Home » Warar
Gabdhaha Medlife ee ku nool Sweden oo Deeq gaarsiiyey magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.
Gabdhaha Medlife ee ku nool Sweden oo Deeq gaarsiiyey magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.
Wajeer: Jaaliyadda Medlife ee fadhigeedu yahay dhalka Sweden ayaa toddobaadkan deeq Raashiin ah gaarsiiyey walaalohooda degen magaaladda wajeer, iyadoo si gaar ah loogu baahnaa raashiinkaan.
waxaa lagaarsiiyey qoysas markaas aad uu dhibaataysnaa.
ILLahey kasokow waxaa mahad iska leh walaalkeen Ugaas Mohamed oo degen...
Taliska Gobolka Bari oo ka Warbixiyey Qaraxyadii ka Dhacay Bosaaso.
Somalitalk:Bosaaso: Ciidamada Amaanka Puntland ayaa bilaabay howl galo ay ku baarayaan cidii ka danbaysay Qaraxyadii xalay ka dhacay Gudaha Magaalatan Bosaaso, Qaraxyadaasi oo lagula bartil Maamaysaday Labo ka mid ah Saldhigyada Magaalatan Bosaaso sidaa waxa Saxaafada u sheegay Taliyaha Ciidamada Gobolka Bari Cismaan Xasan Cowke Afdalow.
Waxuuna sidoo kale Taliyaha Ciidamada Gobolka Bari sheegay in...
Gabdhaha Soomaaliyeed ee Sweden oo kaalmo lacageed soo gaarsiiyay Xarunta Jimciyada Xanaanada Caruurta Agoonta ah ee Afooye
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gabdhaha Dalka Sweden oo kaalmo lacageed soo gaarsiiyay Xarunta Jimciyada Xanaanada Caruurta Agoonta ah ee Al- Nahreyn (Orphanage Care Union) ee degmadda Afooye Gobolka Shabeelaha Hoose.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Jaaliyadda gabdhaha Soomaaliyeed eek u dhaqan Dalka Sweden gaar ahaan magaalada Yatakori ayaa kaalmo lacageed soo gaarsiiyay Xarunta Jimciyada Xanaanada...
London: Wafti uu hogaaminayo Cumar C/rashiid oo u dhoofay Dubai
Wafdigii uu hoogaaminayey Ra’isul wasaaraha Somalia Dr. Cumar C/rashid Cali Sharmarke oo beryahan booqanyey wadamo Europe ah, ayaa caawo lagu sagootiyey magaalada London iyagoo u duulay magaalada Dubai.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
London, Oct 4, 2009: Wafidga Ra’isul wasaaraha oo ka koobnaa dhowr xubnood oo ka tirsan xukuumadiisa, ayaa muddo todobaad ah waxay booqashooyin ku kala...
Todobaadka daryeelka haweenka iyo caruurta oo ka bilawdey magaalada Gaarissa.
Todobaadka daryeelka haweenka iyo caruurta oo ka bilawdey magaalada Gaarissa.
Todobaadka daryeelka caafimaadka caruurta iyo haweenka oo lagu magacaabo Malezi Bora ayaa magaalada Gaarissa si rasmi ah xariga uga jarey kuxigeenka guddoomiyaha gobolka waqooyi bari Kenya Mr. Thomas Saka.
Xaflada barnaamijkan xariga lagaga jarayey oo lagu qabtey isbitaalka guud ee magaalada Gaarisa ayey saraakiisha caafimaadka...
Madaxwaynaha Punland oo Kulan la Qaatay Taliyaha Ciidamada Police-ka DKMG
Somalitalk:Bosaaso: Madaxawayanaha Dowlada Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa Kulan Aad u Muhiimsan La Qaatay Taliyaha Ciidamada Police-ka Dowlada KMG Somaliya Cabdi Cawaale Qaybdiid, Kulankaasi ay wada Qateen ayaa Qaatay Mudo Saacadaha Waxayna Kulafa Gureen Arimo Badan oo Quseeya Cidamada Somaliyeed ee lagu Tababarayo Kuliyada Carmo ee gobolka Bari.
Taliyaha Ciidamaada Police-ka...
Xildhibaanada Baarlamaanka oo Aaden Madoobe ka Dalbaday in uu Toddoba Casho Gudahood Shir isugu yeero Golaha Baarlamaanka
Muqdisho: 60 Xildhibaan oo Shir ku yeeshay Muqdisho
Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ayaa shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen isniintii November 2, 2009 waxay shaaca ka qaadeen in ay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Sheikh Aaden Maxamed Nuur “Aaden Madoobe” ka dalbadeen in muddo toddoba casho gudahood ah uu shir isugu yeero Golaha Baarlamaanaka si loo dhamaystiro Ajende-yaasha...
Muqdisho oo ay ka sameysmeen Harooyin waaweyn iyo Afgoooye: Dhaqatar loo dilay Xabad Sigaar ah oo uu shitay
Afgoooye: Dhaqatar loo dilay Xabad Sigaar ah oo uu shitay
Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Magaaladaasi lagu dilay Dhakhtar si aad ah looga yaqaanay Magaaladaasi oo lagu magacaabi jiray Dr. Sagaarey.
Dilkaan ayaa waxaa gaystay nin ka mid ah Ciidamada Ururka Xisbul Islaam kadib markii Dhakhtarka lagu amray in uu damiyo Sigaar u shidnaa, hase yeeshee dhakhtarka...
Kenya oo Xogteedii QM ka hor Akhrisay, Cuskatayna Heshiiskii Is-afgarad iyo Warqadii Loo Saxiixay Cumar C/rashiid
Warbixin ay soo saareen Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka
Tarjumadii, warbixintii iyo faalladii: SomaliTalk.com | Nov 3, 2009
Shabakadda Qarammada Midoobey qaybteeda xeerarka Badaha adduunka ayaa October 31, 2009 waxaa lagu faafiyey qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda. Qoraalkaas oo tibaaxay halka uu marayo go’aan ka gaaristii akhbaartii la xiriirtey xuduudaha...
Boosaaso: Maxaabiis lagu xukumay xabsi dheer iyo PL oo u digtay suxufiyiinta Ajnabiga
Maxkamada Darajada Kowaad ee Bosaasoo oo Xukun ku Fulisay Rag lagu soo Oogay Argagaxiso .
Somalitalk: Bosaaso: Maxakamada Darajada kowaad ee Magaalada Bosaaso ayaa Maanta waxay Xukun ku Fulisay Rag lagu eedayey in ay ku Lug laheen Qaraxyadii ka Dhacay Magaalatada Bosaaso, Waxayna sidoo kale Maxakamada Darajada Kowaad ee Bosaaso Ragaasi ku sheegtay in ay yihiin Rag Xiriir la leh Kana mid ah...
42 Arday Soomaaliyeed oo ka Qalin jebiyey Jaamacadaha Malaysia
42 Arday Soomaaliyeed oo ka Qalin jebiyey Jaamacadaha Malaysia
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah oo ardayda qalinjebisey
Waxaa sanadkaan 2009 ka qalinjabiyay dalkaan Malaysia Ardaydii ugu tirade badnayd ee abid ka qalin jabisa Jaamacadaha ku kala yaala dalkaan Malaysia, Ardaydaas ayaa waxay tiradoodu ahayd 42 Arday, waxyna ka kala qalin jabiyeen jaamacado kale duwan, Ardaydan ayaa waxay dhamaysteen...
Ardayda Reer Puntland ee Sudan oo Xalaf Sanad Guura ah ku qabsadeen Magaaladda kharduum
Ardayda Reer Puntland ee Sudan oo Xalaf Sanad Guura ah ku qabsadeen Magaaladda kharduum
Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah
Maalinimaddi Taariikhdu ku beegnayd 30.Oct. ayaa xaflad balaaran oo aad loo soo agaasimay ka dhacday caasimada dalka suudaan ee kharduum , iyadoo lagu maamuusayey aasaaskii koowaad ee ururka dhalinyarada puntland ee suudaan puntland somali youth congress .
Xafladaan oo ahayd mid...
Wareysi: Maamulaha Jaamacadda Baladweyne Maxamed Aadan Xaadoow
Wareysi aan la yeelaney Maamulaha Jaamacadda Baladweyne Maxamed Aadan Xaadoow,
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Su’aal: Jaamacadda B/weyn goormaa dhidibada loo taagay oo la furay?
Jawaab: Waxaa dhidibada loo taagay bishii Lixaad ee sanadkan 2009-ka, waxbarashaduna waxay bilaabatay bishii 9aad ee isla sanadkan oo ah xilliyada Jaamacadaha Soomaaliya waxbarashadu u bilaabato, ilaa iyo haatanna waxbarashada...
Dowladda FKMG oo Qiratay in lagu Khiyaamay Heshiiskii Badda
VIDEO Qirashadii DFKMG in la khiyaamay Halkan ka daawo….
Cumar C/rashiid: Kenya waxay VIOLATION (Xad Gudub) ku samaysay International Law (ee xuduudda badda) – maqal iyo muuqaal
C/raxmaan C/shakuur: Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke amarkiisa ayaan aniga ku saxiixay heshiiska ( ku saabsan badda)….
Oct 28, 2009: Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo muujiyey in lagu Khalday heshiiska Is-afgaradka
Oct...
Danjiraha Soomaaliya ee Indonisia oo ka qayb galay munaasabad lagu soo dhawaynayey ardayda Jaamacadda UIN
DANJIRAHA SOOMAALIYA EE INDONESIA OO KA QEYB GALAY XAFLAD LAGU SOO DHAWEYNAYAY ARDAY CUSOB EE JAAMACADDA UIN
Danjirah soomalia ufadhiyo indonesia oo ka qeyb galay xaflad lagu soo dheweynayay arday jaamacadda UIN (universitas islam negeri) syarif hidayatullah Jakarta ec dalka indonesia magaalada jakaarta, jaamacada UIN oo aay dhiktaan arday tiradoodu dhon takay 25,000 ardny, aayn kermid yihiin wadamada,...
Walad Cabdalla oo Cambaareeyey isku dayga dilka Madaxweynaha DFKMG
Xafiiska Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasadda Soomaaliya
War-Saxafadeed 029/2009
SRSG-ga oo cambaareeyey isku dayga dilka Madaxweynaha Soomaalia
Nayroobi, 29 Octobar 2009 : Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaliya, Ahmedou-Ould Abdullah ayaa si aad ah u cambaareeyey kuwa ka dambeeyey isku-dayga dilka Madaxweynaha Soomaaliyeed, Sharif Sheikh Ahmed, isku-daygaas...
Xaflad Lagu soo dhawaynayo Wafdiga Raisalwasaraha DFKS Sharmarke oo Kadhacday Magaalada London ( Daawo Sawiro)
VIDEO ka daawo halkan…. Cod ka dhegeyso halkan
Jaaliyada Soomaalida magaalada London ku nool ayaa caawa xaflad qurux badan ugu qabatey Hall-ka Friends House oo ku yaal xaafada Euston wafdi balaaran oo u hogaaminaayo Raisal wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo booqasho sadax maalin ah ku soo gaarey dalka Ingiriiska.
Xafladatan oo ay ka soo qayb galeen dad aad...
Ra’iisul wasaaraha DFKMG: Dowlada Kenya waxay si Qaldan u rabtey inay nagu Qiyaanto (Heshiiska Is-afgarad ee badda)
Cumar C/rashiid oo sheegay in Kenya Doonaysay in ay DFKMG ku Khiyaamayso Heshiiskii Is-fahamka Xuduudda Badda
Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake oo kulan la yeeshay Jaaliyaadda Soomaalida London (28/10/2009) ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan heshiiskii Is-afgarad ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsanaa badda Soomaaliya, waxana uu sheegay in Kenya ay doonaysay in ay khiyaamayso Soomaaliya.
Isagoo...
Xildhibaan Mowliid Macaani: Al-shabaab iyo Xisbul Islaam haddii aysan dagaallada joojinayn ha u badalaan kuwo jabhadeyn ah..
Xildhibaan Mowliid Macaani “Walaalaheenna Al-shabaab iyo Xisbul Islaam waxaan ka dalbanaynaa in haddii aysan dagaallada joojinayn ay u badalaan kuwo jabhadeyn ah, waayo taas waa mid badbaadinaysa shacabka”
Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah mudanayasha baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, dib u heshiisiinta, burcadbadeeda, shirarkii...
Cumar C/rashiid: Dawladdu waxay u Hoggaansameysaa Go’aanka Barlamaanka (Arrinta Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya)
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Jaaliyadda reer London ma u cadayn doonaa Mowqifkiisa ku aadan warqaddii loo saxiixay… ee garabka siinaysay heshiiska Is-faham….
Xafiiska Afhayeenka Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya war uu faafiyey ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha DFKMG uu yiri waxaa Dawladdu u hoggaansamaysaa go’aankii baarlamaanku ee ku saabsanaa heshiiska Is-fahamka ee...
Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis, Minnesota
Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis ee Gobolka
Habeenimadii Isniinta (Oct 26, 2009) ayaa wiil Soomaaliyeed waxaa lagu diley magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Wiilka waxaa magaciisa la oran jirey Ali Yasin Ismail, oo da’diisu ahayd 23-jir, sida uu sheegay Telefishanka WCCO Channel 4 ee Minnesota.
Wiilka waxaa lagu dhex toogtey gaari markaas taagnaa...
Johannesburg: Kulan lagu Cambaareyey dad lagu xirxirey Puntland
Kulan lagu cambaareyey dad Puntland lagu xirxirey oo lagu qabtay Johannesburg
Halkan ka dhegeyso Sawiro dheeraad ah
Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen dad farabadan oo kasoo jeeda beesha Absame ayaa ka dhacay magaalada Johannesburg kullankaasi oo si weyn loogu cambaareeyey rag beeshani kasoo jeeda oo sida la sheegay dooni laga degey Puntland kadibna xabashida loo gacan galiyey.
Suldaan Dugsiye oo...
Muqdisho: Siminaar ku saabsan wacyigalinta Bulshada ee Khatarta Cudurka Aids-ka
Mudane Cabdi Nuur “Hay’adda Ospad waxay Siminaaradaan u qabaneysaa in ay Bulshada ku wacyigeliso khatarta Cudurka Aids-ka”
Sawiro Dheeraad ah halkan ka akhri
Waxaa Xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey siminaar ku saabsan ka hortaga cudurka Aids-ka waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda Ospad oo ah Hay’ad markasta u taagan in ay bulshada ka wacyigeliso...
Cumar C/rashiid oo Booaqsho ku tegey London, UK
Cumar C/rashiid oo Booaqsho ku tegey London, UK
Ahmed Elyas
UK LONDON
Waxaa October 26, 2009 magaalada London ee cariga ingiriiska safar shaqo ku soo gaaray goor danbe oo maanta (26/10/2009) ah wafdi sare oo uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha DFKM Somalia Dr. Omar A. A. Sharmarke oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.
inta uu joogo raisulwasaaraha Somalia magaalada London ee cariga...
Luqadda Soomaaligu kama soo bilaaban Afar Reer Guuraa ah: Siciid Saalax oo Jooga Helsinki
LUQADDA SOOMAALIGA MA AHA MID AFAR REER GUURAA AH KASOO BILAABATAY SIDAAS WAXAA YIRI MACALIN SICIID SAALAX OO JOOGA HELSINKI.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Xalay (Oct 25, 2009) Fiidnimaddii markii ay ahayd saacadu 20:30 ayaa waxaa garoonka weyn ee magaaladda Helsinki kasoo degay Macalin Siciid Saalax oo ka yimid dhinacaas iyo wadanka Sweden oo uu ugasoo qayb galay shirsanadeedkii macalimiinta...




