Home » Maqaallo
1da Luulyo & Maamul Goboleedyada Maanta jira | Daadurey
Hordhaca taariikhda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka muuqanaya qaybsigii gumeystayaasha reer Yurub ay ku qaybsadeen Shirkii Baarliin sanadkii 1884kii qaarka mid ah Waddamada Afrika gaar ahaan Soomaaliya , gumaystuhu wuxuu awoodda saaray in Soomaaliya sida ka muuqata taariikhda maguuraanka ah ee ay suxufiyiintu ka qoreen qaybsigii Afrika ee reer Yurub loo kala qaybshay Shan qaybood taasi oo aad ka dareemi...
Warqad Furan: Doorashada Somaliland
Bismilaahi Raxmaani Raxiim. ASalaamu Calaykum?
Salaan sharaf mudan ka dib; ugu horreyn waxa mahad leh Allaah, sidoo kale waxaan halkan uga dirayaa tahniyad, hanbalyo, bogaadin iyo mahadcelin ba shacbiga Somaliland, guddida doorashada, ciidanka qaranka, ka booliska, xisbiyada siyaasadda, kor-joogayaasha (observers) caalamiga ah iyo qurbajoogga Somaliland ee dalka ku sugan, oo intooduba fududeeyey...
Maxaa Hortagan Hormarka Xaga dhaqaalaha Iyo Waxbarashada Gobalka gedo? | kalafoge
Waxaa mahadi is kaleh Allah iisura galiyey soo diyaarinta maqaalkani ka hadlaya wadciga iyo xaalada uu ku sagan yahay gobalka gedo iyo shacabweynaha ku dhaqan, Waxan maqaalkan ku soo qadan donaa xog ka hadleysa dhamaan dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha gobalka gedo 20-kii sano aynu soo dhaafney waxii ku soo kordhay ama isbadaley..
Gobalka gedo waxaa lagu tiriyaa in uu yahay gobalka 2-aad ee ugu...
Xuuraan: Koob Asayle | Saxansoxo
Kaliga Asayle ee Sablaale gobolka Shabeelada Hoose waxaa foorara si saf ah boqolaal rag Soomaaliyeed ah, waxaa dushooda ku dul socda askar Gumeysiga Talyaaniga iyagoo sidii buundo ugu dul talaabaya kaliga.
Arrintani waxay dhacday nus qarni ka hor, waxaana halkaasi ku dhintey rag baddan oo Soomaaliyeed oo biyaha ku haftey, waxaa meeshaasi loogu magac dara Kaligii Asayle, sababtoo ah dumar baddan ayaa...
MADAXWEYNE SH.SHARIIF WAA IN UU ISCASILAA!!!!!
YUSUF SHABAC II
Ka dib markii aan indho-indeeyey xaalada ay ku sugun tahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta Soomaaliyeed. Ka dib markii aan ogaadey sida ay u kala daadsan tahay maamulka Federaalka ee ku meel gaarka ah. Ka dib markii aan taxliil siyaasi ah aan ku samayney Madaxweyaha soomaaliyeed shakhsi ahaan waxaa inoo muuqatay in uu Madaxweynuhu uu iscasilo si loo bad-baadiyo Ummada...
DOORKA HAWEENKA SOOMAALIYEED
Somaliya goormey nabad noqaneysaa ? waa yaabe cunugii dhashay 20 sano ee ugu danbeysay, tarbiya malaha,lamana tarbiyay karo! waayo waligiis ma arkin nidaam, kala danbeyn, nabad la aan darted ka jirta Soomaaliya.
waxay ila tahay dadka bananka jira oo kaliya ayaa og ama dareemi kara baahida uu wadanku leeyahay, hadana waxaad moodaa iney nabadu ku jirto gacanta inta ku nool gudaha wadanka...
Lakulankaygii Ayaan Xirsi | Qore: Farah Aw-Osman
Qof aan asxaabnahay ayaa igu casumay kulan ka dhacay Magaaladda aan ku dhaqanahay ee Ottawa, kulankaas oo ahaa goob ay Ayaan Xirsi Cali kajeedinaysay hadal kusaabsan aragtideeda ku aadan Islaamka iyo weliba iyadoo soo bandhigaysay buug cusub oo ay qortay kaas oo loogu yeero (Nomad) ama reer-guuraa. Hadaba, Intii aanan aqbalin casuumada ayaan su’aalo badan isweydiiyay, sida: Waatuma...
Samaanadaan Iyo Siyaasada Cusub ee puntland | Qore: Xabeeb
Sanaadii 1998 ayeey ahayd xiligii magalaad Xarunta u ah Gobolka Nuugal Ee Garowe loga dhawaqay Maamul goboleed Ka arimindoona Gobolda Waqooyi bari soomaliya oo ah Gobolka Bari,Nugaal,Mudug ,Sool iyo Bariga sanaag xili somaliya guud ahan aysan ka jiran Xukmad tallada dalku ay gacanteeda ka godo marka laga reebo Gobolda waqoyi gelbeed Ee Somaliya oo ayagu la magac baxay Somaliland ...
Yaahuu……! Bal Madaxaaga Shiiloo Magac Xumo Maxaa Haray…!
Waxaa xaqiiqa ah in mudo rubuc qarni ka badan aanay Soomaalidu helin wixii ay mudnaayeen sababtu si kastaba haku timaaddee, wax kastana waan filanayay aniga iyo inta igu maanka ihiba laakiin wax aanan u fadhiyin balse cashar wax laga barto noqon kara ayaa ah in Yuhuud markii la yiri halagu caayo kelmadda ugu sareeysa ee la is yiri malaha waa lagu aflagaadeyn karaa ay noqotay “`waxaad la mid tihiin...
Agoonta ha ka inkaarsan…!! | Kaalmoy
Heshiis-shaqo( Caqdi-camal ) ayaan la saxeexday Wasaaradda W. iyo Barbaarinta ee dalka Yemen, sannad dhexdaas ahaa; kaas oo macallinnimo la iiga hawl-geliyay Gobolka “Xaja” ee isagu ku yaalla dhanka Woqooyi-Galbeed ee Sanca.
Dugsiga aan ku meeleysnaa, ayaa wuxuu ku yaallaa deegaanka buuraleyda ah ee “Washxa”, kaas oo dhinaca ku haya xadka uu dalka Yemen la wadaago dalka Sacuudiga....
Shariif Xasan : Ninba waa markiisee Mus ma kula koray
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo doortey Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalintii ka horeysay doorashada waxay Xildhibaanada Baarlamaaku ku sameeyey markii uu soo galay xarunta Baarlamaanka in ay ku fooriyaan, xildhibaanada qaarkood waxay siteen Firimbe, hase yeeshee isaga oo aan iska waalin ayuu ereyo kooban waxa uu ku yiri “Codkiina ayaan idinka rabaa ee fadlan ha la I siiyo”,...
SSC iyo Puntland | Qore: Maxamed Xirsi
Ugu horreyn dagaallada SSC naf, maal iyo barakaca ka geystey waan ka xumahay, waana cambaareynayaa huwantii xabashidu hor boodeysey ee duullaanka ku soo qaaday SSC. Shacabka aan dambiga galabsan oo sida arxan darrada ah loo xusuuqay, iyo geesiyaashii ka dhiidhiyey, ku shahiidey difaaca dalkooda, diintooda, dadkooda iyo sharaftooda, taariikhda baal dahab ay ayey ka galeen, abaalgud weyna Alle agtiis...
Xalka loo tartamayo: Ka tanasulidda Jiritaanka “Soomaliya” | Dr. Culusow
Waxaan horey uga hadlay baadigoobka Nabadda iyo Dhismaha Dowlad Soomaliyeed.1 Sidaas oo kale, Prof Michael Weinstein oo wax ka dhiga Jaamacadda Mareykanka-Purdue University, si joogto ahna u falanqeya Arrimaha Soomaliya ayaa qoray labo maqaal oo muhiim ah.2 Prof. Michael Weinstein wuxuu soo jeediyay abaabulka “Dhaqdhaqaaq Labaad ee Gobannimadoonka Soomaliya” si loo badbaadiyo Qaranka Soomaliyeed....
