Home » Warar
Walad Cabdalla oo Is-Casilaya July 2010
Waxaan isu diyaarinayaa in aan xafiiska iskaga tago bisha July: Ergeyga gaarka ee UN-ta ayaa sidaas u sheegay Asharq Awsat….
Walad Cabdalla: Dhibaatada Soomaaliya waa jirtay aniga ka hor, waana jiri doontaa aniga gadaashay.. iyo dublomaasi reer Tanzania oo u muuqda in uu bedelayo….
Warbixintii: Khaalid Maxamuud, Asharq Awsat, Qaahira | iyo Tarjumadii: SomaliTalk.com
Axmed Walad Cabdalla,...
21 qof ayaa ku dhintay dagaalka Muqdisho…
Xaalada dagaalada Muqdisho oo ka sii dareyso —
Khasaarihii uu dhaliyey dagaalkii bilowday Khamiistii dhinacyada oo dhan waxaa xaqiiqo ah in ay dhibaato soo gaadhay waxaana jira dad rayid ah oo ay wax yeelo soo gaadhay dhimasho iyo dhaawac.
Dhanka cidamada AMISOM oo qeyb ka ahaa dagaalkii ayaa ciidamadooda wax yeelo soo gaadhay waxaana intaa u dheer in laga gubay gaari dagaal oo isaga oo ololaya...
Dr. Raabeh: Nimanka Soomaaliya madaxda ka noqonaya, Geeska waxa ka dhacaya war kama hayaan, marka lagu daro Shariif
WARAYSI: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo waraysi siiyey SomaliTalk uu kaga hadlay madaxda Soomaalida, taariikhda geeska, Muqdisho iyo Alshabaab.
Dhegeyso Dr. Raabeh(mp3) ama Halkan ka dhegeyso
“Soomaaliya xal waa leedahay, xalkeeduna waa in aan oday la caabudin ee loo laabto Allah oo la iska daayo shirkiga,” ayuu yiri Dr. Cumar Cusmaan Raabehoo waraysiga siiyey SomaliTalk.com isagoo ku sugan...
UNIVERSAL: TV-gii ugu Horreeyey oo Cayda Nabiga Faafiya.
“Waxaan dareemayaa Joornaalkii Denmark ku daabacay Sawir-Gacmeedka iyo Universal in ay isku mid yihiin oo wax farqi u dhexeeya aysan jirin”.. Dhegeyso Fahad Yaasiin.
Fahad Yaasiin oo ka tirsan Telefishanka Aljazeera oo waraysi siiyey idaacadda BBC (British Broadcasting Corporation) oo ka hadlayey Sawir Gacmeedka meel kadhaca ku ah rasuulkeena Suubban ee ay faafiyeey Universal ayaa hadalkiisii...
Cumar C/rashiid oo Magacaabay Sii Hayaha Xilka Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe
iyo warar Goos goos ah iyo Haweenka Baarlamaanka oo Isu Soo Sharaxay G/ku Xigeenka 1aad iyo 2aad .. KA AKHRI HALKAN
Prof. Cusman M. Dufle oo qoraal ka soo saaray joojinta cabbista Sigaarka
Maamul Cusub Oo Loogu Magac Daray Dib U Xoraynta Gobolka Shabeelada Dhexe Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho
Ciyaaraha aduunka oo bilaaban doona isbuuc kadib
Boqolkiiba 42% Dhegeystayaasha Raadiyaha ku...
Gedo Univeristy oo guul iyo soodhaweyn kala kulantay Soomaalidda Boston
Magaaladda Boston ee cariga Mareekanka waxaa lagu qabtay Axaddii lasoo dhaafay May 30, 2010 xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay, xafaladaas oo lacag loogu aruurinayey Jaamacadda Gedo University ee ku taal magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo. Xafladaas waxaa lagu casumay Ayaanle Mohamed Siyaad oo ah wiilkiii uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Ayaanle Maxamed Siyaad oo ka mid ah xubin firfircoon...
