Home » Archive Maalinta June 22nd, 2010

In ka badan 200-qoys Barakacayaal Soomaaliyeed ah oo loo qeybiyay Bacyaal ay ka galaan Roobabka iyo Qorraxda

Jun 22, 2010
In ka badan 200-qoys oo barakacayaal ah kana qaxay magaalada Muqdisho kaddib markii ay u adkeysan waayeen dagaalada joogtada ah ee maalin walba ka soconaya magaalada Muqdisho oo xilligan degaanka Ceel Cirfiid ee gobolka Sh/dhexe ayaa la gaarsiiyay bacyaal ay ka galaan roobka iyo qorraxda. Gabdhaha Jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan Dalka Sweden Gaar ahaana magaalada Gottonbeg ayaa waxay ugu deeqeen... 
Halkudheg:

Xuuraan: Koob Asayle | Saxansoxo

Jun 22, 2010
Kaliga Asayle ee Sablaale gobolka Shabeelada Hoose waxaa foorara si saf ah boqolaal rag Soomaaliyeed ah, waxaa dushooda ku dul socda askar Gumeysiga Talyaaniga iyagoo sidii buundo ugu dul talaabaya kaliga. Arrintani waxay dhacday nus qarni ka hor, waxaana halkaasi ku dhintey rag baddan oo Soomaaliyeed oo biyaha ku haftey, waxaa meeshaasi loogu magac dara Kaligii Asayle, sababtoo ah dumar baddan ayaa... 
Halkudheg:

Qaadka malaga Mamnuucii Doonaa Dalka Ingiriiska?

Jun 22, 2010
Boqolkiiba 80% furriinka Soomaalida UK waxa uu la xiriiraa Qaadka…. 10,000 tannes oo Daroogada Qaadka ayaa sannad kasta la  geeyaa UK… Waxaana lagu baaqay in Qaadka laga mamnuuca UK…. Qaadka iyo Dhibaatada uu ku hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingriiska.. Telefeshanka SkyNews ee dalka Ingriiska ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka dhaqan-bulsho ee Qaadku ku hayo Jaaliyadda... 
Halkudheg:

Natiijdii Imtixaanka Simisterka Labaad ee Sannad Dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Muqdisho oo soo baxday

Jun 22, 2010
Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 21/06/2010 si rasmi ah usoo baxday natiijadii imtixaankii ugu danbeeyey ee simisterka labaad ee dhamaan kuliyadaha jaamacadda muqdisho sanad waxbarashadeedka 2009-2010. Kulan ay soo xaadireen golaha akaadeemiyada jaamacada laguna ansaxinayey natiijada imtixaanaadka simisterka labaad uuna ka sooqeybgalay gudoomiyaha jaamacada muqdisho Dr-cali sheikh axmed... 
Halkudheg:

Maxaa ka jira in uu Wadahadal u socda Xisbu-Islaam iyo Dowladda Feeraalka

Jun 22, 2010
Wasaarada Warfaafinta Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in dowLadda KMG ay wahadal kula jirto Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam Islamarkaana ay ku hanweyntahay in dowladda ka mid dhigto. Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Dowladda KMG C/risaaq Max’ed Qeylow oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warar ku saabsan in Dowladda Soomaaliya... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...