Home » Warar
Bosaaso:-Arday ka Qalin Jabisay Jaamacada EAsta Africa iyo Telcom oo Xaflada Sagoontinta ka qayb Qaadatay
Xaflada oo lagu qabtay xarunta jaamacada ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgaley masuuliyiin ka tirsan maamulka, madaxda shirkada TELCOM, kuwa jaamacada Bariga Afrika, ganacsato iyo arday kala duwan oo ay ku jireen kuwii qalin jebinayey.
Waxaa xaflada oo bilaabay abaare 6:30 maqribnimo ee xaley lagu soo bandhigay khudbado kala duwan oo ku saabsan waxbarashada iyo kaalinta jaamacada Bariga Afrika.
Gudoomiye...
Garoowe: Ururka Kaalo iyo Haweenka ee Sweden oo deeq gaarsiiyey xarunta dadka Waalwaal
Waxaa si wadajir ah deeq isugu jirta bustayaal iyo joodariyaal u soo gaarsiiyey Xarunta dadka Waalwaal ay ku jiraan Ururka Wadaniga ah ee Kaalo iyo Ururka Haweenka ee Sweden.
Munaasabadani oo ahayd mid deeq isugu jirta joodariyaal iyo agab faro badan ayaa waxaa ka soo qeygalay madax ka socotay Ururka Wadaniga ah ee Kaalo iyo welia madax iyana ka socotay Jaaliyadda Ururka Haweenka ee Sweden.
Ugu...
Xildhibaan Abdi Abshir oo warbixin siiyey reer Shefield/UK.
Kullan aad loo soo agaasimay, oo ay soo qabanqaabisay Restore Hope Somali Community kana dhacay maanta bartamaha magaalada Shefield ayaa xildhibaan Abdi Abshir Dhoore oo dhowaan ka yimid dalkii ku siiyey warbixn balaaran dadka degan magaalada, ayadoo halkaas eey ka muuqatay in dadka oo dhami eeysan dowlada taageersaneeyn hadana xildhibaanku wuxuu ka dhaadhiciyey sababha kalifaya ineey dhacaan dhaliilaha...
Saaka iyo Muqdisho oo laga dareemayo barkac, meyd duugis , ispitaal geyn dadkii shalay ku dhawacmay madaafiicda iyo arimo kale
Guri ku yaal saldhiga bolice-ka ee dagmada yaaqshiid ayaa la soo sheegayaa in madfac ku dhacay uu ku dilay 4 qof daqiiqado ka dibna lagu soo celiyey kaas oo isna dilay 9 ka mid ah ahaa dadkii u soo gurmaday reerka uu madfacu ku habsaday oo isugu jiray rag iyo haween waxaa kale oo uu geystay dhawaca ku dhawaad 20 oo kale
Duqeymahaan ayaa ka imanayesay fadhiisimada ay dagan yihiin Ciidamada AMISOM iyo...
Ciidamada AMISOM oo lagu wado in Dhamaadka Bishaan loo kordhiyo Waqtigii ay joogi lahaayeen Somaaliya
Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu dhawaan waqtiga u kordhiyo howlgalka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).-
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay kulan ka qaadan doonaan arrimaha dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay waqtiga ay ugu cusbooneysiin lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.-
Dhammaadka...
Inkastoo Iska-hor-imaadyo jireen, MSF ayaa sii wadda hawlihii ay ka waday gobolka Galgaduud
Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn (MSF) ayaa wadaa howlihii ay ka waday Dhuusa Mareeb in kastoo ay sii kordhaysay amaan darida halkaas ka jirto oo ay sababeen dagalaadii ka dhacay sabtidii 2-da bisha January 2010.
Xaalaado Abaaro ba’an awgeed ayay MSF bilowday biyo qeybin 23-kii December si ay u daboosho baahida dadka ku nool tuulooyinka ku haree-raysan Dhusa Mareeb iyo Guri Ceel ee gobolka Galgaduud...
