Home » Archive Sannadka 2014
Mid ka mid aha Beelaha Dega Gobolada Dhexe oo Dooratey Hogaan Cusub oo Siyaasada u Metela.
Dr Nuur Shiikh Maxamed “Waxaa Baaq Nabadeed u jeedinayaa Dhinacyada ku Dagaalamaya Gobolada Dhexe”
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasmey ilsmarkaana ku saabsaneyd soo bandhigida Gudoomiyaha Siyaasada Beesha Cayr iyo Xubnhiisa ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasabadaan ka soo qayb galey, Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahano, Xisbiyada Siyaasada , Culimaudiin,...
Usbuucii Sheekh Axmed C/samad iyo Galdogob
Sheekh Axmed C/samad oo ka mid ah culumada soomaaliyeed ayaa maalmahaan nashaad dacwo kawaday magaalada Galdogob, nashaadaadkaas oo ay diyaarisay Mu’assasada Alminhaaj ee Galdogob ayaa ku bilowday kulan uu shiikhu la qaatay guud ahaan goloyaasha dacwada ee degmada , kulankaas waxaa uu isugu jiray xogwaraysi, qiimayn iyo talo wadaag waxaana Go’aan lagu gaaray in la garab istaago shaqooyinka dacwo...
Somaaliya ma aha Jarmal!
Qoraa Soomaaliyeed oo dhaliilsanaa siyaasadihii ee mid kamida xukuumadihii rayidka ahaa ee dalka ka jiray 1960-1969 ayaa qoray maqaal duur-xul ahaa, nuxurka maqaalkuna waxa uu ahaa sidan “ Wasiir kamida xukuumadda ayaa booqasho ku tagay dalka Jarmalka (Galbeed) kadibna waxa aad u soo jiitay bilicda dalka iyo dhismayaashiisa casriga ah, isaga oo maanka ku hayay sida dalkiisu ugu baahan yahay...
Dawladnimo, Danguud, iyo Dayaca Soomaaliyeed.
Dawladnimadu waa teedka iyo darbiga ugu muhiimsan ee umadduhu ku naaloodaan. Umadaha qadarinta iyo tixgalinta kuleh nolosha, waxay kutiirsan yihiin nidaam dawladdeed oo u taagan aaya kalintooda. Dhamaan xadaaradaha lajanto ee dunida ka hanaqaaday waxa hormood ka ahaa dawlad han iyo higsi leh. hadaba muslimiintu waxay si wadar ah u dugsanjireen mudo dheer xukunkii khilafada Islaamiga ahayd (Islamic...
RW. Cabdiwali : “ Xiligaan Shacabka Soomaaliyeed ma xamili karaan colaado macno daro ah oo sii socda”
Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Xarardheere in ay deg deg u joojiyaan colaada, isuguna yimaadaan miiska wada hadalka.
Ra”iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaaladaan aysan ahayn kuwo loo cudur daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo barakaca ay u gaysteen...
Go’aan Uu Guddoonka Baarlamaanka Ku Shaaciyey Xiliga Ay Bilaabanayaan Kulamadii kalsooni kala laabashada Ra’iisul wasaaraha
Qoraal ka soo baxay guddoomiyaa baarlamaanka DFS ayaa tibaaxay in 2da December 2014 la qaban doono kulanka gudagalka ajandaha Mooshinka kalsooni kala noqoqshada ra’iisul wasaaraha, waxaana ka doodista iyo go’aan ka gaaristana la soo gababayn doonaa Sabtida 6da December 2014.
Halkan ka akhri go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka GUJI
Go’aan Uu Guddoonka Baarlamaanka Ku Shaaciyey Xiliga...
Aragtida Caqliga: Asalkeeda, Astaamaheeda iyo Aafooyinkeeda.
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
xiddig@gmail.com
Waa nimco iyo naxariis Alle uu siiyo aadamaha. Waa hadiyad uu u hibeeyey dadka oo dhan. Waa deeq iyo darajo uu siiyey muslim iyo gaalba. Waa fadli iyo faa’iido ay dheeryihiin inta kale uu Alle abuurey. Waxaa lugu bartaa cilmiga. Ka dibna jahligaa looga baxaa. Waxaa lugu gartaa wanaaga. ka dibna wadadiisaa lugu raacaa. Waxaa lugu ogaadaa xumaanta....
Xisbi Siyaasadeed oo uu Hormuud u yahay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho oo looga Dhawaaqey Muqdisho.
Tarsan “Xisbgaan Koox Gaar ah ma laha , Qabiil gaar ahna ma laha, waxaa Xisbi ay u Dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed”
Iyadoo Sannadka 2016 la filayo in Soomaaliya laga qabto Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya, oo ay ka qayb geli doonaan Xisbiyada Siyaasada Dalka ayaa waxaa Maanta oo ay Bishu tahay 27 -11-2014 Magaalada Muqdisho looga dhawaaqey Xisbi SIyaasadeed oo loogu Magacdarey Xisbiga...
Afkaaga Hooyo Waa Hodan ee Hor Mari!!
Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqaddaha Geeska Afrika kuwa ay ku Hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaano aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya waana luuqad mudan in la hor mariyo . xigasho cuttubkan Qoraa Axmad haybe..
Luuqaddu waxay ka mid tahay Nimbcooyinka Alle ugu deeqay Bini‘...
Qaar ka mid ah Wasiirada ku dhow Madaxweynaha oo la filayo in ay iska Casilaan Xilalkooda.
Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed, waxaana Khilaafkaan uu sii Xoogeystey ka dib markii Xildhiaanada Baarlamaanka ee Taageersan Raiisul Wasaaraha ay markii Saddexaad ay Fowdo ka sameeyaan Kalfadhigii Baarlamaanka taasoo ay si aad ah uga Caroodeen Gudoonka Sare ee Baarlamaanka...
Kulankii Baarlamaanka oo Markale Lagu Kala dareeray
Iyo Go’aan Kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – iyo warmurtiyeed uu soo saaray ra’iisul wasaaraha DFS sheegayna (“Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016”) –
Waxaa markale socon waayey kulankii baarlamaanka ee la doonayey in cod loo qaado kalsooni kala noqoshada ra’iisal wasaaraha DFS.
Waxaa arrintaas...
RW. Cabdiweli: “Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016”
War-murtiyeed
Muqdisho, 24, November, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, oo caawa war- murtiyeedeed uu ka soo saaray xaaladda dalka uga waramay marxalada siyaasasadeed ee hadda taagan, caqabadaha uu mooshinku ku keenay hiigsiga 2016, iyo kala qaybsanaanta uu ka dhex abuuray golaha shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey saxaafadda...
Mooshinka Xaqdaradda Ah Waa Mid Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud Iyo Xulufadiisu: Uga Soo Horjeedaan ‘Xisaabtanka Iyo Geedi Soconka Nabada’
Dulucda arimaha la isku haysto Soomaaliya, waxaa abuuray ama sii horinaayo – waa hugriga wayn ee uga jira shisheeyaha deegaanka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa oo leh dhul istaraajiyadeed oo Bad, Beri iyo Cir ka hodana ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa QurboJoogta Waqooyiga America isla dhexmarayaan, in Wasiiro ka tirsan Xukuumada Prime Minister Abdiweli Sheik Ahmed, oo ay ugu horeeyaan: Wasiirka...
Madaxweyne Xassan ma noqon doonaa Mursi-gii Soomaaliya?
Markaad eegto cinwaanta qormadan waxaa laga yaabaa inaad istiraahdo: maxaa Mursiga Masar iyo Madaxweyne Hassan iska galay? mase yihiin laba masuul oo la isku masaali karo?
Jawaabtoo kooban waa haa, maxaa yeelay labada masuul sifooyin ay wadaagaan oo badan ayaa jira sida inay labaduba labo dal oo Africaan/Muslim ah madax ka noqdeen, inay labaduba salka ku hayaan ama ka duulayaan ahdaafta Xarakada...
Xildhibaanada Baarlamaanka laba arrin mid ha doorteen
Yaabka Yaabkiisa horta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha maxaa ka dhaxeeya, waxaase ka daran oo la yaab leh maxaa ka dhexeeya Xildhibaanada Baarlamaanka waa tan ay kala raacen ama ay laka safteen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waa arrin layaab leh waxaan la dhihi karaa meesha wax dan guud ah ma talo.
Xildhibaanada Baarlamaanka laba arrin mid ha doorteen :
Tan kowaad in ay Xidhibaanda...
Xildhibaanno: Ma aqoonsan doono Natiijada ka soobaxda Baarlamaanka
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Mooshinka oo sheegey in aysan aqoonsan doonin Natiijo kasta oo ka soo baxda Kulan baarlamaanka.
Waxaa la filayaa in Maalinta Isniinta oo ku beegana 24 November 2014 lagu Balansan yahay Kulankii Baarlamaanka kaasoo la sheegey in looga hadli doona ama lagu qaybin doono Mooshinkii looga soo horjeedo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka...
Ma Ilaashan Karnaa Hanaankeena Dawladnimo ee Curdanka ah?
