Home » Archive Qoraaga
RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”
Warsaxaafadeed
Muqdisho, February 8, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda...
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Wadajir Ula Kulmay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Xildhibaanno Iyo Odayaal Dhaqameed
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si wadajir ah xalay kulan ula qaatay
Madaxweynayaasha Maamullada KMGka ah ee Koonfur
Galbeed,Jabbaland,Xildhibaannada heer Federaal ee kala metela shacabka
labada maamul goboleed,Odayaal Dhaqameedyo iyo dhalinyaro.
Kulankan oo ahaa mid wadatashi iyo is xog wareysi ah ayaa ka dhacay
xarunta Villa...
Council Member Warsame urges federal action on money transfer issue that adversely impacts many Somali American residents in Minneapolis
Office of Sixth Ward City Council Member Abdi Warsame News Release
Contact: Abdi Salah, 612-673-3315
Feb. 6, 2015 (MINNEAPOLIS) Minneapolis City Council Member Abdi Warsame is calling on federal agencies to quickly find solutions to a critical, developing issue that affects the local Somali community’s ability to send funds to their families in Somalia. Each year, Somali Americans in Minneapolis...
Cumar C/rashiid oo soo magacaabay gole ka kooban 66 isugu jira….
Ra’iisul wasaaraha DfS ayaa soo magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 66 isugu jira wasiiro, wasiiru dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno. Hoos ka akhri warsaxaafadeedka
RW. Cumar oo caawa soo dhamaystiray golaha Xukuumadda.
Muqdisho, Feb.5,2015….Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur, ayaa saxaafadda u akhriyay digreeto kasoo baxday Ra’iisul...
Warsaxaafadeed: shirka u dhaxeeya Dowladda iyo maamullada dalka
Bulshada Rayidka ee Gobolada Dhexe oo War-Saxaafadeed ka soo saarey Shirka u dhaxeeya Dowladda iyo qaar ka mid ah Maamulada Dalka ee ka socda Muqdisho.
Kulan ay qaban qaabadiisa lahaayeen Somali women Developments Center (SWDC) iyo Hayadda GSA ayna ka qayb galeen Bulshada Rayidka iyo haweenka ka soo jeeda Gobolada Dhexe islamarkaana lagu martiqaadey qaar ka mid ah Ugaasyada Soomaaliyeed ayaa...
Bandhigii labaad ee Ololaha Dhiirigalinta Akhriska iyo Qoraalka ee Naadiga HILLIN HAYAAN
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee HILLIN HAYAAN ayaa soo bandhigay bandhigii labaad ee ololaha dhiirigalinta akhriska iyo qoraalka ee ay ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan Dugsiyada waxbarashada ee magaalada Muqdisho. Naadiga qoraalka iyo akhiska ee HILLIN-HAYAAN ku soo bandhigay labada buug ee WAAD GUULAYSAN KARTAA iyo AFKA HOOYO U HIILI, Dugsiga hoose , dhexe iyo Sare ee Al-Furqaan...
Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay heshiis dib loogu dhisayo Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud .
Mogadishu, February 02, 2015 – Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kula saxiixday heshiis Dr. Mohamed Yahya Mufarreh oo ah Gudoomiyaha hey’adda arrimaha dhismooyinka guryaha u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga oo loo yaqaan (Real Estate Union in Islamic States “REUOS”).
Heshiiska...
Daryeel Hooyo iyo Dayac Aabo
Cabdiraxman Maxammed Cabdulle
Qore: Xiddig@gmail.com
“Macalinow, waxaan ku sameeyo waan garan la’ahay gabadhan,” ayeey tiri Fartuun. “Si walba waan ula hadlay. Oo waan u waaniyey. Oo wax waan ugu sheegey. Waxaan ku iri haddii aad iskuulka aadaab fiican ku yeelato oo aad buundo fiican ku keento oo aysan macalimiintu ka soo dacwoon wax walba ayaan kuu samaynayaa.”
Fartuun waa hooyo Soomaaliyeed....
