Home » Qoraallada Halkudhegga "gaas"

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo ka soo laabtay Gaalkacyo kulana la qaatay wefdi sare oo ka socda Midowga Yurub

Mar 28, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo laabtay safar saddex cisho qaatay oo uu ku tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo uu uga qeybgalay aaska madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii joogay magaalada Gaalkacyo waxa uu kulamo la qaatay madaxda maamulka Puntland... 
Halkudheg:

Magaalada Gaalkacyo oo lagu Go’aamiyey in Dastuurka ay Ansaxiyaan 825 Ergo islamarkaana ka soo baxeen 9 Qodob

Mar 27, 2012
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha Road Mabka, gaar ahaana heshiiskii Garoowe Kow iyo Labo.Shirkan oo ay ka qayb galeen Saxiixayashii Road Map-ka ayaa waxayaabaha lagu soo qaaday waxaa ugu waa weynaa dar dar gelinta waxyaabihii hore loogu heshiiyay. Eng. Yariisow af hayeenka Xukuumadda oo arrimahaa ka war bixiyay ayaa sheegey in arrimaha... 
Halkudheg:

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo Gaarey magaalada Baydhaba ee ay haystaan Gumeysiga Itoobiya

Mar 18, 2012
Iyo Sh. shariif oo u dhoofay Suudaan iyo C/lahi Axmed Caddow oo gaarey Xamar iyo Gaas oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika… Guddoomiyihii hore ee ay xilka ka qaadeen Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan sh. Aaden, ayaa maanta (Axad Maarso 18, 2012) waxa uu gaarey magaalada Baydhaba oo ay dhawaanta qabsadeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya. Si rasmi ah warbaahinta... 
Halkudheg: , ,

Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada fadhigoodii maanta

Mar 15, 2012
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Shirkii Garowe 2 iyo go’aamadii ka soo baxay, arrimaha amniga, arrimaha Gobolada, Istraatejiyada Warbaahinta Dowladda iyo arimo kale. Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa ka warbixiyey... 
Halkudheg:

Jaaliyadda Sweden oo casho sharaf u sameysey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya.

Mar 1, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sweden ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo dhoweeyeen casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay. Casho sharaftan ka dhacday Makhaayadda Jubba ee magaalada Stockholm ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Nabadda iyo Horumarka. Xafladan ayaa cashadii ka dib waxaa goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Sweden

Feb 29, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda Stockholm ee dalka Sweden ka dib markii uu soo dhameystiray booqasho uu maalmahan ku joogey Norway. Ra’iisul Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo ah Ra’iisul Wasaarihii 32aad ee dalka Sweden iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ah Ra’iisul Wasaarihii... 
Halkudheg:

War-Saxaafadeed Ra’iisul Wasaare Abdiweli: Xilliga Kala Guurka ah Waa Inuu Dhamaadaa 20ka August 2012

Feb 28, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Norway ayaa sheegay in Xilliga Kala Guurka ah uu ku egyahay August 2012 oo aysan jiri doonin muddo kororsi danbe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “ Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxaa ka go’an in Xilliga KMG ah la soo afjaro August 2012 oo Soomaaliya ay yeelato Dowlad Rasmi ah oo u adeegeysa... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Norway

Feb 27, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Norway ayaa maanta kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Norway oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London, Roadmap ka iyo sidii loo soo afjari lahaa Xilliga KMG ah. Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa kulamadii uu mas’uuliyiinta... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo gaaray Oslo, Norway

Feb 26, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxda Dowladda Norway. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo ambabaxay London oo uu uga qeybgalay shirkii 23ka Febraayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu madaxda Norway kala hadlo xiriirka labda dal, sidii loo dhaqangelin... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegey in Dowladiisa ay soo Dhaweyneyso Duqeymaha Cirka ee Gobolada Soomaaliya

Feb 25, 2012
Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo iminka ku sugan Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya iyo waxyaabaha Saldhigga u ah.Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo martay Labaatan Sano Dagaalo wejiyo kala duwan lahaa kuwaasoo isugu jiray dagaalo Sokeeye, Siyaasad iyo haatan oo Dagaalo... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumada DFKMG soomaaliya.

Feb 24, 2012
Warsaxafadeedka oo u qornaa sidan: Xukuumadda Soomaaliya waxay si qalbi furan kusoo dhaweneysaa mirihii shirkii Londan ee shalay halkaasi lagu soo gabagabbeeyay. Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed oo shirka ka qeyb galay ayaa waxaa uu yiri “Waxaan u aragnaa talooyinkii iyo natiijooyinka Shirka London guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed... 
Halkudheg:

Khilaaf Hoose oo la Sheegey in uu Dhaxeeyo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Mxamed Cali Gaas

Feb 21, 2012
Wararka aan ka heley Xubno ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada ee Filla Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho ayaa noo sheegey in Khilaaf Hoose uu u dhaxeeyo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaasoo ka dhashey markii isbedel lagu sameeyey Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo kan Beeraha iyo Xanaanadda Xoolaha ee Dowl;adda Federaallka Khilaafkaan oo soo jiitamayey Tododbaadyadii... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha Dawladd Federaalka Soomaaliya oo si kulul u beeniyey in Shirka London uu yahay Shir Soomaaliya Maxmiyad lagu Gelinayo

Feb 21, 2012
Cabdi Weli Maxamed Cali Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka la filayo in dhawaan uu ka furmo Magaalada London ee Carriga Ingiriiska.Ra’iisul wasaaraha oo iminka ku sugan Magaalada Brugsales ee dalka Biljim oo waraysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa ku nuux nuuxsaday in shirkaasi ay ka soo baxayaan Natiijo wax ku Ool ah Ra;iisul wasaaraha ayaa ayaan... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo soo gaaray Brussels

Feb 20, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa maanta waxaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah uga bilaabaneysaa magaalada Brussels ee dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub (EU). Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa casuumad rasmi ah ka helay madaxda Midowga Yurub oo uu kala hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Roadmap ka iyo shirarkii Garowe... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe

Feb 14, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ka kooban Wasiiro ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo la filayo in maalinta berri ah uu ka furmo shirka Garowe2. Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka madax uu horkacayay madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Mowqifka Dowladda DFKMG ee ku aaddan ku biiritaanka Al-shabaab ee Ururuka Al-qaacida

Feb 12, 2012
Dowladda Soomaaliya waxay soo saareysaa war saxaafadeedkan ayadoo ka jawaabeysa wararkii ka soo baxay 9-kii bishaan febaraayo 2012 ee hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Dawahiri iyo Horjoogaha kooxdii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane laguna baahiyay baraha Internet-ka ee ahaa in Al-shabaab si rasmi ah ugu biirtay Ururka argagaxisadda ah ee Al-Qaacida. Dowladda Soomaaliya marnaba shaki ugama jirin in ururka... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo maanta booqday dhaawacyada Qaraxii Baar Fatxi

Feb 10, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa saaka booqday dhaawacyada ku jira Isbitaal Madiino kuwaasoo ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay labo cisho ka hor Baar Fatxi. Wasiirada ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha booqashadiisa ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka Dr. C/casiis Sheekh Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdulqaadir... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada DFKMG.

Feb 9, 2012
Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali, waxaana looga hadlay arimaha amniga, warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, warbixin Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, iyo barnaamijka ka Guurista Guryaha Dowladda. Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safar uu ku tegey Talyaaniga, Kenya... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub

Feb 8, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Alexander Rondes oo ay la socdeen Madaxa EU ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Mudane Hussein Arab Isse, Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha Dibedda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed R.W. DFKMG oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaalo uu ku tegay dalalka Italy, Kenya iyo Djibouti

Feb 7, 2012
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa booqasho rasmi ah ku tegey dalka Talyaaniga 29kii Janaayo ilaa iyo 1dii Febraayo ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga Mario Monti. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la soo qaatay Wasiirada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Gaashandhiga iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa kala hadlay... 
Halkudheg:

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Soomaaliya Oo Wareysi Dheer Oo Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya Siiyey SomaliTalk

Feb 4, 2012
Cabdullaahi Goodax Barre “Cidna Nooma Fikiri-doonto, Annaguna Taas Ayaa Mowqifkeena Ah…” Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Jabuuti, islamarkaana Somalitalk wareysi dhinacyo kala duwan la yeelatey ayaa waxaa uu ka Hadley shir lagu qabanayo 05/02/2012 caasimadda dalka jabuuti, maamul u sameynta magaalada... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo soo gaaray Djibouti

Feb 4, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Sabtigii 4ta February soo gaaray Djibouti si uu uga qeybgalo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG). Halkan kadaawo masawiro dheeri ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lgu wadaa inuu shir-guddoomin doono shirka IC, khudbadna ka jeedin doono furitaanka shirka oo socon doona labo maalmood 5ta iyo 6da February. Sidoo kale waxaa lagu... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada

Feb 2, 2012
Shirkii caadiga ahaa oo ay Golaha Wasiirada isugu yimaadeen ayaa waxaa shir gudoomiyay Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Mudane Xuseen Carab Ciise oo looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, arrimaha gobollada, siyaasadda guud ee isboortiska dalka, sharciyeynta shirkadaha gaarka ah ee amniga iyo xaaladda uu ku sugan yahay suuqii Xamarweyne ee gubtay. Ugu... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga

Feb 1, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti. Labada Ra’iisul Wasaare oo labadaba ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ah... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Difaaca Talyaaniga

Jan 31, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxuu kulan dheer la qaatay Wasiirka Difaaca Talyaaniga H.E. Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, xaaladda dalka Soomaaliya... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...