Home » Warar

Warsaxaafadeed : Ra’iisul Wasaare C.weli Sh. Axmed oo maanta kormeeray Dekedda, iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo, xarigana ka jaray Dugsigii sare ee Macalin Jaamac

Dec 28, 2013
Muqdisho, December 28, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeerkiisii ugu horeeyey ku tegay Dekedda Caalamigaah ee magaalada Muqdisho, Xerada Barakacayaasha ee Rajo, waxaana sidoo kale uu xariga ka jaray Dugsigii sare ee Macalin Jaamac oo dib u dhis iyo qalabeyn dawladdu ku sameysay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii... 

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sheekh Axmed oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Dayniile

Dec 27, 2013
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan: Muqdisho, December 27, 2013—–Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee maanta ku geeriyooday qarax ay kooxo dhagar qabayaal ahi ka geysteen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. “Waa... 

Warsaxaafadeed: Madaxweyne Xasan “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.”

Dec 27, 2013
Nairobi, 27 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka IGAD loogana hadlayey xaaladda dalka South Sudan ayaa yiri “IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan.” Shirka madaxda IGAD oo lagu soo gabogabeeyey xarunta madaxtooyada ee Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha... 

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sh. Axmad Maxamed oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

Dec 26, 2013
Warsaxaafadeed Muqdisho, December 26, 2013——Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan... 

Hayadda WARDI oo 120 Dhalinyaro isugu jira Wiilal iyo Gabdho u soo Gabagabeeyey Waxbarasho Dhinaca Xirfadaha ah oo ay ku Shaqeystaan.

Dec 26, 2013
Waxaa Xarunta Hayadda WARDI ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey 120 Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal kuwaasoo Waxbarashada Bilaabey oo Bishii May ee Sanadkaan waxana la barayey Xirfadaha kala ha , Fuundanimo, Fasamayaqaan Dhinaca Alwaaxda,sida loo Dayactiro Mobile-da,Farsmada Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha , Barashada Computerka... 

Milkiilayaasha Warshad Sameysa Qalabka Dhismaha oo Sheegey in Burburin loo Geystey Hantidii Warshadda , Baaqna u Direy Dowladda Federaalka

Dec 24, 2013
Shir Jaraa’id oo uu Magaalada Muqdisho ku qabtay Maamulaha Shirkadda Qalabka Dhismaha ee Rajo ayuu ku faah faahiyay dacwad dhex martay Maamulka iyo dad hore si qalad ah uga kireeyay Xarunta Warshadda Qalabka dhismaha ee Rajo. Cabdicasiis Maxamed Xasan (Dhagaweyne) oo ah Milkiilaha Warshad soo saarta qalabka dhismaha oo ku taala Degmada waaberi ayaa sheegay in hadda ka hor heshiis ay la galeen rag... 

Hayadaha SOGWO iyo KAASHIF oo Dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal isugu jira u soo Gabagabeeyey Tababaro Xirfadeed oo ay Maalgelsiey Hayadda Danish Refuge Council (DRC)

Dec 24, 2013
Xaflad Shahaadooyin lagu Guddoonsiinayay Haween Dhameystay Tababar ku saabsan dhanka Xirfadaha gacanta ah oo ay si Wadajir soo qaban qaabiyeen hay’adaha DRC Danish Refuge Council iyo SOCWE ayaa lagu qabtay Hotel Raasa ee Magaalada Muqdisho. Xafladaan oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Adeega Bulshada, qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf... 

UNSOM Warsaxaafadeed: Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo mar kale ku baaqay doorasho hufan oo ka dhacda Puntland

Dec 24, 2013
WARSAXAAFADEED DEGDEG AH Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo mar kale ku baaqay doorasho hufan oo ka dhacda Puntland Muqdisho, 24 December 2013 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa mar kale ku baaqay doorasho dhacda waqtigii loogu talagalay iyo geeddi-socod siyaasadeed ee lagama maarmaan ay tahay in lagu gaaro... 

Kulan Wada Tashi ah oo ku saabsan samaynta Hab-Raac Cad oo Jilayaasha aan Dowliga ahayn uga qaybqaadan karaan howlaha Sharci u samaynta Dalka.

Dec 23, 2013
Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENSA) War-saxaafadeed: 23 December, 2013 Maanta oo ay taariikhdu tahay 23ka December 2013 waxay Daladda SOSCENSA ku qabatay Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdiso kulan wada tashi ah oo ku saabsan samaynta hab-raac cad oo Jilayaasha aan Dowliga ahayn uga qaybqaadan karaan howlaha sharci u samaynta dalka. Kulaankaas oo ay ka soo qaybgaleen... 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Hambalyo u siray Ra’iisul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya

Dec 22, 2013
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay in “Ra’iisul Wasaare Heilemariam ugu hambalyeeyey dhiggiisa Soomaaliya xilka loo magacaabay”, waxana uu sidaas ku caddeeyey warqad uu u soo diray 17ki December 2013 oo hoos ku lifaaqan. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhanbaal hanbalyo ah ka helay dhiggiisa Ethiopia Muqdisho, Dec, 22, 2013…..Ra’iisul... 

Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo isku haysta Qaabka loo Dhisayo Maamul Goboleed.

Dec 22, 2013
Iyadoo weli shirkii Maamul u samaynta Gobolada Koofurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo uu halkaa ka soconayo ayaa haddana siyaasiinta ku kala aragti duwan yihiin furnaanshaha shirkaas.Xildhibaan Maxamed Ibraahm  Xaabsade oo ka mid ah xildhibaano dhawaan halkaa booqday isla markaana dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in shirku uu si habsami ah halkaa uga soconayo isla markaana ay... 

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Cusub ka jeediyay Golaha Baarlamaanka

Dec 21, 2013
Munaasabadda Ansixinta iyo dhaarinta Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad waxaa ka jeediyey ra’iisul wasaaraha cusub…  Warsaxaafadeed:  Khudbadda His Excellency Abdiweli Sheikh Ahmed, Raiisulwasaaraha Jamhuriyadda Federalka Somalia Munaasabadda Ansixinta iyo dhaarinta R/wasaaraha Muqdisho 17/12/2013 Bismillahi R’axmani R’axiim. Mudane Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeenno, Xildhibaannada... 

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyey Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub

Dec 21, 2013
Warsaxaafadeed: Baarlamaanka oo cod Caqlabiyad leh ku ogolaaday magacaabista R.wasaare Dr. Cabdiwali Muqdisho, December 21, 2013—–Golaha Baarlamaanka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod Caqlabiyad leh ku ogolaaday magacaabista Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Axmad Maxamed, waxaana kulankan oo ay soo xaadireen 246 Mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha... 

Baarlamaanka Soomaaliya oo daahfuray Dhageysiga Guuxa Dadweynaha

Dec 20, 2013
Warsaxaafadeed ka soo baxay baarlamaanka DFS ayaa u qornaa sidan: Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Dhageysiga Guuxa Dadweynaha ee Golaha Shacabka ayadoo kulankanna uu Gudoonka Baarlamaanka ku marti qaaday Boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir ayadoo sidoo kalena kulanka ay ku sugnaayeen... 

Warsaxaafadeed: Madaxweyneha Soomaaliya “Booliska Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan u dirayaa hambalyo

Dec 20, 2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munasabad lagu xusaayey sanad guuradii 70 Aad ee kasoo wareegtay maalinkii la aas aasay ciidamadda Booliska Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa wuxuu maanta xariga ka jaray Saldhiga Booilska Afar Irdoodka iyo Commando Polizia ama Taliska Booliska Soomaaliyeed. Waxaa salaan uu ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda... 

Warsaxaafadeed: R.W. Cusub ee la Magacaabay Dr. Cabdiweli Ayaa Cambaareeyey Dilkii Dhakhaaiirta Kana Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaan (Sokorliin)

Dec 19, 2013
Muqdisho, 19, Dec, 2013..Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Dr, Cabdiweli Sh. Axmed Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii axmqanimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho. Dr, Cabdiweli ayaa ku tilmaamay dilkaas mid arxan daro ah oo ka baxsan bani’adantimada,... 

Baarlamaanka oo mudo kooban dib ugu dhigay mudada la horkeenayo Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka “VIDEO”

Dec 18, 2013
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mudo kooban dib u dhigay mudada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud horkeenayo Ra’isulwasaaraha cusub ee dalka ee uu dhowaan magacaabay Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed. Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay saxaafadda ayaa yiri “waxaan doonayaa... 

Madaxweynaha DFS oo ka hadlay dagaalada Sokeeye ee deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Dec 17, 2013
Madaxweynaha Somalia “Dagaallo beeleedka waa arin aan loo dulqaadan karin, qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa.” Muqdisho, 17 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo warbaahinta maanta Muqdisho kula hadlay ayaa ka hadlay collaadaha iyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada qaarkood oo uu yiri “ Waxaan marka hore tacsi... 

Taliyihii Ciidmada Amisom ee Soomaaliya oo la Bedeley.

Dec 17, 2013
Munaasibad si heer sare loo soo Agaasimay Xilkana ay kula kala wareegayeen Taliyihii hore ee Ciidamada Amsiom iyo kan cusub ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho. Taliyihii hore ee ciidamada amisom Gen. Andrew Gutti oo xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub Gen Seles ayaa uga warbixiyay wax qabadkiisii mudadii uu hayay xilka  Ciidamada Amisom ee Soomaaliya isagoona sheegay in mudadaas Ciidamada Amisom ay... 

Baarlamaanka Soomaaliya oo Madaxweynaha DFS ka dalbaday in uu Ra’iisul Wasaaraha Cusub horkeeno Baarlamaanka Arbacada 18ka December

Dec 15, 2013
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tibaaxay ” in Gudigga Joogtada ah isku raaceen in maalinnimada Arbacada ah ee Todobaadkan oo ay taariikhdu ku beegantahay 18ka-December (2013) laga codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda in Ra’isulwasaaraha uu Baarlamaanka horkeeno”. Warsaxaafadeedka waxa uu u qornaa sidan: Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka... 

Gudiga gurmadka oo ay horkacaysay mu’asasada al-minhaaj oo kumanaan neef u qaybiyey qoysaskii duufaanta ku cayroobay.

Dec 14, 2013
Gudiga gurmadka oo ay horka caysay mu’asasada  ayaa saaka waxaa ay xoolo u qaybiyeen  dadkii Soomaaliyeed ee ku cayroobay roobabkii dabaylaha iyo duufaanta watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland. Masuuliyiinta  Muss’adda Al-minhaaj iyo Culimo’udiin uu hogaaminayo Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf  ayaa  saakay aaday degaanada ku teedsadn degaanka Qarxis waxaan la socday Issimo , Cuqaal... 

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Loo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Cusub

Dec 13, 2013
Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sh. Maxamud oo ku dhawaaqay Raisul Wasaaraha cusub ee dalka. Warsaxaafadeed: 12 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta wuxuu ku mmagacaabay Xeer Madaxweyne LR.133   Raisul Wasaara cusub ee Soomaaliya mudane Abdiweli Sh. Ahmed. Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri” Waxaan magacaabay Cabdiweli Sh. Ahmed... 

Tuulooyin uu ku fatahay wabiga shabelle oo dadkii deegaanku codsadeen in la gargaaro

Dec 12, 2013
Iyada oo ay waayadaan danbe soo noqnoqonayeen dhibaatooyinka ay geysanayaan fatahaadaha biyaha wabiga sh/dhexe  ayaa hadane waxaa soo baxayo waxyeelooyin kale oo u wabiga shabelle u geysanayo dadka iyo dalaga ku dhaqan gobolka sh/hoose deegaanada y ka midka yihiin  baldooska Sheentaraal garsaalo Xaliimo Aduunyo wargeedow iyo kuwo kale  oo intuba ku aadan deegaanada ku dhow dhow dagmada Afgooye... 

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta oo ka Qayb galey Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Xaquuqda Aadanaha.

Dec 12, 2013
Iyadoo 10 –ka December ay tahay maalinta Xaquuqda Aadanaha  Aduunka ayaa Munaasabad ku Aadan maalinkaa waxaa maanta lagu qabtey Hotel Safari ee Magaalada Muqdisho waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galey Wasiiro , Xildhibaano, Aqoonyahano, Madaxda Hayadaha Samafalka, kuwa  Xaquuqul Insaanka , Haween iyo Dhalinyaro Waxaana si wadajir ah Munaasabadaas u soo qabanqaabiyey Xarunta Xaquuqda Aadanaha... 

Ugaaska Beesha Biyo-Maal Oo Ganafka Ku Dhuftay Shirka Lagu Wado Inuu Baydhabo Ka Dhaco Ee Lagu Yagleelayo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dec 11, 2013
Ugaaska Beesha Biyo-Maal Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali Ugaas Xuseen oo shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dagaaladii ka dhacay Gobolka Shabeelada hoose oo uu sheegay inay tahay arin siyaasadeed oo ujeedo fog laga leeyahay islamarkaana ku tilmaamay mid dad fara ku tiris ah oo dhaqaalo leh ay u ololaynayaan taas oo uu sheegay inuu uga digayo...