Home » Warar
Midowga Yurub oo wada qorshe Dowladda Federaalka loo gu soo tababarayo Ciidamo
Midowga Yurub Wasiiradooda Arimaha dibadda ayaa lagu wadaa in kulan looga hadlayo sidii tababaro loo siin lahaa ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ku yeelanaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Shirkaan ay isugu imaanayaan wasiirada arimaha dibadda ee Midowga yurub ayaa waxaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii loo meel marin lahaa go’aan horay ay ugaareen midowga yurub oo ahaa in tababaro...
Dugsiyada Quraanka Kariimka ah Lagu Barto Ee Deegaanada KM-13 Ee Loo Barakacay Oo ay Ka Muuqdaan Dayacnaan Aad U Baahsan
Hay,adda Horumarinta iyo Samafalka ficil ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano Fidro (Ficil Develoment Relief Org ) ayaa maanta qaylo dhaan kasoo saartay dadka barakacaaysha ah gaar ahaan dugsiyada quraanka iyo weliba goobaha wax lagu barto taasoo ay sheegeen inay jirto hoy la,aan baahsan oo soo wajahaday goobaha dugsiyada quraanka iyo weliba caruurta dhibaataysan ee isugu jira Agoonta iyo kuwa...
Jaaaliyadda Australia oo deeq qalab caafimaad ah soo gaarsiisay isbitaalka dhexe ee Degmada Garoowe.
Waxaa maanta gudaha Isbitaalka weyn ee degmada Garoowe si rasmi ah loosoo gaarsiiyey qalab caafimaad oo isugu jira qalabka lagu dabiibayohooyadda uurka leh iyo caruurta yar yar si ay ugu sahasho hooyooyinuurka leh dhalintaanka oo inta badan u dhiman jiray dhiig joojinla’aan.
Halkan ka eeg sawiro dheeraad ah
Munaasabada deeqdani oo ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiin sar sareoo ay ka mid yihiin Wasiiradda...
Shirkadda Urur-Livestock oo soo gabagabeeyay Siminnaar lagu baranayay xannaanada xoolaha
Shirkadda Urur-Livestock ayaa maanta kusoo gabgabeysay siminnaar lagu baranayay xannaanada xoolaha Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka faa’iidesteen arday bartay cilmiga xannaanada xoolaha, shaqaale ka tirsan shirkadda iyo qaar ka mid ah dadka deegaankii lagu qabtay tababarka.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Maareeyaha Shirkaddan oo ah mid madaxbanaan Dr. Axmed Sheekh Max’ed (Afey) oo la...
Gabdho ku nool Dalka Holand oo Deeq lacageed soo gaarsiiyey Dad Barakacayaal ah
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha waxaa waayadaan dambe looga bartey in ay caawiyaan dadkooda ku dhibaateysan Gudaha waxaa Tabarucaadaas ku faaiidey dad badan oo u baahna Gacan Baniaadanimo hadaba iyadoo taasi jirto ayaa gabdho samafalayaal ah oo ku nool dalka Holand waxay deeq lacageed soo gaarsiiyeen dad gaaraya Ilaa 30 qofood oo u badnaa Haween kuwaas dhowr jeer ka barakacay Deegaanadoodii
Halkan...
Muqdisho: Siminaar ku saabsan sidii looga hortegi lahaa cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka
Cudurka dilaaga ah ee AIDS waxaa qaba 22.4 million oo qof oo ku nool dalalka Afrika ee Saharaha ka hooseeya. Sannadkii 2008 waxaa lagu qiyaasay in 1.4 million oo ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya, waxaana xilligaas cudurkaas dilaaga ahi ku dhacay 1.9 million oo ku dhaqan Sub-Sahara Afrika. Qiyaastii 14 million oo carruur ah ayaa waalidkood uu galaaftay cudurkaasi. Warbixintaas waxaa lagu sheegay...
Tacsi loo diray Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil oo lagu dilay magaalada Boosaaso
Waxa aanu tacsi weyn u direynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii u ka geeriyooday Xildhibaan: Maxamed Cabdi Jibriil oo lagu dilay magaalada boosaaso xili uu ku guda jirey howl qaran.
Xildhibaankan ayaa waxa geeridiisa aad uga naxay dhamaan dadweynaha degan Minnesota oo runtii ku tilmaamay dilkiisa mid ula kac ah kadib markii si badheedh ah loogu dilay magaalada Boosaaso. Dilkan ayaa waxa lagu tilmaamay...
DFKMG Soomaaliya iyo Idoniisia oo Kala Saxiixday Heshiis Ganacsi
iyo Xildhibaan Abdi Abshir oo kala hadlay Qurbojooga reer Toronto… iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka Pakistan & India oo ka qeyla dhaamiyay qorshe Dowladda FKMG Soomaaliya ku xireyso Safaaradaha wadamadaasi.
Sidoo kale akhri: Hadal uu Walad Cabdalla ka jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 14ka Janaayo 2010 (AKHRI) -pdf
Soomaaliya iyo Idoniisia oo Heshiis ka gaaray Ganacsiga...
Jaaliyad kudayasho Mudan
“Tani waa rajo muujinaysa in wax la qabsan karo, oo umadu ay wali diinteeda, damiirkeeda, iyo dadnimadeeduba dhaqan yiihiin” (Sheekh Maxamed Idiris).
Magaalada Port Elizabeth ee wadanka Koonfur Afrika waxay ka mid tahay magaalooyinka ku dherersan xeebta badweeynta Hindiya, halkaasoo ay ku sii yeelatay bilic dheeraad ah oo dhinaca buuraha ku yaala ay sababayaan, cimilada, dhismayaasha iyo waliba...
Xaalad nolol xumo oo ka taagan magalada Dhusamareeb iyo Hey’adda SSWC oo soo jeedisay in gar gaar lala soo gaaro dadkaasi
Dadkaan ayaa ah kuwii dhawaan ka barakacay magaalada dhusamareeb ayaa xiligaan waxa soo wajahay xalad nolol xomo tii ugu darneed, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in dadkaasi ay helaan gar gaar Bini’aadanimo.
Halkan ka daawo sawiro muujinaya dhibaatada haysata shacabka
Waxa ay ku nool yihin dadkaasi duleedka magalada xarunta u ah gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb kuwaas oo ay fara ba’an...
Boosaaso: Maxkamada oo La Horkeenay Rag lagu eedeeyey Qaraxyo, xukuna lagu ridey
iyo Ciyaalka derbijiifka ah oo loogu deeqay dhar iyo buug
………..
Maxkamada Derjada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa Axaddii, 17, Jannuary, 2010, 15 Sanno oo Xarig ku xukuntay C/risaaq Maxamuud Axmed “ Gaambe” oo Xeer Ilaalinta Gobolka Bari ee Dowlada Puntland ay kusoo Eedaysay in uu ka dambeeyay Qaraxii bishii hore,lala beegsaday Ciidankii Ilaalada Madaxweyne K/xigeenka Puntland,...
Qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka DFKMG oo ka soo horjeedsaday in Xilligaan lacago laga soo sameeyo dalka dibadiisa
Maalmihii la soo dhafay ayaa waxaa jirey loolan lacag sameyn ah oo uu ka waday dalka Suudaan wasiirka maaliyada dowlada FDKG Somalia Shariif Xasan Sheekh Adan oo la sheegay inuu heshis lacag sameyn ah la galay dowlada Suudaan .
Inta aanan u galin xildhibaanada warkooda oo cad ayaa hadana waxaa jira arin kale oo dhabar jab weyn ku noqoneysa wasiirka doonistiisa in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya...
“DFKMG waxay noqotey aalad uu cadowgu u adeegsado baabi’inta jiritaanka Soomaaliya iyo boobista kheyraadka dalkeeda..” Warsaxaafadeed
“Ahmed Walad Cabdalla waa isku dubaridaha qorshooyinka cadowtooyo ee lagu baabi’inayo Soomaaliya isaga oo hadda gacanta kula jira dagaal weyn oo….”
Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye oo Sabtidii kulan ku yeeshay gudaha Magalada Muqdiso ayaa war murtiyeed ka soo saray, Wuxuuna xanbarsanaa qodobo kala duwan oo isugu jirey baaqyo ,hogo tusaaleyn iyo ogeysiin waxaana nasoo...
Boqolaal Qoys Oo Barakacaal Ah Oo Guryahooda Dab Qabsaday Kadib La il Daran Xaalad Hoy La’aaneed Iyo Mid Nololeedba
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Ilaa boqol iyo lixdan qoys oo barakacayaal ah ayaa dab qabsaday guryahoodii oo ka samaysnaa jawaano iyo baco, ayadoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa dabkaas ay ku shuf beeleen ilaa Boqol iyo Lixdan Bush.
Dadkan barkacayaasha ah ee deganaa deegaanka xaafada buulo xuubey ee agagaarka Schoolka Hoose dhexe jabuuti ee degmada wadajir ayaa cabasho xoogan...
Wasiirka dhaqancelinta iyo daryeelka Naafada DFKMG: Gudoomiyaha Baarlamaanka wax sharci kuma fadhiyo xilka uu hayo…
Wasiirka dhaqancelinta iyo daryeelka Naafada DFKMG Dr. Maxamed Cali Ibraahin oo Somalitalk wareysi gaar ah siiyey ayaa ka hadley khilaafka Baarlamaanka, sababaha wax qabad la’aanta Dowlada, dhibaatooyinka ay keeneen dhaqaalo la’aanta, tirada golaha Wasiirada iyo arimo kale oo fara badan, isagoo arimahaasi iyo kuwo kale ka hadlaya wuxuu yiri “Gudoomiyaha Baarlamaanka wax sharci kuma...
Banaanbaxyo dhimasho iyo dhaawac sababay oo Jimcadii ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Banaanbax looga soo horjeedo xariga Sheikh Abdullah al Faisal oo ay dowladda Kenya xirtay December 31, 2009 xilli uu ka soo baxayay masjid Jamia ee ku yaala Bartamaha Kenya ayaa ka dhacay Jimca January 15, 2010 magaaladda Nairobi kadib Salaadihii Jimcaha.
Banaanbaxan oo isku badalay mid rabshadeed ayay kadiba police-da dalka iyo dadkii banaanbaxa sameenaya isku dhaceen iyadoo la xaqiijiyay dhimashada...
Dowladda Federaalka oo ka biyo diidsan in la qabto Shirweyne dib u heshiisiin
Markii beesha Caalamku ay ka gaabisay in ay siiso dhaqaale Dowladda Federaalka ah isla markaana aan la fulin ballanqaadyo hore ayaa waxay sababtay in uu isqabqabsi dhex maro Dowladda Federaalka gaar ahaan xubnaha Baarlamaanka oo qaarkood horey u sheegay in xiligii uu ka dhacay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) halka kuwo kalana ay sheegeen in ay wada dhacayaan...
Labo wiil oo lagu soo oogey dacwad dilkii saddexdii marxuum ee Jan 6 logu diley Minneapolis
Mahdi Hassan Ali, oo 17-jir ah iyo Ahmed Shire Ali, oo 17-jir ah, oo labaduba ah reer Minneapolis, ayaa lagu soo oogey dacwad ku saabsan dilkii saddexdii marxuum ee Janaayo 6, 2010 lagu diley dukaan ku yaal magaalada Minneapolis.
Warka oo faahfaahsan ka akhri WCCO
Ahmed Shire Ali (bidix) iyo Mahdi Hassan Ali (midig) oo lagu soo oogey dacwad ku saabsan dilkii saddexdii marxuum ee kalal ahaa: Mohamed...
Warbixin Xaaladda Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan
Dhanka magaalada Muqdisho saaka xaaladeedu aad ayey u dagan tahay mana jiraan qaraxyo iyo baxado la maqlayo ka dib duqeyno socday ila xalay saqdii dhexe kuwaas oo aan la ogeyn qasaaraha dhabta ay ee ay geyseen cida ridaysay iyo cida lagu ridayey….
Xaalada Magaalada B/weyne ayaa ah mid weli kacsan waxaana dhacaya xabado goos goos ah oo ay isku rudiayaan labada dhinac waxaana barbar soconaya barakac...
Booqashada Dacwo ee Sh. Maxamed Idiris iyo Koonfur Afrika
Waxaa Ilaaheey Mahaddii ah in uu Sh. Maxamed Idiris uu ku yimid Safar Dacwadeed wadanka Koonfur Afrika, Sheekhu wuxuu wadanka soo gaaray 5/1/2010, isagoo ka yimid wadanka Zambia, intiinii la socotay warbixinadii hore ee aanu ka soo gudbinay, maqaalkan gaaban waxaanu ku eegi doonaa nashaadaadka ilaa iyo hadda uu fuliyay sheekhu.
Halkan ka akhri qoraalka oo sawiro wada
Ma aha booqashadani tii ugu horeysay...
Gabdhaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yatakoori oo Gurmad u sameeyey Wiil soomaaliyeed oo u baahnaa Qaliin
Zakeriye Cali Cismaan waa wiil 11 jir ah oo Saddex sanno ka hor ku dhaawacmey dagaaladii Muqdisho waxaa uu ka dhaawacmey Bowda waxaa la dhigey Isbitaalka hase yeeshee reerkooda aan wax haysan baa iska bixin waayey kharashkii Isbitaala waxaana,dhacdey In Sakeriye la iska hilmaamo lugtii dhaawaca ahayd waxay noqotey in laftii banaanka u baxdo sidaa ayuu muddadaa ku jirey wuxuu ku dhutin jirey Birro...
Xafladda Furitaanka Mac-Hadka Quraanka ee MAS Boston
Waxaa xalay oo Sabti aheyd bishu Jan 9, 2010 ka dhacay Masjidka weyn ee Jaamaca oo loo yaqaan (Islamic Society of Boston Cultural Center) Xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay oo loogu dabaal degayey furitaanka Mac-Had lagu baran doono diinta Islaamka. Xafladan waxaa soo qaban qaabiyey Bulshadda Soomaaliyeed ee magaaladda Boston. Furitaankii xafladda waxaa furay Maamulaha Mac-Hadka Quraanka Shiikh...
Dagaallo ka dhacay Magaalooyinka B/weyne iyo Muqdisho
Dagaaladan oo si isku mid ah uga kala dhacay magaaloyinka B/weyne iyo Muqdisho waxaa daba socdaan dagaalada maalmihii la soo dhafay ay isaga horimanayeen Ciidamada Dowlada Faradalka KMG somaliya ,AMISOM,Ciidamada Ahlu suna waljameeca ,xarakada Mujaahidiinta Alshaaba,iyo ururka xisbul islaam kuwaa oo ka dhacay Magaalooyin iyo gobolo kala duwan waxaana dagaalkii saaka ka dhacay Muqdisho uu u badnaa...
Wararkii ugu danbeeyey ee xaalada Magaalada B/weyne ee xarunta u ah gobolka hiiraan .
Xaalada Magaalada ayaa haatan u muuqa mid ka wanaagsan sidii ay aheyd maalmihiiaan ka soo gudubna oo magaaladu noqotay goob dagaal dad badanine ay ku waxyeeloobeen bale weli ma aha meel nabadgalyada ka jidha la isku haleynkaro .
Magaalada ayaa 3 qeyboo u qeybsantay waxaana jiro goobo ay isku horfadhiyaan qeybihii ku dagalamayey gacan ku heynta magaalada B/weyne oo kala ah ciidamada Xsibul islaam iyo...
Warbixin: Booqashadii Dacwadeed ee Zambia, Sh. Maxamed Idris
Waxaan nasiib u yeeshay inaan raaco Sh. Muxammad Idris Axmed safartii dacwada ee Zambia 25/12/2009 ilaa 4/1/2010, anoo sheekha kala lug helay Johannesburg markuu kasoo kici timay Makka, kadibna aanu wada tagnay Lusaka, bisha 5/1/2010 aanu kusoo noqonay magaalada Johannesburg oo sheekhu isla galabtaasba ka bilaabay nashaadkiisi dacwada ah, iyadoo aan idiin kasoo qori doono Inshallaah, safartiisa South...




