Home » Archive Qoraaga
Hay’adda OXFAM oo ka Digtay Xaalad Cuna Yari ku soo Fool leh Koofurta Soomaaliya.
Hay’adda Oxfom oo saldhiggeedu yahay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska ayaa ka hadashay xaaladaha Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya. Oxfam ayaa sheegtay in Abaarihii ku dhuftay kal hore qaybo ka mid ah Dalka Soomaaliya gaar ahaana Koofurta ay salfadeen Xoolo aad u fara badan isla markaana dhinaca wax soo saarka Dalaggii Beeraha uu si weyn hoos ugu dhacay Sanadkan.
Hay’adda ayaa intaa sii raacisey...
Maxamuud iyo Kibaki oo ku kulmay Kampala
Madaxweynaha DFS, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horeysey magaalada Kampala kula kulmay madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki. Ilaa hadda waxyaabihii ay ka wada hadleen aan labada dhinacba shaacin.
Kulanka ugu horeeya Xasan Maxamuud ma kala hadli doonaa Kibaki in Kenya faraha kala baxo Dhul-badeedka Soomaaliyeed?
Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka dhoofay Muqdisho, waxana uu gaaray Kampala oo uu kaga qayb galayo...
Madaxweynaha DFS oo Gaarey Kampala, Uganda
Madaxweynaha DFS, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Isniintii ka degey garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee Kampala, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Uganda Edward Sekandi. Waxana uu halkaas kaga qayb gelayaa 50 guurada xornimadii Uganda oo ku beegay Oct 9.
Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdi Hogaaminayo oo Umbabaxay Wadanka Uganda
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan...
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Jareer Weeyne oo ka soo Hor Jeestay Maamul u Sameynta Kenya ee Gobolka Jubada Hoose
Kulan ballaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weeyne ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid ay u dhamaayeen Golaha Guurtida ayaa ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida beelaha Jareer Weyne Ugaas Aweys Shiikh Xuseen (Huneero) oo sheegay in ugu horeynba Kulankoodan Maanta ay ku soo dhaweynayaan magacaabista...
Doha Center Media Fountion oo Deeq Lacageed soo gaarsiiyay Suxufiyiintii ku Dhaawacantay Qaraxii Guriga Hooyooyinka.
Deeqdan Lacageed ee la gaarsiiyay Saxafiyiinta ku Dhaawacantay Qaraxii The Village Bishii aynu ka soo gudubnay kana timid Ururuka Suxufiyiinta Doha Center Media ayaa waxaa Saxafiyiintaas gaarsiiyay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano Nusoj.
Lacagtaas oo dhameyd illaa Afar Kun oo Doolarka Maraykanka ah ayaa waxaa la guddoonsiiyay Saxafiyiinta kala ah. Cabdullaahi...
UN, EU, AU, Gaas iyo PL oo soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare Shirdoon
Qaramada Midoobay , Midowga Yurub, Midowga Afrika, Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo si isku mid ah u soo Dhaweeyay Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Shirdoon
Iyadoo maalinimadii Shalay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaarihiisa ayaa arrintaa waxa si weyn looga soo dhaweeyay Caalamka.Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr Mahiga...
Cabdi Faarax Shirdoon oo loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha DFS
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta Sabti October 6, 2012 waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codayn doona ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub, Shirdoon oo haddii baarlamaanku ansixiyo ay tahay in uu soo dhiso golaha wasiirada ay yeelanayso xukuumadda cusub.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka cusub u...
Kuxigeenka Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya oo Qiray in uusan hore u jirin Muran-Badeed u dhexeeyey Somaliya iyo Kenya, balse uu yahay muran ay sameeyeen DFKMG, Norway iyo….
Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sh. Maxamuud oo weli ku dhegan in uu jiro muran-badeed u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, halka kuxigeenka afhayeenka baarlamaanka Kenya ka sheegay in muran badeedkaasi yahay mid la sameeyey oo aan hore u jirin….
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin Dawaara, ayaa shaaca ka qaaday in uusan hore u jirin wax...
Dowaldda Fransiiska oo Baareysa Cajal Video ah oo laga soo Duubay Muwaadin u Dhashay Dalkeeda oo Gacanta ugu jira Xarakadda Alshabaab
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimha Dibadda Faransiiska ayaa sheegay in khuburo gaar ah loo xilsaaray cajalkaasi lagu baahiyay bar Internet-ka ah oo ka faaloota arimaha islaamka taa oo muujinaysay Muwaadinka Faransiska ah oo baaq u jeedinaya Dowladda Faransiiska oo ahaa in laga siidaayo gacanta kooxda Afduubka u haysata Muwaadinkaan
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in wax walba oo suragal ah ay u adeegsanayaan...
Fatahaada Wabiga Shabeelle oo Barakiciyey Kumanaan reer Baladwayne ah 2012 iyo Ogaysiis Muhiim ah oo ku socda Reer Minnesota
Minneapolis: Waxaa ku dhintay 6 qofood, waxaana ku barakacay qiyaastii in ka badan 3500 oo qoys, kadib markii roobab xoogan ka da’een gobolka Hiiraan, kaasoo soo sababay fatahaada wabiga shabelle, wiigii hore dhamaad kiisii. Meelaha ugu daran waa Baledwayne iyo nawaaxigeeda. waxaa laga cabsi qabaa in roobab kale da’aan, oo xaalada uga sii daraan, sida ay sheegtay, FAO/SWALIM
Daadadku waxay Dhibaato...
Dowlada Cusub ee Soomaaliya oo Dooneysa in ay Dib u soo Nooleyso Shirkado Shidaal oo hore Heshiis ula galey Dowladii Milatariga
Dowladda Cusub ee Faderaalka ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay dhawaan u yeereto Shirkadihii Macdanta iyo Shdaalka ee Heshiisyada la galay Dowladii hore ee Soomaaliya ee Milatariga ahayd ee la ridey Sannadkii 1991, waxaa Hadalkaan ka dhawaajiyey la taliye ka tirsan Wasaraada Macadanta iyo Tamarta Shidaalka mar uu waramayey Warbaahibta.
“Waxaa Dhawaan Dalka Ingiriiska ku soo dhamaadey Shir ay...
Afhayeenka Ciidamada ee Gobolada Jubooyinka oo sheegey in aysan Aqoonsaneyn Wax la yiraahdo Ciidan Raskaambooni ah
Afhayeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolada Jubooyinka Col Aadan Rufle oo u waramayey Warbaahinta ayaa wax laga weydiiyey Xaalada Gobolada Jubooyinka ka dib markii dhawaan ay gacanta ku dhigeen Ciidamo isbaheysanayo oo ay horkaceyso Dowlada Kenya, waxaa uu sheegey in Ciidamada ay la wareegeen dhamaan Magaalada Ksismaanyo ,islamarkaana waxaa uu sheegey in Maalmaha soo socda Magaalada Kismaanyo...
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Mar kale baaq u Diray Dagaalyahanada Ashabaab.
Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa baaq u diray dagaalyahanada Shabaab isagoona u kala qaybiyay Laba Qaybood. Madaxweynaha ayaa ugu horeynba Ajaaniibta ka bar bar Dagaalanta Xarakada Shabaab sheegay inaysan jirin wax kala dhaxeeya Soomaaliya wax wada hadal ah oo ay la galayaana aysan jirin isagoona sheegay in Soomaaliya Shacabkeedu uu Muslim yahay Muslinimadana...
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo hor Jeestay in IGAD Maamul u Sameeyso Gobolada Jubbooyinka
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dalalka Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay qorsheynayaan in Maamul Goboleed ay u magacabaan Gobolada Jubbooyinka, waxaana madaxweynaah DFS loogu baaqay in uu arrintaas wax ka qabto….
Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse Baantuu oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Jubbooyinka ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira Gobolka Jubada Hoose. Mudane Baantuu ayaa...
Warar iyo Warbixino ku saabsan Xaaladda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose
Hooyo Faadumo Maxamed “Aad baan u Naxay markii aan Maqley in Ciidamo Kenyaan ah ay soo galeen Kismaanyo sow ma aha kuwii aan uga soo cararey Narobi ee sida Xun iigaley weliba Wiilkeygii iga Diley”
Dowlada Mareykanka oo Beenisey in ay ku lug lahaayeen Duulaankii lagu soo qaaday Magaalada Kismaanyo
Iyadoo Xaalad Kacsanaan ahi ay ka jirto Magaala Madaxda Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo ayaa waxaa...
Al-Shabaab oo Xalay Saqdii dhexe Ka Baxay Kismaayo
“Waxaan dagaal-yahanada-yada ka saaray magaalada Kismaayo saqdii dhexe ee xalay (Sept 29, 2012)”, sidaas waxaa yiri afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage, sida ay qortay hay’adda wararka ee Reuters.
Waxaana uu ku hanjabey in ay degdeg u soo weerarayaan. “Cadowgu weli magaalada ma gelin. Marka ay magaalada Kismaayo galaan waxaan ka dhigeynaa goob dagaal,” ayuu...
DHOWRISTA DEEGAANKA WAA ASAASKA NOLOSHA
DHOWRISTA DEEGAANKA WAA ASAASKA NOLOSHA
XAALADA DEEGAANKA SOOMAALYA
Qore
Guddoomiyaha Hay’adda Dhowrista Deegaanka Soomaaliya
GREEN SOMALIA (GS) NGO
Abdulkadir Mohamoud Walayo
Qaybta Labaad
XAALADA DEEGAANKA SOOMAALYA
Maamulkii militariga ee dalka soo xukumay in ka badan 20 sano ayaa la oran karaa inuu yarahee u hinqaday talaabooyin ku aadan dhowrista deegaanka dalka. Waxaa la aasaasay Hay’ado...
MAXAMAD ADEEGIHII EEBE ee SUUBANAA (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato)
(shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaato)
(( وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِنْ قَبْلِهِ الرُّسُلُ ))
” Maxamad, rasuul mooyee wax kale maahan, kaas oo hortiis ay tageen rusul badan
(Suuradda Aala-Cimraan. Aayadda 144-aad)
Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) waa shakhsi kii arkey ay sharaf u tahay oo kii...
Wararkii Ugu Dambeeyey Xaalada Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose
Warar soo kala horjeeda oo ka soo baxaya dagaalka Jubbada Hoose iyo xaaladda Magaalada Kismaayo..
Xukuumadda Kenya afhayeen u hadlay ayaa sheegay in Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa amisom ay gaareen qaybo ka mid ah Magaalada Kismaayo. Caris Akuna af hayeenka dawladda Kenya ayaa sheegay in Ciidamada huwanta ay gaareen gudaha Magaalada kismaayo iyadoo wax iska caabin ah aysan kala kulmin...
Ciidamo Kenya oo Xaley Saqdii Dhexe Maraakiib lagu keeney Xeebta Magaalada Kismaanyo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo ee Gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in Xaley waqti dambe Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa waxaa la sheegey in lagu soo daadiyey Xeebta Magaalada Kismaanyo ka dib markii ay ay halkaa keeneen Afar Markab oo kuwa Dagaalka ah oo ay leedahay Dowlada Kenya.
Markii Ciidamaas ka soo degeen Xeebta waxa Bilowdey dagaal Qaraar kaasoo uu dhaxeeya Ciidamada Kenya...
Dawladda Ingiriiska oo ugu Yaboohday Toban Milyan Euro Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Iyadoo shirkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ka soconayo Magaalada New Yorka ee carriga Maraykanka ayaa haddana waxaa jira shirar shirkaas bar bar soconaya. Kulan ka dhacay Magaalada New York ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska William Hague kaasoo ka hadlay is bedelada ka soconaya gudaha Dalka Soomaaliya.
Xoghayaha ayaa sheegay in dawladda ingiriisku...
Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo
Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaya duqeyn Diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geesteen Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Xaruunta J/Hoose. Goobjooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in tiro Gantaalo ah ay ku soo dheceen Garoonka ,kuwaa oo laga maqlayay xaafadaha ay ka koobana tahay kismaayo.
Goob joogahan ayaa sheegay in aan la xaqiijin karin khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay...
UUR DOOX Qaybta 8-aad Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya
Marxaladdii Manaahijta:
1978 wixii ka dambeeyay waxaa la galay marxaladda manaahijta oo qof waliba uu la shaqeeyo dadka ay isku aragtida yihiin dhinaca dacwada, taasoo dhammaan ah ijtihaad ay u arkaan in uu yahay sida ugu wanaagsan ee loo soo celin karo ku dhaqanka shareecada islaamka. Marka la leeyahay manhaj waxaa loo jeedaa sida ugu toosnaasho badan uguna dhow kitaabka iyo sunnada oo loogu soo celin...
Warbixin Culimmadii San Diego ku Xirnaa
IIMAAMKII MASJIDUL -ANSAAR SHEIKH MAXAMED KHADAR IYO WALAALIHII LAXIRNAA XAALADOODII UGU DANBAYSAY.
Sida aad lawada socoteenba waxaa in mudo ah ku xirnaa Magaalada San Diego ee gobalka California ee cariga Maraykanka, imamkii Masajidka al-ansaar sh Maxamed khadar iyo culimo kale oo laxirnayd, culimadaas oo lagu eedeeyey sida ay sheegeen,hayadaha amniga uqaabilsan wadankan, Inay xiriir lalahaayeen kooxaha...
Dowladda Kenya oo Qiratay in Ciidamadooda Xasuuq ka geysteen Gobolka Jubbada Hoose
Askeri ka tirsan Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Hawl Galka Amisom ayaa Maalinimadii Axadda ee aynu soo dhaafnay si barer ah ugu Toogtay 10 Ruux oo Muwaadiniin Soomaali ah Toogashadaas oo ay si aad ah uga caroodeen Shacabka Soomaaliyeed Dilka Dadkan rayidka ah ayaa muran badan dhaliyay iyadoo Xukuumadda Kiinyana ay ballan qaaday in arrintaa ay baaritaan ku samayn doonto isla markaana tallaabo ka...