Banaanbaxayaal Careysan oo Israel kala mid dhigey Burcad Badeeda Somalida
“Israil waa burcad badeedda Soomaalida (Israil Somali Korsani)”….
Beesha Calaamka ayaa si aad uga caroootey markii Ciidamada Israaiil weerareer Markab macaawino u sidey dadka reer falastiin ee ku sugan ama ku nool Marinka Qaza.
Markabkaas waxaa lahaa Dowladda Turkiga waxaana ku geeriyoodey 10 ruux oo markabka saarnaa hase yeeshee waxaa lagu waramey in tirada intaa ka badan tahay.
Dad...
Shirweynhii soomaaliyeed ee ka dhacay maalintii khamiista 27/05-2010 magaalada 2aad ee Denmark Århus.
Cultural celebration contra Somali-phobic
HORDHAC
Waxaa caasumadda 2aad ee dalka denmarka kunoo dad soomaaliyeed ( jaaliyad) tiradoodu tahay ilaa 3750 qofood. Dadkaas kala barkood waxay kudhasheen magaaladan ay ku nool yihiin.
ENGLISH VERSION | SOMALI VERSION | SAWIRADA DAAWO
Wayaddaan dambe waxaa jirtay inay dadkan laga tirade badan yahayee soomaaliyed ee kunoo magaaladan Århus ay soo wajahayeen...
Warar Goos Goos ah: Warqaddii 25aad ee Walad Cabdalla
Soomaali laga siidaayey xabsi Libya & ururka SDSI & Xildhiban Muudey
Soomaalida ee ku dhaqan Dalka Uganda oo deeqo isugu jira Daawo iyo Baaritaan la gaarsiiyaya
Xildhibaan Cabdi Wali Shiikh Ibraahim Muudeey oo kaalin Firfircoon kaga jira Musharaxnimada Gudoomiye Kuxigeenka Kowaad
Xarun loogu magacdaray Muqdisho Media House oo laga furay Magaalada Muqdisho
Wafdigii Ururka SDSI oo si weyn loogu...
Xisbul Islaam oo amray in la xiro Xarumaha TV-ga Universal ee Soomaaliya
“Albaabkaas Nebi Muxamed lagu caayey yuusan sii furnaan”: Xisbul Islaam oo war cad ka soo saaray TV-ga Universal, ayaa waxaa ka mid ahaa Warsaxaafadkan: “waxa uu ku saabsan tahay TV-ga Universal oo siidaayey sawirro (Cartoons) oo lagu aflagaadaynayo nabi Muxamed Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ahaatee, arrintaas aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa, dhammaan Muslimiinta meel kasta...
Gudiyada Diyaarinta Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Kan Sharci u Sameynta Maamulka Gobolka Banaadir oo Ku Kulmey Jabuuti
iyo Waraysi Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG… iyo Su’aal ku saabsan Yaa wax laga weydiinayaa Masiirka iyo Mustaqbalka Muqdisho, ma dadka hadda deggan Muqdisho mase dhammaan ummaadda Soomaaliyeed…
Warkan oo uu akhrinayo Maxamed Allman .Dhegeyso
Gudiga Madaxbannaan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG Soomaaliya iyo Gudiga diyaarinta Sharciga Caasimada dalka Soomaaliya...
Kumannaan Arday oo wax-ka-barta Jaamacadda Muqdisho oo u fariistay Imtixaankii ugu dambeeyay
Xarumaha Jaamacadda Muqdisho ee Banaadir iyo Boosaaso ayaa waxaa Sabtidii (May 29, 2010) Imtixaankii kama dambeysta ahaa ee Simisterka 2-aad uga furmay Kumamaan Kun oo wax ka barta Jaamacadda.
(DAAWO SAWIRRO ARDAYDA OO IMTIXAANKA KU JIRA)
Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Dr. Maxamed Xasan Nuur oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Xarumaha Jaamacadda ay saakay dhamaantood ka furmeen Imtixaanaadkan...
