Home » Maqaallo »

Maxaa Hortagan Hormarka Xaga dhaqaalaha Iyo Waxbarashada Gobalka gedo? | kalafoge

Waxaa mahadi is kaleh Allah iisura galiyey soo diyaarinta maqaalkani ka hadlaya wadciga iyo xaalada uu ku sagan yahay gobalka gedo iyo shacabweynaha ku dhaqan, Waxan maqaalkan ku soo qadan donaa xog ka hadleysa dhamaan dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha gobalka gedo 20-kii sano aynu soo dhaafney waxii ku soo kordhay ama isbadaley..

Gobalka gedo waxaa lagu tiriyaa in uu yahay gobalka 2-aad ee ugu weyn 18-ka gobal ee somaliya ka koobantahay, Waxane illah ku mineystay qeyrad meel kastoo oo ma mid ah gobalka, Gobalku waxa dhaxmara wabiga ugu weyn somaliya ee (Jubba) iyo wabiga daawa, Waxa gobalka gedo uu can ku yahay beeraha sida kuwa beeraha wabiga dhinaciisa laga tabcado iyo kuwa labeerto xiliyada roobabka sida Guga iyo Deyrta Waxane intaas sii dheer iyadoo gobalka caan ku yahay dhaqashada xoolaha noocyadoda kala duwan sida Geela, Lo’da iyo Ariga, Markii laga sootago dhinaca tabcashada Beeraha, dhaqashada xoolaha ayaa waxa ay kaalin muhiim ah ka ciyaarta dhaqaalaha gobalka.

Inta badan shabacka ku nool gobalka gedo 60% waxaa lagu tirshaa xoolo dhaqato reer guura ah, marka sikale loo dhaho inta badan shacabka gobalka gedo waxaa ku noolyihin baadiyaha, Inkastoo sanadadii ugu danbeyey dad fara badani ay soo galeyn dagmooyinka uu ka koobmo gobalka hadane wali waxaa ladhihi karaa wax sidaa iskama badalin sidii hore.

Hadaba, ayadoo ay jirto arintaas hadane gobalka waxa ladhihi karaa waxuu ku tilaabsaday hormar aan sidaa u weyneyn marka laga eego dhinacyada kor kusoo xusnay sida dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Waxaa shaki uusan ku jirin in gobalka gedo uu dhinacyo badani kaga fiican yahay qaar kamid ah gobalada somaliya ee sida weyn uga hormarsan gedo, Hadii aan tusaale usoo qaadano waxyaabaha la’yaabka leh ee gedo caanka ku tahay, Waxaa ka mid ah iyadoo gobalka gedo uu heysato fursado xaga ganacsiga iyo dhaqaalaha, gobalku waxu daris layahey wadamada Kenya iyo Ethiopia, iyadoo halkaasi ka banaantahay fursado ganacsi kuwaasi oo loo baahnaa in ganacsatada gobalka ay siweyn ugu fa’ideystaan, lakin waxaa muqata dhamaan fursadahasi anan ilaahada laga faa’ideeysan.

Sidaan lawada socono qaar kaid ah gobolada dalka ma heystaan fursadaha gobalka gedo heysto, tusaale bal eeg gobalada putland iyo galgaduud sida ay hormarka ugu tilaabsadeyn dhinac walibo leh sida waxbarashada, daqaalaha iyo adeegyada bulshada
Ma waxan dhihi karnaa waxa ay kugareyn hormarkaasi goboladaasi xag qeeyrad ey dheer yihiin gobalka gedo, Su’aashu waa maya, lakin waxaan dhihi karma waa shacab isku tashtey kuna midoowey in wax qabsadaan.

Waxa ilaa hada aan layabanahay waxa shacabka ka soo jeeda gobalka gedo ay utashan la’yiihiin go’aan qura uqaadan waayeyn sidii gobalka gedo looga dhigi lahaa gobalka ka dhaxmuuqda dhamaan gobolada soomaaliya dhinac waliba.

Inta badan waxaa dhagaha shacabka gobalka gedo kusoo dhaca shirar lagu tilmamo kuwa loga tashanaayo ayaaha gobalka gedo, go’aano iyo balanqaadyo kadibne wax kasoo naaso cadaado lawaayo.

Markii an usoo laabto ka jawaabista su’aashani ciwaanka u ah qormadaani, waxaan halkaani idin kusoo gudbinayaa fikirkeyga ku aadani qababka ugu fudud ee lagu hormarin karo dhaqaalaha, waxbarashada gobalka gedo iyo caqabadaha aan isleeyahay weey hortaagan yihiin imikadaan lajoogo.

1- Caqabadaha hortaagan dhinaca dhaqaalaha gobalka gedo.

Inkastoo aysan jirin aqoon sidaa udheer ey leeyihiin ganacsatada gobalka gedo
hade tani waxey jidgooyo weyn ku tahay hormar laga gaaro dhinaca dhaqaalaha,
iyo iyadoo sidii larabey looga faa’deeysan ilaha furaha u ah dhalqalaha sida wax sosaarka beeraha gobalka iyo iyadoo iska liitaan agabyada wax sosaarka beeraha ku waasi oon suuragal kadhigeynin in sidii larabay beeraleyda wax usoo saran.

Inkastoo ay jireeyn haayado samafal oo fara kutiris ah uguna deeqay beeraleyda gobalka gedo qalabka beeraha sanadahii lasoo dhaafey, lakin kuma filna baahida loo qabo agabka beeraha, waxaa sidoo kale mesha kamaqan tababaro iyo dhirigalin lasiiyo beeraleyda gobalka caqabada ugu weyn ee hortagan tacabashada beeraha waxey tahay, iyadoo xilayada beeraha soo go’aan suuqyada gobalka lasoo galiyo rashiin inta badan ey qeybiyaan hayadaha samafalka ee waddanka ka howlgala, Waxane arintaani dhabar jab kutahay beeraleydii ku tameysay in wax sosaarkoda qiimo ka yaleelan doono suuqyada gobalka, waxa ugu dabeyntii noqdaa mid ka jaban kuwa hayadaha soo galiyaan suuqyada.

Marka laga hadlaayo dhinaca ganacsiga xoola nool, gobalka gedo inkastoo uusan laheyn seeyladaha laga dhoofsho xoolaha nool, lakin xoolaha gobalka waxaa loo suuq geyaa gobalada kale ee waddanka, sidoo kale xoolaha gobalka gedo waxa ey suuq ku leeyihiin gudaha gobalka iyo waddamada dariska, dhaqaalaha ka soo galo gobolka dhinaca xoolaha nool sidaa uma sii weyna.

Waxa su’aali ka tagneyn in hadii dariiqa ugu wanaagsan lugu maamulo qeyraadka uu Allah gobalka gedo ku maneystay ey halkaasi kasoo bixikaran hormar dhinac waliba leh waxane gobalka awood uyeelan karaa inuu isku utashado, kana gudbo ku tiirsanashaha gobalada kale.

2-Caqabadaha hortaagan dhinaca waxbarashada iyo hormarka laga gaarey.

Marka lasoo qaado dhinaca waxbarashada gobalka, waxaa qofwaliba oo ka warhaya xaalada waxbarashada gobalka uu ka dharagsan yahay kaalinta uu gobalka kaga jiro marka labar bardhigo gobalada kale ee soomaaliya dhinaca waxbarashada.

Tan iyo burburkii ku habsadey dowladii dhexe ee somaliya waxaa dib udhac ku yimid hanaankii waxbarasho ee gobalka, awalba iyagoo iska yaraa goobaha waxbarashada ayaa hadane dagaaladii sokeeye waxey cagta mariyeen goobahii waxbarasho ee horey u jiray, dib udhacaan waxaa uu wadada u xaarey ku manaan ardey ey u hayamaan gobalada dalka sida gobalka banaadir, Sidii ay uheli lahayen waxbarasho dhaanta mida ay ku heystaan gobolka, waloow ay gobalka ka jraan dugsiyo hoose iyo dhexe dagmooyinka sida Garbahareey, luuq, B/dheere iyo Buulo xaawo, lakin dhibka jiraa waxaa u yahay iyadoo wali gobalka laga hirgalin dugsiyo sare oo lala barbardhigi karo kuwa ka jira qaar kamid ah gobalada dalka..

Waxaa sidoo kale in lagu taageyro iyo in laguna dhiira galiyo mudan ururada isku xilsaaray wax uqabadka shacabka iyo daboolista baahida waxbarashada iyo adegyada kale
ururadaas ayaa waxeynu ka xusi karnaa sida SASA org, HIRDO, ADEH, IQRA, SDF , Ururka hormarinta waxbarashada gobolka gedo iyo Sade Students devolepment organization(SASDO).

Qaar ka mid ah ururadaas aynu kor kusoo xusnay sida SASA iyo SASDO ayaa waxey yihiin kuwa masuuliyad iska saaray wax uqabadka ardeyda gobalka gedo, iyagoo ka shaqeeya mideeynta ardeyda meel kasto ay kusugan yihiin, waxeyne ka sacidaan ardayda soo dhameysatay dugsiyada sare, Sidii ay ugu xareyn lahayen jaamacadaha ay donayaan, iyo soo dhaweeyntooda, labadani urur ayaa waxa ku mideysan ardeyda ka soojeda gobalada gedo, galgaduud iyo labada jubba, waana ardey iskood isku abaabuley wax gacan kusiiyane aysan jirin.

Dhaaqalaha ay ku shaqeyaan labadani urur ayaa waxaa uu yahay dhaqaalo ay iska aruriyaan dhaxdooda, Sidii ardeyda doonaya jamacadaha dalka dibadiisa isla markaana wax macluumad ah kala socon qaababka eey ku heli laheyn waxbarasho dibada ah uga saacidi lahayen.

Dhab ahaantii ururadaan waxey mudan yihiin dhiiro galin iyo tageero dhinac waliba leh, Sidii howlaha wax waxtarka uleh ey uhayaan bulshada weynta gobalada gedo, galgaduud iyo labada jubooyin ey ugaari lahayen heer ka wanagsan meesha hada ay marayaan.

Dhamaan dhibatoyinkas aan soo sheegney ee waxbarashada iyo kuwa ka sii badanba ee xaga waxbarashada ayaa hadane waxaa meesha ka maqan waxqabadkii iyo dadaalkii looga bahnaa dhamaan bulshada gobalka ka soo jeeda, Sida aqoonyahanada, dhalinyarada, waxgaradka, ganacsatada iyo sidoo kale doorkii waxtarka lahaa ee looga bahnaa jaaliyadaha ku nool dibadda ee kasoo jeeda goboladaan, Waxane mesha ka cad in aysan dhib kuheynin darxumada iyo noolasha mugdiga ay sugan yihiin curuurta ku dhaqan deganadaas.

Gaba gabadii iyo gunaanadkii waxan dhamaan aqoonyahanada iyo jaaliyadaha meel kastoo ay ku dhaqan yihiin aan ugu baaqi lahaa in halmeel ka istaagan wax uqabadka gobalka, iyadoo hadii arinkaas dhaco wax weyn ka bali doonto xaalka gobalka ku sugan yahay xag dhaqaalo iyo waxbarashaba, gacmo wadajirbey wax kugoyaan, cagmaha isqabsada , kana shaqeeya danta guud ee gobalka iyo shacabka ku dhaqanba , fadhiga ka istaaga ee dhigiina wax laqeeybsada.

Waxii talo iyo tusaale ah waxaad igu soo hagaajin kartaa email-ka hoos ku xusan.

Wabillahi towfiiq:

W/D: Mohamed Hussien kalafoge
Xoghayaha guud ee ururka hormarinta ardeyda beesha sade( SASDO)

Email: mohakalafoge@yahoo.com
ama: pakistaanfc@hotmail.com

Karachi-Pakistan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.