Home » Maqaallo

Puntland, Labo lagu gabood falay Dekedda Boosaaso iyo Garoonka Gaalkacayo|Qays

Oct 13, 2009
Waxaa markhaati ma doonto ah shakina aanu ku jirin in labada meelood ee aan kor ku xusay ay yihiin ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee shacabweynaha reer Puntland ay haysteen tan iyo markii burburku ku yimid qaranimadii sida weyn loogu darsaday ee soomaliya. Labadan meelood waxay saldhig si dhab ah ugu ahaayeen adeegyada rasmiga ah ee ay dadka reer puntland u baahnaayeen. Waxaan xusuustayda... 
Halkudheg: ,

Gunta khilaafka Kismaayo iyo talo ku socota wadaadada ku dagaalaya

Oct 13, 2009
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaahay, nabad galyo iyo naxariisna ha ‘ahaato Nabi Mxamade dushiisha (SCW). Marka la rabo in si qoto dheer looga hadlo waxa ka dhacaya Gobolka J/hoose waxaa muhiim ah in aan milicsano khilaafkan dhaliyey dagaalada hada ka socda Magaalada Kismaayo,ma ahan iska hor’imaadkani mid si kadis ah ku yimid balse waxaa jiray tan iyo intii magaalada Kismaayo ay la... 
Halkudheg: ,

Ma anaa waalan mise cadan baa laga heesi ?!Abdulrazak

Oct 13, 2009
Mahad dhamaanteed Eebbaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato rasuulkeenii Suubanaa Muxamed Ibnu C/laahi.. Intaadabadeed :- Malaha Soomaalidu berigii hore reer cadmeed bay u badnayd, markaa ninkii reer cadmeed ee intuu xamar yimi ku arkay wax ka fajaciyay oo uusan filayn, buu ku hadaaqay ereygan ah ”ma anaa waalan mise cadan baa laga heesi”. Waayaha qofkii noolina wuxuu arkayaa... 
Halkudheg: ,

Maalta ama Moolka | Xalane

Oct 8, 2009
Maalta ama Moolka Dadka doonaya iney tahriibaan waa dad ka rajo beelay somaliya kuwa kaxeynayana ee inta ay lacagta ka qaataan, doonaya iney ka gudbiyaan badaha, waa dad bilaa naxariis ah oo dilaa ah, oo billaa damiir ah arintaasina waxey inta badan ku dambeysaa dhimasho Ka ganacsiga dadka tahriibayasha ah waa ganacsi lacag badan laga helo dhimashadiisuna ay aad u badan tahay, xasuuqa badan iyo... 

Hoonka Muqdisho – Maqaal xiisa leh | Amiin Yuusuf

Oct 8, 2009
Hoonka Muqdisho Shirkaddaha Gawaarida soo saara inta badan kama tagaan dhawaaqa Hoonka oo ah Calaamad u taagan in Gaari soo socdo, waxaa inta badan loo yeeriyaa Gawaarida aan maqal Guuxa Gaariga iyo dadkaba, waxaana markiiba dhacda in gaarigasi laga leexdo ama seed la siiyo. 20-kii sano ee dagaaladu ka socdeen dalka Soomaaliya, wax walba way is bedeleen, ha noqoto isku socodka gaadiidka iyo waliba... 
Halkudheg:

Nin walaalki Alle darti u jeclaaday oo isagiina Alle jeclaaday

Oct 6, 2009
Muslim baa ka wariyey Abuu Hureyra in uu nabigu (scw) yiri: nin baa booqday walaalkiis tuulo kale ku sugan, markaas baa Ilaahay jidka u cimilgaliyey (dhigay) malag, markii uu soo maray buu yiri: xaggee doonaysaa?, markaas buu yiri: waxaan doonayaa walaalkay oo tuuladaan ku sugan. Wuxuu yiri (malaggii): ma wuxuu kugu leeyahay wax gallaad (gacan) ah oo aad uga abaal-gudaysid?. Wuxuu yiri:... 
Halkudheg:

Siyaasadda Cakiran ee Dalka Somaaliya Xalkeedu Muxuu yahay? | Eng. Daadurey

Oct 6, 2009
Hordhaca taariikheed ee laga tibaax qaadan karo dhammaadkii Qarnigii 20aad iyo Qarnigan cusub ee 21aad ayaa ah Burbur,Dagaal Sokeeye, Qabqable Dagaal, Qax, Qaxooti, Tahriib, Tarxiil, Xasuuq, Burcad Badeed, iyo Dhul iyo Xeebaha Dalka Soomaaliya oo la dhaco iyadoo awood Siyaasadeed la huwan yahay intaa iyo in ka badan oo aannu qoraalkan ku soo koobi karin ayaa wuxuu ka dhex muuqanayaa hordhacaan siyaasadeed... 
Halkudheg:

Callaamatu Sayid Abuu AC’laa Al-mowduudi (2) | Saahid

Oct 5, 2009
Callaamatu Sayid Abuu AC’laa Al-mowduudi (2)   Waxaan horay uga soo hadalnay Sayid Abuu Ac’laa Al-mowduudi qeybtiisii hore, Hataanna waa inoo qeybtii labaad oo kaga hadleyno Afkaartiisii annagoo ka soo qaadaneyna kutubtiisii uu qoray(1). (1) Musdhalixaat AL-arbaca (AL-ilaah, AL-rabi, AL cibaada, AL-Diin :      Kitaabkaan waa kitaab aad qiimo u leh oo Shiikhu qoray 1940 yadii,     ... 
Halkudheg:

Warqad Furan :Bahda Caafimaad maamulka Soomaliland – Dawada Misoprostol : Ummul-gargaar ma ahee ,waa Ilmo soo rida

Oct 5, 2009
Warqad Furan :Bahda Caafimaad maamulka Soomaliland Dawada Misoprostol : Ummul-gargaar ma ahee ,waa Ilmo soo rida !! Waxaan telefishanka ETN TV ka daawaday dhiirigalin uu dhiirigalinayo mid ka mid ah madaxda caafimaadka ee maamulka Soomaaliland ,dawada la yiraahdo Misoprostol . Waxay wasaarradda caafimaadka soomaliland u bixisay Ummul-gargaar ,iyadoo la leeyahay waxay joojisaa dhiig baxa haweenka... 

AMISOM manabad ilaaliyaal baa mase waa ciidan xasuuq?

Oct 2, 2009
Mahad oo dhan ilaahay bay u sugnaatay nabad galyo iyo naxariis nabigeenii korkiisa ha ahaato. Maxay yihiin ciidamada AMISOM? Ciidamada AMISOM waa ciidan African ah inta badana ka yimid wadanka UGANDA oo ah wadanka ugu AIDSKa badan Africa marka laga reebo dhowr wadan oo kamid ah Africa waxaana madaxweyne ka ah musafeni oo ah nin diinka christianka aad ugu adadag islaamkana aad u neceb iyo wadanka... 
Halkudheg:

Healthcare: Obama miyuu ku xad gudbay dhaqanka dadka maraykanka qaarkood? | Wardheere

Oct 1, 2009
Healthcare: Obama miyuu ku xad gudbay dhaqanka dadka maraykanka qaarkood? Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan dooda Caymiska Caafimaadka ee USA (Q&A) Baraka Obama waxaan u qirayaa in uu muujiyey dadaalkiisa iyo niyaddiisa fiican ee uu soo bandhigay, xataa haddii uu ku guulaysan waayo dadaalkiisa oo ay congresska ka diidaan qorshahiisa ammaan buu mudan yahay, sababtoo ah waxaa uu dusha u ritay hawl... 
Halkudheg:

Maanlaawayaal Yaa Idiin Maqan | Dirham

Sep 30, 2009
Maanlaawayaal Yaa Idiin Maqan Soomaaliya ayaa 1991-dii qaran la’aan u soo bilaabatay, markaa kadib wadanku wuxuu dhex galay xaalado qalafsan, jixinjix iyo sidaa ma ahan ee ha laga fiirsado ayaa dhamaatay, waxaa badatay (maxaa iga galay), waxaa is raacday intii isku dan ahba oo iyagana marka dambe fool xumo ku kala baxa, dhankaaga ka wad ana dhankeygaa ka daadinayaa dhibaato ku saleysan ayaa soo if... 

Cali Xuseen Xirsi: Halgamaagii la’ illaaway

Sep 29, 2009
Cali Xuseen Xirsi: Halgamaagii la’ illaaway   Sida bahal raq dhawranaya oo, meel dhabbacanaaya Hadba dhinac gumeysigu ka yimi, idin dhagraayaaye.   Taariikhda Cali Xuseen waa taariikh dahab ah, waa taariikh ku qotonta waddaniyad iyo halgan dheer oo soomaalinimo. Ayaan darraduse waxa ay tahay Cali Xuseen taariikhdiisii waa luntay, taariikhdiisa suugaaneed waxa ay la faylami lahayd ama u dhigmi lahayd... 

Su’aalaha Sheikh Sharif Sh. Axmed ? | xuseen

Sep 28, 2009
Su’aalaha Sheikh Sharif Sh. Axmed ? Gendisch Oct 2009 Waxaa qaarada waqooyiga ameerika soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Mudane Sh. Shariif sh. Axmed oo inkasta oo uu magac ku yeeshay nabadii maxaakiimta ee lixdii bilood 2006 , kadibna noqday hogaamiyihii ARS markii la jabiyey maxaakiimtii , waxaa si sahlan loo magaacaby madaxwayne inuu u noqdo somaliya, sidii kuwii ka horeeyey ma jiraan wax la... 

Midgaannimadu ma Gobnimaa Mise waa Gunnimo? | Barkhad

Sep 24, 2009
Midgaannimadu ma Gobnimaa Mise waa Gunnimo? Dood Furan Anigoo magaceygu yahay Barkhad jamac Hirsi kana mid ah ardeyada Jaamacada Hargeysa gaar ahaan kuuliyada sharciga ama (Faculty Of Law) waxaan jecleystay inaan ka hadlo arin inta badan Somalidu ka hadalkeeda ka cararto cida soo hadalqaadana ay karahdo, Hordhac: Waxaan marka hore ka hafeef dhiganayaa in aan loo qaadan ama loo maleyn inaan u hadlayo... 

Fashilka dhow iyo fartiinta shacabka | Cali

Sep 23, 2009
Fashilka dhow iyo fartiinta shacabka…………..(faaalo) Tan iyo markii la doortay madaxweynaha xukuumadiisu 9 ka bilood jirsatay waxaa shacabka rer puntland u dhaga taagleynayeen waxa ay xukuumadani ka badali doonto mastaqbalkii puntland e mar mugdiga galay, Madaxweyne faroole oo ka mid ahaa raggii isbadalka ku hadaaqayey intuu ololaha doorashadu socotay ayaa ku guuleystay xilka madaxtinimada puntland,... 

Yaa mas’uul ka ah dhibaatada ku dhacday dhalinta Soomaaliyeed ?

Sep 23, 2009
YAA MAS,UUL KA AH DHIBAATADA KU DHACDAY DHALINTA SOOMAALIYEED ? Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa allaha ha unaxariistee maxamed siyaad barre ayaa waxaa dalka ka dhacay xasuuq fara badan , kufsi , dhac, iyo burbur dhaqaale oo lixaadleh iyadoo arinta ayka qeebqaateen beelo iska soo horjeeda. waxaa abuurmay hogaamiyo kooxeedyo iyadoo... 
Halkudheg:

Qaylada armey Shariif Xasan ka weyn tahey | Deeq

Sep 23, 2009
Qaylada armey Shariif Xasan ka weyn tahey! Waxaan la yaabey dadka qaar, marka hawluhu u socdaan sida ay jecel yihiin, kan dadka ugu dhaliisha badan agtooda waa ka awliyo Alle , marka sida aysan naftoodu rabin ay wax ku socdaana si aan ka fiirsi laheyn ayey udbahooda u soo qaataan, waxeyna afarta dhinac u firdhiyaan hoog iyo ba’ wixii calooshooda ku jira, ayagoo si isku duub ah, iyo si kali kali... 

Proffesor Ibbi V Puntland ?Gari labo kama Wada Qosliso? | Muhiadin

Sep 22, 2009
PROFFESOR IBBI V PUNTLAND ?GARI LABO KAMA WADA QOSLISO?  Erayada loo adeegsanayo xiliftanka u dhaxeeya Maamul Gobaleedka Puntland iyo R/W  ku xigeenka Prof: IBBI, ayaa u muuqda kuwo maalinba, maalinta ka danbeysa ku sii siqaya Dhabo labada dhinacba ku seegayaan himilada qarsoon ee ay huwan yihiin. Marka laga soo kaco dhagxaanta tuuryada ah ee ay isdhaafsanayaan labadan garab, waa Garabka Maamul... 