Warqad ku socota xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool (No. 21)
Neyroobi, 06 Janaayo 2010
As-Salaamu Caleykum,
Saaxiibayaasha qaaliga ah,
1. Waxaan dhammaantiina idiin soo gudbinayaa salaam diiran, waxaana idiin rajaynayaa sannadkan 1431 ka iyo kan 2010 ka oo intaa ka sii nabad badan.
2. Bilashada sannadkan 2010 ka ma aha keliya billowga sannadka ee weliba waa billowga toban sanno oo cusub. Sida dhammaan Soomaalida nabadda jecel iyo dhammaan dadkoo...
Xildhibaan C/lahi Cali Kaarad oo lagu diley Boosaaso iyo Macallin Dugsi Quraan oo lagu diley Garoowe
Xalay (Janaayo 5, 2010) Salaadii cishe ka dib waxaa magaalada Boosaaso lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland.
Xildhibaanka ayaa magaciisu yahay C/laahi Cali Cismaan oo loo yaqaan Cabdulaahi Cali Kaarad.
Xildhibaanka waxa uu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka DGPL ka soo gala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Lama garanayo ujeedada ka dambeysey dilkaas. Waxaana...
Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal oo ka warbixiyay Xaaladda Guud ee Waxbarasho ee Gobolka Sool
Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Prof. Lafoole) Lafoole ayaa waraysigan dheer waxa uu kaga war bixinayaa heerka ay marayso Jaamacadda Nugaal University, waxa u qabsoomay, waxa loo baahan yahay in la qabto, xilliga ardayda ugu horaysa ay Jaamacaddaas ka qalin jebinayaan, iyo guud ahaan waxbarashada Gobolka Nugaal.
Halkan ka dhegeyso Waraysiga
Akhri: Tobanka Jaamacadood ee ugu horeeya Jaamacadaha Soomaaliyeed...
Tobanka Jaamacadood ee ugu horeeya Jaamacadaha Soomaaliyeed
Qiyaas ay sameeyeen websiteyo caalami ah ayaa sheegay tobanka Jaamacadood ee ugu horeeya Jaamacadaha Soomaaliyeed.
Warbixintaas oo cinwaankeedu ahaa “Top Colleges and Universities in Somalia” waxaa lagu faafiyey shabakadda 4ICU “International Colleges and Universities” taas oo, sida websitekooda ku cad, waxay diiwaan geliyeen in ka badan 9000 Colleges iyo Universities...
Hay,adda VSF Germany oo deeq xoolo ah gaarsiisay ku dhawaad 100 Qoys oo isugu jira dadka Barakacayaasha iyo kuwa danyarta ah.
Waxaa maanta hay,adda VSF Germany ay deeq xoolo ah gaarsiisay 100 Qoys oo ku sugan gudaha caasumadda Puntland ee Garoowe kuwaasi oo isugu jira dadka barakacayaasha ah ee ka soo barakacay koonfurta soomaaliya iyo dadka abaarta saameysay oo xoolihii ay ka dhamaadeen iyo weliba dadka danyarta ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Garoowe.
Deeqdani oo ahayd ari ayaa waxa ay ahayd mid qoyskiiba la siinayey...
Hay’adda (SADA) oo ceel biyood ka hirgalisay degaanka Hareerileey ee G/SH/Hoose.
Tuulada lagu magacaabo Hareerileey waxa ay ka tirsantahay oo ay hoos tagtaa degmada Marka ee gobolka shabeelaha hoose ,waxana ay qiyaastii illaa 45km u jirtaa isla magaaladaasi Marka,dadka degaanku waa beeraleey iyo xoolo dhaqato , waxayna dhaqdaan noocyada kala duwan ee xoolaha sida Geela Lo,da iyo Ariga.
Dadka degaanku ma haystaan imkaaniyaadkii lagama maarmaanka u ahaa nolosha aadamaha sida Biyaha...
Wasaaradda Cadaaladda & Arimaha Diinta oo maanta aqoon isweydaarsi lagaga hadlayo HIV AIDSka u furtay Culimaudiinka Reer Puntland.
Waxaa maanta gudaha magaalada Garoowe aqoon isyweydaarsi socon doona muddo 4 cisho ah Wasaaradda Cadaalada & Arimaha Diinta u furtay Culimaudiinka Reer Puntland kaasi oo lagaga hadlayo halista HIV Aidska.
Aqoon isweydarsigani oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda & Arimaha Diinta ayna gacan ka siinayso hay,adda UNDP ayaa maanta waxa uu si habsami ah ugu furmay xarun cusub oo ay maanta...
Bayaan Kasoo Baxay Shirka Golaha iimaamyada ee Waqooyiga Ameerika ee ka socday Seattle Washington
Golaha imamyada ee waqooyiga ameerica oo la aasaasay sanadkii 2001 waxaa ku midoobay in ka badan 17 masaajid oo ku yaala gobalada kala duwan ee wadankan mareykan iyadoo looga gol lahaa in ay iska kaalmeeystaan khidmada ay u hayaan bulshada soomaaliyeed eek u dhaqan mareykanka Guluhu wuxuu ku guuleestay inuu dhiso masaajiddo iyo xarumo badan oo islaami ah taas oo ah mid ka mid ah ujeedooyinkaii...
Kulankii 1aad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia – Lusaka iyo Maxamed Idris
Waxaa 25-28 bisha December 2009 lagu qabtay magaalada Lusaka kulan uu marti ugu ahaa jaaliyada soomaalieed ee Zambia Sheekha macruufka ah Sh Moxamed idris, kulankaas oo ay soo qaban qaabiyeen ducaada AL-UMMAH MUSLIM SOCIETY oo ah xarun wayn oo ay leedahay jaaliyadu, wuxuuna ku bilawday Khudabadii maalinta jimcaha 25/12/2009 oo uu sheekhu khudbad aad u qiima badan ka soo jeedshey masaajidka OHAN...
Stockholm: Mutamarkii Islaamiga ee wakhtiga qaboobaha: Qeybtii labaad
Maxay Ku badbaadi karaan Ubadkeenu?
Maalintii labaad iyo saddexaad ee kulankii islaamiga ee qaboobaha
Kulankii islaamiga ee wakhtiga qaboobaha, 25-27-kii bisha december 2009 ayaa halkiisii kasii socday. Waxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa muxaadarooyinkii iyo dood cilmiyeedkii dhacay maalintii labaad iyo saddexaad oo kooban.
Sidii uu Rasuulku (csw) u tarbiyeeyey gabdhiisa
Muxaadaradaan...
Muuqaalka iyo Naqshadda Cusub ee SomaliTalk.com Ku soo dhawaada….
Bahda SomaliTalk waxay markale akhristayaasha u soo bandhigayaan website-ka oo la casriyeeyay, waxna laga badelay muuqaalka. Laakiin xogtii ku jirtey websiteka ay sideedii ugu kaydsan tahay (Xogtii 10-kii sano ee la soo dhaafay).
Haddii aad u baahatid kaydkii qoraaladii hore waxaad eegtaan dhanka midid ee shaashadda meesha ay ku qoran tahay:
Archive/Maalinle
Archive/Bilkasta
Sidoo kale waxaad xogta...
Tehran: Cali Jaamac Jangeli oo la kulan la yeeshay Madaxweynaha Iiraan
Madaxweyna Iiraan oo kulan la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya
Ayuub Jeenyo oo ay isha ku hayaan Kooxo fara badan oo ka dhisan Talyaaniga
Madaxweyna Iiraan oo kulan la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya
Waxaa Magaaladda Tehraan ee Dalka Iiraan Kulan ku yeeshey Madaxweynaha Dalka Iiraan Maxamuud Axmadi Najaad iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Jaamac Jangeli...
Salaam African Banka oo Sanad Guuradiisa Koowaad Xusey iyo Farsamo Cusub oo uu u Soo Bandhigey Macaamiishiisa
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah ee Munaasabada (GUJI)
FG: Codku waa MP3:
Dhegeyso: Gudoomiyaha Salaam African BankDr. Cumar Ismaaciil Cigaal
Dhegeyso: Agaasimaha guud Salaam African Bank Maxamed Yuusuf
Dhegeyso: Madaxa maalgelinta Salaam African Bank Jaamac Xirsi Darwiish
Warbixintii: Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
Xaflad lagu xusayo sanad guuradii koowaad ee Salaam African...
