Home » Archive Qoraaga

Golaha Wasiirada DFKMG oo Yeeshay shir ku saabsan fulinta habraaca sanadka 2011 /2012 “Roadmap”

Sep 11, 2011
Waxaa shir aan caadi aheyn isugu yimid xaruntooda Golaha Wasiirada, shirkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ayaa looga hadlay qodobo  ay ka mid yihiin soo afjaridda marxaladda KMG ah iyo fulinta habraaca sanadka 2011 /2012, arrimaha maamul goboleedyada, sidaas waxaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG oo u qornaa sidan: Jamhuuriyadda Soomaaliya Xukuumadda... 
Halkudheg:

Dhambaal Ku Socda Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG oo ku saabsan Difaaca Dhul-badeedka Soomaaliya

Sep 11, 2011
Xildhibaannada Baarlamaanka waxaa loogu baaqayaa in ay soo saaraan xeer ay ku cadaynayaan in laga soo bilaabo 2009 in badda Soomaaliya cabbirkeedu yahay 350 mayl-badeed (oo u dhiganta 648 kiilomiter), si sheekada 200 mayl ay usoo af-jaranto. Mana jirto wax arrintaas ka hor taagan baarlamaanka Soomaaliya. SII AKHRI….  Read More →
Halkudheg:

Waxqabadkii Culimadda Puntland ee abaaraha

Sep 10, 2011
Bishii Ramadaan waxay Hay’adda Kafaalo ugu hawl gashay aafadii abaaraha kharash kudhow 1,000,000 kroner (hal malyan oo kroner) waxayna kala shaqaysay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed sida maraakiiz, ururo, hay’ado, culumo iyo shakhsiyaad khayrfalayaal ah. Waxaa arinkaan dawr weyn kaciyaaray Culumaa’udiinka Puntland oo go’aansaday inay marsiiyaan sadaqaadkii ay uruuriyeen Hay’adda... 
Halkudheg:

Golaha Degaanka Degmada Bosaso oo Maanta Si rasmi ah u Doortay Xubnaha Golaha Degaanka ee Joogtada ah.

Sep 10, 2011
Golaha Degaanka Cusub ee Degmada Bosaso ayaa maanta si toos ah u doortay Xubnaha Golaha Joogtada ah oo ay Mudooyinkii ugu damayey Fadhi arrintaasi ku saabsan ay lahayeen,Waxaana ay dhexdooda ka soo Doorteen Mudanayaasha Golaha shacabka Degmada Bosaso 9Xubnood iyo Gudoomiye iyo ku Gudoomiye ku-Xigeen sidaasi daradeed ay tirada Xubnaha Golaha Degaanka Degmada Bosaso noqtay 11Xubnood oo 2Haween ah ay... 
Halkudheg:

Qaraxyadii 11 September iyo Saameynta uu ku yeeshay dadka Soomaaliyeed

Sep 10, 2011
Maalin Talaado ah 11-kii September 2001 ayay ahayd markii Diyaarado Rakaab ah oo Mareykanku leeyahay sidii Gantaal oo kale loogu adeegsaday in lagu burburiyo labadii Daarood ee Maataanaha ahayd ee Gacansiga adduunka iyo Xarunta Gaashaandhiga Mareykanka, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 3 kun oo qof, hase yeeshee xiligaasi Madaxweynihii Mareykanka George Bush af labadii ayuu yeeray... 
Halkudheg:

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Sep 10, 2011
Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI… DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972... 
Halkudheg:

Wafdigii ka socday Muslimiinta Zaambiya oo Deeq lacag ah ka Qeybiyay Xerada Weyn ee Barakacayaasha Aala-Yaasir Km50

Sep 10, 2011
Qeybintan Deeqda Lacagata ah ayaa waxay noqoneeysaa wajigii labaad oo ay ugu tala galeen Gurmadka Abaaraha , Halka ay deeqda wajigeedii koobaad ka qeybiyeen Xiro Barakacayaal oo ku taala Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta loo soo wakiishay deeqda ayaa waxay sheegeen in ay tahay qeybinta lacagtani wajigii labaad oo ay ka qeybinayaan Xerada Aala-Yaasir ee km50 ee Gobolka Shabeelada... 
Halkudheg:

Ogeysiis: Barnaamijka Falanqaynta SomaliChannelTv – Talaado Oct 11, 2011

Sep 10, 2011
Ogaysiiskaan ku Saabsan Barnaamijka Falanqaynta oo taladaada ku saabsan Goaankii baarlamaanka iyo xadaynta Badda, Qodobada uu ka koobnaan doono ayaa waxaa kamid ah. 1- Go’aankii Baarlamaanka malaga yaabaa in sida uu yahay loogu Hogaansamo. 2- Dawladaha u hanqaltaagaya Badda Soomaaliya iyo Xubnaha Dawlada ee hawlahaan wada maxaa laga yeelayaa. 3- Malaga yaabaa in ROADMAP-ka laga saaro qodobka... 
Halkudheg:

Shirkii Muqdisho ujeedadiisu waxay ahayd in Badda Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Jaamac Cali Jaamac..

Sep 9, 2011
Siyaasiga Jaamac Cali Jaamac oo Kashifey Sir ku Hoos Duugan Shirkii Xerada Xalane .. Dhawaan waxaa Xeradii hore ee Xalane lagu soo gabagabeeyey Shir Socdey Muddo Saddex Maalmood ah kaas ay Qaramada Midoobey ugu Magacdartey Shirka wada Tashiga Soomaaliyeed waxaana ka soo baxay Go’aamo ku aadan Dowlad Wanaaga, Amaanka, Dib u heshisiinta iyo Dastuurka kuwaas oo lagu tilmaamey mid aan waqtigaan loo... 
Halkudheg: ,

Hayádda HIRDA oo Talaal iyo qeybinta Maro-kaneeco ka bilowday Xerada qaxootiga ee Doolow Ado.

Sep 9, 2011
Hayádda HIRDA oo ka howl-gasha badi dalka somaliya ayaa waxaa ay xerada qaxootiga ee magaalada Doolow Ado ee gobolka Gedo ka bilowday talaal lagu sameynayo carurta qaxootiga ah ee ku jira xeradaasi,kuwaasi oo la sheegay inay da’doodu ay u dhaxeyso 6 bilood ilaa 15 sano iyo hooyooyinka carurtaasi. Xasan Abdi Keynan oo ah Agaasimaha Hayádda HIRDA ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay dhamaan carurta... 
Halkudheg:

Guddiyada Xisbiga Hiil Qaran oo Kulan Balaaran ku yeeshey Xarunta Xisbiga ee Magaalada Muqdisho

Sep 8, 2011
Waxaa Xarunta Xisbiga Hiil Qaran ee Magaalada Muqdisho kulan balaaran ku yeeshey Guddiyada Xisbiga oo kala ah Gudiga Isku Xirka Dhalinyarada Gudaha iyo Dibada Gudiga Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo Guddigga Odayaasha  waxaana kulankaan Shir Gudoominayey Masuulka Xisbiga Hiil Qaran ee Magalada Muqdisho Shariif Xuseen Roobow . Kulankaa  ayaa warbixin looga dhageystey Guddiyada kuwaas oo soo gudbiyey... 
Halkudheg:

Bayaan ay si wada jir ah uga soo wada saareen Emaratka beelaha Leylkase iyo Cumar maxamuud

Sep 8, 2011
Kulan ay isugu yimaaden jaaliyadaha Leelkase iyo Cumar Maxamud ee Imaaradka waxa ay si wada jir ah uga xunyahin dhibkii ka dhacay Magalada Galkacyo. Si wada jir ahna u canbaraynayan falkaas foosha xun. Waxay labada jaaliyadoodba tacsi u dirayan dhamaan dadkii ku geeriyoday dagaladii ka dhacay galkacyo, dhib iyo barakac weyna u geystay maatadii degeneyd Galkacyo . Waxan si wada jir ah u dalbanayna... 
Halkudheg:

Mid ka Mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo is Hortaagey in Dib loo Dhiso Isbitaalkii Hore ee Digfeer

Sep 8, 2011
Iyadoo Ha’yado , Dowladu ka tirsan Caalamka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Dibadaha iyo Guddaha ay u soo Gurmadeen Dadka Soomaaliyeed ku waxyeeloobey ee ay isugu Darsameen Colaada , Abaaraha iyo Cudurada kuwaas gargaarkood mid weliba Baahida jirta u weeciyey , iyadoo taasi jirto ayaa warar aan ka helney dada Magacooda diidey in la sheego waxayn noo sheegeen in mid ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada

Sep 8, 2011
Warsaxaafadeed: Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin go’aamadii kasoo baxay shirka Wadatashiga, ansixinta habraaca sanadka 2011/2012, arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo. Golaha Wasiirada waxay maanta warbixin... 
Halkudheg:

War Murtiyeed ka Kooban 12 Bog oo laga soo saarey Shirkii Wadatashiga ee lagu soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho

Sep 8, 2011
Waxaa magaalada Mugdisho Gaar ahaan Xeradii Hore ee Xalane lagu soo gabagabeeyey Shirkii wadatashiga oo ay Qabanqaabadeeda lahayd Qaramada Midoobey gaar haan Qaybta Siyaasada ee Soomaaliya,  waxaa kulankaan lagu martiqaadey Xubno matalayey Madaxtooyada,Xukuumada Ku meel gaar ka ah , Baarlamaanka,Maamulada Puntland iyo GalMudug iyo xubno ka socdey Ahlu Sunna, Waxaana  ugu Dambeeyn  maanta la soo... 
Halkudheg:

Hay’adda Samafalka Access oo 800-Qoys u Qaybisay Gargaar isugu jira Raashin Nafaqeysan

Sep 7, 2011
Hay’adda Access for support & development centre ayaa gargaar kala duwan oo isugu jiray raashin nafaqeysan, raashin caadi ah iyo dawooyin u qaybisay barakacayaasha abaaraha ee ku sugan magaalada Muqdisho. Gargaarkan oo ahaa mid khaas ah oo loogu talogalay caruurta iyo hooyooyinka ay nafaqodarridu hayso, waxaana ka faa’iideystay 800 oo qoys oo ay ku jireen caruur iyo hooyooyin nafaqo-darro... 
Halkudheg:

Dugsiga Gambool ee Garoowe Oo Ku Guulaystay Kediskii Dugsiyada Sare ee Bisha Ramadaan

Sep 7, 2011
Hoolka shirarka ee jaamacadda Puntland State University (PSU) ayaa lagu qabtay tartankii ugu dambeeyey ee u dhaxeeyey dugsiga Gambool Garoowe iyo sidoo kale dugsiga Al-Muntada Burtinle. Xafladii gabagabada kadis aqooneedka ay ka qayb galeen 24 Dusgsi sare ee ka furan dhamman gobolada Puntland. ayaa waxaa si wadajir ah u maalgaliyey shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia iyo Wasaarada... 
Halkudheg:

Khudbadii Madaxweynaha Puntland Faroole ee Shirkii Muqdisho

Sep 7, 2011
Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyay Shirkii Muqdisho, 4 September 2011 ayuu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin: Burburka Qaranka, Badbaadinta Soomaaliya, Arrimaha shirka, Dib-u-heshiisiinta, Caqabadaha hortaagan Qarannimada, Burburka maskaxda, Canshuurta iyo Ganacsatada, iyo Mahadcelinta Beesha Caalamka. Khudbadda oo dhamaystiran waxay u qorayd sidan: Puntland State of Somalia Garowe ... 

Shirkii Wadatashiga oo lagu soo gabagabeeyey Xerada Xalane Isla markaana aan si Cad la soo Bandhigin Qodobadii lagu Heshiiyey.

Sep 6, 2011
Waxaa Talaada (Sept 6) lagu soo gabagabeeyey Xerada Xalane Shirkii wadatashiga Soomaaliyeed oo Sadex maalmood ka socdey Magaalada Muqdisho waxaana Xiritaankii kulanka ka Hadley madax fara badan oo isugu jirey Xulkuumada FKMG , Baarlamaanka iyo Qaar ka mid ah Ururadad Caalamiga ah iyo Dowladaha Daneeya Arimaha Soomaaliya Madaxweynaha DFKMG Shiikh Sahriif oo ka Hadley Gabagabadii kulankaas ayaa sheegey... 
Halkudheg:

HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaallada Laascaanood ka hirgelisay biyo gelin

Sep 6, 2011
Ururka HIRDA ayaa gudaha Magaalada Laascaanood  waxaa uu ku soo gabagabeeyey Howl Mashruuc balaaran oo dhismayayaal cusub loogu kordhinayey mid ka mid ah iskuul ku yaala Magaalada Laascaanood, Iskuulkaasi  oo lagu Magacaabo Saamalay Primary and Secondary School oo ay hadda wax ka bartaan arday badan  oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho. Abdisalam  Maxamed Xuseen  oo ah guddoomiyaha gudiga  Iskuulka  Saamalay  Primary... 
Halkudheg:

Deeq lacageed ay soo Direen Ururka Somali Relief Network of North America ayna ugu talagaleen Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Sep 6, 2011
Deeqdaan ay iska soo ururiyeen Soomaalida degan North America ayaa waxay u soo wakiisheen inuu usoo diro Barakacayaasha Soomaaliyeed Masuulka lagu Magacaabo Aadam Max’ed Ciise oo ku sugan North America. Qeybinta Deeqdani ayaa waxaa loo soo wakiishay Sheekh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka dhibaateeysan oo ay saameeyeen Abaaraha Dalka ka jira. Qadarka lacagata ay iska soo aruriyeen ayaa waxay... 
Halkudheg:

Gargaar ay Wada Fuliyeen Hay’addaha kala ah Disable Welfare Foundation (DWF) iyo Save a Life Nederland

Sep 6, 2011
Hay’addaha kala ah Disable Welfare Foundation iyo Save a Life Nederland ayaa si Wadajir ah u wada fuliyeen 3 Mashruuc oo kala ah: 1- Afurin dadka soo 2- Barakacay mudo 10 habeen ah; 3- Zakaatul Fidri la siiyay 200 Qoys oo dadka soo Barakacay ah; 4- Dhar Ciid la siiyay 20 Caruur Agoon ah. Mashaariicdaan ayaa Maalgelisay Hay’adda Save a life oo fadhigeedu yahay Nederland, waxaan fulisay... 
Halkudheg:

Cabasho ku saabsan Sharciyada Xaqdarada ah ee lagu Fulinaayo Xuduudaha dhulka iyo Badda Soomaaliya

Sep 6, 2011
Haddii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan Caalamka u caddaynaynaa in Xuduudaha dhulka iyo badda Soomaaliya uu yahay lama taabtaan, oo ayna tahay hanti ay Soomaali oo dhan ay wada leedahay, Go’aankeedana waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed. Waana ka soo horjeednaa in Cabbir iyo xeerar sharci darro ah lagu fuliyo Soomaaliya oo keliya:  Bashir Shekh Moxamed SII AKHRI…  Read More →
Halkudheg:

Ururka Puntland Diaspora Forum oo baaq nabadeed u diray dadka reer Gaalkacanyo

Sep 6, 2011
Waxaa ururka PDF uu aad uga xunyahay dhiigga dadka walaalaha ah ee ku daatay dagaalkii labada maalmood socday ee ka dhacay xaafado ka mid ah Magaalada Madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacayo. Waxaanu tacsi u diraynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadka kaga geeriyooday dhacdadaasi anagoo u rajaynayna samir iyo iimaan inuu Ilaahay ka siiyo. Waxaan dhamaan shacabka walaalaha ah ee reer Puntland xusuusinaynaa... 
Halkudheg:
Tawakal
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...