Astaamaha lagu garto Aqoonyahanka !! | Kuluu

Sep 22, 2009
Astaamaha lagu garto Aqoonyahanka !!  Dear. All . Readers Aslaamu caleykum w/w An ku bilaabo magaca eebbe mid guud iyo mid gaar ah ba naxariista inta kadib Mahad oodhan illahay bey u sugnatay naxariis iyo nabad geliyo rasuulkeena kurkiisa bey ahaatay Waxaan jecleystay inaan wax ka qoro maqaal ku saabsan Astaamaha lagu garto aqoonyahanka ,waxaana igu dhaliyey markaan arkay dad badan oo aqoon yahaniin... 

Ilaahoow waxaad nagu rogtay gali Odayadaas !!! | Zaki

Sep 22, 2009
Ilaahoow waxaad nagu rogtay gali Odayadaas !!! Sideen uga sheekaynaa aragtida saxaafadda iyadoo aanay xor ahayn ? Sideen ugu sheegnaa Bulsho aanan Xor ahayn waxa dhacaya ? Sideen uga warami karnaa Hab dhaqanka Dadkeena tiiyoo nalaga xayuubiyay marhore Dhaqankii ? Wadaadada Caafimaadka waxay u furtaan Xarumaha Daawaynta Dadka buka inay kula tacaalaan xanuunada haya laakiin qofka ugu horeeya ee ay dhibaatada... 
Halkudheg:

ONLF iyo TPLF Koodee ku guulaysan doona loolanka Geeska Afrika ? | Gundiid

Sep 22, 2009
ONLF iyo TPLF Koodee ku guulaysan doona loolanka Geeska Afrika ? Waaxaa hubanti ah in Geeska Afrika ay ku loolamayaan xoogagga ONLF iyo ururka haya talada wadnka Itoobiya ee TPLF.istaraatijiyadaha iyo qorshayaasha labadaasi urur ay kawada duulayaan ayaa waxaa la odhan karaa midba kan kale waxa uu kuyahay liddi. Tan iyo intii ay TPLF ay gacanka ku dhigtay talada wadanka Itoobiya waxaa jiray muraayad... 
Halkudheg:

Suudaan: Dal Isku Tashaday | Amiin Yuusuf

Sep 21, 2009
Suudaan: Dal Isku Tashaday 1992-dii ayaa dalka Suudaan waxaa lagu soo rogay cunaqabateyn dhinaca dhaqaalaha ah iyo waliba dhinaca siyaasadda, hase yeeshee dalka Suudaan oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn qaaradda Afrika ayaa cunaqabateyntaasi waxa uu kaga gudbay midnimo guud iyo isutashi, waxayna halkudhig ka dhigteen (Waxaan Beerano Waa inaan Cunaa, Waxaan Sameysanana waa inaan ku Labisanaa), waana... 
Halkudheg:

SHEEKH SHARIIF: Ma Halyay badbaado baa mise Aalad loo adeegsanayo Burburka Soomaaliyeed | Aw-Osman

Sep 20, 2009
SHEEKH SHARIIF:  Ma Halyay badbaado baa mise Aalad loo adeegsanayo Burburka Soomaaliyeed. AFEEF: Waxaan in badan oo wakhtigayga ah u huray taageerista iyo kor u qaadista Haykal kasta oo dowladeed, aragtidaydaas ama mowqifkaygaas oo aan had iyo goor bud-dhig uga dhigayay “in dowlad xumi ay dowlad làaan dhaanto”.  Hadaba taas micnaheedu maaha in aan indho laàan ku raacno hogaamiye kasta... 

SOOMALIDA IYO RAMADAANKA MAKKA | Sh. Maxamed Idris

Sep 19, 2009
SOOMALIDA IYO RAMADAANKA MAKKA Makkah Al Mukarramah – Muxamad Idris Xaramka Barakaysan siduu xalay 29 Ramdan, Khatmigii Qur’aanka u buux dhaafay. Caawa 29/9/1430 (18/9/2009) ayaa Masjidka Kacbada lagu soo khatimay Qur’aanka Kariimka ah oo lasoo wadey 29 habeen oo bisha barakaysan ee Ramadan ah. Habeen Kasta sida caadada ah waxaa Masjidka Xaramka ah ee Kacbada lagu tukadaa 20 Rakcadood... 
Halkudheg: