Home » Archive Maalinta October 11th, 2014

Block L13 oo ka mid ah dhulbadeedka Soomaaliyeed ee RAASKAMBONI oo aay Kenya hadda shiidaal ka qodaneyso.

Oct 11, 2014
Waxaan Ummadda Somaaliyeed la  socodsiinayaa in aaysan jirin qof ka hadlaya howsha ka socota Block L13 oo aay Kenya rabto in aay Shiidaal iyo Gaas ka qodato. Block L13 waa qeeb ka mid ah Dhulbadeed Soomaaliyeed ee biyaha RASKAMBOONI. Waxaa la yaab leh in aaysan Ummadda Soomaaliyeed ku baraarugsaneen SHIIDAALKOODA oo Kenya iyo Shirkadaha shisheeye aay boobayaan  oo har iyo habeen ku mashquulsanyihiin ... 

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Oct 11, 2014
Somalitalk 11-10-2014: Madaxweynaha DFS oo gaarey Barawe iyo Xarakada Alshabaab oo sheegatey in ay weerareen Diyaaradii uu lasocdey Madaxweynha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu Hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose ka dib markii dhawaan ay halkaa la wareegaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom , intiii aysan soo Caga dhigan Garoonka... 

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo furay shirka wada xaajoodka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland

Oct 11, 2014
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS: Garoowe, 11, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo saddex maalmood ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.Mudane Cabdiweli oo furtitaanka shirka uu ku weheliyey Madaxweynaha Puntland Mudane... 

Maamulka Cusub ee Munadamada Beder oo xilka kala wareegay Maamulkii Hore

Oct 11, 2014
Gaalkacyo 10.10.2014 Munadamada Beder ee Ardayda kabaxday Machadka Al-Faaruuq oo ah Munadamo ka shaqaysa Faafinta Diinta ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo kula kala wareegay Xilka Maamulka Munadamada Gudoomiyihii Hore ee Munadamada Mudane Muxamed Cabdulaahi Cali (Sayid) , iyo Gudoomiyaha Cusub Cabdirazaaq Cabdulaahi Daahir (Nadaara). Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Gudiga Cusub ee Munadamada Hogaamin... 

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo Dhoweeyey Garoowe

Oct 11, 2014
Garoowe, 10, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan GolihiisaWasiirada iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo oo muhiim ah uu maanta uga bilaabmay magaalada Garoowe ee xarunta Dawlad Goboleedka Puntland. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gegada diyaaradaha ee Garoowe waxaa... 
Halkudheg: ,

Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tegey degmada Cadale

Oct 11, 2014
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tegey degmada Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe, Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno degaanka ka soo jeeda iyo Taliyayaasha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Nabad Sugidda iyo mas’uuliyiin kale, waxaa si... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...