Home » Faallo

MADAXWEYNE, HORTA YAA QORSHEEYA SAFARRADAADA?!

Aug 4, 2011
Waxa qoray: Nuur Cilmi Xalane Email: warsan54@gmail.com Mudane,   Waxan maleynayaa in dadka iyo dalkuba yihiin muhimaddaada kowaad, ma qaranimadiisaa, ma nabadgelyadiisaa, ma dadkiisaa, ma xadadkiisaa, ma, ma —–. Laba sano ka hor,  markii xilka laguu dhaariyey, dad badan oo aan ka mid ahay, ayaa qabay inaad xalka bilow fiican u noqon doonto, hoggaamin fiicanna horseed ka noqon doonto. Waxan... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:3aad

Aug 3, 2011
Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, isla markaana Umada ku Horumari karto….    Suurada 3aad Aala Cimraan: Suurada Aala-Cimraan waxey ka mid tahay Suuradaha aadka u Dheer, waana Suurada Sadaxaad marka loo eego Musxafka, Sababta loogu... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 2aad

Aug 2, 2011
Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, isla markaana Umada ku Horumari karto…. Qur’aanka Kariimka ah waxaa uu ka kooban yahay 114 Suuradood waxaana loo kala qeybiyaa Juz ahaan 30 Juz, ayadoo Juz kastana uu ka kooban yahay laba Xizib,... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka?.Qaybtii 1aad

Aug 1, 2011
Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, waa Kitaab Xambarsan Taariikhihii Caalamka laga bilaabo Habka Koonka loo abuuray ilaa iyo sida u ku gabagaboobi doono Caalamka marka la gaaro Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda, taasoo macnaheedu yahay... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii VI-aad

Jul 26, 2011
Nadaamkii Xamar ka dhismey ee Talyaaniga uu hoggaanka u hayay, muddo dheer kuma ayan qaadan in uu muquuniyo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Banaadir. Waxaa sidaas u sahlay awooddii dowladda Talyaaniga ee la daba-taagneyd taakulada iyo saadka joogtada ah. Isla-xilligaas uu culeyska ku hayay Banaadir, maamulkii gumeysiga wuxuu gacanta ku hayay qorshihii uu kula wareegi lahaa meelaha u haray oo... 
Halkudheg:

Muxaadaro ku saabsan ilaalinta Carabka

Jul 26, 2011
Hordhac Muxaadaradaan iyo kuwo kale oo badan oo aan idiin soo gudbin doono waxaa ay ka mid ahaayeen muxaadarooyinkii laga soo jeediyey shirkii ururada islaamka soomaaliyeed ee skandaneefiyaanka waa mu`tamarkii 19àad ee sanadkaan, 30 jun-3 july 2011 lagu qabtay caasimkada labaad ee Iswiidhan, Gothenberg. Shirkaas waxaa kasoo qayb qalay qaar ka mid ah culimada soomaliyeed. Mu`tamarka oo ciwaankiisu... 
Halkudheg:

Ilma qurba joog maxaa loogu gooni yeelay xilalka.

Jul 25, 2011
W/Qoray:  Nuur Cilmi Xalane Email: warsan54@gmail.com Labadii xukuumadood ee ay soo kala dhiseen Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha hadda jooga Cabdiweli  Gaas waxad mooddaa in lagu gooni yeelay qurbo joogta.  Matalan xukuumadda Mudane Gaas, 99% waa qurba joog oo dhamaantood heysta dhalasho shisheeye. Arrinkan oo aan laga been sheegin, cid kasta oo daraasad gaaban ka sameysaana... 
Halkudheg:

Waxaan Ogaadey In Waqtigu Uuna Ahayn Hadale Ee Qoraal u Baahan Tahay

Jul 24, 2011
Sida aynu og-nahay dadka soomaaliyeed ee ku nool Bariga Afrika, waa dadd leh dhaqan lagu soo heshiiyey mudo qariyaal badan, islamarkaana ku noolaa Bariga Geeska Afrika, waana dadd ilaahay hibo u siiyey hal-abuuro kala duwan, kuwaasoo isugu jira kuwo ay ka dhaxleen awoowayaashii dhalay iyo kuwo ay curiyaan facba faca ka dambeeya ee jira xiligaas. Dadka soomaaliyeed sida lagu yaqaan ama ay ka muuqato... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii V-aad

Jul 19, 2011
Guddoomiyihii Talyaaniga ee fashiistiga ahaa (Cesare Maria De Vecchi), dib uma uusan dhigan in uu soo saaro xeerar uu ku adkeynayay maamulkiisa gumeysiga ah. Mid kamid ah xeerarkaas wuxuu ahaa qaanuun uu hubka kaga dhigayo qof kasta oo Soomaali ah. Waxay ahayd xilli laga soo baxay dagaalkii I-aad ee dunida. Ummadihii uu dagaalku qabsadey dhulkooda, geerida iyo bur-burka badan ka sokow, waxay ka dhaxleen... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii IV-aad

Jul 18, 2011
Wixii ka horeeyey dagaal-waynihii I-aad ee dunida (1914-1918), Ingiriiska iyo Talyaaniga heshiis ayay ku ahaayeen qeybsiga dhulka Soomaaliyeed. Laakiin markii uu dagaalkii dhamaadey, sida aanu arki doono, waxaa is-beddeley hoggaankii siyaasadda dalka Talyaaniga. Waxaa markaas bilaabatey, guud ahaan in si xooggan uu khilaaf u soo kala dhex-galo aragtidii siyaasadeed ee labada dal. Taasi waxay dhalisey... 
Halkudheg:

ILEYN DUUL WADA SABOOLAAN AHEYN!!!!!

Jul 15, 2011
Haddii aad u fahmto inaan magaca qormadan ula jeedo in Somaaliyi aad idilkeed sabool tahay, may’e, waxa la yiri; halka laga hodmaa waa qalbiga, ee maaha waxa aad heysato oo xoolo ah. (It is the heart that makes a man rich. He is rich according to what he is, not according to what he has. Henry Ward Beecher). Mar haddaad la mid noqoto ka aan heysan wax uu bixiyo, waxad tahay sabool, astaahila in la... 
Halkudheg:

Faraqa u dhexeeya masaafadda Sawaariikhda China iyo Maraykanka

Jul 15, 2011
Quwaddii Hore ee Russia Xilliyaddii lagu gudo jiray dagaalkii qaboobaa dalka Russia waxa uu ahaa quwadda adduunka,gaar ahaan wakhtigii hogaankii labadii madaxweyne ee  Russia .Madaxweyne Chrooestsjov iyo Madaxweyne Berzijnev waxaana uu ahaa dalka kaliya ee dhinaca ciidamadda kula tartami jiray  Maraykanka , hadaba  wakhtiyadan dambe quwaddii hore ee adduunka ee Russia aad ayaa looga hormaray, hadana... 

OGEYSIIS:walaalayaal interview-gan wuxuu ku saabsan yahay Mutamarka kadhici doona Wadanka UK

Jul 12, 2011
Walaal waxaan halkan kuugu soo lifaaqay leaflet ku saabsan mu’tamar iyo kulan aad u ballaaran oo ay soo qabanqaabisay dalladda masaajidda iyo maraakizta Somaaliyeed ee UK.Mu’tamarku wuxuu si talantaalli ah uga dhacayaa London, Birmingham iyo Bristall, wuxuuna ku aaddanyahay maalmaha; 22, 23, 24 iyo 25 July. Leafletka ayay ku caddahay maalin walba iyo meesha.   Waxaan ku cazumnay oo mu’tamarka... 

Rooxaanland – III – Qaybta 3aad

Jul 5, 2011
Hordhaca Gunaanadka: Waxaa jirta in akhristayaal badani afkaar, talooyin iyo tusaalaynba kasoo dhiibteen 2dii qaybood ee hore ee maqaalka. Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa intii qoraalada sida hufan wax uga soo tiri, gaar ahaanna, waxgaradkii wax ku soo darsaday qaybtii 2aad ee aan ku lafagurayey arrimaha tayaaraadka. Waxaan qolada dambe u sheegayaa, inaan hadafkaygu ahayn inaan weeraro... 
Halkudheg: ,

MAANSO: U hubsada wadaaddow

Jul 5, 2011
W.T Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine) 07/01/2011 Dhammaan waxan salaamaynaa shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Waxan halka idiin ku soo gudbinaynaa maanso la magac baxday U hubsada wadaaddow oo uu tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine), maansadan oo waano ah ku socota wadaaddada dagaallada ka wada geyiga Soomaaliya. Afeef: Maansadan cid goonniya oo lagu aflagaadeeyey ma jirto, waxay si... 
Halkudheg:

Ogeysiis:waxaa bilaabmaya Mutamarkii dhalinyarada ee wadanka holland

Jul 4, 2011
Asc wr wb akhunaa waaxan aka codsaneynaa in webak no geliso sheikh.Dhamaan bahweynta Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Soomaali yeed ee kheyrka jecel ee ku nool wadamada Yurub. Waxaa la ogeysiin in uu bilowan doono mutamarkii dalxiisaha ee dhalanyarada  mutamarkan waxaa soo Qaban Qaabiyay Jaaliyada soomaaliyeed (masjid Qubaa ) ee Dalka Holland Mutamarkan waa kii dalxiisaha ee dhalanyarada wuxuuna... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii III-aad

Jul 1, 2011
Sayid-kiiba damac dowladnimo loona dacarreeye Waxdhan buu dagaallamay intuu diiday gaalada’e Dalkan aynu leenahay waqiis lama dullaaleene Dayr laguma oo-teen kuwii diirka ii xigaye Dubaakhooyinkii lagu dhuftiyo daqarki loogaystay Doc ka weerarkii iyo markii bahalku dooxaayay Soomaali baa ugu darnayd daalinkii cunaye Idinkaa duleedinahayee dirir itaalkiise Goortuu dan-gabay wowsagii sii... 
Halkudheg:

Xataa Israa’iil in aan safiir ka noqdo soo qalqaaliya

Jun 29, 2011
(Maqaal Xiiso Badan) Tan iyo markii la dhisay Dowladdii C/qaasim waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qulqulayey qurbo joog badan wuxuuna imaanshahooda sii xoogeystay markii la dhisay Dowladda uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana weli Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo dega rag fara badan kuwaas oo doonaya in ay shaqo ka helaan Dowladda Federaalka,... 
Halkudheg:

Maxaad kula talinlaheyd ONLF?

Jun 29, 2011
Assalaamu Calaykum akhyaarta ku xiran websitekan qeymaha badan. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu ku saabsanyahay ‘sida ay u arkaan shacabka Soomaaliyeed jabhadda Soomaaaliyeed ‘ONLF’ ee halgan hubeysan kula jirta gumeysiga Ethiopia. Maqaalku ma’ahan mid lagu taageerayo ONLF iyo mid lagu colaadinayo laakinse waxaan usoo bandhigeynaa dhalanyarada inay talo iyo tusaale wixii ay hayaan... 
Halkudheg:

Sanad Guuraddii 51kii Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed

Jun 29, 2011
By Abdulkadir Ali Bolay Email: bollay@hotmail.com July 1, 2011 ______________________________ Waxaa ii faraxd ah in aan maanta halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, munaasabadda maanta oo ah sannad guuradii 51aad maalintii xornimadda iyo mideynta shacabka soomaaliyeed , waxaan ilaahay ugu baryeenaa dhamaan geesiyaddii naf iyo maal ba u... 
Halkudheg: ,

Naadiga Soomali Pen oo Daah Furey Buug Cusub

Jun 29, 2011
… oo La Magac baxay (HOGAAMINTA WANAAGSAN ee uu Qorey Dr Cabdi Shire Warsame Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimaya uuna Qabanqaabaddeeda lahaa Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaiyeed laantiisa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kaasoo lagu soo bandhigay Buug uu qoray Cabdi Shire Warsame oo la magac baxay (HOGAAMINTA WANAAGSAN) ayaa lagu qabtay Hotel SAXAFI ee Magaalada Muqdisho,... 
Halkudheg:

Soomaaliya:- Tashan Weydaye Waa Laguu Talin

Jun 28, 2011
Asalaamu Calaykum “Adigoon Tabar Hayn, Talana Aan Hayn, Oo Talaab Gabay, Kolka Tooyooy, Niman Turuqyo Leh, Oo Tafaafulan, Oo Aan Kuu Turin, Ku Taxaabtaan, Ee Lagula Tago, Tashan Weydaye, Waa Laguu Talin” sidaa waxaa yiri Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed. Akhristoow, waa wax laga naxo lagana arga-gaxo daruufaha adag ee la soo dersay danyartii Soomaaliyeed meel walbay joogaanba, sida... 
Halkudheg:

Si aadan ugu Dhicin Dabinkii Majo-xaabiyey Farmaajo!

Jun 26, 2011
Nur Cilmi Xalane Mudane Ra’iisal wasaare, Marka hore Hambalyo, marka xiga, ku soo dhowow halkii loogu xiiray taliyahaagii. Waa waddo halaqu laasimo oo khatarteeda sida looga badbaado ay naadir tahay. Waa kuwa suntoodu ay degdeg wax disho, inta ay qabaanna tiro male, oo dhibanihii ugu dambeeyey adaaba goob joog ahaa. Si aad uga badbaaddo in adna middida lagu saaro, waxad u baahantay inaad dib u daraaseyso... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii 2-aad

Jun 23, 2011
Qaybtii Koowaad ka akhri Halkan…. Bilowgii qarnigii XX-aad, xilliga maamulkii Faransiiska uu ku howlanaa mashruuca dekadda Jabuuti iyo dhismaha waddada tariinka, aragtida Soomaali wayn waxaa ololkeeda ay ka hureysey gobollada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed ee Soomaaliya. Waxay caga-dhigatay labada gobo lee hadda lagu magacaabo Sool iyo Nugaal. Waxaa halkaas degey halgankii hanaqaadka noqdey... 
Halkudheg: