayaa loo calaamo saarey...
Jubba Land: Aagga xirmada ee kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya (Buffer Zone) – VIDEO
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday warbaahinta Kenya oo sheegtay in Jubba land yahay aagga buffer zone ee kala qaybiya soomaaliya iyo kenya, daawo video arrintaas ka hadlaya..
Read More →
Ciidamada Itoobiya ee Shaarka loo Bedel Maxaa ka Imaan Doona ?
Raiisul Wasaarahii Hore ee Itoobiya Melles Zanawi waxaa u diidanaa in Ciidamadiisa ay ka mid Noqdaan Ciidamada Amisom ee Soomaaliya isagoo markasta oo loo soo bandhigo Arrimaha ku saabsan ku Biiritaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ay u ahayd Go’aan aad u Qaraar waayo waxaa uu Melless kaga hortagayey in ay Burbur uu ku yimaado Ciidamadiisa , sababta uu arrintaa u diiday ay ahayd in Ciidamada...
Hoos u Dhacii ugu weynaa ku yimid Xiligaan wax soo saarkii Dhinaca Kalluunka.
Suuqyada Kalluunka lagu Iibiyo ee Magaaladan Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa Sara kac ku yimid Qiimihii la kala siisan jiray kalluunka.Ibraahim Cabdullaahi Aweys oo ka mid ah Ragga ka shaqeeya soo jillaabashada Kalluunka ayaa sheegay in sababaha keenay hoos u dhaca wax soo saarkii dhinaca kalluunka in ay tahay Dabaylaha xooggan ee xiligan ka dhacaya Dhul Xeebeedka.
“Doonyaha aan wadano ee Matoorka...
Xarakada Shabaab oo ka hadashay ku Biiritaankii Ciidamada Itoobiya ee Amisom iyo Wasiirada Cusub.
Iyadoo dhawaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya ay shaaciyeen in ay ku biireen hawl galka lagaga soo hor jeedo Xarakada Shabaab ee Amisom ayaa arrintaa waxaa markii u horeeyay ka hadlay Dagaalyahanada xarakada Shabaab.
Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere Afhayeenka guud ee Xarakada Shabaab oo waraysi siiyay idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ee Al Andulus ayaa arrimahaa...
Suudaan: Ardaygii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Master Degree ka diyaariyay Burcad Badeeda.
Jaamacadda Caalamiga ee Afrika eeku taala Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan oo ah Jaamacadda ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa Maanta mid kad mid ah Ardayda Soomaaliyeed ku diyaariyay Masterkiisa Howlaha Burcad Badeeda.
Muuse Axmed Ciise oo ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaasi, ayaa waxa uu ka diyaariya Buugiisa Masterka Howsha Burcadbadeeda, isagoona Cinwaan uga dhigay (HOWLAHA...
Ururka Somali Women Journalism oo Xusey Maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ee 21ka January
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lagu Maamusayay 21ka January oo ah maalinta loo asteeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Hotelka MUQDISHO INN Magaalada Muqdisho,Munaasibaddan oo ay soo abaabuleen Ururka Suxufiyiinta Howeenka Soomaaliyeed Somali Women Journalism (SWJ) ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada...
Maxaa Sabab u ah Hoos u Dhaca ku yimid Falalkii Burcad Baddeednimo ee Xeebaha Soomaaliya Sannadkii tagey 2013.
Intaan u Guda gelin hoos u dhaca ku yimid Falalka Kooxaha Burcabdeed ku soo Qafaalanayeen Maraakiibta Shisheeye ,bal aan xoogaa aan ka Taab Taabano Dhibaatooyinka ay abuureen Kooxaha Burcad Badeeda waxaaan Xaqiiqo ah in Saameyn ku yeesheen Nolosha Ummadda Soomaaliyeed iyo Dhaqankooda, waxaana Burcad Badeeddu ay is hor taageen Maraakiibta Ganacsi ee imaanayay Soomaaliya taasoo sababtay Sicir Barar xoog...
Haweenka Soomaaliyeed oo Si weyn uga soo Horjeestey Qaabkii loo Magacaabey Golaha Wasiiradda
Kulan aad u Balaaran waxaa uu Maanta uu ka dhacay Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC),waxaana Kulankaas isugu yimid qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo uga hadlay qaabkii loo dhisey Xukuumada Cusub iyo sida Haweeka Soomaaliyeed Aysan Uga Helin Xukuumadaas Qaybtii ay ku lahaayeen.
“Golahii Wasiirada ee Dowladii hore ee Saacid oo ka koobnayd 10 Wasiir waxaan ka helney Laba...
In ka badan Boqol Xildhibaan oo ku Goodiyay inaysan Ansixin Doonin Wasiirada Cusub.
Iyadoo la filayo in fadhiga barlamaanka in la horkeeno Qorshaha Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa arrintaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ahXildhibaanada Barlamaanka federaalka Soomaaliya.Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ahayd Tiro Xildhibaana ah oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay sababihii xildhibanadaas ay kulanka isugu yimaadeen iyo...
Shirkii Istanbuul ee Dalka Turkiga oo Maalintiisii Sedaxaad galay welina kala Fogaansho ay ka Muuqanayso.
Wada hadaladii Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka SomaliLand ayaa weli waxa uu ka soconayaa magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga kaasoo maalintiisii Sedaxaad galay.Wasiirka amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Warbaahinta Caalamka Waraysi siiyay ayaa sheegay in illaa iyo iminka laga hadlay laba Qodob oo kan hore uu yahay sii socoshada wadad hadalada labada dhinac.
Guuleed...
Golaha Wasiirada: “Xeradayadu waa wada Ulo Ul la Qaatana ma laha”?
Waxaa ka mid ahaa dadkii ku Dhafrey ku Dhawaaqista Golaha Wasiiradda , waana mid ka mid ah Dhacdooyinka Cusub ee ku soo biirey Taariikhda Siyaasadda Soomaaliya waayo Weligeed ma dhicin in waqti Ummada Soomaaliyeed Hurdaan lagu Dhawaaqo Golahii Wasiirada oo muddo Dheer la sugayey
Nin odey ah oo ka mid ahaa Dadkii Habeenkaa u soo jeedey in uu Dhageysto Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa waagu markuu...
Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada Cusub
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed ayaa ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub oo ka kooban 25Wasiir, 5 wasiir dawlo iyo 25 wasiir xigeen, magacyadoodana waa:
Wasiiradda
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
Wasiirka Arrimaha...
Garyaqaankii Guud ee Dowladdii hore oo ku Geeriyoodey Dalka Sacuudi Caraabiya.
Waxaa Dalka Sacuudiga Taariikhdu markey ahayd 15/1/2014 ku Geeriyoodey Allaha u NaxariisteeMarxuum Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ahaa Garyaqaankii Guud Qaranka ee Dowladii Hore ee Kacaanka ka dib markii uu in Muddo ah ku Xanuunsanaa dalkaas
Dr.Cabadiraxmaan Maxamed Cumar sidoo kale Dowladaas ka soo noqdey Agaasihiimihii Guud Wasaaradda Garsoorka , waxaana wax ka weydiiney Ing Sidow Xasan Mahadi...




