Home » Warar
Madaxweyne Xasan “Soomaaliya wey saxiixi doontaa Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta”
Soomaaliya iyo Maraykanka oo aan weli dhaqan gelin Heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta –
Waxay ahayd 20-kii November 1989 markii ay Qaramada Midoobay laga bilaabay dhaqan gelinta iyo saxiixa Heshiiska loo yaqaan “Convention on the Rights of the Child” ee xuquuqda carruurta. Ilaa hadda dalalkii xilligaas jirey waxaan heshiiskaas ka dhaqan gelin waa Soomaaliya iyo Maraykanka.
Sannadkii...
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Khudbaddiisa Shir Madaxeedka Afrika iyo Carabta Uga Hadlay Baahida Dadka Soomaaliyeed ee Ay Duufaantu Saameysay
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta khudbad ka jeediyey shir madaxeedka dalalka Carabta iyo Afrika ayadoo shirkaasina ay Soomaaliya uga qeybgalayaan Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Khudbaddiisa ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uga hadlay saameynta ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollo ka tirsan...
Xarakada Shabaab oo Sheegatay Qaraxii Maanta ka Dhacay Magaaladda Beled Weyne.
Sida ay qoreen Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Shabaab oo sheegaya in iyagu ay ka dambeeyeen Weerarkii Ismiidaamineed ee maanta Barqadii ka dhacay Saldhigga Boliiska Magaalada Beled Weyne.
Sarkaalka oo aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in halkaas ay ku weerareen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jabuutiyaanka ee qaybta ka ah hawl galka Amisom iyo Ciidamo...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii Beledweyne, tacsina u diray dadkii ku geeriyooday
iyo Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdi ka socday OIC iyo hay’ad laga leeyahay dalka Sucuudiga
iyo Madaxweyne Xasan oo yiri “Dowladda waxaa ka go’an in la cirib tiro Al-Shabaab.”
Warsaxaafadeed
Muqdisho, November 19, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii fuleynimo ee lagu qaaday...
Maraykanka: Sheikh Maxamed khadar oo lagu xakumay 13 sano
Sheikh Maxamed khadar iyo walaalihii laxirnaa oo maxkamad ku taal gobolka California ee dalka Maraykanka ay xukuntay…
اللهم أجرنا فى مصيبتنا واخلفنا خيرامنها
قدر الله ما شاء فعل , إنا لله و إنا إليه راجعون
Walaalayaal sidaad la socoteenba,waxaa in muda ah socday maxkamadaynta,culimadii ku xirnayd Wadankan Maraykanka,Gaar...
Somali CEWERU Qaar ka mid Guddiyada Nabada Gobolada Kulan uga Furtey Magaaladda Muqdisho.
Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho ka Furmey Kulan Socon doono muddo Saddex Maalmood waxaana Kulankaan soo qaban qaabiyey Ururka Somali CEWERU oo inta badan isku Howla Khilaafyada ka dhex Dhaca Xuduudaha iyo Nabad ku soo Dabaalidooda , waxaana ka qayb galeya Ergooyinka ka yimid Gobolada Dalka gaar ahaan Guddiyada Nabadda ee Goboladda Xuduudaha Iyo qaar ka tirsan Hayadaha Dowlada Federaalka
Halkan...
Ra’iisul Wasaare Saacid: “Waa in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday No.50”
Muqdisho, …Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda inta u dhaxaysa No.50 iyo magaalda Afgooye.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in maanta sii dhintaan dad Soomaaliyeed, iyadoo cadowgii dalkuna ay wali maleegayaa hagardaaminta dalka iyo dhagarta shacabka...
Hay’ada HARO oo Rashin, Bustayaal iyo Ma’acuun gaadhsiisay Dadkii duufaantu ku dhacday.
Hay’da HARO oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa Maanta gaadhsiisay,dadkii Dhibaatadu ka soo gaadhay duufaantii ka dhacday W/Bari Somalia.Hadaba Maamulka hay’adu waxay ku howlan yihiin howlaha gar gaarka ah,siday Dhakhso ugaadh siin lahayeen dadka tabaalaysan.
Sidaa darteed wixii mucaa wino ah waxaad ku hagaajisaan Xafiisyada Hay’ada.ama e-Tawakal HARO iyo Online http://www.harousa.org/.
Sawirada...
Kulan ay soo Qaban Qaabiyeen Bulshadda Rayidka oo looga hadley Xal u helida khilaafka soo Noq-Noqdey ee Hogaanka Sare ee Dawlada.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 17 November 2013 waxay Daladda SOSCENSA (Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya) ku qabatay Hotel Ramaada ee Magaalada Muqdisho kulan wada tashi ah oo ay ka soo qaybgeleen odayaasha Dhaqanka, Bulshadda Rayidka, Xirfadaleyaasha,Rugta Ganacisga, Siyaasiyiin, Culuma’udiin iyo Waxgarad waxaana uu Kulankaan u jeedkiisu ahaa kaalinta Bulshada...
