Home » Warar

Faarax Qare 2013: Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka

Jan 7, 2015
“Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka” ayuu yiri Jan, Faarax Qare oo sheegay in dhibaatada lagu hayo Badda Soomaaliya aanay ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo. Hadalkaasi waa sidii uu 2013 ka rumaysnaa badda Soomaaliya. Warbixintan waxay SomaliTalk kusoo baxday... 

Munaasabad lagu Daahfurayey Urur loogu Magacdarey Dib u Dhiska Soomaaliya (SRO ) oo lagu qabtey Muqdisho.

Jan 6, 2015
Waxaa Hotelk Maka Al-Mukarama lagu qabtey Munaasabad lagu Daahfurayey Ururka Dib u dhiska Soomaaliya (Somali Rebuilding Organization marka la soo Gaabiyo loo yaqaan (SRO), Ururkaas oo hore looga furey Magaalada Minneapolis ee Cariga Mareykanka ayaa waxaa ka qayb galey Xildhibaano, Siiyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano,Dhalinyaro, Haween, Waxgarada, Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Madaxda Ururka iyo... 

Xaggee ku dambeeyay Go’aankii Golaha Wasiirada ee Badda Soomaaliya iyo Law no 37

Jan 5, 2015
Golahii wasiirada ee xukuumaddii ka horey tan hadda ka jirta Soomaaliya ayaa go’aan taariikhi ah kasoo saaray xeerka badda Soomaaliya oo ay ku adkaynayaan sida ay u aqoonsan yihiin sharciga Law no. 37. Laakiin dacwadda ay DFS u gudbisey Hague ee muranka gelineysa badda Soomaaliya ayaan lagu xusin go’aankaas. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah go’aankaas maxay ka rumaysan yihiin... 

Kulan lagu soo Dhaweynayo Gudoomiyaha Cusub ee Dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho

Jan 4, 2015
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kula balaaran oo u jeedkiisu ahaa soo dhaweynta Gudoomiyaha Cusub Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed, waxaana kulankaas ka qayb galay Xildhibaano,Siyaasiyiin,Waxgarad,Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween oo dhamaantood ka soo jeeda Gobolka Hiiraan . Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed oo ugu horeyntii... 

Ambasadoor Cabdiraxmaan Diinaari “Dadka ku nool Gobolada Dhexe waxaan u hayaa oo Deeq Caddaalad haddii ay i doortaan”

Jan 2, 2015
“Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ii sheegey in hadii Xal loo helo Gobolada Dhexe Xal loo helyo Dalka oo dhan” Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( Diinaari) oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweyninimo ee Maamulka loo sameynayo Gobolada dhexe oo u waramayey Warbaahinta qaar ayaa ugu horeyn waxaa la weydiiyey sababta ku kaliftey in uu u Tartamo Xilkaas ? wuxuuna ku jawaabey... 

Xulashada Jimcaha: Xasuuqa ciidamada Kenya ay ku hayaan Muslimiinta Dalkooda

Jan 2, 2015
Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya horraantii 91kii, dowladaha Kenya Ehiopia waxay saameyn taban ku lahaayeen xaaladda iyo isbeddelada siyaasadeed ee waddanka Soomaaliya. Walow ay in muddo ahba socotay faragelinta qaawan ee waddamada deriska la ah Soomaaliya, haddana waxay ciidamada Kenya ka soo tallaabeen xadka NFD ( dhulkii Soomaaliyeed ee ay horay Kenya xoogga ugu haysatay)... 
Halkudheg:

60 Soomaali ah ayaa Lagu Diley Koonfur Afrika 2014 – magacyadooda halkan ka akhri…

Dec 31, 2014
K/Afrika : Imisaa la diley ? Tirada Soomaalida la dilay Iyo Dukaamaha La Boobay 2014‏, Akhriso Magacyada …. Tirada Soomaalida ee sanadka 2014 lagu diley dalka Koonfur Afrika yaa gaaraya heerkii ugu hooseyay marka loo eego tirakoobyo lagu kalsoonyahay oo la sameeyay sanadahii tagay, dhanka kale, dhaca iyo boobka ayaa heerkoodu aad u sareeyay, iyada oo ay dhaceen gabood falo kale oo aad u fara... 

R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Dec 31, 2014
Muqdisho, 31, Dec, 2014…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalladaas kuwo nasiib darro ah oo xiligan ay dadka Soomaaliyeed... 

Hey’adda aqoonyahanada beeraleyda Soomaaliyeed (SATG) oo bandhig u sameystey beeraleyda Shabeelaha hoose

Dec 30, 2014
Xarunta cilmi baarista ee hey’ada aqoonyahanada beeraleyda Soomaaliyeed (SATG) oo ay ku leedahay degmada Afgooye ayaa lagu qabtey bandhig beereed oo socon doonaa muddo laba todobaad ah. Furitaanka bandhigaasi waxaa lagu casumey madaxda wasaaradda beeraha oo uu hogaaminaayey mudane Cabdi Baffo wasiirka beeraha iyo wasiir kuxigeenkiisa iyo qaar ka mid ah howlwadeenada wasaaradda. Waxaa sidoo kale... 

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kormeer ku tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Isbitaalka Ciidamadda Xoogga.

Dec 29, 2014
Muqdisho, – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitalka ciidamadda XDS, waxana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga S/G Daahir Aaden Cilmi, waxana uu ugu horreyn booqday... 

Sweden: Weerarkii lagu qaaday masjidkii soomaalida ee magaalada Eskilstuna

Dec 28, 2014
Hordhac: Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden oo aan sidaas uga fogeyn caasimada dalka ee Stockholm, ayaa waxaa ku nool dad soomaali ah oo gaaraaya ilaa laba kun oo qof.Soomaalida ayaa ku kala nool xaafado kala duwan balse waxaa ay u badan yihiin xaafadaha ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada.Soomaalida ayaa magaaladaan aad u soo degtey shantii sano ee ugu dameysey. Waxaa jira soomaali badan oo shaqaysa,... 

Jaamacadda PLASMA

Dec 27, 2014
  Xaflad  si heer sare ah loo soo agaasimey ku saabsaneyd ardey ka qalin  jabisey Jaamacadda PLASMA ayaa  lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacadda  ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka qeyb galay Madaxda  Wasaaradaha Isboortiga iyoTacliinta sare, Maamulka  Degmada Hodan, Hay’adaha Caalamiga, Ganacsato, Waalidiin, Maamulka, Macalimiinta iyo ardeyda Jaamacadda PLASMA,   Waxgarad iyo xubno  ka... 

Ra’iisul Wasaare Dr. Cumar C/rashiid oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

Dec 25, 2014
Warsaxaafadeed Muqdisho, December 25, 2014—— Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxaana munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya... 

MINNEAPOLIS: DIB-U-FURIDDA ICSA/ MASJIDKA DAAR AL – HIJRA!

Dec 25, 2014
Natiijo wanaagsan aan u badelno dhibkii inaga soo gaarey dabkii Cedar ka dhacay. Masjidka dib u dhiskiisii wuu bilaabmay. Ka qeyb qaado dib u dhiskiisa. Waxaana lagula wadaagi doonaa macluumaad ku saabsan Masjidka dib u furiddiisa. Dadka lagu martiqaadey waxaa ka mid ah: Imaamyada Masaajidda Madaxda bulshada Mas’uuliinta la doortey Waxaa Kalimado ka jeedin doona: Sh. Cabdiraxmaan Shariif Sh. Axmed... 

Wargeyska SOMALIPRESS oo muddo 17 Sanno ah ka soo baxayey Dalka Canada oo Markii ugu horeysey laga soo saarey Muqdisho.

Dec 25, 2014
Wargeyska SOMALIPRESS oo muddo 17 Sanno ah ka soo baxayey Dalka Canada ayaa Cadadkii ugu horeeyey waxaa laga soo saarey Magaalada Muqdisho , waxaana Daahfurkii Wargeyskaas loo sameeyey Xaflad si heer  loo soo agaasimey oo ay ka qayb galeen Qaybaha ka duwan Warbaahinta,Ganacsato,Shirkadaha gaarka loo leeyahay, Xawaaladaha, Kuwa Isgaariisnta,Jaamacadaha,Waxgarad,Aqoonyahano iyo Marti Sharaf kale. Ugu... 

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga oo soo xirey Wajigii Koowaad Shaqaale ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibada oo Tababar ugu socday Wadanka Turkiga.

Dec 25, 2014
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa  waxa uu magaalada Ankara kula kulmay shaqaale ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhiiragalinta maalgashika  Soomaaliya oo tababar la xariira isku xirka Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaala caalamka ee dhanka Tiknoolajiyadda u yimid Turkiga . Riix sawirka si aad u aragtid sawirka oo weyn Shaqaalahaan oo tiradooda... 

RW Cumar Cabdirashid: “Waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, si loo gaaro aragtida 2016”

Dec 24, 2014
Baarlamaanka DFS oo ay soo xaadireen 224 ayaa 218 codka kalsoonida siiyey ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, kaddib warsaxaafadeedyada hoose ayaa kasoo baxay xafiiska raiisul wasaaraha iyo kan madaxweynaha…. Muqdisho, 24, Dec. 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa horgeeyey golaha Shacabka Madaxweynaha... 

Beesha Jareer Weyne oo Dalbatey laga Tixgaliyo Awood qaybsiga Xukuumadda uu soo Dhisi doono Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Dec 23, 2014
Kulan ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay loogana hadlayay guud ahaan siyaasadda Soomaaliya iyo Arrimaha Beesha Jareer weyne ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Guurtida Beelaha Jareer weyne ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata Beesha Jareer weyne. kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiye ku xigeeka 2aad... 

Minneapolis: Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo ka hadlay Caddaalad darida, muqusmaasuqa, kufsiga ka jira Soomaaliya iyo xabsiyada oo…

Dec 22, 2014
Waxaa fiidkii Dec 20, 2014 kulan lagu qabtay Ramada Hotel ee magaalada Minneapolis hadal ka jeediyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir. Kulankaas oo looga hadlay “Caddaalada iyo saraynta sharciga – justice & rule of law” waxaa ugu horayn ka hadlay Sheikh Cabdirahman Sh. Cumar, iimaamka masjidka Abuubakar ee Minneapolis, oo ku xeel dheeraaday Muhiimada caddaalada... 

Hooyo Shukri Cabdulaahi Nuux “Laba Sanno Wareer iigu filan, waxaan Codsanayaa weli iney AMISOM Bixiyaan Magdhowgii Gabadheyda”

Dec 21, 2014
Rooda Cabdikariim Cabdulaahi waxay ahayd Gabar Shan jir ah oo ay dileen Ciidamada AMISOM ka dib markii ay jiirsiiyen Gaari Gaashaaman mar uu marayey agagaarka Saldhiga Booliska ee Degmada Wardhigleey (Warta Nabada) ee Magaalada Muqdisho Bishii November 16-keedii Sannadkii 2012. Si aan wax badan an u ogaano in Qoyskii Gabadhaas yar ee ay dileen Ciidamada Amisom oo Fadhigoodu yahay Garoonka... 

Kulamo Dacwada Islaamiga ah looga tashanayay oo ka dhacay Gaalkacyo

Dec 20, 2014
Gaalkacyo – Kulankaani oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta ayaa waxaa ay u kala qaybsanaayeen Kulan Gabadhaha looqabtay iyo mid Ragga loo qabtay. Kulanka Gabdhaha ayaa waxaa uu ka dhacay Qaybta Dumarka ee Masaajidka Ramadaan Xaafada Garsoor , waxaana kasoo qayb galay Gabdhaha Aqoonyahanada ah ee wax kabarta Xarumaha waxbarasho ee Magaalada sida Dugsiyada... 

Bulshada sida ay u aragto Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Dec 18, 2014
“Waxaa u u rajeeyey in uu Jabiyo Iskoorkii Aabihii” “Waxaa ka cabsi qabaa in uu Muran geliyo Dhulka maadaama uu hore u Muran u geliyey Badda” Raiisul Wasaare hore u Fashilmey in la soo celiyo waa mid aan la aqbali Karin” “ la hel , La hel la waa ayaa u dambeysa “ Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ka dib markii Baarlamaanka... 

Cumar Cabdirashiid oo Loo Magacaabay Ra’iisul Wasaare

Dec 17, 2014
Warsaxaafadeed kasoo baxay villa soomaaliya ayaa shaaca ka daaqay Madaxweyne Xasan Shiikh oo magacaabay Ra’iisul Wasaare. Muqdisho-17 December 2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xassan Shiikh Maxamud waxa uu maanta u magacaabay Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. “Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in... 

SHIRWEYNE LAGU QABTAY MUQDISHO OO LAGU DAAHFUREY DHISMAHA JIDKA ISKU XIRA MUQDISHO IYO HOBYO.

Dec 17, 2014
Shirweyne ay ka soo qey galeen in ka badan 200 ruux oo isugu jira, Siyaasiyiinta, Dhaqanka, Culimada, Dhalinayarada iyo Haweenka beesha Muddulood ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,Shirkaas oo ay qabanqaabiyeen siyaasiyiinta beeshaasi ayna gogoshiisa dhigeen hogaamiyeyaasha dhaqanka ayaa looga dhawaaqay mashruuc muddo dheer soo socday oo lagu dhisayo wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Hobyo,... 

Taariikhdii Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaarke oo loo wado Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Dec 16, 2014
Taariikhdiisii iyo qaabkii uu isaga Casiley Dowladii uu Hogaaminayey Shiikh Shariif Musharaxiinta fara badan ayaa waxaa la sheegey in ay Madaxweyne Xasan Shiikh ay u gudbiyeen Waraaqahooda si loogu doorto Raisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka dib markii uu Raiisul Wasaarihii hore Cabdiweli Shiikh Axmed uu Codka Kalsoonids ka waayey Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Xubnaha...