Kaluumeysto Reer Puntland ah oo Tababar ugu soo dhammaaday Libiya
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Tababarkaan oo ay gacan ka geystay Dowladda Wadanka Liibiya ayaa waxaa loo qabtay dad tiradooda lagu sheegay 26 Qof oo ka kala tagay Guud ahaan Goboladda Puntland.
Tababarkaan ayaa wax uu ka dhacay Xarunta Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Libiya, Waxaana Casharadda ka Bixinayey Dhakhatiir aad u yaqaan Xoolaha.
Macallimiinta oo ay ka mid ahaayeen Dr. Maxamed...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo Tabarucaad gaarsiiyay Barakacayaasha ku jira Xeryaha Duleedka Muqdisho
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden oo Tabarucaad Lacageed gaarsiiyay Barakacayaal Sedex Kaam kaga jira deegaanka Ceel Ceelcirfiid ee Waqooyiga Magaladda Muqdisho.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
December 30: Waxaa maanta la gaarsiiasayay Deeq lacageed oo Gaareysa ilaa $1000.Doolar taas oo ay soo gaarsiiyeen Wiilasha Jaaliyadda Moddolood ee Degan dalkaasi Sweden gaar ahaan magaaladda Yatakoori,...
Ururka midowga Africa oo ansixiyey in ciidamo dheeraad ah loo diro dalka Somaliya .
Ka dib shir ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan wadamada midowga Africa oo ka dhacay dalka Ethioia magaalada Adis ababa ayaa go.aanadii laga soo saarey waxaa ka mid ah in dhaman la ansixiyey qodoabadii u shirgudoonku soo hordhigay oo ay ku jirto in ciidamo faraban loo soo diro gudaha dalka somaliya waxaana ugu cadcad wdamada ansixinta heshiikaan ugu horeeya dala Djibouti .
Ciidamdaan oo loogu talagaya...
Garoowe: Gudoomiyaha Jaamacada PSU ee Magaalada Garowe oo ka warbixiyey Safaro uu ku soo maray Wadamada Yurub iyo America
Garoowe: Gudoomiyaha Jaamacada PSU ee Magaalada Garowe oo ka warbixiyey Safaro uu ku soo maray Wadamada Yurub iyo America iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.
Aqoon iswaydaarsi lagaga hadlayo waxyaabaha la qaban doono sanadka cusub oo maanta ka dhacay Hoolka Weyn ee Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga Dawladda Puntland.
Garoowe: Gudoomiyaha Jaamacada PSU ee Magaalada Garowe oo ka warbixiyey...
Sheikh Shariif oo Ka Qaybgalay Kulan lagu kala saxiixanayey heshiiskii ay gaareen Madaxweynayaasha isku haysta Gal-Mudug
Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta (Dec 28) ka qeybgalay Munaasabad ay ku kala saxiixanayeen heshiiskii ay gaareen Madaxweynayaasha isku haysta Gal-Mudug.
Halkan ka daawo sawiradii xaflada saxiixa
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa maanta (Dec 28) hadalo Muhiim ah ka jeediyay Heshiiskii ay gaareen Madaxweynayaasha GalMudug isku Haystay, kadib markii Munaaasabad...
Amsterdam oo si rasmi ah looga furey tartankii Koobka HIRDA Amsterdam Futsal Tournament 2009-12-29
Halkaan ka daawo sawirada Ciyaaryahannada…
Xaflad sports oo si weyn loo qabanqaabiyey islamarkaasina ay ka soo qeyb galeen dad magac ku leh sports ka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhacday Garoonka Sportshallen ee ku yaala Amsterdam Zuid ,iyadoo ujeedada Xafladani ay tahay isdhexgalka dhalinyadada Soomaaiyeed ee ku nool Wadanka Holand hadii ay ahaan lahaayen Kuwa halkani ku dhashay iyo ku yimid...