Soomaaliya: Yaa noqonaya sii haya xilka haddii madaxweynuhu Dalka ka safro
Kulankii baarlamaanka DFKMG oo la baajiyey maadaama uu Shariif Xasan sheegtay in uu yahay sii hayaha xilka Madaxweynaha DFKMG…..
Muqdisho (Axad, May 30, 2010): Shariif Xasan ayaa baajiyey kulankii uu yeelan lahaa baarlamaanka DFKMG, taas oo lagu macneeyey in hadda uu Shariif Xasan yahay sii hayaha xilka madaxweynaha DFKMG, maadaama uu shalay dalka ka dhoofay Shariif Axmed oo markii ugu horeysey...
Soomaaliya waa iib (3) – Somalia for Sale
Hordhac:
Sidaan ognahay boobka kajira Soomaaliya waxaa kamid ah: xukuumado lagu soo wada dhisay dibaddaha, ahna ku wada meel gaar. Qormadaan waxaan ku xusi doonaa goob jooge ahaan anoo ahaa, 460 maalmood maxaa u qabsoomay xukuumadda? sidee lagu soo doortay ama lagusoo xulay?, qaabkee u shaqeeyaan wasiirradu? Adigu akhristoow ma rabtaa inaad wasiir noqoto? Maxaa shuruud ah? Qoraalka oo dhamaystiran...
Shir Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka iyo Culimaa’udiinka oo ay qodobo ka soo bexeen
Shir muddo saddex maalmood magalada Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa maalintii Khamiistii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.
Shirkaas oo looga hadlayay xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, xoojinta ku dhaqanka shareecada islaamka iyo helidda xoog mideysan oo islaami ah oo socday 25-27/05/2010 ayna ka qeyb galeen Culimaa’udiin, odayaasha dhaqanka,...
Itoobiya oo Safaarad ka furatay Garoowe
iyo Qurbajooga reer Puntland oo Cambaareeyey Xasuuqii iyo Xadgudubkii Itoobiya ka geysatey Buuhoodle….
Xukuumadda Meles Zenawi ayaa maanta (May 29, 2010) waxay qunsuliyad ka furatay magaalada Garoowe ee caasumadda u ah maamulka goboleedka Puntland.
Waxaa furitaankii qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka DGPL Gen. C/samad Cali Shire oo sheegay in qunsuliyaddani...
“Maxkamadda Sare oo baaritaan ku wada Shariif Xasan” Websiteka FKMG:
iyo Shariif Axmed oo ka fikiraya soo magcaabidda ra’iisul wasaare… Sidaas waxaa qortay shabakadda rasmiga ah ee DFKMG.
Baaritaanka ay wado maxkamadda sare waxa uu kusalaysan yahay Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan oo hadda noqday guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG. Lama oga in Shariif Axmed uu arrintaas ka hadli doono inta uu safark aku marayo Jarmalka iyo Faransiiska oo uu maanta...
Macaamiil ma u sii ahaan kartaa Website meel uga dhacay Nabigeenna Suuban Muxamed SCW
Quit Facebook Day: Waxaa soo dhow May 31, 2010 oo lagu ballansan yahay maalinta ka tanaasulidda adeegsiga facebook. Sababta ay dad badani u masaxayaan akoonka ay ku leeyihiin Facebook waa mid la xiriirta xagga “privacy” taas oo ah in akoonkaaga wixii aad ku qoratid ee aad ugu talo gashid asxaabtaada ama qaraabadaada ay noqon karaan dad u dhexeeye qofkasta daalacan karo.
Arrintaas waxaa...
Shariif Xasan oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka xukuumadda Shariif Axmed
Baarlamaanka Dawladda Federaalka kumeelgaarka ayaa maanta Jimce (May 28, 2010) waxaa guddoomiye u noqday Shariif Xasan oo dhawaan iska casilay wasiirka maaliyadda DFKMG. Waxaana madasha cod bixinta joogey 388 xildhibaan
Doorashada ayaa wareegii koowaad waxaa u tartamay 5 musharax, waxaa codadka ugu badan helay Shaariif xasan (217 cod) iyo Cabdi Xaashi C/lahi oo helay (143 cod).
Saddexda musharax...
“Walad Cabdalla waxa uu qaatay $25 million oo doolar, ayey yiraahdeen, halka DFKMG ay heleen wax ka yar hal million oo doolar” InnercityPress
Qarammada Midoobay oo ka jawaabi la’ go’aankii Walada Cabdalla ku taageeray Xil ka qaadistii Cumar C/rashiid oo markii dambe uu ka laabtay Sheikh Shariif: Daawo Video
Shabakadda InnerCityPress oo wararka kasoo tebisa xarunta Qarammada Midoobay (QM) ayaa sheegtay in Xoghayaga Guud ee QM Ban Ki Moon uu shirkii Istanbul ka akhriyey qoraal uu si weyn ugu baaqay in taageero lacageed la isla garab...
Dastuurka Soomaalida Loogu soo samaynayo Jabuuti oo wax laga Bedeley Qodobkii ahaa “Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka”
Waxaana Lagu siyaadiyey eray macne yaal kala duwan yeelan kara….
Dastuuradii hore Soomaaliya waxaa ku qornaa: “Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka.” Laakiin Dastuurka Qabyada ah ee hadda (2010) Soomaalida loogu soo samaynayo Jabuuti waxaa ka muuqata in la bedeley qodobkaas, sida aan warbixintan ku arki...
Dufcadii sadexaad oo arday Somali ah oo ka qalin jabiyey Jaamacada Madras ee Magaallada Chennai ee Wadanka India.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaaga ay kasoo qeyb galeen somali iyo ajnabi isugu jira Macalimiinta Jaamacada Mohamed Sathak College of Arts & Science ayaa waxaa lagu qabtay Magaallada Chennai ee wadanka Hindiya,taasi oo loo qabtay arday somaliyeed oo ka qalin jabiyey qeybaha kala duwan ee jaamacadaasi,waxaana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaasi kuwaasi oo ku dheeraaday...
Somalia for Sale – Soomaaliya waa iib (2)
Qaybta 2aad oo ku saabsan Baarlamaanka DFKMG..
Hordhac: Sidaan ognahay waxaa kamid ah boobka ka jira Soomaaliya; boobka dawladnimada, oo ah xukuumado ku wada meel gaar ah oo isku cudur ah, oo aan daawo loo helin, meesha lagu gaarayo iyo cidda ku gaaraysana inta badan ayan qayaxnayn. Qoraalka oo dhamaystiran ka akhri HALKAN/RIIX
Qaybta 2aad ee Somalia for Sale AKHRI HALKAN
Qaybta 2aad: https://somalitalk.com/lacag/asadiiq2.html
Read More →
Fadhigii Barlamanka oo si buuq iyo sawaxan ah ku dhageystay musharixiintii shir-gudoonka
Xildhibaanada golaha barlamanka u muranka badani hareeyey oo maanta (Khamiis May 27, 2010) kulan uu hareeyey sawaxan iyo buuq badan ayey ku yeeshay xarunta ay dhawaan u soo guureen ee golaha shacabka ee Magaalada muqdisho, isla markaan xildhibaada qaarkood ay firinbi u adeegsaadeen xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Adan.
Kulanka ay isugu yimaadeen inta badan xildhibaanda Golaha barlamanka dowlada fadaralka...
Shariif Xasan oo Shaaca ka qaaday in uu sharaxan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka
Guddoomiyihii Saxiixay in Itoobiya soo gasho Soomaaliya oo markale isu sharaxay Guddoomiye Baarlamaanka DFKMG…
Sariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta (May 26, 2010) si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu markale u sharaxan yahay guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG, isagoo iska casilay xilkii wasiirka maaliyadda DFKMG. Waxa uu si rasmi ah u cadeeyey in uu sharaxan yahay waraysi uu siiyey Idaacadda...




