Home » Faallo

Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan | Amiin Yuusuf

Dec 28, 2009
Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan. Waxaa maalmahan ummadda Soomaaliyeed aad u hareeyey si weyna loo hadal yahay Calanadda kala duwan ee ka soo ifbaxay wadanka Soomaaliya, meelaha dadka isugu yimaadaan ayaa waxaa ka jira guux ku aadan Calanada cusub ee qolo waliba suratay deegaanka ay gacanta ku hayso, dadka qaarkii ayaa leh “War Calankii Soomaaliya ee Buluuga ayaa dhalay Calanada Cusub ee aad aragtaan,... 
Halkudheg:

Ha Noqon Shabaabkii Sharta!! | Qore Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Dec 7, 2009
Ha Noqon Shabaabkii Sharta!! Qoraalka oo dhamaystiran ka akhri halkan GUJI…. Fadlan akh-riste ha fududeysan qormadan, shar iyo khayrba, sabab iyo sabab la’aan, hana dhibsan oo hana ku farxin ama dhab ka hadal wuu noqon ama dhalanteede oo waa waxa jira ama dhicikaree, intaas weyga Afeefe sidaad doonto u qaado, mar waa baraarujin, marna waa wax is-weydiin, marna dhoolatus cad ama xujo cad oo... 
Halkudheg:

Geela, diinta iyo dhaqanka soomaalida- Q.1aad | Dr Abdullahi-Spanish

Dec 6, 2009
January 4, 2010 Hordhac Sida aynu ka war qabno nafleyda waxa loo qaybiyaa shan qaybood oo waawyen, oo kala ah: Xamaarato, Cayayaan, Berri-biyood, Haad iyo Naasley. Shantaas qaybood ee xayawaanka loo qaybiyo haddaynu dib ugu laabano geelu wuxuu ka mid yahay ama gaar ugu abtirsadaa qaybta loo yaqaan naasleyda. Taas oo uu ka sii yahay qolada cananqasata oo uu weliba ka siiyahay kuwa cidiyaha lamaan, waana... 
Halkudheg:

Sheikh Muxamad Idris oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray dadkii lagu xasuuqay Qaraxii Muqqdisho

Dec 5, 2009
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. TACSI TIIRAANYA LEH… Waxaan ugu horrayn Tacsi u dirayaa dhammaan eheladii dadkii lagu xasuuqay qarixii lala beegsaday Xafladii aqoonta ee Hotel Shaamow, Muqdisha, waxaanan leeyahay, inta dhimatayna Ilaahay Naxariis iyo Janno ha siiyo, Inta dhaawacaana allaha bogsiiyo oo boogtooda dhayo, eheladooda iyo asxaabtopodii iyo... 
Halkudheg:

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q. 3aad) | Sh Axmed C/samad

Nov 11, 2009
Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q. 3aad)   Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com      Qeybihii koowaad iyo labaad ee qormadaan waxaan ku soo bandhignay: qisadii nabi Khadir iyo nabi Muuse oo la turjumay, ahmiyadda gaar ahaaneed ee qisaani leedahay iyo qeyb ka mid ah faa’iidooyinka qisada gaar ahaan faa’iidooyinka Alle weyne ka hadlaya iyo kuwa cilmiga ku saabsan. Qeybta seddexaadna waxaan ku soo... 
Halkudheg:

Sababta uu Qadaafi u difaacay burcad badeedka Soomaaliya waa… | Qore Wardheere

Nov 10, 2009
Sababta uu Qadaafi u difaacay burcad badeedka Soomaaliya waa… Mucamar al Qadaafi baddiisa ayaa laga xoogay ama lagu xadgudbay 1986kii waxaana uu aaminsan yahay in haddii badda Soomaaliya la dhaafo tiisana la dhaafi doono. Haddii sharciga caalamiga ee badaha la ilaaliyo tiisana la dhaafi doonobaddiisa ilaa 200 oo Nautical Mile. Qaddaafi weli waxaa uu ku jiraa dagaalkii xoreynta baddiisa qudbaddanna... 
Halkudheg:

Maxaa Dumiyey Ciidankii XDS| Gendisch

Aug 2, 2009
Faalo: Maxaa Dumiyey ciidankii XDS ! . “ Marka ciidan uu aado siyaasad , siyaaaduna waxaa u timaadaa ciidanka “ Waxaa dhawaan shir uga biloowday washigton saraakiil soomaliyeed oo lasoo xulay , sidii ay uga talo keeni lahaayeen ciidan somaliyeed oo dib loo yagleelo. kuwo lagu tuhmayo in ay wax ku kordhin karaan ama wax ka og yihiin markii hore loo dhisay , wixii dhacay iyo sidii ciindankeenii... 

Diiwaangelinta Somaliland | Suldaan

Aug 2, 2009
Diiwaangelinta Somaliland Qalinkii: Yasin Jama Nuh (Suldaan) 26 July 2009 Hordhac: Diiwaangelinta waxaynu galnay innaga oo aan aqoonsi caalami ah iyo haykal dowladnimo oo fiican midna lahayn. Guddida doorashooyinku cusub tahay oo aanay waayo-aragnimo iyo aqoon fiican toonna lahayn, dastuurkeennu aanu dhammaystirnayn oo weli uu qabyo yahay (first draft), maamulka dowladnimo tamar daran yahay, dadkeennu... 

Barlammaan keenna! | Cabdiwali Sh. Maxamed

Jan 25, 2008
Barlammaan (Parliament) waa gole ama aqal awood sharci dajin leh oo dadwaynuhu soo doorto, waxaa kale oo loo yaqaan golaha shacabka (ummadda) ama golaha shuurada. Qofka, Barlammaan xubin ka noqda waxaa loogu yeeraa; xildhibeen (parliamentarian). Magacu wuxuu ka koobmaa labo eray oo kala ah; xil iyo dhibaan. Haddaba xil waa: [1] xishood; sheex; sarriig. [2] wax ama hawl la qabanayo, wixii ceeb ah oo... 
Halkudheg: