Home » Warar
Wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaaraha oo gaaray degmada Caabudwaaq
“Dowladda Soomaaliyeed kuma eka Muqdisho oo kaliya, waxayna u kuurgaleysaa dhamaamba xaaladda gobolada dalka Soomaaliyeed, waana sii wadeynaa kormeerkan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in soo dhoweyntan ay tusineyso sida shacabka Caabudwaaq u taageersan yihiin dowladdooda.
Read More →
Madaxweynaha DFS oo Booqday Dalka Qadar iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Booqday Dhuusamareeb
Dowladda Soomaaliya iya Dowladda Qadar ayaa isku raacay in la dar-dar geliyo Iskaashiga Labada dal. iyo
Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Dhuusamareeb
Read More →
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo la dardaarmay 20 Diblomaasi oo Soomaali oo tababar u jooga South Africa
Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Pretoria ee caasimadda South Africa ayaa maanta si rasmi ah loogu wadaa in loogu furo tababar diblomaasi heerkiisu sareeyo , kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Africa ay ugu deeqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya.
Read More →
Maxkamada Racfaanka oo Xukuntey in Wariye Cabadicasiis Koronto Xabisga lagu sii hayo halka Luul Cali Cismaan ay Heshey Xoriyadeedii
Qareenada oo mar kale Racfaan ka qaatey Xukunka Wariye Cabdi Casiis Koronto
Xasan Cali Geeseey “Hayadaha Dowladda waxay noo Muujiyeen Cadaawada ay u Hayaan Saxaafadda”
Abuukar Badri “Waa Cadaaladdaro in Laba Qof ii sku Dacwad ahaa midna la sii Daayo midna Xabsiga lagu hayo”
Cali Tima Jilic oo Codsdey in Dowlada ay si deg deg u soo Farageliso Xukunka Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Garsoorka...
Ra’iisal Wasaaraha oo maanta Baarlamaanka horgeeyey waxqbaadka Xukuumada ee boqolka maalmood
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo ay wehliyaan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa maanta horgeeyey golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxqabadka xukuumada ee boqolkii maalmood ee tegay.
Read More →
Ra’iisul Wasaare Shirdoon Oo Cambaareeyey Qaraxii Ka Dhacay Makhaayada U Dhow Xeebta Liido
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxii (Jimce, 01, Mar, 2013) ka dhacay Makhaayad ku dhow xeebta liido halkaas oo ay ku dhaawacmeen todoba qof.
Read More →
Xarunta SWDC lagu Qabtey ShirJaraaid oo ku Saabsanaa Maxakamada Hooyo Luul Cali Cismaan iyo Wariye Cabdicasiis Koronto
Qareenada “Dowladda Sharafteeda waxay ku Xiran tahay in la siidaayo Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul maadaama aysan wax Dambi ah lahayn
Maama Sahra “ Dowladda Waa in ay Il gaar ah ku eegtaa Xeer Ilaalinta Maadamaa uu ku Xadgudbey Dad Dhibanayaal ah”
Waxaa Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) ka dhacay Shir Jaraaid waxaana Shirkaasi Jaraaid uu u jeedkiisu ahaa Maxakamada Wariye Cabdicasiis...
Ra’iisul Wasaare Shirdoon oo Dacaayad Raqiis ah ku Tilmaamey in uu Khilaaf kala Dhaxeeyo Madaxweyne Xasan
Waxaa Mudooyinkii Dambe la isla Dhex marayay Warar ku saabsan in Khilaaf uu xiligan u dhaxeeya labada Mas’uul ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirddoon. Mar uu la hadlayey qaybo ka mid ah Warbaahinta ayaa arrintaa Tafaasiil dheerad ah ka bixiyay isagoona sheegay in...
Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Maxkamadii la Horkeeney Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan
Qaybaha ka Duwan ee Saxaafadda oo Maanta Filayey in ay Xoriyadooda heleen Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul balse ka Caroodey..
Waxaa Maanta Maxakamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir la Horkeeney Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan ka dib markii Maxakamadda Darajadda Koowaad ay Labadooda ku Xukuntey Min Hal Sanno oo Xarig ah hase yeeshee waxaa Racfaan ka qaatey...
Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul oo mar kale Dacwdooda ka Bilaaban doonto Maxakamada Racfaanka
Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta oo soo Xushey Shan Xubnood oo ka Doodaya Xeerka Saxaafadda.
Waxaa maanta Xarunta Soscensa ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Kulan ay isugu yimaadeen Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta waxaana Kulankaasi Shir Gudoominayey Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Suleymaan Shiikh Ismaaciil ( Barasatamol) waxaana Kulankaan looga arrinsanyey sidii Qaybaha...
Ra’iisal Wasaaraha oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Madaxweynaha oo soo dhaweeyay Safiiro cusub oo shan ah
—Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed (Commanda Bolisiya) saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulankan waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane...
Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga oo Tababar u u Furey 25 Diblomaasi.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:
Machadka diblomaasiyadda iyo Tababarada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo kaashanaya macallimiin Soomaali oo mutadawiciin ah iyo diblomaasiyiin Wasaaradda ka tirsan ayaa maanta u furay 25 diblomaasi oo ka howlgala xarunta Wasaaradda tababar la xiriira Horumarinta xirfadaha hogaanka iyo xiriirka...
SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii
FSNAU iyo FEWS NET waxay baahinayaan siideynta warbixin ay ku midoobeen oo ah “SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii”. Qormadani waxay gudbineysaa halka ay marayso xaaladda sugnaanta cuntada iyo nafaqada waqtigan (Bisha 7aad 2012) iyo sadaasha muddooyinkan (Bilaha 2aad-6aad 2013) iyadoo dib loo eegayo dhacdada loo badinayo. Waxay qormadu koobaysaa xogta guud...
Qaramadda Midoobey oo sheegtey in uu Hoos u Dhac ku Yimid Tahriibayaashii Soomaalida ee Dalka Yaman soo Gali Jiray.
Warbixin ay diyaarisey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo UNHCR loogu yeero ayaa ka hadashay Tahriibayaashii Soomaalida oo ku soo shubmi jiray Dalka Yaman.War Bixinta ay Hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in Sanadkii la soo dhaafay ee 2012kii ay ahayd sanadkii ugu yeeraa ee Soomaalida ka soo talowda Soomaaliya ee soo gala Dalka...
Shir lagu casumay Guddiyada Qaban qaabada Maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka oo lagu qabanayo Muqdisho
Ra’iisul wasaaraha Dawlada Federaalka ayaa casuumaad u diray gudiyadda qaban qaabada maamul u samaynta gobolada Jubooyinka si ay uga qayb galaan shir wada tashi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 26ka Feebaraayo ilaa 1da Maarso, 2013.
Warqadda Casumaadda Halkan ka akhri…. GUJI
Read More →
Isu soo bixii ugu waynaa oo ka dhaca Garoowe abid, Looguna magac daray Maalintii Carada
Bannaan bax lagu muujinayey sida shacabka Soomaaliyeed uga caraysan yihiin dilkii loo geystey Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka dhacay Garoowe
Waxaa furay daadihinayeyna shirka Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed oo ku bilaabay hadalkiisa Mahadnaq uu usoo jeediyey Allaah kadibna geesiyaasha reer Garoowe ee ku guuleystay in iyagoo faramaran ay soo qabtaan dhagarqabihii dilay sheekha ee hubeysnaa. Sh. Wuxuu...
Kulan looga Arrrinsanayey in Maamul Loo sameeyo Gobolka Shabeladda Dhexe oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho
G/Sare Maxamed Axmed Di Gaab “ Gobolka Shabellada Dhexe waa Gobol isku filan ee wuxuu u Baahan yahay in Dowlada u Dhisto Maamul ay Dadka Soo Doortaan”
Iyadoo Dowladda Federaalka ay sheegety in ay Maamulo dadka ay soo Doorteen ay ka dhisayaan Gobolada dalka Ayaa Hotelka Raaso ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay ka qayb galeen Qaybaha kala Duwan ee Bulshada ka soo jeeda Gobolaka Shabelada Dhexe...
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Midowga Yurub
Muqdisho, 24, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka xafiiskiisa kulan balaaran kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michal Caravan, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark Boucher, iyo wakiil ka socda Safaarada Faransiiska ee Kenya. .
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Ra’iisul...
Ra’iisul wasaaraha dawlada Federaalka oo baaq ka soo saaray Dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo
WAR SAXAAFADEED
Moqdisho, 23, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta soo saaray baaq ku aadan dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo.
“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen...
Faahfaahin ku Saabsan Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga uu ku yimid Magaalada Muqdisho.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho Barqanimadii ayaa maanta ayaa ka soo degay Wafddi Ballaaran oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaer ku Xigeenka Dalka Turkiga Bekir Bozdag. Wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa waxaa Magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay Ra;iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka arrimaha Dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji...
Jamaacada Al-Ictizaam oo Baaqii 3-aad ka soo saartay Dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax
Jamaacada Al-Ictizaam Bilkitaab wasunnah oo soo saartay baaqii saddexaad oo ku saabsan dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax, baaqaas oo u qornaa sidan:
BAAQII 3aad
Al-Shabaab aynu Meel Uga soo wada Jeedsanno
Halkan ka akhri baaqa oo saxiixan
Ugu horayn waxaan u mahadcelinaynaa illaahii inoo fududeeyey qayb ka mid ah wax ka qabadka dilkii Sh. Cabdulqaadir, Nuur Faarax, oo Kooxda Al-shabaab ku dishay Masaajidka...
Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya oo Kormeer shaqo ku tagay Gobolka Sh/Hoose, Una Kuurgalay Xaaladda…
Wafdi uu Hogaaminayey Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya Mustaf Bashiir Xaaji Goob-Doon ayaa Kormeer iyo howlo shaqo ku tagay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose si ay u soo qiimeeyaan Xaaladda Nololeed ee dadka Gobolka Sh/hoose iyo qaabka ay u howlgalaan Hay’adaha Swess-ka ee ka shaqeeya Magaalada Marka oo howlo Banni’aadannimo u haya dadka Degmadaasi.
Read More →
Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan oo la hor keenay Maxakamada Racfaanka
Dood Kulul oo Dhexmartey Qareenada u Doodaya Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul iyo Xeer Ilaaliyha Guud ee Qaranka
Waxaa maanta Maxakamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ka furantey Dacwadii Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) iyo Haweeneydii la Kufsadey ama lagu Xadgudbey Luul Cali Cismaan ka dib markii Maxkamadii Derajada Koowaad ee Gobolka Banaadir ay labadooda ku Xukuntey Min hal...
Warsaxaafadeed ku saabsan Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.
Kadib markii uu soo gabagaboobay Shir uga socday Magaalada Garoowe intii u dhaxaysay 17-19/ 2013 Jamaacada waxay soo saareen War Saxaafadeed kaan:
1- Waxaan u mahad celinaynaa allaah Subaahanahu Watacaa oo fududeeyey hawlo baddan oo ka mid ah aaskii Sheikha iyo qabqabashadii Danbiilayaasha. Waxaan kaloo u mahad celinaynaa Dowladda Puntland, sida wayn ay howshaan isugu xilqaantay waxna uga qabatay....
Dowladda Federaalka oo Qaadey Talaabo soo Dhaweyn Leh ka dib markii Gaashaan u Duruurtey in Ciidamo Kenyaan ah oo Huwan Magaca Amisom ay ka Howgalaan Xeebaha Soomaaliya
Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Talaabad ay qaadey Dowlada Federaalka ku tilmaamey mid Niyad jab ah
– Muqdisho laga Xusey Sannad Guuradaq 51 aad ee Ciidamada Bada Xili Badda Soomaaliya ay iska Maamulanayaan Ciidamo Shisheeye
Dowlada Federaalka oo ka qayb galeysa Shir ka Furmaya Adis Abab looga hadlayo Sharciyada Badda iyadoo la Og yahay in Itoobiya aysan lahayn Bad
Dowlada Kenya oo Muddooyinkaan...