Aqoon is weydaarsi lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingriiska.
Waxaa maalintii shaleyeey ee ay taariikhdu ahayd 15ka November lagu qabtay magaalada Birmingham ee waddanka Ingriiska kulan aqoonisweydaarsi iyo dood cilmiyeed ah, kulankaasoo cinwaankiisu ahaa (Hayyaanka horu marinta afka hooyo iyo hiil doonkiisa maanta) ayaa waxaa marti ku ahaa Professor Maxammed Daahir Afrax oo ka tirsan hay’adda horumarinta afka soomaaliga ee PEN, ahna (gudoomiyaha Akadeemiyad...
Cawed Axmed Cashara oo sheegey in Madaxweynaha uusan Awood u lahayn in uu Booska ka qaado Raiisul Wasaaraha
Siyaasiga soomaaliyeed ee Cawed Axmed Cashara ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Sare sare Ee Dawlada Faderaalka Somalia isagoo Ka hadlay Ogaalkiisa, Iyo weliba Waxyaabaha Lagu Kala Bixi Karo.
Cawed Cashara oo waraysi siiyey warbahinta ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka, Wuxuuna Sheegay In Haatan Madaxwaynaha uusan Booska Ka Qaadi Karin Rai’sal Wasaaraha, Baarlamaankana uu Ridi...
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay Khilaafka ka dhexeeya Dawladda Federaalka – Video
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Shacabku Ha Is Dejiyaan, Hana Ku Kalsoonaadaan Golahooda Shacabka” “VIDEO”
– Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka:
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Shirjaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo Dalka gaar ahaanna dhanka siyaasadda isagoo fariin...
Ololihii Gurmadka ahaa ee ka socday Masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso oo caawa lasoo gabagabeeyay
Waxa caawa masaajidka wayn ee Al-Rowda lagusoo gaba gabeeyay barnaamijkii gurmad oo caawa galay habeenkiisii afaraad.
Barnaamijkaan oo intuu socday aysan ukala harin Dadwaynuhu ka qayb qaadashadiisa Rag, Dumar Dhalinyaro iyo Duqayb Shirkado iyo Shakhsiyaad Wadaad iyo Waranle Shaqaale iyo Xamaali intaba.
Culimada ayaa waxaa ay Bulshada ku booriyeen inay Sadaqada labaxaan maadama laga helayo...
Xukuumadda Soomaaliya oo meelmarisay Dib-u-hawlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa maanta meel mariyey qorshe lagu hawlgelinayo jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ku burburtay dagaaladii sokeeye ee dalka soo maray.
Kaddib soo jeedinta Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada iyo dood dheer kadib, waxaa uu Goluhu ansixiyay qorshaha dib-u-hawlgelinta...
Cashuura waxay ku beegan tahay Nov 14, 2013
Maxaad uga faa’iidaysan weydey maalmahan “gaarka” ah ee uu kuugu deeqay Allaha weyni? Maxaa loo soomayaa maalmahan?
Abu Qataada (rc) wuxuu yidhi: Nabiga (صلى الله عليه وسلم) ayaa la weydiiyey soonka maalinta Caashuuraa suu yeen: {waxaa lagu dhaafaa [denbigii] sannadkii tagey} Muslim ayaa wariyey.
Taasuucaa waxay ku beegantahay Nov 13, 2013
Caashuuraa waxay ku beegantahay...
Madaxweynaha oo ku baaqay Joojinta dagaalada Jowhar iyo Ra’iisul wasaaraha oo qoraal ka soo saaray Dufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Puntland
War-saxaafadeed
Shirkii Golaha Wasiirada
Ra’iisul Wasaare Saacid:”Dufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Puntland Waxaan U Aqoon sanahay Masiibo Qaran, Deg Degna Waan Uga Jawabaynaa”
Muqdisho,12, Nov,2013…Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta isugu yimidi shir aan caadi ahayn kaas oo looga hadlayey Duufaanta ku dhufatay deegaano balaaran oo ku yaala Puntland taas oo...
