Home » Warar
Jaamacad loogu magac daray Somali International University (SIU) oo looga dhowaaqay Muqdisho
Munaasabad lagu furayey Jaamacad cusub oo la magac baxday Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali International University) ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee Jaamacadaas oo ku taala Ex-dugsigii H/dhexe ee Muuse Galaal ee degmada H/wadaag.
Xaflada furitaanka Jaamacadan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowlada Somalia, qaar ka mid ah ardayda iyo macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha...
IGAD oo Dawladda Federaalka ka Dalbatay in ay soo gudbiso Qorshe lagu dhisayo Jidadka Gala Wadamada Deriska…
Golaha Wasiiradda Dawladda Federaalka ayaa “ka dooday soo jeedin ka timid urur goboleedka IGAD kaasoo looga dalbaday Dawladda Soomaaliya inay soo gudbiso qorshe ku saabsan dhisme laba Jid oo ka mid ah Jidadka gala Wadamada Deriska ah taas oo ay ku tabaruceen dhismaheeda si uu u fududaado isu socodka dalalka ku bahoobay ururka IGAD, sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti,” sidaas waxaa shaaca ka...
Wasiirka Gaashaandhiga Wadanka Kenya oo sheegey in uu Xilka iska Casili doono haddii aan la joojin Dhibaatada Ciidamada Kenya ku hayaan dadka Soomaaliyeed
. Shacabka Soomaaliyeed oo ka Walwalsan Lacago Shililn Soomaali ah oo Dowlada Federaalka oo hore loogu soo Daabacay Suudaan.
. Dowladda Ingiriiska oo shaaca ka qaadey in ay Magaalada Muqdiosh0 Dib uga Furan Doonaa Safaaradoodii
Yuusuf Xaaji: Waxaan idiin balan qaadayaa in aan iska Casili doono Xilka aan hayo ee Wasiirka Gashaandhiga haddii aan dadka Soomaaliyeed aysan Dowlada Kenya ka joojin dhibaatooyinka...
Xukuumadda Soomaaliya oo Ku Guulaysatay in Si Nabad Galyo Ah Looga Soo Daayo Lahaystayaal U Afduubnaa Burcad Badeed.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dawaladda Federaalka Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tibaaxay in la haystayaal u kala dhashay Siiriya iyo Sirilaanka oo burcad badeed ku hayteen xeebaha Soomaaliya laga soo daayey:
Halkan ka dhegeyso shirkii jaraa’id:
[audio: http://somalitalkradio.com/cod/2013/shirdoon_jan13.mp3]
Moqdisho, 04, Jan, 2013……Shir Jara’id oo uu galabta...
Masuul sare oo ONLF ah ayaa socdaal shaqo ku maraya dalka South Africa
Maxamed Cabdi yasiin Diirane waa madaxa abaabulka iyo arimaha bulshada ee Jabhada ONLF ee u dagaalanta xoraynta 8 million oo Somaali ah ooy Ethiopia gumaysato kuna dhaqan Ogadenia . Masuulkan oo fadhigiisu yahay wadanka Ingiriiska ayaa socdaal shaqo ku soo maray magaalooyinka , Pretoria , Johannesburg , Port Elizabeth , East London iyo Cape Town wuxuuna la kulmay qaybahaha kala duwan ee bulshada...
Prof Gaandi ”Dadaalkii lagu Bixiyey in Maamul Loo sameeyo Gobolada Jubbooyinka waxaa Cagta ku Dhiftey Dowladii Shiikh Shariif “
iyo Dowlada Kenya oo sheegey in Amnidarada ka jirta Dalkeeda ay ka Dambeeyaan Ciidamadii iyo Saraakiishii loo Soo Tababarey Dowladii Federaalka.
Juhdigii iyo Dadaalkii loo sameeyey Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka waxaa Is hortaagey Dowladii Shiikh Shariif…
Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo Hogaamiya Urur la Magacbaxay Azaaniya ayaa mar uu u waramayey Telefishinka SomSat waxaa uu ka Hadley...
Ciidamada Amisom oo lagu Eedeeyey in aysan wax Mag Dhaw ka Bixin dadka sida Gardarada ah u Dilaan ama u Jiirsiiyaan Gawaaridooda Dagaalka.
. Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan la qaatey Dhiggiisa Dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir
. Dowlada Koonfur Afrika oo Soomaalida u Diidey in ay Dalkeeda ka Baxaan
Waxaa magaalada Muqdisho waxaa Waqtiyadaan Dambe ku soo badanayey Dilalaka ay geysanyaan Ciidamada Amisom una geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed , waxaana dhacdadii ugu dambeysey ay ahayad markii Ciidamo Amisom ah oo degen Degmada...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Saaka Booqday Ciidamadda Ka Hawlgala Madaxtooyada Iyo Agagaarkeeda.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa sheegay in uu Booqday Ciidamadda Ka Hawlgala Madaxtooyada Iyo Agagaarkeeda. Warsaxaafadeedkaas hoos ka akhri.
Moqdisho, 01, Jan, 2013…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku maray goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidamada ka hawlgala madaxtooyada...
Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo Gaarey Sudaan si uu uga qayb galo Xuska Xornimada Wadankaas
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafddi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta Jan 1, 2013 ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho.Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa isla Barqanimadii Maanta ka Degay Garoonka Diyaaradaha Khartoum ee Dalka Suudaan iyagoona ka qayb galaya Xuska Konton iyo Todoba Guurada ka soo wareegtay Markii Suudaan ay ka Xorowdey Gumaysigii...
Cabdiraxmaan Faroole oo Iska Fogeeyay inuu Wax Muddo Kordhin ah uu Samaystay.
. Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Raja Wanaagsan ka Muujiyay Wax Qabadka Xukuumaddiisa Sanadka 2013ka.
. Hay’adda MSF oo Maanta Gebi ahaanba soo AfJartay Hawlihii ay ka Wadday Isbitaalka Magaalada Beled Weyne.
. Xukuumadda Maraykanka oo ka Digtay Suurtagalnimada Qaraxyo Caawa ka Dhaca Nairobi.
. Qarax Ciidamada Amisom Lagula eegtay Is Goyska Al Baraka ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha...
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka Hadlay Heshiis Milatari oo Dhawaan ay kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga
iyo Dowladda Itoobiya oo Walwal ka Muujisey Heshiiska Miltari ee Soomaaliyaiyo Turkiga
– Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Cod Aqlibiyad ah ku Ansaxiyey Miisaaniyada Dowladda Sannadka 2013
– Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo iska Casiley Xubintii Xildhibaanimada Booskiisana waxaa Buuxiyey..
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka...
Soomaaliya: Golaha Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixyey Qaybtii Dhimanayd ee Golaha Wasiiradda
“Xukuumaddu waxay wafti balaaran u dirtay magaalada Kismaayo waxayna la kulmeen soo dhaweyn balaaran oo dadka deeganku aysan u kala harin, waxay kulamo la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana waftiga dowladda dadku ku dhaqan magaalda Kismaayo u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin….” Sidaas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka.
Warsaxaafadeedkii...
Shirkadda Hormuud oo Daah-Furtey Adeega 3G ( Third Generation )
War-Saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Hormuud
Maanta oo Taariikhdu tahay 29/12/2012, waxaa Sharaf u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Inc. in ay ku dhawaaqdo adeegga 3 G “ Third Generation “.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia , oo ku caan baxady in ay Macaamiisheeda iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeedba u soo bandhigto hadba adeegyada casriga...
Guddoomiyihii hore ee Guddigii Qorista Af-Soomaaliga: Waa in la helo Far-Soomaali qoran oo cilmi ku dhisan oo wax lagu barto…
Ma Suurtoobeyso Labo Lah-jadoodd inaan rasmi ka dhigno oo is feer cararahayo, Waraaysi SomaliTalk..
Shariif Saalax Maxamed Cali, oo ah Guddoomiyihii Hore ee Guddigii Qoraalka Far-Soomaaliga, ayaa SomaliTalk waraysi kula yeelatay Jabuuti, isagoo ka qayb gelayey kulankii 40-guuradii ka soo wareeytay qoristii Afka Soomaaliya, (waraysigaas oo uu qaaday Maxamed Allman ka daawo Video hoose).
Shariif Saalax...
Hayaan Media Center oo Aqoon Isweydaarsi ku Aaddan Khatarta Gudniinka Firconiga u qabatey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta
Kulan looga hadlay sidii Bulshada looga waciygelin lahaam loogana hortagi lahaa Caadadaas Xun ee waxyeelada loogu geysanayo Gabdhaha Soomaaliyeed, islamarkaasna loo suulin lahaa gudniinka Fircooniga ee dhibaatada ku haya gabdhaha Soomaaliyeed..
Muqdisho: Waxaa Hotelka Palace City ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Tababar ku aadan sida Warbaahinta Door Muhiim ah uga qaadan lahayd ka hortaga Gudniinka...
Hay’adda lacagta adduunka IMF oo ishortaagtay in la baxsado lacagtii dawladdii hore Soomaaliya u taalay bangiyada adduunka
..iyadoo IMF qorsheysanayso inay la wareegto hantidaas Soomaaliyeed.
Dowladda KMG ee xilligeedu dhamaaday ee Shariif Sheekh Ahmed oo wakiilatay sanadka 2010 nin lagu magacaabo Cali Cabdi Camalow oo hore u ahaa guddoomiye Bangiga dhexe ee Soomaaliya loona xilsaaray arrinta dabagalka hantida qaran ee akoontisyada dibadaha sida ku cad qoraalka ku lifaaqan e-mailkaan ee ka soo baxay xafiiska Shariif Axmed,...
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegey in ay Meesha ka baxdey Isafgaranwaagii u Dhaxeeyey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaalaiya ayaa ka hadlay Xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kiinya.
Guuleed oo Warbaahinta qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya inuu yahay mid si aad ah u wanaagsan isla markaana aysan jirin xiligan wax is faham waa oo u dhaxeeya labada dhinac
Wasiirka ayaa soo...
Garoowe oo lagu xir xirey Odoyaal, Islamarkaana lagu Diley Sarkaal ..
Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa Xabsiga dhigay illaa afar Odey oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ee Puntland. Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Nabadoonada Caanka ka ah Puntland ayaa Ciidamadu Xabsiga dhigeen iyadoo horenba ay u Xirnaayeen illaa afar Odey oo kale.
Xiritaanka Nabadoonadan ayaa yimid ka gadaal markii Nabadoonkaas iyo Nabadoono kale Magaalada Garoowe ay u tageen shirar...
Safaarado Shisheeye oo Dhisanaya Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho
Waxaa kale muran ka taagan yahay Cidda bixisay Dhulkii Dugsigii Hoose Dhexe ee 21 November ee Degmada Howlwadaag….
“Safaaradaha Dhisnaya Xerada Ciidamadii Badda Muqdisho kama waayin Dhul ay Dhistaan”… “Waa Su’aalee miyaaney Dowlada ku tala jirin in ay dib u soo nooleyso Ciidamada Badda Soomaaliya..” Xildhibaan Maxamuud Maxamed “Xaggee laga difaacayaa...
Kulankii Calasow iyo Kibaki: in dib loo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
iyo Raila Odinga oo magacaabay Ibraahim Axmed Rashiid in uu lataliye uga noqdo arrimaha Soomaaliya ….
Madaxweynaha Dawladda Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamuud Calasow oo gaarey magaalada Nairobi, kulana la qaaday Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa waxaa kulankooda ka soo baxay in ay ku heshiiyeen 11 qodob.
Qodobada 11 ah ee ay ku heshiiyeen Calasow iyo Kibaki waxaa ka mid aha “in...
55 Qof oo Tahriib ah ayaa Looga cabsi Qabaa in ay ku Qaraqmeen Badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Yemen
55 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku qaraqmay ama la la’yahay kaddib marki Talaadadii la soo dhaafay doontii ay saarnaayeen ay ku degtey badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Yemen, arrintaas oo dhacdadii ugu xumayd oo muddo sanad ah ka dhacdaa halkaas, sidaas waxaa yiri Qaramada Midoobey.
Qaramada Midoobay waxay sheegeen in ay arrintani tahay “Dhacdadii ugu weyneynad ee lagu...
52 Sanno Xornimo Kadib, Qowmiyadda Soomaaliyeed Oo U Dabaal Degeysa 40-Sanno Guuraddii Qorida Far Soomaaliga, Iyagoo Leh Afar Madaxweyne Iyo Hal Gudoomiye Ku Xigeen Baarlamaan!
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle “Waxaan is iri 40 Sanno Ayuu Joogaa Labaatan Sanno Wuu Noolaadey, Labaatana Waxaa La Muudoodaa Inuu Bakh-tiyey, Laakiin Labaatankan Dambe…”
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud Calasow “…Waxaa Xushmad Mudan Doorka Warbaahinta Ku Hadasha Afka Soomaaliga, Ku Leedahay Faafinta Iyo Kobcinta Afka Iyo Dhaqanka Soomaalida…”
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo “…Insha...
Dagaal aad u Qaraar oo Maanta ka Ka Dhacay Magaalada Kismaayo
“Dagaalkii Maanta waxaa ku dhintey ilaa 15 Qof..” sidaas waxaa yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow….
Wararkii ugu Dambeeyey ee Magaalada Kismaayo:
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxay sheegayaan in Maanta Magaaladaas uu ka bilowdey Dagaal aad u qaraaer oo la sheegey in uu u dhaxeeyo Ciidamo ka tirsan kuwa Raskambooni iyo Ciidamada Dowlada Federaalka...
Boqolkii Maalmood ee Dowladda oo uga Dhamaatey Magacaabis: 10kii September – 19ka December 2012
10/9/2012 – 19/12/2012: Waxaa buuxsamey 100 maamlmood oo ka soo wareegtey doorashadii Xasan Maxamuud, waa Saddex Bilood iyo Toban Maalmood…..
Guuxa Dadweynaha :
1-Ilaah ha na Dhaafiyo midaan
2-Waa Boqol Maalmood oo ku dhamaatey Magacaabis
3-War ha loo sugu Sannad
4- Lix Bilood Gaari meyso
5- Waa Dowlad jabisey Gidaarkii 4.5-ka
6- Tii Shiikh Shariif baa Dhaantey
7-Waa Dowlada lacag yari...
FaahFaahin Dheeraad ah oo ka soo Baxaysa Qarax Saddex ah oo Habeenimadii Xalay ka Dhacay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.
Inta la xaqiijiyay illaa Laba qof ayaa ku dhaawacantay Qaraxyo Seddax ah oo habeenkii Xalay ahaa ka dhacay Xaafadda Soomaalidu ay ku badan tahay ee Islii ee Magaalada Nairobi. Qaraxyadan ayaa sida lagu soo waramay ka dhacay goob Baar ah oo ay ku Caweeyaan Keenyaahanka laguna Magacaabo Xaafadda Jaamka ee Islii halkaasoo sida la sheegay Salaaddii Maqrib kaddib uu soo maray Gaari kaasoo Seddax Bum ku...




