Home » Warar
Warsaxaafadeed: Golaha Wasiirada oo ka shiray amniga, soona dhoweeyey natiijada shirka dib u heshiisiinta ee Jubba
Muqdisho, November 7, 2013—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana looga sugida amniga iyo natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta ee dadka Jubbooyinka.
Kulankan ayaa warbixino looga dhegeystay Wasiirka Arrimaha...
Kulan Xasaasi ah oo ay Isugu yimaadeen Guddiga Golaha Siyaasada Qoowmiyadda Beelaha Benaadiriga.
Kulankani ayaa ahaa mid ay isugu yimadeen Gollaha Siyaasada Qoowmiyadda Beelaha Benaadiriga, iyadoona looga hadlayay xaaladaha uu haatan marayo dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gollaha Siyaasada Qoowmiyadda Benaadiriga DR. MUKHTAAR SH. SHUUTE, oo ah wasiir ku xigeenkii hore Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlada KMG ahayd ee Soomaaliya.
Golahaani oo ah Golle ay...
Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka socoto Ka Doodista Hindise Sharciyeedka Kalluumeysiga Dalka
Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota dood ku saabsan “Hindise Sharciyeedka Kalluumeysiga Dalka Soomaaliya” ee ay soo jeedisey xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Doodda looga hadlayo Sharciga Kalluumaysiga ayaa bilaabatay Isniin (Nov 4, 2013)kaddib markii Xildhibaannada Baarlamaanku ay warbxin ka dhegeysteen Saciid Maxamed Cali oo ah “Gudoomiyaha Gudiga Beeraha iyo Kheyraadka...
Ra’iisal Wasaaraha DFS “Fatahaadaha Webi Shabeelle waa Musiibo Qaran, oo ay tahay in lala tacaalo”
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay fatahaada webi Shabeele ee sida ba’an u saameeyay shacbiga magaalada Jawhar iyo nawaaxigeda.
“Waxaan dhamaan hay’adaha dawliga ah, shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo Bulshada Caalamkaba ugu baaqayaa in si banii’aadamnimo...
Ra’iisul Wasaaraha Ayaa maanta si rasmi ah u furay shirkii dib-u-heshiisinta Jubooyinka
Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya:
Muqdisho, 03 Nov.2013…Ra’isiul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si rasmi ah u furay maanta shirkii dib-u-heshiisiinta Jubooyinka, kaas oo ay ka soo qayb galeen Ergooyinka ka kala socday qabybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka.
Shirka ayaa waxaa goob joog...
Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Saameynta Burcad Badeeda ay ku Reebtay Bulshada oo lagu qabtey Gaalkacyo
Dood Cilmiyeed ku saabsan Saameynta Burcad Badeednimada ku reebtey Bulshada Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisey Xarunta Macluumaadka iyo ka Hortaga Burcad Badeedka oo lagu magacaabo SAPIC oo ah Urur ku Howlan arrimaha Wacyigelinta Burcad Badeednimada isla markaana ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan Bulshada iyo Madaxda Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa lagu qabtey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta...
Dr Cismaan Aadan Cadde oo loo Doortey Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.
Hotelka Ramada ee Magaalada Muqdisho maanta oo ay Taariikhdu tahay 1-da November 2013 lagu qabtey Shirweynihii Shanaad ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed , waxaana ka qayb galey Madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Ururrada Bulshada Maamulka Gobolka banaadir , Dhaqaatiir iyo marti Sharaf ,waxaana ugu Horeyntii Guddigii Hore ee Ururka Dhaqaatirta Soomaaliyeed ay wareejiyeen Xilalkoodi si loo Doorto...
Madaxweynaha J.F.S Mudane Xasan Sheekh ayaa soo gabagabeeyey booqasho labo maalin ah ee uu ku joogay Kismaayo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gabagabeeyey booqasho labo maalin ah ee uu ku joogay magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.
Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Kismaayo ayaa kulamo la qaatay maamulka KMG ee Jubba,Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Ururadda Bulshadda, Dhalinyaradda iyo dhammaan bulshadda...
Wareysi aad u Dheer oo Dhinacyo Badan Taabanaya oo aan la yeelanay Madaxa Shirkadda FAVORI.
Shirkadda FAVORI oo si Caalami ah u Dhiseysa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Waxaa ii suurta gashey in Xafiiskiisa ku wareysano Madaxa Shirkadda FAVORI Cismaan Basay oo u dhashey Wadanka Turkiga waxaana wax ka weydiiyey Arimo ku saabsan Shirkadda FAVORI iyo qaabka ay Shirkadda u Dhiseyso Garoonka Aadan Cadde iyadoo Xilga aan Wareysanayey Garoonka ka soo degayey Diyaarado kala duwan...
U codee qorshaha waxbarasho ee Columbus ee Qodobada 50aad iyo 51aad
Our Children Deserve The Best
Vote FOR Issues 50 & 51!
The Columbus Education Plan
We all want the best for our children – and that includes a quality education.
Waxaan la doonaynaa Caruutayada waxa ugu wanaagsan, oo ay ka mid tahay Waxbarasho tayo leh.
Every child deserves a quality education, regardless of their family’s income or the neighborhood they live in. Our graduates need to be...
Mudane ka Tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku Geeriyooday Magaalada Nairobi
Xildhibaan Cumar Isloow oo geeriyooday –
Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Dalka kenya ayaa sheegaya in Isbitaal ku yaala Magaaladaas inuu ku Geeryooday Xildhibaan ka Tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaankaas oo lagu Magacaabi jiray Cumar Islow Maxamed oo muddo ku Xanuunsanayay Magaalada Nairobi ayaa habeenkii xalay ahaa ku Geeryooday halkaas.
Fadhigii caadiga ahaa ee...
Turkiga: Madaxweynaha DFS oo ka qayb galaya xafladda munaasabadda 90 guurada markii Turkiga uu xornimada qaatay
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in madaxweynaha DFS uu gaarey Turkiga oo uu kaga qayb galayo xafladda munaasabadda 90 guurada markii Turkiga uu xornimada qaatay. Warsaxaafadeedka hoos ka akhri:
Madaxweynaha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Turkiga
Istanbul, 29 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...
Madaxweynaha oo qaabilay Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarka Caalamiga ee dalka Holland.
Muqdisho, 28 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lilianne Ploumen oo ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarinta Caalamiga ee dalka Holland oo ay la socdeen Shirkado ganacsi oo waaweyn oo raba inay dalka maalgeshi ku sameeyaan.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasiiradda Holland booqashadeeda...
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka oo soo saarey wareegto ku wajahan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Isgaarsiinta.
Markii Maalintii Shaley ay Dowladda Federaalka Albaabada u laabtey Idaacadii Shabeelle ayaa Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Gaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdulaahi Ciil Mooge Xirsi waxaa uu soo saarey wareegto uu ku Amrayo in Qaybha Warbaahinta kala duwan , isgaariisnta , Internet-yada IYO Goobaha wax lagu Daabaco in ay iska soo diwaan geliyaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta...
Warsaxaafadeed: Golaha Wasiirada oo ka dooday kordhinta Miisaaniyadda 2014-ka, ansixiyayna heshiis dhex maray Wasaaradda howlaha guud iyo shirkad Turki ah.
Muqdisho, —-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxaa looga dooday kordhinta Miisaaniyadda sanadaka 2014-ka, heshiis dhowaan dhex maray wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al Bayrak taasoo la wareegi doonta maamulka iyo horumarinta howlaha dakadda...
Madaxweynaha oo soo dhoweeyey booqashada taariikhiga ah ee QM oo cadeyneysa taageeradooda Soomaaliya, iyagoo xafiis cusub ka furanaya Soomaaliya.
Mogadishu – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Jan Eliasson, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, isagoo ku ammaanay booqashadan taariikhiga ah iyo furitaanka xafiiska cusub ee Qaramada Midoobey ay ka furaneyso Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay kuxigeenka xoghayaha guud, kormeerna ku sameeyey xafiiska Q/midoobay
Muqdisho– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Q/midoobay Jan Eliasson, waxayna ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Q/midoobay, gaar ahaana taageerada shacabka Soomaaliyeed ay u fidiso Q/midoobay.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubnaha golaha Wasiirada iyo wakiilka...
