Home » Warar

SHAQO HAA TUUGSI MAYA !

Jan 29, 2015
Dagaaladii sokeeye ee soo maray Dalka iyo Dadkaba waxay bulshada Soomaliyeed Ilowsiyey wax walba oo Hormarkooda ku jirey iyo Kheyraadka Dalkooda hodanka ku yahay, Siday uga faaidaysan lahaayeen si ay uga baxaan Gaajada, Aqoondarida iyo Shaqa la`aanta ku Habsatey Ragg iyo Dumar waxayna wada haleeshay Miyi iyo Magaalo. Dalka Somaaliya waxa uu hodan ku yahay Nicmat Rabbi ku manaystay, Wadankani kheyradkiisa... 

RW. Cumar oo caawa ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 20 Wasiir

Jan 27, 2015
Muqdisho, 27, Jan, 2015. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada, kadib wadatashi uu la yeeshay madaxweynaha, gudoonka baarlamaanka, xildhiibanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, Golahaan Wasiirada ayaa waxay ka kooban yihiin 20 wasiir, iyadoo si dib laga soo magacaabayo Wasiiro Ku-xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha. Ra’iisul... 

Daawo Baraf iyo Dabaylo Xoogan ayaa ku dhufatay Gobolada Waqooyi Bari ee dalka Maraykanka Video

Jan 27, 2015
Gobolada Waqooyi Bari ee dalka Maraykanka ayaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay ka dib Baraf iyo Dabaylo Qabow wata uu ka dhuftay 9 Gobol oo ka tirsan Waqooyi Beri ee Ameerica. Barafkani ayaa la sheegay in uu yahay mid taariikhi ah iyadoo Saxaafada Maraykanka si weyn u hadal heyso waxaana gebi ahaan la joojiyey isu socodka Gaadiidka iyo Duulimaadyada Sidoo kale Waxaa la xeray iskuulada waxaana la... 

Minnesota: Wiil 13-jir ayaa Dhintay kaddib markii walaalkiis Xabbad kaga fakatay

Jan 27, 2015
Booliska magaalada Eagan (oo kaabiga ku haysa Minneapolis) ayaa sheegay in wiil 13-sano-jir ah uu dhintay kaddib markii xabad kaga fakatay walaalkiis oo 15-sano-jir ah. Wiilka dhintay waxaa magaciisu ahaa Suhayb Jamal Hassan. Arrintan ayaa dhacday Axadii la soo dhaafay (Jan 25, 2015) kaddib markii uu barqanimadii 11:07am uu booliska soo wacay wiilka 15-jirka ah oo ku wargeliyey. Suhayb Jamal Hassan.... 

Shiweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA oo Ka furmey Magaaladda Muqdisho.

Jan 27, 2015
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmey Shirweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA ,waxaana uu shirkaaasi ka dhacay Hotelka Makka Al Mukarama  ka soo socdey muddo Seddex maamlmood ah 26ka, 27ka, iyo 28 /01/2015. Shirweynahaasi oo labadii sano mar  la qabto, waxaa ka soo qayb galey xubnaha  Dalladda oo ka kooban 60 Dalladood , iyo ka badan 40 goob joogayaal oo shirka lagu casuumey, ujeedada shirka oo ahaa... 

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade

Jan 26, 2015
Muqdisho, Jannaayo 26, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Allaha u naxariiste Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxana Ra’iisul Wasaaruhu tacsi u diray qoyska uu ka tegay, xildhibaanada baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya, isagoo... 

Isbitaalka Digfeer oo loo bixiyey Rajab Dayib Ordogan Hospital

Jan 25, 2015
Isbitaalka Digfeer oo la dhisey Sannadkii 1963 dii ayaa waxaa uu ku burburey Dagaaladi Sokeeyey , waxaana u sii wehlyey Duqnimo , waxaa Sannadkii 2011 Xiligaas oo uu yimid Raiisul Wasaarhii Turkiga Ordogan oo haatan ah Madaxweyne uu sheegey in uu dib u dhisayo Isbitaalka islamarkaana uu Casri ka dhigayo , waxaana Isbitaalkaas haatan loo bixiyey Ordogan Hospital Isbitaalka oo ay maalgelisey Hayada... 

Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku tegey Muqdisho

Jan 25, 2015
War deg deg ah -Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayib Ordogan oo Goor dhow ka soo degey Garoonka Aadan Cadde. Ordogan oo Xariga ka jarey Qayb Cusub oo lagu Kordhiyey Garoonka Waxaa Goor Dhow Garoonka Muqdisho ka soo digey Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan oo hogaaminaya ilaa 120 Xubnod oo isugu jra Wasiiro , Xildhibaano, Ganacsato iyo Shirkado uwa oo doonaya in maalgashadan Dalka ... 

Dowladha Jabuuti iyo Turkiga oo kala saxiixdey Heshiisyo Cusub.

Jan 25, 2015
Iyadoo Maalmahaan uu Booqasho uu ku marayey Wadamo ka tirsan Geeska Afrika Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan ayaa inta uusan soo gaarin Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la yeeshey Madaxweynha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele , waxaana Booqashadaan lagu tilmaamey mid sii Xoojineyso Xiriirka labada Wadan Turkiga iyo Jabuuti Labada Wadan ayaa waxay kala saxiixdeen Heshiisyo hor leh oo... 

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan .

Jan 23, 2015
Muqdisho, January 22, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee xubnaha golaha Wasiirrada, waxana kulanka looga hadlay Amniga dalka, soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo maalinta berri ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo R/wasaaruhu dar-daaran... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Jan 23, 2015
Muqdisho, Januari 22, 2015….Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ku qaaday maanta Hotel SYL, wuxuna tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay, isagoo alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo. “Waxaan canbaaraynayaa... 

Warsaxaafadeed hay’ada culimada Soomaaliyeed

Jan 22, 2015
بسم الله الرحمن الرحيم war saxaafadeed ku saabsan kualankii Raiisul wasaaraha iyo Hay’adda culumada soomaaliyeed قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : الدين النصيحة ، قلنا لمن يارسول الله ؟ قال : لله ولكتابه ولرسوله ولأئمة المسلمين وعامتهم . رواه مسلم . Hay’adda culumada... 

RW. Cumar ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed.

Jan 22, 2015
Muqdisho, January 21, 2015… Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Ha’yada Culimada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta in ay gacan ka gaysta sidii dalka looga saari lahaa marxalada uu ku jiro. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay culimada ayaa la isku... 

CUMAR CABDIRASHIIDOW XALAAL BARQAA LA QASHAA !!

Jan 21, 2015
Soomaalidu waxay tiraahdaa “GURBAAN MAXAA HABEENKII LOO TUMAA HADDII AYSAN LAQDABO KU JIRIN” , marka aan sidaa leeyahaay dadka Soomaaliyeed waxay la yaaban yihiin Labadii Gole Wasiir ee ay kala soo magacaabeen Cadbiweli Shiikh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka lagu dhawaaqey Waqti Ummada Soomaaliyeed ay Hurdaan oo cid soo jeeda aaney jirin marka waxaana ku tilmaami karaa Wax Cusub... 

R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Jan 19, 2015
Muqdisho, January 19, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha... 

Cumar Cabdirashiid oo kala diray Golahiisii Wasiirada

Jan 17, 2015
Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad ah ku ogolaadey Codsigii Raiisul Wasaaraha ee ahaa in la kala diro Golaha Wasiirada Cusub Inta uusan Baarlamaanka ka doodin Kalsooni siinta Xukuumada Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid aya waxaa Gudoonka Sare soo gaarey Warqad Qoraal ah oo uu soo direy Raiisul Wasaaraha oo uu Baarlamaanka uu ku wargelinyo in uu kal direy Golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo agacaabey... 

JE SUIS MUSLIM (Waxaan nahay Muslim) Hal-ku-dhigga Banaanbixii ay dhigeen Ardeyda Jaamacada Soomaaliya.

Jan 17, 2015
Marka la weeraro Dadka Madow, reer Galbeedka ama Dadka Dimoqraadiyadu Madax martey waxay yiraahdaan “Waa Midab Takoor” (Racism) Marka la weeraro Dadka Yuhuuda ah waxay dhahaan “Yuhuud Naceyb” (Anti-Semitism) marka arrimo Haween laga hadlo waxay yiraahdaan “kala Soocida Ragga iyo Dumarka” (Gender Discrimination), marka la weeraro Ragga isu taga ama isu Galmooda waxay la soo boodaan... 

