Home » Warar
Kenya iyo Soomaaliya Waxaa Dhici karta in Dagaal ku Dhexmaro Dhul-badeedka (muranka la geliyey)
Warbixin ay qortay Jariidadda Standard ee ka soo baxda Nairobi (Axad November 9, 2014) ayaa si bareer ah waxay u qeexday in Kenya ay awooddo in dhul-badeedka ay ku haysato Soomaaliya ee ay hore muranka u gelisey ay ku qaadan karto awood dagaal, dhulbadeedkaas oo baaxad ahaan ka badan 100,000 kiilomiter oo laba-jibbaaran.
Waxaa qoraalka Jariidaddu muujiyey in dacwadda ay Soomaaliya u gudbisey Maxkaamadda...
Guddoonka Baarlamaanka Oo Xildhibaannada La Qaatay Kulammo Wadatashi Ah Oo Ku Aadan Xasilinta Siyaasadda Dalka
Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga
soo bilaabo xalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 07-November,maanta ilaa
caawa fiidkii waxa uu kulammo wadatashi ah oo la xiriiray xasilinta
siyaasadda dalka si kala gaar gaar ah ula qaatay Xildhibaannada
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Inkastoo kulammadii xalay ay bilow iyo gogol xaar u ahaayeen kulammadii
ballaarnaa ee iyagu...
Hay’ada HARO oo Deeq Raashin ah Gaarsiisey Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa deeq raashin ah gaarsiisay dadka ku nool Deegaanada Alango, Kurtun, Hareeri Hoosle, Carra Cas, Shabeel Duulaa iyo Gubadhiyaa oo dhaamtood ka tirsan Gobolka Gedo
Dadka la gaarsiiyey Deeqadaan intooda badan ahaayeen dad xoola dhaqato ah, balse ay si ba’ani abaari ugu dhufatay ka dibna wax badan oo ka mid ahaa Xoolihii ay ku noolaayeen...
Wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan tacsi ah u sameeyay Marxuum Maxamed Cabdi Juusto.
Mogadishu, November 05, 2014- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kaga qeybgalay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kulan tacsi iyo duco loo sameeyay Allah u naxariistee marxuum Maxamed Cabdi Maxamed Dhollawaa “ Juusto” oo ka mid ahaa howlwadeenada Wasaaradda oo koox hubeysan ay ku dileen Xaafadda Buulo xuubey ee degmada...
Shirkada Albayrak oo Dowlada ku warejisay dhaqaalo badan oo Dakada ay ka soo xareysay
Warsaxaafadeed ka soo Baxay maamulka Shirkada turkiga ee bil ka hor la wareegatay maamulida dakada magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay wax soo saarkii mudamada bisha ah ee ay heysay arimaha amaanka dhaqaalaha ka soo xarooday
Shirkadu waxay sheegay in ay dowada ku wareejisay qidmadii ay saamiga u lehyd oo ay cadadeeda ku sheegtay in ay tahay 1,582,000 (1.5 million dollars)
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa...
Wafdi ka socda hay’addaha QM oo booqday degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Saraakiil ka tirsan hay’addaha QM qaarkood ayaa maanta gaaray degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, wafdiga oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ayaa waxaa degmada Garbahaarey kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo oo guddoomiyaha gobolka Maxamed Cabdi Kaliil uu horkacayo.
Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil oo ugu horeyn hadalka qaatay, ayaa xusay...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 4-11-2014
. Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ka Hadley Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha
Tan iyo markii uu soo shaac baxay Khilaafka ka dhax aloosan Madaxweynaha soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa waxaa isa soo tarayay Talooyinka iyo Aaraada laga soo saarayo Khilaafkaas iyo waxa uu keeni karo. Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad...
Taliyahii Ciidanka Booliska oo lagu aasay Muqdisho
Madaxda ugu sareysa dalka oo ka qeyb galay Aas Qaran oo loo sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Mogadishu, 02 November 2014 –Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee maanta loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidammada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista...
Maamulka Al-Minhaaj oo Safar daco ku gaaray Galdagob
Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj ee Mudug iyo Qaar kamida Ducaada Gaalkacyo oo Safar Dacwo ku tagay Degmada Galdogob.
Gaalkacyo-Galdogob: Oktoober 31, 2014. Safarkaan oo ay ujeedadiisu ahayd u kuurgalida Xaalada Dacwada ee Degmada Galdogob ayaa waxaa qayb ka ahaa :-
Sawiro dheeri a halkaan ka daawo
1-Dr.Aadam Muxamed Cigaal : Gudoomiyaha Shuurada ee Mu’asasada Al-Minhaaj ( Mudug) ahna Gudoomiyaha...
Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Taageeray Go’aanka Xukuumadda Ee Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed “VIDEO”
Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
ayaa taageeray go’aannada Xukuumadda oo la xiriira in la ballaariyo
dadaallada ku aadan in loo wada dhamaado gogosha shirka ergada dhisidda
maamul sameynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconeysa
magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Mudane...
Caashuuraa Waa Maalin Fadli Badan- Waxay ku beegantahay Isniinta
Bisha Muxaram waa bil fadli badan, tobnaadka oo Caashuuraa ah waxay ku beegan tahay November 03, 2014 waa Isniin. Sagaalaadkuna waxay ku beegantahay Axada November 02. 2014. Taariikhada maalinta tobnaad ee Caashuraa, Fadligeeda muxaram iyo arimo la xiriira ayaan ku eegi doonaa qoraalkaan.
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu
Bismillaahi Raxmaani Raxiim ::: Muxaram 08, 1436
Walaalayaal marka...
Cali Maxamed Xasan (Cali Dhagaweyne) oo ku Geeriyoodey Qarax Gaari oo ka Dhacay Degmada Hodan
Saakay subaxnimadii markay ahayd 7:00 subaxnimo ayaa gaari nuuca raaxada oo marayay wadada Tarbuunka qarax qabsaday, qaraxaasi ayaa markii uu dhacay waxaa goobtii qaraxa isugu soo ururay dadweyne fara badan waxayna dadku hadal hayeen Darawalkii gaariga oo qaraxu si aad u haleelay isla markaana goobtii ku geeriyooday hase ahaatee nin ay saaxibo ahaayeen Darawalka Gaariga ayaa wax dhaawac ah...
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mahad Salad oo kala hadlay dowladda Finland fulinta mashaariic iyo tababarida Salaadiinta beelaha Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS:
Mogadishu, October 31, 2014- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalka Finland , ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo si weyn loogu soo dhoweeyay kaga warbixiyay guulaha socdaalkiisa .
H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa...
Xulashada Jimcaha: Furitaankii Masaajidka Abubakar Al-ssadiq ee Ohio
Sidaan la wada soconno waxaa maalintii sabtiga oo ay taariikhda miillaaddigu aheyd 25/10/2014 curtay sanadkii cusbaa ee Hijriyada Islaamka 1436. Haddaan nahay bahda Somalitalk-na waxaan guud ahaan umadda muslimiinta ah u rajeynaynaa sanad khayr qaba.
Haddaba, waxaa farxad u ah Somalitalk in ay xulashada toddobaadkan ku soo qaadato furitaankii masjidka weyn ee Abubakar Asaddiiq oo magaalada Ohio,...
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday
Muqdishu: General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Muqdishu. General Maxamed ayaa u geeriyooday si dag dag ah, ilaa hadana lama xaqiiyin wax sababay geeridiisa, Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa magacaabay gudi xaqiijiya Geerada taliyihii Ciidanka Booliska.
Bahda Somalitalk ayaa ka tacsiyeynaysa geerida ku timid Taliyaha ciidanka Soomaaliyeed, General Maxamed...
Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed
Warsaxaafadeed Muqdishu 30 Oktoober 2014: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka
tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Xasan Ismaaciil oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri...
R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii Taliyaha Ciidanka Booliiska Gudi baarisna Magacaabay
R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Mogadishu,30, October 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo...
Qaar kamid shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo loo qabtay Aqoon Is-weydaarsi la xiriira shaqada
Mogadishu,30, October 2014– Waaxda Shaqada Shaqaalaha iyo Tababarrada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa aqoon isweydaarsi soconayay hal maalin u qabatay qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska, kaasoo qeyb ka ahaa barnaamijka Tababarka iyo Tayeynta Shaqada iyo Shaqaalaha XRW oo uu ku dhawaaqay Mudane C/qaadir Cabdi Faarax Xog-hayaha Joogtadda Xafiiska Ra’iisul...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdiraxmaan Bayle oo Dubai kaga qeybgalay Shirka Burcad badeeda,lana kulmay Wasiiro iyo Mas’uuliyiin.
Dubai, October 30, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa muujiyay in dalkiisu u baahan yahay taageero caalami ah oo suuragelin kara in fursado shaqo loo abuuro kaluumeysatada iyo dadka xeebta degan si loo baabi’iyo jiritaanka falalka burcad badeednimo.
Wasiir Dr. Cabdiraxmaan D. Bayle oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka oo Muqdisho soo gaaray taageerana u ballanqaaday nabadda, amniga iyo horumarinta gobolka
Muqdisho, 29-ka Oktoobar 2014 – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay taageero ugu ballanqaadaan kalaguurka Soomaaliya iyo dadaalka loogu jiro xoojinta amniga iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika dhammaantiisa.
Booqashada wadajirka ah ee heerka sare ayaa imanaysa waqti muhim u ah Soomaaliya...
Bulshada Rayidka oo ka Hadley Khilaafka u dhaxeeyo Madaxda Dowlada codsadeyna in la dhameeyo.
Cabdulaahi Maxamed Shirwac “Khilaafku waxaa uu salka ku hayaa Saddex arrimood”
Cabdi Abshir Dhoore “Waa in Shacabka la xisbaabtamaan madaxdooda”
Mudane Abkow “Bulshada rayidka waxay jecel yihiin in la dhameeyo khilaafka maadaama ay dowlad ku nool yihiin”
maanta oo ay taariikhdu tahay 29 october 2014 waxay dalladda SOSCENSA Jjilayaasha aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo bartamaha soomaaliya)...
Maxaad kala socotaa xaalada Badda Soomaaliya Oo xiligan ay ku wajahan yihin khatara Muuqda iyo kuwa Qarsoonba Q-3aad
waraysiga qaybtan 3-aad ayaa ka hadlaysa xogta rasmiga ah ee Madaxwayne Xasan Sheikh gudbiyey, kuna saabsan xadaynta badda. Xogtaan waxaa markale lagu daray in muranbaddeed uu ka dhaxeeyo anaga iyo Kenya.
Waraysiga Xasan Dhooye oo faah faahsan dhagayso Guji
Madaxwayne Xasan Sheikh oo markale Muran baddeed kii Soomaaliya iyo Kenya soo celiyey.
Qayb ka mid ah xogtuu gudbiyeyna waxaa ku qoraa sidan;
page...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibdda Buri’ Hamza oo la kulmay ergeyga midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
Mogadishu, October 28, 2014- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Maman S. Sidikou , Taliyaha ciidanka AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo Saraakiil kale .
Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya
Somalitalk 28-10-2014
Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo furey Shirkii Maamul u sameynta Koonfur Galbeed
Wafdigii uu hor kacayay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo. Madaxweynha Xasan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Xubno uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Barlamaanka...
Machadka EISA oo Garoowe ku soo Gabagabeeyey Tababar
Machadka EISA oo Garoowe ku soo Gabagabeeyey Tababarka ku saabsan sida looga qayb qaato Doorashooyinka
Tababarkaan oo ay soo qabanqaabisey Machadka Electoral Institute for Sustainable Democracy in Africa (EISA) oo inta badan qaabilsan Arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurada ayna ka qeyb-galleen dad laga soo xulay bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan ayaa lagu soo gabagabeeyey Magaalada Garoowe ee...




