Home » Warar

Xeer illaaliyaha guud ee Soomaaliya oo booqasho ku yimid Minneapolis shirna ku qaban doona maanta oo Sabti ah

Dec 15, 2014
Somalitalk Minneapolis: Waxaa soo gaaray Maraykanka Xeer illaaliyaha guud ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, mudane Dr. Axmed  Daahir Cali, xeer illaaliyaha ayaa caawa oo Sabti soo geleyso soo gaaray magaalada Minneapolis oo ah halka ay ugu badantahay Soomaalida dagan Waqooyiga Maraykanka. Safarka xeer illaaliyaha ayaa ku saabsan warbixin uu jaaliyada la qaybsan doono iyo talooyin uu ka dhagaysan doono.... 

Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Markii ugu horeysey la doortey.

Dec 13, 2014
waxaa markii ugu horeysey taariikhda qabsoomey kalfadhigii koowaad ee baarlamaan ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed kaasi oo ka kooban 275 xildhibaan oo 84 ka mid ahi ay yihiin gabdho taas oo looga gol lahaa in gabdhuhu ay ugu yaraan 30 ka ahaadaan Baarlamaanka Dhallinyarada Soomaaliyeed si loo dhiirageliyo kaalinta Gabdhaha Soomaaliyeed ee siyaasada iyo horumarka Dalka. Kulanka Baarlamaanka Dhallinyarada... 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Degmada Xamar weyne oo la Caleemo Saarey.

Dec 11, 2014
Degmada Xarmar weyne oo noqotey Degamadii ugu horeysey ee Sameysta Hogaan Rug Ganacsi Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ujeedadeeduna ahayd Caleema saaraka Gudoomiyaha Rugta Gacansiga Degmadda Xamar Weyne, ayaa ka dhacday Magaaladda Muqdishu, Xafladda waxaa ka soo qeyb galay Xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, kan Degmadda Xamar Weyne, Masuuliyiinn ka socotay Wasaaradaha Maaliyadda... 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Safiirka Sweden iyo Ergeyga QM ee Soomaaliya

Dec 9, 2014
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya iyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden... 

URUR AY KU MIDEYSAN YIHIIN WARGEYSYADA MADAXABANAAN EE MUQDISHO OO LAGU DHAWAAQAY.

Dec 9, 2014
Kulan ay isugu yimaadeen Madaxda iyo Qorayaasha Wargeysyada Madaxabanaan ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay xarunta Wargeyska Xamar ee ku dhex taala Jaamacada Green Hope 7/12/2014. Kulankaasi oo looga wada xaajoonayay sidii loo horumarin lahaa Wargeysyada Muqdisho una midoobi lahayeen waxaa si saraaxad leh looga hadlay arrimaha ku saabsan sidii loo dhisi lahaa urur mideeya Wargeysyada... 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Ra’iisal Wasaaraha ay kalsoonida kala laabteen baarlamaanku

Dec 8, 2014
War Saxaafadeed RW: “Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafis ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha qaranka” Muqdisho, 7th Diceember, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa soo dhaweeyey go’aankii xildhibaanda Baarlamaanku ay kalsoonida kala noqdeen xukuumadda. Ra’iisul... 

December-ta 2015 maxaa la filan karaa?

Dec 6, 2014
Xasan Shiikh “Ma jabin doonaa Rikoorka u yaala soo Magacaabista Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya” 10-kii September 2012 –waxaa markii ugu horaysay Magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xasan Sheikh Max’uud oo ka mid ahaa Bulshada Rayidka, waxa uuna Raii’sul wasaare u magacaabay Saacid Faarax Shirdoon waxayna ahaayeen labo nin oo aad isugu dhow marka loo eego Madaxdii iyaga ka horeeyey,... 

R.W Cabdiweli oo aqbalay go’aanka Golaha Baarlamaanka

Dec 6, 2014
Mogadishu, 06 December 2014— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaamiyo. “Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Somalia uu kalsoonida ugala noqday Xukuumadda, wuxuuna R.W faah... 

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo Codka Kalsoonida ka waayey Baarlamaanka Soomaaliya

Dec 6, 2014
153 Xildhibaan ayaa Codka Kalsoonida kala laabatey Raisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa diidey mooshinka 80 Xildhibaan, waxaa ka aamusey 2 Xildhibaan, sidaas ayuu xilkiisii ku waayey ra’iisul wasaaraha… Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya sabti December 6, 2014 ka dhacay Kulankii ku aadanaa Mooshinkii laga keeney Raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaana Kulanka markii... 

