Home » Warar
Bayaan kasoo baxay shir ka dhacay Kampala.
Bayaan ka soo baxay shir ay yeesheen qaar ka mid ah Duubabka, dhaqanka iyo culumaa
udiinka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Magalad Entebbe, Uganda, 24‐26 Juun 2011.
Read More →
Raiisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG oo Codka Kalsoonicda Aqlabiyad aad u weyn kaga heley Golaha Baarlamaanka
23 kii Bishaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Raiisul Wasaare u Magacaabey Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo Hore Dowladii Farmaajo uga ahaa Raiisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaa Raiisul Wasaaraha Cusub soo dhaweeyey Qaybaha kala duwan Bulshada wuxuuna Madaxweyanaha DFKMG uu Xiligaa sheegey in Raiisul Wsaaraha...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Magacaaban oo loo gudbinayo sidii uu wax uga qaban lahaa xuduudda Badda Soomaaliya
Ra’iisul wasaaraha cusub (C/weli Gaas) “Waxaan u geyneynaa, taageerona ku siinaynaa in uu qorshiisa hawleed kuwa ugu horeeya ku darsado arrinta (xuduudda badda Soomaaliya )…”
Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro Oo Ka Digey Xadgudubka Xaduuda Bada, Islamarkaana Ku Eedeeyey Madaxweynaha DFKMG Inuusan Doonayn In Baarlamaanku Ka Hadlo Arintaas (Waraysi Cod Ah Dhegayso)…
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/daahirciiro.mp3]
Xildhibaan...
Axmed C/raxmaan Cabaade “Dowladda la dhisayo waxaan leeyahay aysan waxba qaban waayo tii hore oo wax qabatay ayaa la eryay”.
Wasiirkii hore ee Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Badda iyo Dekedaha ee xumaddii Farmaajo Axmed C/raxmaan Cabaade oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyntii wuxuu hambalyo iyo bogaadin ku aadan 26-ka iyo 27-ka June u diray shacabka Soomaaliyeed, maalmahaas oo ku aadan markii ay xoriyadda qaateen Gobalada Waqooyi iyo Dalka Jabuuti, waxa uuna sheegay in shacaka Soomaaliyeed ay yihiin...
Farmaajo “Taageerayaasheyda waxaan u sheegayaa inaan u soo laaban doono anigoo Madaxweyne ah”.
Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Ra’isul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka ayaa intii uusan ka ambabixin Magaalada Muqdisho waxa uu la kulmay taageerayaashiisa ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna uga waramay waxa sababay in uu iska casilo xilka, isagoo sheegay in cadaadis lagu saaro in ka dego xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu u mahadceliyey intii ka...
Warbixin: Sannad Guuradii 51 ee Xorriyada Soomaaliya oo laga xusay Villa Soomaaliya
Sanad Guuradii 51-Aad Ee Xoriyada Gobolada Waqooyi Ee Somalia Oo Habeenkii Xalay Laga Xusay Magaalada Muqdisho Gaar Ahaan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia
Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo lagu xusayey sanadguuradii 51-aan ee kasoo wareegtay xoriyadii gobolada waqooyi oo ku began 26-juun ayaa habeenkii xalay ahaa si weyn looga xusay magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada ee villa...
Mutamarkii 3-aad ee Denmark oo ka bilowday magaalada Aarhus
Shirweynahan Islaamiga ah oo sanadkiiba bishan oo kale lagu qabto magaalada Aarhus (Århus) oo ah caasimadda 2-aad ee dalka Denmark ayaa si habsami leh uga bilowday dalka Denmark.
Kulankan oo uu qabanqaabiyay ururka xiriirka Soomaaliyeed (Det Somaliske forbund) isla markaana ay ka muxaadareeyaan culumaa’udiin waawayn ayuu sanadkan hal ku dhegiisu yahay ”ISLAAMKU WAA HAB NOLOLEED DHAMAYSTIRAN”.
Waxaan...
Cawed Axmed Cashara : Nimankii Saxiixay Heshiiskii Badda Somalia Waxay Taariikhda Ka Geli Doonaan Baal Madow
Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baralamaanka KMG ah ee somalia xildhibaan cawed axmed cashara oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo khadka telefoonka ugu waramayey weriye yaasiin faytin oo muqdisho ku jooga ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka KMG ah ee somalia uu wax weyn qabtay islamarkaana ka hadlay arintii bada dadka soomaaliyeedna ay iska dhaliilaan maantana doonayo inuu u istaago...
Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka – Mutamarkii 11aad ee Waqooyiga Ameerika – Minneapolis, July 1, 2 & 3
VIDEO CUSUB: Ilaahay Mahadi ha ka gaadho, waxaa farxad u ah Xarunta Abubakar As-Saddique ee Minneapolis, inay idiin soo gudbiso ogaysiiskii koowaad ee mu’tamarkii sanadlaha ahaa, kiisii 11-aad. ….. Hoos ka daawo…
——–
Abubakar As-Saddique Islamic Center
& North American Council of Somali Imams
Present
11th Annual Convention
شمولية المنهج الإسلامي...
Wilaayada gobolka Gedo oo taageertay qodobodii ka soo baxay shir 5 maamlmood soconayey
Shir aan caadi aheyn oo ay wada yesheen xubnaha beesha reer garaad oo ka tirsan beelweynta mariixaan sida odoyaasha ,culumaudiinka ,siyaasiyiinta odoyaasha dhaqanka dhalinyarada iyo haweenka ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu doorteen nabad doon Guud oo ay beesh baha-garaad oo ka kooban 16 jufo yeelato .
Kulankaan lagu calemo saaray nabadoonka cusub isla markaana kii ka horeeyey uu joobjooga ka ahaa ayaa...
Machadkii SIMAD oo isu bedelay Jaamacad loona Bixiyey SIMAD UNIVERSITY
Machadka SIMAD oo muddo 11 sano ah u shaqeynayey Machad ahaan ayaa maanta oo bishu tahay 23-ka June 2011 loo bedelay Jaamacad, waxaana munaasabad arrintaasi lagu qabtey Hotelka SAXAFI ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay xubno ka socday Jaamacadaha Muqdisho, Dalladdaha Waxbarashada, Hay’adaha Samafalka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo ardeyda waX ka barata SIMAD .
Halkan ka daawo sawirada
Waxaa...
Sheikh Shariif oo Dr. Gaas u Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay C/weli M. Cali Gaas, waxana uu bedeli doonaa Maxamed Farmaajo. Goobtii magacaabista waxaa hadal ka jeediyey Shariif Xasan, afhayeenka Baarlamaanka DFKMG iyo Farmaajo. Waxaa kale oo goobta k ahadlay Mr. Gaas, ra’iisul wasaaraha magacaaban ee DFKMG. Hoos ka dhegeyso Khudabadahaas.
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gaas_jun2311.mp3]
“Waxaan...
Khilaafka Labada Shariif ee ku saabsan Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cusub iyo Golaha Wasiirada
Warbixin ku saabsan Sababaha keeney in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka Caroodo in Cabdi weli Mxamed Cali gaas loo magacaabo Raiisul Wasaare –
Faarax Macalin “ Gudddomiyaha Baarlamaanka Xaq u ma leh in uu farageiln ku sameeyo Ciida uu Madaxweynaha u magacaabo Raiisul Wasaare
Ayadoo weli la dareemayo Khilaafka ka dhaxeeya Maxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha...
Ururka SOWJ-GROUP oo Gabdho Suxufiyiin ah u soo gabagabeeyey Barnaamijyo Dhinaca Nabadda ah
Bilooyinkii la soo dhaafey Ururka Suxufiyiinya Haweenka Soomaaliyeed ee Sowj-Group wuxuuu waday Siminaaro , Dood Cilmiyeed iyo Tababaro la siiinayey Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed kuna aadan sida Suxufiyiinta looga baahan yahay in Dalkooda Nabad ku soo dabaalaan , waxaa ururka mar kasta Howlahaas gacan ka siinayey Hayadda Somali Peace Line waxaana Maalintii Axadda ahayd la soo dhaafey ururka Sowj-Group...
Aragtiyo kala Duwan oo Shacabka Muqdisho ay ka bixiyeen iscasilaadii Farmaajo
“Waxay ahayd in uu raaco Rabitaanka Shacabka haddii aan ogaan lahayn in uu iscasilayo wallee uma bannaan-baxneen” Faadumo Muuse….
“Farmaajo waa ku balan furey shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo Dibadiisa,” Macalin Isxaaq Xuseen Maalin…
“aniga waxaan qabaa in farmaajo uusan iscasilin balse la casiley,” Dr Cali Kaahiye Cali
Iyadoo...
War Saxaafadeed: Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed
Isbahaysiga dib-u Xoreynta Soomaaliyeed wuxuu cambaaraynayaa go’aankii toddobaadkaan ka soo baxay shirkii magaalada Kampala, Ugaanda, lagu qabtay oo ahaa mu’aamirad iyo dhagar hor leh ee shisheeye nacab ahi iyo dabadhilifyoyadooda ugu talagaleen, jiritaanka iyo madax bannaanida Qaranka Soomaaliyeed ina ku maja xaabiyaan, si ummadda Soomaaliyeed ugu waarto dacdaro, dullinimo, dal la’aan iyo gumaysi.
Isbaysiga...
Farmaajo oo iska Casiley Xilkii Raiisul Wasaaranimo, Xilli uu maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamaanka (DHEGEYSO)
Warbixin kooban oo ku saabsan Iscasiladiisa
9-ka Juun ayaa waxaa Magaalada Kambala ee Dalka Uganda heshiis ku gaarey Sadexda Masuul ee ugu sareeya Dowladda Federaalka KMG sida Madaxweyanaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha waxaa ka soo baxay heshiiskaas oo ugu muhiimsanaa in Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu iscasilo, waxaana heshiiskaas saxiixay Labada Shariif , waxaa...
DFKMG oo Hawada ka dul-degtey Mowjaddii ay ka hadli jirtey Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan
Dowladda Federaalka oo Weerar Dhinaca Mowjadda/Hawada ah ku qaadey Idaacaddii Islaamiga ee Al-Furqaan –
Waxaa Weerarkaan ka Hadley Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla iyo Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Odayaasha Dhaqanka, Qurba Joogta iyo Maamulka Idaacadda.
Idaacadda Alfurqaan oo si weyn looga dhageysto Dalka Gudhiisa iyo dibadiisa ayaa waxaa maalmahaan Weerar ku ahaa Dowladda Federaalka...
Xildhibaan Maxamed Woosh: Waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada in ay Heshiiskii Kampala ku diidaan cod aqlabiyad ah
“Axdiga Ku meel Gaar ayaa Farmaajo u ogolaanayo in Heshiiskii Kambala la horkeeno Baarlamaanka”
Xildhibaan Maxamed Sh.Cali Axmed (Woosh) oo ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka ayaa aragtidiisa ka dhiibtey hadalkii R/Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo sida u arko, ee ahaa inuu heshiiskii Kambala u gudbinaayo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliyeed si uu go,aan uga gaaro.
Ugu...
Xildhibaan Cawed Axmed Cashara Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Shirkii Kampala
Shirka Kampala waxa uu faduub ku sameeyey Qarannimada Soomaaliyeed, dawlado kale ayaana wakiil ka noqonaya Soomaaliya, ayuu yiri Cashara, waxana uu soo dhoweeyey Hadalkii Raysalwasaaraha DFKMG Farmaajo Uu Ka Horsheegay Qaar ka Tirsan baarlamaanka (Waraysi Cod ah hoos ka dhegeyso)
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/casharo_jun2011.mp3]
Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee somalia...
Farmaajo oo kulan la yeeshay Xildhibaanada baarlamaanka, kana raali geliyey khaladaadkii hore
“Wixii dhibaato aan geystey raali ha la iga ahaado, marka xoogaa waa ila yarahe tagtay ee raali ha la-iga ahaado” Sidaas waxaa yiri Farmaajo oo kulan (Arbacadii June 15, 2011) la yeeshay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka. Waxana uu xildhibaanada u sheegay in uu sugayo go’aanka ay gaaraan baarlamaanku.
Hoos ka dhegeyso Kulankii Farmaajo iyo Xildhibaanada (Jun 15, 2011)
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_jun1511.mp3]
Raiisul...
Baaq Ku socda Ra’iisul Wasaaraha DFKMG – Xukuumaddu haka laabato hadalkii Wasiirka Kalluumaysiga
Xukuumadda KMG haddii ay rabaan in ay helaan kalsoonida shacabka, ha ka noqdeen hadalkii Wasiirka Kallumeysiga oo shaki iyo murugo galiyay Ummadda Soomaaliyeed.
Baaqan waxaa diraya Bashir Shekh Moxamed oo ahaa sii hayahii safaaradda Soomaalida ee Sweden/Denmark sannadkii 1979 markii safiirkii Soomaaliya Cabdulaahi Ciise (AHN) uu heshiiska batrool baarista la soo gelayey Norway…
Baaq ku socda...
Farmaajo oo ku dhawaaqey in uusan iska Casili doonin Xilka Raiisul Wasaaranimo
Maxaase ka jira in Qaramada Midoobey ay Ibrahim Gambari oo reer Nayjeeriya ah ku Bedeli doonto Mahiga oo ah Wakiilka UN u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya …
Farmajo oo si toos ah uga hor yimid Go’aankii kampala, isagoo caddeeyey in aanu xilka uga tegeyn heshiiskii Kampala, oo shacabka dareenkiisa tixgelinayo … Marka heshiis la soo galo, sidii la doono halagu soo galee, waa in loo...
Xafalad qalin jabin heersare ah oo ka dhacday magaalada Wuhan ee dalka shiinaha
Xafalad qalin jabinta dufcadii ugu horeysay arday soomaali ah oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa heenimadii axada oo ay taariikhdu ku beegneyd 12 june 2011 ka dhacday magaalada Wuhan ee caasimada gobolka Hubei ee bartamaha dalweynaha shiinaha.
Xafaldan qalin jabinta oo ay soo agaasimeen ururka ardayda soomalida ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan WSSU(Wuhan Somali Students Union) ayaa waxaa ay...
Sheikh Shariif: Shirkii Kampala ayaa (Guddoomiyaha) Baarlamaanku ka Sheegay in aysan la shaqayn karayn Farmaajo oo ay tahay in uu iscasilo
Shir jaraa’id ayaa Sheikh Shariif ka sheegay in Shirkii Kampala markii la isku raacay in DFKMG waqtiga loo kordhiyo hal-sano ayaa waxaa soo baxay caqabad, taas oo ah in baarlamaanku diidey in ay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha, taasoo ah in ra’iisul wasaarahu iscasilo, isaguna sidaas ayuu aqbalay” ayuu yiri Sheikh Shariif oo shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho June 12,...