Garaad C/qani G.Jamac iyo Col. Bashiir Jamac (Baydan) Laba marxuum oo la tabey
acw
marka shayga siyaasada la yidhaahdo oo macnaheedu yahay qaabka Hogaaminta ,Qaran ,Gobol ,Degmo ,beel iwm
Hadii marka ay hagaagsantahay siyaasada Hogaamiyaha ,waxaa dhacaysa umadaas ,ama qaran ha ahaato ama Gobol ama degmo ama Beel iwm .
in ay gaadhayso horumar ama dhibaatooyin badan oo soo wajaha xilliga colaada ,abaarta iwm ay si sahlan uga badbaado.
Waxaan filayaa ma jiro Hogaamiye 100% siyaasadiisu...
Reer Buuhoodle oo Bilad Taariikhi ah u Soo Hoyay Magaca Soomaaliyeed iyo Koodaba
Indhawaalaba Soomaali waxa ay ku can baxday dirirta dhexdooda ah, ayagoo ka mashquulay cadowyadeedii soo jireenka ahaa, taasi waxa ay dhaxalsiisay in ay walaal iyo waalidba ka dhigtaan waraabayaashii hororada ahaa ee jiritaankooda hortaagaana abid.
Waraabayaashani ha ahaadeen kuwii gumeysiga amase kuwii usoo tafaxaytay sidii dhulka iyo dadka Soomaaliyeedba qariidada uga suulin lahaayeen.
Mar walba...
Baabi’inta reer Buuhoodle iyo burburkii loo geestay reer samaroon la illoobi maayo
Dulmiga loo geesanayo dadweynaha iyo taariikhda ummadda oo la dafirayo noqon meyso wax qarsoomi kara oo dalka ka qarsoomi kara dadkana ka qarsoomi kara,dhaqanka madaxda daalumiinta ah iyo danaystayaasha ee reer waqooyi galbeed uma wada dhammee waxaa manhaj iyo mabda’ba u ah cabburid dadweyne iyo la heshiin cadowga islaamka ee Israa’iil iyo cadowga ummdda Soomaaliyeed ee Itoobiya.
Si qofka daalumka...
Dhaga-adayga Aadan Madoobe, Dhagarta Shariif Sakiin, Dhabacsanaanta Cumar iyo Dhoohnaanta Shariif Xariif.
Waxaa dhwrkii bilood ee ugu danbeeyay ka dhex aloosnaa dowladda TFG-2 dhaq-dhaqaaqyo iyo kacdoono wajiyo badan ah. Hadaba waxaad moodaa in maalinba maalinta ka danbaysa uu khilaafkaasi sii xoogaysanayay, taas oo sababtay in uu iscasilo kuxigeenkii labaad ee guddomiyaha baarlamaanka Mr. Boqolle , meesha ay xildhibaan gaadhaya 75 oo ka soo jeeda Beesha uu ku hayb-tirsado Aadan Madoobe cadeeyeen in...
Faallo:Nin caloola-Cad Joogay wuu Cibaaro Qabaa!(Qalaanqalka Siyaasadeed ee Somalia).
Xamaasad siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa maalmihi ugu dambeeyay ka socotay xarunta Villa-Somalia ee magaalada Muqdisho, hardankan ayaa soo yahoomay markii Baarlamaanka DKMG ah ee Somalia xilkii ka qaadeen Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) afhayeenki Baarlamaanka Somalia, markii majaraha siyaasada laga tuuray Aadan Madoobe waxaa bilaabmay ciyaar cusub oo sababtay in madaxweyne Sheikh Sharif xilkii...
Dayr ay dadka Soomaaliyeed la dagaalamaan diinta Islaamka..!
Diinta Islaamku waxay dalka Soomaaliya soo gaadhey mudo aan sidaa ugaba durugsaneyn markii ay soo caga dhigatay Jasiiradda Carabta iyadoo ay mu’arikhiinta ku xeel dheer Soyaalka in badan oo ka tirsani ay ku doodaan in qarnigii 8-aad ay diinta Islaamku timid xeebaha Soomaaliyeed.-
Dadka qaar baa xitaa sheega in Asxaabtii Nabiga (NNKH) ee usoo haajirtey dhulka Xabashida ay kasoo degeen magaalada dhacda...
Niqaabka iyo Dowladaha Yurub | Axmed Cadde
Markii ciida lala simay daarihii ganacsiga ahaa ee ku oolay magaalada new York ee wadanka mareykanka ,waxaa waqtigaa wixii xigay soo ifbaxay erayo badan,kuwasoo wax loogu dhimayo ama lagu waxyeelenaayo umada muslimiinta ah ee markaa kunool ama siyaabo kale u jooga goobaha ka baxsan dalalka ay jinsi ahaan kasoo jeedaan.-
Dal hebal xuduudiisa waxaa ku dhuumalaysanaya kooxo looga shakisan yahay argagixiso,hebel...
Sayid Qudbi Ma Shiikhbaa Mise Waa Mufakir (2)
Sayidka maxaa lagu xasuusan karaa ???
Sayid Qutub labo waxyaalood baa lagu xusuusan karaa in uu Caalamka Islaamka ku soo kordhiyey :
1) Wuxuu ahaa Nin aad u yaqaanna Nolosha Isticmaarka ama ( western)ka inkastoo looga horeeyey buu haddana ahaa mid si aad ah u cadeeyey xaallada Westernku ku sugan yihiin iyo in aysan u qalmin in ay Adduunka sidaan ku hogaamiyaan, wuxuuna saadaaliyey in waqtigigoodii...
Muqdisho: Magaaladii Fashilka
1991dii markii ay burburtay Dowladdii Milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Max’ed Siyaad Barre ayaa waxaa Soomaaliya ka bilowday qalalaase kaas oo saameyn ku yeeshay gebi ahaanba dalka Soomaaliya marka laga reebo gobolo sameystay maamulo gaar ah, hase yeeshee magaalada Muqdisho oo ah hooyada burburka iyo dhibaatada Soomaaliya ayaa noqotay magaalo ay ku fashilmaan wax kasta oo la sameeyo ha noqoto...
Gabadha Soomaaliyeed iyadaa Sabab u ah Guurlaanta – Qaybta 1aad | Ilyas Ahmed|
Marka hore waxan salaamayaa bahda somalitalk.
marlabaad waxan aad ula dhacay qoraal ay gabadh soomaalieed kusoo qortay bog kamida bogaga soomaaliyeed ee internetka.
Waxan rabaa inaan wax ka idhaahdo aragtidayda ku wajahan arintan.
Gabadha walaashay ahi waxay tibaaxday xaqiiqo intabadan dumarka somalidu is baalmariyaan ama aanay jeclayn inay taabtaan, waxanan qabaa waa run wakhtigeedii lagaadhay in...
Xoogga debecsan | Abdulqadir Diriye
Dadka Ilaahay abuuray kuwa ugu kibirka badnaa waxaa ka mid ahaa Fircoon oo dadkiisii dullaystay ilaa ay aqbaleen inuu Fircoon yahay Ilaahoodii. Xadgudubyadii Fircoon markay bateen, Ilaahay wuxuu doonay in uu u diro Nebi Muuse (CSWS) si Fircoon iyo dadkiisiiba loo gaarsiiyo fariin ka timi Ilaahii dunida iyo dadkaba abuuray.
Fariin keliya looma dhiibin nebi Muuse (CSWS), ee waxaa kaloo la raaciyey...
Muqdisho iyo Khadad Cagaaran oo hor leh | Amiin Yuusuf Khasaaro
Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso Xaaladda Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sanooyin ugu dambeeyey hareeyeen dagaalo aan dhamaad laheyn oo xitaa inta badan bulshada Soomaaliyeed ay ka quusteen in uu dhaco wax heshiis ah, balse dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan waxay is weydaarsadaaan oo laabtooda ku qaboojiyaan “Naxariista rabi lagama quusto, waxaana rajeyneynaa in isbedel deg...