HORMUUD TELECOM FOUNDATION IYO JAAMACADA BANAADIR OO DHAKHAATIIR U DIRAY JOWHAR
Munaasabad Gurmad loogu dirayey dadka ay fatahaaduhu saameyeen ee degan Gobolka Shabeelada Dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar laguna Sagootinayey Dhaqaatiir iyo arday wax ka barata Jaamacadda Banaadir qeybteeda caafimaadka kuwaasoo ka qeyb-gali doona hawla gurmad caafimaad loogu sameeynayo dadka degan magaalada Jowhar ee ay asiibtay fatahaada webiga shabeelle.
Mashruucaan waxaa soo abaabulay oo iska...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday in Khilaaf u dhaxeeya Isaga iyo Madaxweynaha
Wargalin Ra’iisul Wasaaraha ee ku Socota Ummadda Soomaaliyeed –
Warsaxaafadeed ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu dhab yahay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, waxana uu sheegay “Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.” Waxana...
Khilaafkii u Dhaxeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Saacid oo Cirka isku Shareerey.
Khilaaf maalmahaan u Dhaxeeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon Saacd ayaa haatan u Muuqda in uu sii Xoogeystey ka dib markii uu Madaxweynaha uu ku Wargeliyey Raiisul Wasaaraha Saacid in uu is Casilo hase yeeshee Raiisul Wasaaraha ayaa ku gacan seyrey soo jeedintaas
Raiisul Wasaare Saacid ayaa laba jeer waxaa uu u Gudbiyey Madaxweynaha...
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashu ku tagay Isbitaal Madiina iyo Hotelka Maka-Al-Mukarama
Muqdisho… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Farax Shirdoon “Saacid”ayaa booqasho ku soo kala bixiyey, qaar ka mid ah iskuulaadkii ay dib u howlgalisay Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada, kuwaas oo qayb ka ahaa barnaamijkii la magac baxay Aada Dugsiyada, Hotel Maka-Almukarama oo qarax lala beegsaday habeen hore, iyo Isbitaal Madiina oo ay ku jiraan...
Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow ( Ashhad ) iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow oo Codkooda ku Biiriyey Joojinta Dagaalada iyo Fatahaada Webiga.
Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad ) iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow oo ka mid Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxay ka hadleen dagaalo ka soo Cusboonaadey Gobolka iyo fatahaada Webigga Shabeelle kuwaa oo geystey Dhibaatooyin kala duwan , waxayna u soo jeediyeen Waxgaradka , Odoyaasha , Siyaasiyiinta Culimada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay u istaagaan Joojinta...
Madaxweynaha Somalia “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan Horumarka”
jyo Raiisul Wasaaraha DFS oo yiri “Amaanka wuxuu noo leeyahay mudnaanta koobaad, Caafimaadka iyo Waxbarashaduna waxay noogu jiraan kaalinta labaad”…
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS:
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii qaraxa ee caawa kooxaha nabad-diidka ay ka geysteen Hotel Maka-Al-Mukurama...
Ra’iisul Wasaaraha “Tacsi ayaan u dirayaa qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray weerarkii nabadiidku ka gaysteen Muqdisho”
“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray weerarkii argagixiso ee ay caawo ka gaysteen nabadiidku Hotel Makka Al-Mukarama ee Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo mar kale ku celiyay in falalka argagixiso ee noocan ahi aysan hakin doonin geedi socodka toosan ee ummadda, hiigsiga amaan buuxa iyo horumarka dalka.
Ra’iisul...
Kulan lagu Diyaarinayey sidii Saxaafadda u yeelan lahayd Qodobo la Xiriira Anshaxa Saxafadda oo Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey.
Qodobada Saldhigga u ah Anshaxa Saxaafadda Soomaaliyeed —
Waxaa Xarunta CRD Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan looga hadlayey Diyaarinta sidii Saxaafada Soomaaliya u yeelan lahayd Qodobo dhinaca Anshaxa SAxaafadda CODE OF ETHICIS waxaana Kulankaa si wadajir ah soo qaban qaabiyey Hayadaha Article 19, Centre for Research and Dialogue CRD , Albany Associates-AU/UN IST, Media...
Maamulka sare ee jaamacada bariga afrika oo soo gaba gabeeyay kormeer ay jaamacada ku sameeyeen, Qabtayna shir jaraa,id
Waxaa maanta maamulka jaamacadda Bariga Afrika ay ka warbixiyeen kormeer ay maalmihii la soo dhaafay ku sameeyeen jaamacadda,kaasi oo ay ku kormeerayeen habsami u socodka jaamacadda.
Shirkan jaraa,id oo ay si wada jir ah maantay ugu qabteen Gudoomiyaha golaha asaasayaasha,gudoomiyaha hay’adda Al-Manhal,ahna xubin ka mid ah asaasayaasha ,Gudoomiyaha bod-ka,xubnaha golaha bod-ka,gudoomiye ku xigeenka...