Aabihii Farta Soomaaliga Xuseen Shiikh Axmed Kadare oo Geeriyoodey
1-2-2015 Allaha u Naxariistee Xuseen Shiikh Axmed (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahannadii Soomaaliyeed oo sida weyn waxa uga qorey af-Soomaaliga ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ka dib markii mudooyinkaan uu Xanuunsnaa .Rabbi ha u naxariistee, Xuseen Sheekh Axmed Kadare ayaa wuxuu ahaa aqoonyahan wax kasoo bartay jaamacaddo badan oo caalamka ah ku yaalla, wuxuuna ku takhasusay cilmiga afafka...
War deg deg ah : Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Waqti Dheeri ah siiyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid
Cumar Cabdirashiid ayaa baarlamaanka sidaas ka dalbaday….
Baarlamaanka Dowlada Federaalka oo maanta kulan ka yaasheey sidii Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Xukuumda Cumar Cabdirashiid taasoo ka kooban laabatan Wasiir hase yeeshee markii uu uu furmey Kalfadhiga ayaa Raiisul Wasaaraha Xukumada Federaalka uu ka dalbadey Baarlamaanka in la siiyo Waqti dheeri ah si uu ku soo dhameystiro Xukuumadiisa.
Waxa...
SHAQO HAA TUUGSI MAYA !
Dagaaladii sokeeye ee soo maray Dalka iyo Dadkaba waxay bulshada Soomaliyeed Ilowsiyey wax walba oo Hormarkooda ku jirey iyo Kheyraadka Dalkooda hodanka ku yahay, Siday uga faaidaysan lahaayeen si ay uga baxaan Gaajada, Aqoondarida iyo Shaqa la`aanta ku Habsatey Ragg iyo Dumar waxayna wada haleeshay Miyi iyo Magaalo.
Dalka Somaaliya waxa uu hodan ku yahay Nicmat Rabbi ku manaystay, Wadankani kheyradkiisa...
RW. Cumar oo caawa ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 20 Wasiir
Muqdisho, 27, Jan, 2015. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa caawa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada, kadib wadatashi uu la yeeshay madaxweynaha, gudoonka baarlamaanka, xildhiibanada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, Golahaan Wasiirada ayaa waxay ka kooban yihiin 20 wasiir, iyadoo si dib laga soo magacaabayo Wasiiro Ku-xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha.
Ra’iisul...
Daawo Baraf iyo Dabaylo Xoogan ayaa ku dhufatay Gobolada Waqooyi Bari ee dalka Maraykanka Video
Gobolada Waqooyi Bari ee dalka Maraykanka ayaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay ka dib Baraf iyo Dabaylo Qabow wata uu ka dhuftay 9 Gobol oo ka tirsan Waqooyi Beri ee Ameerica.
Barafkani ayaa la sheegay in uu yahay mid taariikhi ah iyadoo Saxaafada Maraykanka si weyn u hadal heyso waxaana gebi ahaan la joojiyey isu socodka Gaadiidka iyo Duulimaadyada Sidoo kale Waxaa la xeray iskuulada waxaana la...
Minnesota: Wiil 13-jir ayaa Dhintay kaddib markii walaalkiis Xabbad kaga fakatay
Booliska magaalada Eagan (oo kaabiga ku haysa Minneapolis) ayaa sheegay in wiil 13-sano-jir ah uu dhintay kaddib markii xabad kaga fakatay walaalkiis oo 15-sano-jir ah.
Wiilka dhintay waxaa magaciisu ahaa Suhayb Jamal Hassan.
Arrintan ayaa dhacday Axadii la soo dhaafay (Jan 25, 2015) kaddib markii uu barqanimadii 11:07am uu booliska soo wacay wiilka 15-jirka ah oo ku wargeliyey.
Suhayb Jamal Hassan....
Shiweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA oo Ka furmey Magaaladda Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmey Shirweynihii Afaraad ee Dalladda SOSCENSA ,waxaana uu shirkaaasi ka dhacay Hotelka Makka Al Mukarama ka soo socdey muddo Seddex maamlmood ah 26ka, 27ka, iyo 28 /01/2015.
Shirweynahaasi oo labadii sano mar la qabto, waxaa ka soo qayb galey xubnaha Dalladda oo ka kooban 60 Dalladood , iyo ka badan 40 goob joogayaal oo shirka lagu casuumey, ujeedada shirka oo ahaa...
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade
Muqdisho, Jannaayo 26, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Allaha u naxariiste Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxana Ra’iisul Wasaaruhu tacsi u diray qoyska uu ka tegay, xildhibaanada baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya, isagoo...
Booqashadii Ordogan oo kala Xayirtey Lamaane is Aroosi lahaa !!
Iyadoo weli ay Xiran yihiin Isu socodka Gaadiid yo Dadkuba ka dib markii uu Booqasho ku yimid Madaxweynaha Wadanka Turkiga Rajab Dayid Ordogan ayaa waxaa la kulmey Nin dhalinyaro oo aad u Careysan waxaana weydiiyey Sababta uu u Careysan yahay waxaa uu ku jawaabey isagoo qaylinaya kuna sugan Suuqa Bakaaraha “ Waad ii jeedaa sida aan u labisanahay maanta waxaan ahaa Oroos hase yeeshee aniga iyo...
Rajab Dayib Ordogan Waa Nin Cayn Kee ah?
Waxa Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan iyo Wafdi aad u balaaran , waxaana Booqashaada lagu tilmaamey midii ugu balaarneyd ee Muddo labaatan sanno Ruux Darajadaas leh uu ku yimaado Magaalada Muqdisho, waxayna Booqashadaan lagu micneeyey Mid Ordegon uu ku doonayo in in uu ku sii Dardargeliyo Gacan siinta Ummadda Soomaliyeed
Rajab Dayib Ordogan haddii aan Dib u Milcsano...
Isbitaalka Digfeer oo loo bixiyey Rajab Dayib Ordogan Hospital
Isbitaalka Digfeer oo la dhisey Sannadkii 1963 dii ayaa waxaa uu ku burburey Dagaaladi Sokeeyey , waxaana u sii wehlyey Duqnimo , waxaa Sannadkii 2011 Xiligaas oo uu yimid Raiisul Wasaarhii Turkiga Ordogan oo haatan ah Madaxweyne uu sheegey in uu dib u dhisayo Isbitaalka islamarkaana uu Casri ka dhigayo , waxaana Isbitaalkaas haatan loo bixiyey Ordogan Hospital
Isbitaalka oo ay maalgelisey Hayada...
Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku tegey Muqdisho
War deg deg ah -Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayib Ordogan oo Goor dhow ka soo degey Garoonka Aadan Cadde.
Ordogan oo Xariga ka jarey Qayb Cusub oo lagu Kordhiyey Garoonka
Waxaa Goor Dhow Garoonka Muqdisho ka soo digey Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan oo hogaaminaya ilaa 120 Xubnod oo isugu jra Wasiiro , Xildhibaano, Ganacsato iyo Shirkado uwa oo doonaya in maalgashadan Dalka
...
Dowladha Jabuuti iyo Turkiga oo kala saxiixdey Heshiisyo Cusub.
Iyadoo Maalmahaan uu Booqasho uu ku marayey Wadamo ka tirsan Geeska Afrika Madaxweynaha Wadanka Turkiga Ragab Dayid Ordogan ayaa inta uusan soo gaarin Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la yeeshey Madaxweynha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele , waxaana Booqashadaan lagu tilmaamey mid sii Xoojineyso Xiriirka labada Wadan Turkiga iyo Jabuuti
Labada Wadan ayaa waxay kala saxiixdeen Heshiisyo hor leh oo...
Turkiga : Macaan iyo Qaraar.
Bishii Agoosto ee Sannadkii 2011 waxaa Magaalada Muqdisho Soo gaarey Raiisul Wasaarihii Wadanka Turkiga Ragab Dayib Ordogan oo haatan ah Madaxaweynaha Dalkaas ka dib markii uu ka damqadey Abaar ba’an oo ku dhufatey dalka .
Imaanshahiisii Soomaaliya Ordogan waxay albaabada u furtey in Madax badan iyo Ha’yado Caalamiga ay yimaadaan Soomaaliya kuwaa Gacan balaaran siiyey Dadkii Macaluusha haysey...
Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan .
Muqdisho, January 22, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee xubnaha golaha Wasiirrada, waxana kulanka looga hadlay Amniga dalka, soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo maalinta berri ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo R/wasaaruhu dar-daaran...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Muqdisho, Januari 22, 2015….Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ku qaaday maanta Hotel SYL, wuxuna tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay, isagoo alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo.
“Waxaan canbaaraynayaa...