Bishii Julay 1960 ayeey ahayd markii Soomaaliya ay hanatay nidaam dawladeed oo madaxbanaan, kaasoo ay ku lug lahaayeen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen golihii wisaayada ee qaramada midoobay, maamulkii wisaayada ee Talyaaniga, golihii la talinta oo ka koobna diblomaasiyiin ka kala socday Masar, Kolombiya iyo Filibiin, xisbiyadii siyaasadeed, maamulkii daakhiliga ahaa, iyo dhinaca waqooyiga...
Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo Xubnaha Baarlamaanka ee kasoo horjeeda mooshinka ayaa ku dhamaadey is afgaranwaa
Iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka oo ku hanjabey in Maalinta Isniinta ay halkii ka sii wadi doonaan Heestii Somaaliyeey Toosa.
Iyadoo Weli uu taagan yahay Khilaafka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kaasoo soo jiitamayey muddo ku dhow Laba bilood, waxaana Khilaafkaas uu sababay in Gabi ahaanba ay istaagaan dhamaan Howlahii...
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS
“Horumarku wuu sii soconayaa, iyadoo mudnaantu tahay Hiigsiga 2016, tanoo ah danta Soomaaliya”
Mogadishu, November 22: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa shalay ku soo laabtay Muqdisho ka dib markii ay ka qeybgaleen shirkii Heerka Sare oo lagu qabtay caasimada Copenhagen ee dalka Denmark.
Waa inaan dib u jaleecnaa shirkii...
MAXAA KA RUN AH INUU FASHILMAY INDHA SARCAADKII TURKIGU KA WADAY MUQDISHO
Shirkadaha Turkiga ee u soo shaqo tegay magaalada Muqdisho ayaa ku fashilantay howlihii ay ku dayactirtay rubuc ka mid ah waddooyinka Muqdisho, kaddib roobab xoogan oo muddo ku dhow hal saac ka da’ayay magaalada ay burburiyeen inta badan meelihii ay dib u hagaajiyeen.
Waddooyin fara badan oo ku yaala xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa gooyay roobab xoogan, kaddib markii daadadkii ka dhashay roobabkaasi...
Shan Qof oo Soomaali ah oo Koonfur Africa lagu dilay Todobaadkani iyo cabsi kale oo jirta Warbixin – Daawo Video
Shan Qof ayaa lagu dilay Koonfur Africa Todobaadkani taasi oo walwal hor leh ku abuurtay ganacsatada Soomaalida, laba ka mid ah ayaa lagu dilay hal dukaan oo ku yaala tuulada Nashville ee magaalada Port Elezabeth ee Gobolka Eastern Cape halka laba kale iyagane lagu dilay Tuulooyinka Mashashaani iyo Blad Riva ee magaalada Pologwane ee Gobolka Limpopo halka midka kale isagane lagu dilay tuulo hoos timaada...
Shabakada Macalimiinta Soomaaliyeed oo Xustey Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21 November.
Xaflad lagu Maamuusayey Maalinta macalinka Soomaaliyeed 21 November uuna soo qaban qaabiyey Shabakada Macalimiinta Soomaaliyeed STN (Somali Teachers Net-work ) ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho, waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Macalinmiin, Daladaha Waxbarashad, Hayadaha Samafalka, Bulshada Rayidka , Ardey,Ganacsato iyo qaar ka mid ah Macalimiintii hore .
Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley...
(Dugsi kamida Dugsiyada Quraanka ee Hooyo oo laga furay Magaalada Gaalkacyo)
(Jamciyada Hooyo oo Dugsi Cusub ka furtay Gaalkacyo)
21.11.2014 Gaalkacyo Jimciyada hooyo oo kashaqaysa Arimaha Khayriga ah ayaa xarun cusub oo lagu baranayo quraanka kariimka ah kafurtay xaafada garsoor ee magaalada galkacyo gaar ahaan agagaarka masjidka ramadaan.
Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen hugaanka jimciyada hooyo , maamulka mu asasada al, minhaaj , dhalin yaro haween...
Xulashada Jimcaha: Dhalanteed – maaso dhaxalgal ah
Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa mid hoodo gaar ah u heshay suugaan hodan ah iyo hal-abuurro ay haybaddooda wax curintu aad u heersarreyso. Hal-abuurradaasi xilli kasta oo ay joogeenba waxay ahaayeen kuwo ummaddooda la garabtaagan; duco,dardaaran iyo digniinba. Hayeeshee, nasaniibdarro, waxaa dhanka kale Soomaalida lagu tilmaamaa dad aysan ku duxin duruusta lagu dul akhrinayo.
Dul iyo hoosba...
Xildhibaano ka noqday Motion-kii – madaxwayne Xasana baaq u jeediyey
Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, xubnaha golaha
Shacabka ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul
Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda F.
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faraha kala baxo shaqada
Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka Qaran ee laga sugayo.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay tiro Xildhibaano ah oo
horey...