Xulashada Jimcaha : Ka Fikir Soomaaliya oo la hoosgeynayo IGAD 2016

Dec 6, 2014
Xulashada Jimcaha, waxaan aalaaba ku soo qaadannaa qoraallo iyo qodobbo xiiso leh. Toddobaadkan waxaan akhristeyaashayada la wadaageynaa qoraal uu diyaariyay Danjire Maxamed Cumar Cusmaan (AHN) oo ka mid ahaa aqoonyahannada Soomaaliyeed kuwoodii ugu qiimaha, aqoonta iyo waayo-aragnimda badnaa. Danjire Maxamed (AHN), wuxuu muddo dheer u shaqeeyay ummadda Soomaaliyeed oo uu uga tagay dhaxal wax ku ool... 
Halkudheg:

Hay’adaha AVRO iyo SOYDEN oo soo Gabagabeeyey Mashruuc Waxbarasho oo ay ka Faa’iideysteen in ka badan Boqol Dhalinyaro.

Dec 5, 2014
Munaasabasad si heer sare ah loo soo agaasimey islamarkaana ku saaabsaneyd Dhalinyaro so dhmeysatey Waxbarasho mudo Lix Bilood ah, waxaana Mashruucaas fuliyey Hirgelintiisa Hayadaha AVRO iyo SOYDEN iyagoo gacan ka helaya Hayadaha Qaramada Midoobey sida UNDP, UNICEF iyo ILO , waxana Kharasha Tababarkaas bixiyey Dowlada Jabaan, waxaana Munaasbadaas ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka,... 

Kulanka Baarlamaanka ee Sabtida oo wax Walba laga filan karo.

Dec 5, 2014
.. Madaxweynaha 117 Xildhibaan, Raiisul Wasaaraha 110 Xildhibaan .. Daahir Mire Jibriil “ Haddii Raiisul Wasaaraha la rido Siyaasada Soomaaliya meel Xun bay gaareysaa” Waxaa la filayaa in (Sabti Dec 6, 2014) kulan ay isugu yimaadaan Xubnaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka kaas oo looga hadli doono Mooshinkii looga soo horjeedey Raiisul Wasaraaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Weli Shiikh... 

RW Cabdiwali oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan hore Liibaan, una rajeyey caafimaad Xildhibaan Mayow Mustafe

Dec 4, 2014
Muqdisho, 04, Dec, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa cambaareeyay weerarkii foosha xumaa ee kooxaha Argagixisadu saaka ku dileen allaha u naxariistee Xildhibaan Hore Liibaan cabdullahi Nuur, una rajeeyey caafimaad Xildhibaan Mayow Mustaf Isaaq oo dhaawac soo gaaray. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falalka argagaxisadu ka gaysanayso... 

War-saxaafadeed: Madaxweynaha Somalia oo u hambalyeeyey Madaxweynaha Koofur Galbeed

Dec 4, 2014
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in madaxweynaha DFS oo booqasho ku tegey magaalada Baydhaba ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur galbeed. Dhanka kale warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa tibaaxay in “AMISOM Soo Dhaweysay Dhaarinta Madaxweynaha Kumeel Gaarka ah ee Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya.” Sidoo kale... 

Dalladda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed (SODEN)  oo Xustey Maalinta Naafada Aduunka.

Dec 4, 2014
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed “Xukuumadu waxay Dooneysaa in Dadka Naafada ah ay heleen Dhamaan Xaquuqahooda” 3-da   Bisha December ee Sanad kasta oo ah maalin loo asteeyey dadka naafadda ah ee aduunka oo idil ayaa laga xusay Guud ahaan Dalka Soomaaliya, Munasabad lagu xusayey maalinta Naafadda aduunka,oo uu soo qaban qaabiyey Daladda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed  (SOMALI DISABILTY... 

Hayadda SCAC iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  oo si Wadajir ah u Xusey Maalinta AIDS-ka Adduunka 2014

Dec 3, 2014
Halkii maalin oo kasta waxaa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS uu ku dhacaa 7,000 qof oo ku nool dunida dacaladeeda, taas oo ka dhigeysa in halkii saac oo kasta uu qiyaastii cudurkaasi asiibo 300 qof. AKHRI Sida ay sheegtay Hay’adda WHO iyo UNAIDS, 35.3 million ayaa qabay cududrka dilaaga ah ee AIDS/HIV sannadkii 2012, dadka sannadkaas u geeriyoodey cudurkaas waa 1.6 million oo qof. “Soomaalida Qabta... 
Halkudheg:

Mid ka mid aha Beelaha Dega Gobolada Dhexe oo Dooratey Hogaan Cusub oo Siyaasada u Metela.

Dec 3, 2014
  Dr Nuur Shiikh Maxamed “Waxaa Baaq Nabadeed u jeedinayaa Dhinacyada ku Dagaalamaya Gobolada Dhexe”   Munaasabad si heer sare ah  loo soo agaasmey ilsmarkaana ku saabsaneyd soo bandhigida  Gudoomiyaha Siyaasada Beesha  Cayr iyo Xubnhiisa ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasabadaan ka soo qayb galey, Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahano, Xisbiyada Siyaasada , Culimaudiin,... 

