Home » Warar
Dowladda Federaalka oo markii ugu horeysey ka Hadashay Ciidamada Maraykanka ee ku Sugan Soomaaliya.
Iyadoo dhawaan Xukuumadda Washington ay shaaca ka qaadday in Tiro yar oo Ciidamadeeda ah ay ku sugan yihiin Gudaha Soomaaliya ayaa arrintaas markii u horeeyay waxaa dhankooda ka hadlay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi sii hayaha xilka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo waraysi siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in Maraykanka ay Soomaaliya ka...
Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaa Soomaaliya oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya
iyo Madaxweynaha DFS oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Fransiiska kana mahadceliyey xiriirka dhanka amniga iyo maalgashiga.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya
Muqdisho, January 15, 2014——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Safiirka dalka Britain u fadhiya...
Qaar Kamid ah Ganacsatada Qurba Joogta ah ee Muqdisho Ku Sugan oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Amaanka Magaalada Muqdisho
Ganacsatada ku Dhaqan Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa Qurbaha ka yimid ayaa qaylo dhaan ka muujiyey xaalada Amni xumo oo ay sheegeen inay kusoo korortay Caasimada Muqdisho taasoo ay sheegeen inay Dowlada Soomaaliya mashquul ku noqtay waxyaabo dantooda ah oo aan u adeegayn Bulshada soomaaliyeed
Ganacsade Liibaan Xasan Cabdi oo Saxaafada kula hadlay gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobtiisa Ganacsi...
Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) oo Shir Jaraaid ku qabteen Haween ka Qayb galey Doorashadii Puntland
Waxaa Xarunta Somali Women Developments Center ( SWDC) maanta Shir Jaraaid ku qabtey qaar ka mid ah Haween lagu martiqaadey ka qayb galka Doorashadii 8 Janaayo ka dhacdey Magaala Madaxda Puntlanad ee Garoowe oo uu ku soo baxay Raiisuul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kuwaas oo maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho oo markii hore ka Ambabaxeen.
Haweenka oo ...
Ururka Somali Independent Media House Association ( SUMHA) oo ay ku soo Biireen Warbaahino kale.
Waxaa Hotelka Maka- Mukarama ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad lagu soo dhaweynayey Warbaahino kale oo ku soo biirey Ururka Ururka Somali Independent Media House Association ( SUMHA) oo 16-ka Bishii December looga dhawaaqey Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasabadii maanta ka soo qayb galey Madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Afhayeenada Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir , Ururrada...
Maraykanka oo shaaciyay in uu si Qarsoodi ah tiro Ciidama ah ugu Diray Soomaaliya
Xukuumadda Washington ayaa markii u horeeyay shaaca ka qaadday in tiro ciidamada Maraykanka ah oo Khubaro ah loo diray Gudaha Dalka Soomaaliya.Warbixin ay qortay Jariidada Washington Post oo soo xigatay Sarkaal ka tirsan Taliska hawl Galka Maraykanka ee Africom yaa sheegay in tiradan Khubarada Maraykanka ah ee haatan ku sugan gudaha Soomaaliya in shaqadoodu ay tahay talo bixinta iyo tababaridda Ciidamada...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka Digtay in loo Hoggaansamo Bayaankii ay ku jooojiyeen Inter-Net-ka Fiber Optic-ka
War saxaafadeed ka soo baxay WasaaraddaArrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu cambbaareeyayBbayaankii dhawaan ka soo yeeray Xarakada Shabaab ee ku aadanaa in la joojiyo Isticmaalka Inter Net-ka ee Fabric Optic iyo Mobailka dhinaca Internetka.Sii Hayaha xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen oo war saxaafadeedkaas ku Saxiixna...
Afar Soomaali ah ayaa ku Geeriyoodey Shil Gaari oo ka dhacay Maraykanka, gobolka IOWA
Wiil & Hooyadiis iyo Habaryartiis iyo gabar ay qaraabo ama asxaab ahaayeen oo ku geeriyoodey shil gaari.
Afar qof oo Soomaali ah oo deganaa magaalada Postville ee gobolka IOWA ayaa ku dhintay shil gaari oo Jimcadii (Jan 10, 2014) ka dhacay meel u dhow dhanka Woqooyi ee Magaalada Clermont ee Gobolka Iowa ee dalka Maraykanka, aagga loo yaqaan Fayette County.
Shilkan ayaa ka dhacay Highway 18, waxana...
Sannad Guuradii 41-aad ee Ururka Dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Gobolka Banaadir oo la Xusey.
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guurada 41 aad ee Aas-Aaska Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyina Gobolka Banaadir oo ku began 8-da Janaayo ,waxaana ka qayb galey Masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaano, Urarada Bulshada Rayidka, Qaybaha ka duwan ee Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir iyo Marti Sharaf kale.
Ugu horeyntii halkaa...
Warsaxaafadeed – Madaxweyne Xasan “Hay’adda Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Somalia.”
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa tibaaxay in: Muqdisho, 09 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo xalay ka qeybgalay xafladii xuska sanadguuradii 44aad ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa yiri “Hay’ada Nabadsugidu waxey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.”
Xafladan...
Cabdiweli Gaas oo ku guulaystey doorashadii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland
Arbaca Janaayo 8, 2014 waxaa magaalada Garoowe ka dhacay doorashadii madaxweynaha maamul gobolledka Puntland.
Doorashada oo 66 xildhibaan ee baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen musharaxiinta ayaa wareegii saddexaad waxaa codadka 33 ku guulaystay C/weli Gaas, halka uu madaxweynahii hore ee Puntland helay 32 cod. (1 xildhibaan ayaa codkiisii xumaaday).
Wareegiis kaas ka horeeyey ee labaad waxaa Cabdiweli...
Madaxweynaha Somalia “Doorashada Puntland waa horumar lagu tallaabsaday.”
Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa madaxweynaha DFS waxa uu kaga hadlay doorashada Puntlad. Waxana uu u qornaa sidan.
Muqdisho, 07 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay doorashooyinka Puntland horumar lagu tallaabsaday, una rajeeyey in doorashada madaxweynaha Puntland ee berri dhaceysa ay noqoto mid sii xoojisa...
Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD
Warsaxaaafadeed ka soo baxay Villa Somalia, madaxtooyada DFS ayaa tibaaxay sidan:
Muqdisho, 06 January 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Ambassador Mohamed Abdi Afey oo bishii December loo magacaabay xilkan cusub.
Ambassador Afey oo si weyn loo yaqaano isla markaana aad u fahamsan arrmaha...
Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo shuruud looga dhigay in ay isku-diiwaan geliyaan $10,000
Guddiga Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee qaabilsan doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka ayaa Axad Janaayo 5, 2014 waxay soo saareen go’aan ay ku kordhinayaan lacagta ay isku diiwaan gelinayaan musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamul goboleedka Puntland.
Go’aankaas soo baxay Maanta (janaayo 5, 2014) iyo shuruudaha lagu xiray musharaxiinta...
Dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee Dalka Soomaaliya ka dhacay Sanadkii 2013
9-kii Janaayo 2013 waxay Dowlada Xirtey Warie Cabdicasiis Cabdinuur Koronto oo u shaqeynayey Idaacada Dalsan ka dib markii Dowlada ku eedeysey in uu sameeyey war been Abuur ah balse markii Dambigaas lagu waayey isaga iyo Gabadhii uu Wareystey
January 17, 2013 Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiik Maxamuud ayaa Booqasho ku tegay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo isagoona...
In ka Badan 2000 Arday oo u Fariisatay Imtixaanka Semester Dhamaadka ee Jaamacada Somali international University (SIU)
Ku Dhawaad 2000 oo Arday oo wax ka Barata Campus-yada kala duwan ee Jaamacada Somali international University (SIU) ayaa waxa ay si rasmi ah ugu fariisteen imtixaanka Semester Dhamaadka ee Sanad Wax-Barashadeedka 2013-2014.
Cabdulaahi Cali Culusoow, Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka ee Jaamcada SIU oo aan wax ka weydiinay habsami u socodka Imtixaanka ayaa waxa uu yiri, “Waxaa si rasmi ah u bilaawday...
Dawro aqoon iswaydaarsi ah oo loo qabtay qayb ka midah ardada iskuulka imaamu shaafici.
Bosaaso:- magalada Boosaso ayaa waxaa ka bilawday manta oo tariikhdu tahay 05/01/2014 dawro aqoon iswaydaarsi ah oo ay soo qabanqabisay iskuulka imaamu shaafici oo kashanaya mu’assada Minhaaj ee dacwada iyo horimarinta lana magic baxday raad ku reeb bulshada, dawradan oo soconaysa muddu labo maalmood ah loona qabtay qaybka midah ardayda iskuulka.
Dawradan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee AMAL...
Madaxtinmada Soomaaliya Waa Xabsi iyo Qaxootinimo!!
Tan iyo markii ay dhaceen Dagaalada Sokeeye ee Soomaliya waxaa mar waliba aad arkeysa waxaad la yaabtid oo ku soo kordha Dhacdooyinkii Soomaalya ka jirey , waxay 10-kii September ee Sannadkii 2012 markii lagu Dhawaaqey in Xasan Shiikh uu noqdey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markiiba Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo wada jira ay Guryahooda ugu tageen Qoyska Madaxweynaha la doortey si loo...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS.
Muqdisho, January 3, 2014—- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adage ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay Danjire Kay taageerada joogtada ah...
Akadeemiye-Goboleedka Afka Soomaaliga (AGA) oo qabatey Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warbaahinta .
Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Aqoon Isweydaarsi loogu Magacdarey Adeegsiga Afka Soomaaliga iyo Kaalinta Warrbaahinta waxaana soo qaban qaabiyey Akadeemiye Goboleedka ee Afka Soomaaliga oo markii la soo gaabiyo loo yaqaan (AGA ) waxaana ka soo qeyb galey ku dhowaad Boqol Xubnood oo ka kala socday qeybaha Warbaahinta ee ka Howlgala Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Kulankaan...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed oo sheegay in sanadkan ay Ciidanka Qalabka sida u noqon doonto sanadkii dib u dhiska iyo xoreynta
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay sidan:
Muqdisho, January 1, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka iyo dhamaamba ciidanka Qalabka-sida, sanadkii dib-u-dhiska...
Xarunta Macluumaadka iyo ka Hortagga Burcad-Badeednimada ee SAPIC oo kulan Wacyi-gelin ah ku Qabatay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Xarunta ka-Hortagga Brcadbadeedda Soomaaliya ee(SAPIC) ayaa kulan looga hadlayay dhibaatooyinka Burcad-Badeednimada ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoo kulankan ay hadallo u badan wacyi-gelin ay ka jeediyeen waxgarad iyo Mas’uuliyiinta xarunta SAPIC.
Kulanka ayaa waxaa ugu horreyn Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furay, Sheekh Carmiye C/qaadir oo ka mid ahaa xubnihii kulanka...
Kulan la Tashi ah oo ay soo Qaban Qaabisey INTERNEWS-Somalia kuna saabsanaa sidoo loo Yagleeli lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo lagu qabtey Muqdisho.
Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan la tashi ah oo ku saabsan sidoo loo yegleeli lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Heer Qaran , waxaana Kulankaas ka soo qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Garsoorka ,Xildhibaano , Hayadaha Xaquuqda Aadanaha , Bulshada Rayidka, Culimaudiin , Haween , Aqoonyahano iyo Marti Sharaf kale , waxaana Kulankaan soo qaban qaabiyey...
Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegey in Ciidamo Dheeraad ah u Dirayaan Dalka Soomaaliya.
Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya iyo is bedelada haatan ka jira.,Madaxweyne Geelle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay Ammaanka dalka Soomaaliya isagoona farta ku fiiqay dadaaladii ay bixiyeen Ciidamada Afrikaanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya is bedleada ay ku soo Dabbaaleen Ammaanka guud ee Dalka.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa kalsooni buuxda ka...
Daladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan Dood Wadaag ah ku saabsan Dib u Habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka.
Waxaa Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtey Dood ku saabsan dib u habaynta Nidaamka Garsoorka Dalka waxaa dooddii maanta ka qayb galey GudoomiyAha Maxakamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuure iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Garsoorka waxayna Bulshada Rayidka ay weydiiyeen Su/aalo ku saabsan Xadgudubyada Kufsiga ,is qabsiga Dhulalka, Dilalka iyo Xadgudubyo kale waxayan Masuuliyiintaas...