Xukuumada Sharmaarke oo la sheegey in ay ku adkaan doonto in ay Codka Kalsoonida ka hesho Baarlamaanka maalinta Beri ah

Jan 16, 2015
Maalinta Sabtida waxaa la filayaa in ay kulan yeeshaa Xubnaha Baarlamaanka si Xukuumada uu dhawaan soo dhisey Raiisul wasaaraha Dowladda Federaala ee Cumar Cabdirashiid u siiyaan Codka Kalsoonida ama u didaan hase yeeshee Maalintii Kkamiista ahayd ayaa Raisul wasaaraha loo diidey in Waqti loogu daro Kalfadhiga baarlamaanka . Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Kulamo kala goon gooni ah oo looga arinsanayo... 

Wasiirkii hore ee Khayraadka Badda oo Geeriyoodey

Jan 16, 2015
R/Wasaare Cumar ayaa ka tacsiyeeynaya geeridii ku timid Wasiirkii Khalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Coloow Barroow. Muqdisho, Janaayo 16, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Coloow Barroow ku-simihii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo... 

Cumar Cabdrashiid oo ka jawaabay Hadal ka soo yeerey Qaar ka mid Xildhibaanada oo ku hanjabey in aysan Codka Kalsoonida siin doonin Xukumadiisa

Jan 14, 2015
Muran iyo Khilaaf weyn oo ka dhashey Magacaabistii Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Golahiisa Wasiirada , waxaana Magaalada Muqdisho durba ka bilowdey Shirar Goon Gooni ah o ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda Magacaabistaas , waxaana Kulamadaan Hogaaminaya Xildhibaanadii iska waayey Liiska Golaha Wasiirada. Xubnaha ugu cad cad ee doonaya in aan la siinin... 

Shirkada Korontada Banaadir (BECO) oo Qiime Dhimis Balaaran u sameysey Bulshada Soomaaliyeed.

Jan 14, 2015
Shirkada Korontada Banaadir (BECO), ayaa qabtey Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey ismarkaana waxay Munaasabadaas ay ahayd mid ay shirkada hoose ugu dhigeyso Sicirka Korontada ee ay siiso Bulshada Soomaaliyeed  waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galey , Waxgarad, Odoyaasha Dhaqanka, Ganacsato, Shrkado, Jaamacadaha, Dugsiyada iyo marti Sharaf kale . “Shirkadda Korontada (BECO) bulshada ayaa... 

R/Wasaare Cumar oo Caawa ku dhawaaqay Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada

Jan 12, 2015
Muqdisho, Januari 11, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa caawa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, kadib markii uu wada tashi kala sameeyey Madaxweynaha, Gudoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, Ra’iisul Wasaare Cumara ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaanta siin doonto dhamaystirka howlihii horey loo... 

Ardeydi igu Badneyd oo u Fariisatey Imtixaanaadkii Jaamacadda Horseed 2014-2015.

Jan 9, 2015
Waxaa Xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Horseed ka bilowdey imtixaanaadkii Waxbarshada ee Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadaas ka Kooban tahay,ee 2014 -2015 waxayna ardey ay ahaayeen kuwa ku Mashquulsanaa imtixaanaadka ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed iyadoo Macalimiinta iyo Maamulka ay ahaayeen kuwa si aad ula socda Qaabka loo qaadayo Imtixaanaadka. Xasan Shiikh Abuukar oo ah Gudoomiyaha Guddiga... 

Warsaxaafadeed: Soomaaliya oo Digniin u dirtay Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo Macdan ka baareysa Buuraleyda Gobolka Awdal

Jan 9, 2015
Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia waxay si dhaw ula socotaa dhaqaaqa shirkadda ARC oo Shiine laga leeyahay taas oo waayahan danbe si sharci darra ah macdan baaris iyo qodis uga wada Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal. ARC hawlaha sharci darrada ah ee ay wado waxay abuurtay xasilooni darro soo wajahday degaanadaas kadib markii ay qoratay boqolaal meleeshiyaad ah oo... 

Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka oo Dowladda Turkiga ka dalbadey in ay kala shaqeeyaan Dib u habenta Garsoorka.

Jan 7, 2015
Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka oo iminka ku sugan Dalka Turkiga aayaa waxaa uu Kulan la qaatey Dhigiisa Wadankaa Bekir Bosdeh waxaana Kulankas la iskula soo qaadey Xiriirka u dhaxeeye Somaaliya iy Turkiga kaasoo Xoogeystey Sannadkii 2011 ka dib markii Abaaro ka dilaaceen Gobolo Ka Tirsan Dalka Wasiirka Garsoorka oo ay Booqashadiisu ku wehliyeen xeer-ilaaliyaha Guud...