Soomaali Dhimasho iyo Dhaawac loogu geystey Minneapolis
Cabdi Casiis yuusuf Jaamac ayaa Geeryooday halka Wiil aan magaciisa la helina uu si xun ugu dhaawacmay rasaas ay ku Rideen Kooxo Dableey Mashaqadan ayaa ka dhacday Minnesota ee Carriga Maraykanka ka gadaal markii Kooxdaasi ay weerar ku soo qaadeen goob ay ku sugnaayeen Dhallinyaradaas Somali Maraykanka ah.
Axmed Yuusuf Jaamac oo ah mid la dhashay Marxuumka oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta ayaa...
Madaxweynaha DFS oo qaabilay xubnaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika isla markaana kula dar-daarmay in Ciidamada Soomaaliya loo helo tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga, Safiirka Soomaaliya...
Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Miisaaniyadda 2014, dib u howlgelinta Boostada Soomaaliya iyo Burcad-badeeda
Muqdisho, October 24, 2013—–Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda dawladda ee 2014, dib u howlgelinta Boostadii dalka Soomaaliya iyo weliba hoos...
Aabbaha Dhalay Wariye Tima-Cadde oo Xukuumadda Federalka Soomaaliya ka Codsaday Gargaar Wiilkiisa Dibadda Loogu Qaado.
Maxamuud Cali Faarax oo ah Aabbaha Dhalay Wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo ka hadlay xaaladda caafimaad ee Wiilkiisu ku sugan yahay ayaa baaq u diray Hay’adaha Warfaafinta, Xukuumadda iyo Cid kasta oo gacan ka gaysan karta Sidii Wariyahaas Gar gaar deg deg ah oo Dibad u qaadis ah loogu samayn lahaa.
Aabbaha oo hadalkiisa sii wata ayaa u Mahad Celiyay dhamaanba Qaybihii kla duwanaa ee Bulshada...
Burcad Badeedu : Dhibaato Badanaa!!
Burcad Badeed baa yimide Danyareey Durug.
Markii ay Dhacdey Dowladii Milatariga ahayd 1991-dii ayaa waxaa uu Hubkii Qaranka uu gacanta u galey qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed kaasoo sababey in ay Dalka ka dhacaan Dagaalo Sokeeye oo Galaaftey Nolosha Dad fara badan , wuxuuna Dagaalka uu ku faafey inta badan Gobolada Soomaaliyeed , waxaana Dalka Dhacay Xadgudubyo aad u waa weyn oo ilaa iyo hadda...
Xukuumadda Federalka Somaliya iyo Maamulka Jubba oo ka Heshiiyay Murankii ka Taagnaa Shirka Dib u Heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka
Iyadoo dhawaan Magaalada Kismaayo ee GobolkaJjubada Hoose ay gaareen wafddi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa wararka halkaa ka imaanya waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay ka heshiiyeen Khilaafkii ka taagnaa qabashada Shirkii dib u heshiisiinta Dadka dega Gobolada Jubbooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Guuleed...
Guddida Joogtada ah ee Baarlamaanka oo maanta ka dooday hirgelinta nidaamka Xisbiyada siyaasadeed
Guddida Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen hirgelinta nidaamka Xisbiyada siyaasadeed iyo xoojinta howlaha Golaha Shacabka.
Kulanka Guddida joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo dhammaanna ay xaadir ahaayeen xubnaha guddida joogtada...
Qarax ka dhacay Beledweyne oo ay ku dhinteen 10 qof
Saaka abaara 11:00 barqinnimo ayaa qarax ka dhacay goob maqaaxi ah ee magaalada Beledweyne ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 qof.
Warsaxaafadeedyadii ay DFS ka soo saartay qaraxa hoos ka akhri
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo cambaareeyey Qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Beledweyne
Muqdisho, October 19, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane...