Usbuucii Sheekh Axmed C/samad iyo Galdogob

Dec 2, 2014
Sheekh Axmed C/samad oo ka mid ah culumada soomaaliyeed ayaa maalmahaan nashaad dacwo kawaday magaalada Galdogob, nashaadaadkaas oo ay diyaarisay Mu’assasada Alminhaaj ee Galdogob ayaa ku bilowday kulan uu shiikhu la qaatay guud ahaan goloyaasha dacwada ee degmada , kulankaas waxaa uu isugu jiray xogwaraysi, qiimayn iyo talo wadaag waxaana Go’aan lagu gaaray in la garab istaago shaqooyinka dacwo... 

RW. Cabdiwali : “ Xiligaan Shacabka Soomaaliyeed ma xamili karaan colaado macno daro ah oo sii socda”

Dec 1, 2014
Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaano hoostaga degmada Xarardheere in ay deg deg u joojiyaan colaada, isuguna yimaadaan miiska wada hadalka. Ra”iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaaladaan aysan ahayn kuwo loo cudur daari karo marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo barakaca ay u gaysteen... 

Go’aan Uu Guddoonka Baarlamaanka Ku Shaaciyey Xiliga Ay Bilaabanayaan Kulamadii kalsooni kala laabashada Ra’iisul wasaaraha

Nov 30, 2014
Qoraal ka soo baxay guddoomiyaa baarlamaanka DFS ayaa tibaaxay in 2da December 2014 la qaban doono kulanka gudagalka ajandaha Mooshinka kalsooni kala noqoqshada ra’iisul wasaaraha, waxaana ka doodista iyo go’aan ka gaaristana la soo gababayn doonaa Sabtida 6da December 2014. Halkan ka akhri go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka GUJI Go’aan Uu Guddoonka Baarlamaanka Ku Shaaciyey Xiliga... 

Xisbi Siyaasadeed oo uu Hormuud u yahay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho oo looga Dhawaaqey Muqdisho.

Nov 27, 2014
Tarsan “Xisbgaan Koox Gaar ah ma laha , Qabiil gaar ahna ma laha, waxaa Xisbi ay u Dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed” Iyadoo Sannadka 2016 la filayo in Soomaaliya laga qabto Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya, oo ay ka qayb geli doonaan Xisbiyada Siyaasada Dalka ayaa waxaa Maanta oo ay Bishu tahay 27 -11-2014 Magaalada Muqdisho looga dhawaaqey Xisbi SIyaasadeed oo loogu Magacdarey Xisbiga... 

Qaar ka mid ah Wasiirada ku dhow Madaxweynaha oo la filayo in ay iska Casilaan Xilalkooda.

Nov 26, 2014
Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed, waxaana Khilaafkaan uu sii Xoogeystey ka dib markii Xildhiaanada Baarlamaanka ee Taageersan Raiisul Wasaaraha ay markii Saddexaad ay Fowdo ka sameeyaan Kalfadhigii Baarlamaanka taasoo ay si aad ah uga Caroodeen Gudoonka Sare ee Baarlamaanka... 

Kulankii Baarlamaanka oo Markale Lagu Kala dareeray

Nov 24, 2014
Iyo Go’aan Kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – iyo warmurtiyeed uu soo saaray ra’iisul wasaaraha DFS sheegayna (“Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016”) – Waxaa markale socon waayey kulankii baarlamaanka ee la doonayey in cod loo qaado kalsooni kala noqoshada ra’iisal wasaaraha DFS. Waxaa arrintaas... 

RW. Cabdiweli: “Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016”

Nov 24, 2014
War-murtiyeed Muqdisho, 24, November, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, oo caawa war- murtiyeedeed uu ka soo saaray xaaladda dalka uga waramay marxalada siyaasasadeed ee hadda taagan, caqabadaha uu mooshinku ku keenay hiigsiga 2016, iyo kala qaybsanaanta uu ka dhex abuuray golaha shacabka. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey saxaafadda... 

Xildhibaanno: Ma aqoonsan doono Natiijada ka soobaxda Baarlamaanka

Nov 23, 2014
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Mooshinka oo sheegey in aysan aqoonsan doonin Natiijo kasta oo ka soo baxda Kulan baarlamaanka. Waxaa la filayaa in Maalinta Isniinta oo ku beegana 24 November 2014 lagu Balansan yahay Kulankii Baarlamaanka kaasoo la sheegey in looga hadli doona ama lagu qaybin doono Mooshinkii looga soo horjeedo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka...