Home » Archive Qoraaga

Shacabka Muqdisho oo ku tilmaamey Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Nairobi Saddexdii Haween ee dhabarka laga wada Taabtey

May 27, 2011
“Waxaan leeyahay Saddexda mus’uul waa in ay deg deg isku Casilaan maadaama Masiirkii Soomaaliya la hoos geeyey Qaramada Midoobey, shirka soo socda aysan soomaali Maamuli doonin” Ing Faarax Ismaaciil…. Magaalada Nairobo lagu soo gabagabeeyey kulan loogu magacdarey “kulanka la tashiga ee Xaalada kala guurka Soomaaliya”, waxaana ka soo baxay Go’aano ku saabsan Xaalada Soomaaliya iyadoo Masuuliyiintii... 
Halkudheg:

Faallo: Soomaaliya oo Fashil Siyaasadeedkii ugu Xumaa Haysto 20 sano kadib

May 26, 2011
W/Q Cabdiqafaar Shire, Nairobi Kenya, Abdikafarshire@gmail.com Nairobi:- Soomaaliya oo aysan dawlad dhexe oo shaqeysa ka jirin tan iyo sanadkii 1991, 20 sano ka hor ayaa waxaa soo wajahay mid kamida waji gabaxyadii ugu taariikhda xumaa ee soo  mara 20-kii sano ee ugu dambeysay oo uu dalku colaadaha dhex dabaalanayay, kadib markii madaxda golayaasha DFKMG Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug ay fashil... 
Halkudheg: ,

Madaxda DFKMG oo si kulul loogu canaantay Kulankii ay QM ugu qabatay Nairobi

May 26, 2011
Waa in (Madaxda DFKMG) ay degdeg ula shaqeeyaan ergeyga Qarammada Midoobay, waana  in ay joojiyaan khilaafka u dhexeeya — Kulankii ay Qarammada Midoobey ay 25 may 2011 Kenya ugu qabatay DFKMG iyo maamulada kale ayaa waxaa si weyn loogu canaantay madaxda DFKMG oo dhexdooda is khilaafsan. Waxaana shirkaas DFKMG uga qayb galay madaxweynaha DFKMG iyo Ra’iisul wasaaraha oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha... 
Halkudheg: ,

Soomaaliyeey adduun weynuhu wuxu tartan ugu jiraa Badweynta Indiya

May 24, 2011
“Qarniga 21aad adduunku wuxu ku diriri doonaa gacan ku haynta biyaha Badweynta India,” Robert Kaplan, qoraaga buugga MONSOON   SII AKHRI…  Read More →
Halkudheg:

Muranka ka dhashay lahaan-shaha Jasiirada Suqada:

May 24, 2011
    Jasiirada Suqadara (Socotra Island):- Jasiirada Suqadara waxay ku taala bad-weynta India khadka joogiisu yahay 12, 30 waqooyi iyo khadka dheerarkiisu yahay 54 dhanka bari, wuxuu bariga soomaaliya u jira 130 mayl waqooyi bari Garda-fooy oo carabtu u taqaanay Ras Casayr, biriga koofur bari khaliij alcarab ee yemen u jirta 190 mayl . Jasiirada Suqadara iyo dhawr jasiiradu oo kale waxaay... 
Halkudheg:

Ciidamada Amisom Duqeyn ay ka geysteen Muqdisho oo ku diley Lamaane Aroos ahaa

May 24, 2011
Iyadoo weli ay sii socdaan Dagaalada Muqdisho Gaar ahaa kuwa ka socda Degmooyinka Hodan iyo Howlawaadaag kaasoo u dhaxeeya Ciidamada DFKMG oo garab ka helaya Ciidamada Amisom iyo Xarakada al shabaab, waxaayna dagaaladaan soo bilowdeen Todobaadkii la soo dhaafay waxaana xaqiiqo ah in galaafteen Noloshada dad fara badan oo Rayid ahaa kuwaas oo Guryahooda ugu tagtey Madaafiicda la isku adeegsanayo. Dagaaladaan... 
Halkudheg: , ,

Giraangirta Gumeysiga (The Cycle of Oppression)

May 22, 2011
Waxaan marar badan isweydiiyey habeena badana ka seexan waayey, su’aasha maanta igu kaliftay inaan qoraalkan qoro. Taasoo ah, sideey ku dhacday in gumeysigii awowgey Sh. Axmed daldalay, awowgey Sh. Cabdi dabka ku shiday, aabahay Sh. Moxamud dibada u raray, anna maanta ii dulmin karaa? Akhristow su’aashan jawaabteeda shaqsiyan in mudda ah ayeey igu qaadatay. Hadaba si aan jawaabta su’aashan u... 

Kulan Albaabadu u xiran yiin oo markii saddexaad Labada shariif oo uga socda Xarunta Madaxtooyada DFKMG

May 22, 2011
Khilaafka labada Shariif oo la sheegey in ay ku lug leeyhiin Dowlado Shisheeye – Sabtidii ayaa waxaa kulan albaabaduu xiran yihiin isugu yimid Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana kulankaas loo diidey in ay Saxaafadda Goob joog ka noqoto , wuxuuna kulankaan uu qayb ka ahaa laba kulan oo hore ay u wada yeesheen labada... 
Halkudheg: ,

Jaziiradda Suqadra Waxaa leh Soomaaliya

May 21, 2011
Jaziirada Suqadra (Socotra) – waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah Jaziiradaha ugu weyn dalka Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa meel u dhow Raas Fartaag ee Xeebta degmada caluula, waxa ayna dhinaca Bari ka xigtaa Gacanka Cadmeed SII AKHRI  Read More →
Halkudheg:

18 Qof oo Soomaali iyo Yemen ah oo lagu eedeeyey ka ganacsiga Daroogada Qaadka oo lagu Xiray Maraykanka

May 20, 2011
Magacyada 18 qof oo lagu xiray USA, laguna eedeeyey in ay Maraykanka soo geliyeen Daroogada Caleenta Qaadka ee dalku ku murqaamaan (oo lagu noqdo High) – Waxaa dalka  Maraykanka lagu xiray 18 qof oo isugu jira Soomaali iyo Yemen oo lagu eedeeyey in ay ka ganacsanayeen, dalka Maraykaankana soo geliyeen Daroogada caleenta ah ee Afrikaanka ee loo yaqaan Qaadka (Khat), waxaana lagu eedeeyey in... 
Halkudheg: ,

Kulankii Labaad oo lagu heshisiinayo Labada Shariif oo mar kale isugu yimaadeen ka dib markii uu Cadaadis kaga yimid…

May 19, 2011
Warar aan ka helney Xarunta Madaxtooyada DFKMG ayaa sheegeya in Arbacadii kulankii labaad ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan , waxaana kulanka labaad ee dhexmaraya Labada Shariif ka soo shaqeeyey Guddi iskood isku xilqaamey kuwaas oo doonaya in ay soo afjaraan Khilaafka labada dhinac ee Muddo soo jiitamayey... 
Halkudheg: ,

Bannaanbax Deg deg ah oo ku wajahan Commonwealth iyo Damacooda Badda Soomaalida

May 18, 2011
Bashiir Shiikh Maxamed, waa dublomaasi Soomaaliyeed, waxaana May 07, 1979 markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Charge D’affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway – Waxana uu qormadan kula hadlayaa shacabka Soomaaliyeed si looga... 
Halkudheg:

“Ogaada lacagta aad masjidka kala baqeesheen inay kaniisadu qaadaneyso”Q2aad

May 18, 2011
Assalaamu Alaykum. Maanta iyo maqaalkeena waa qeybtii 2aad maqaalkii hore. Si’aad noola jaanqaadid, fadlan dib uraac qormadii hore. “Saaxib, meeshan waxweliba waa xaaran” Shabaabka iyo marmarsiiyada ay Yurub ugu dhoofan “Waa inaan tacabira oo aan reerka uxamaal tago! Qeyrkey qof kama jooga wadanka oo waa kuwaas lacagaha soo diraya! Wixii lahelikaro ‘dal iyo dibad’... 
Halkudheg:

Hadii aad ku kalsoontahay in roob uu da’ayo maxaad u soo qaadan weyday dallad ?!

May 18, 2011
  W/diyaariyay Qoraa sare : Cali Cabdi Cali “Suxeyfa” Waxaan aqristay qisso , taasoo ku saabsaneyd in abaar ay ku dhacday tuulo , oo roob li’i uu asiibay , odaygii tuulada ayaa waxa uu go,aansaday in dadka uu ugu yeero inay sameeyaan salaada roob doonka oo lagu qabto goob banaan ah , si uu allah ugu arzuqo daruur roob leh si murugada ay uga baxaan , dadku markii ay kulmeen ayaa wadaadkii... 
Halkudheg:

Todobaadka Iyo Jabuuti: Khudbadii Geelle iyo Shirjaraa’id ee Safiirka DFKMG

May 17, 2011
Horaantii todobaadkii aynu ka soo gudubney, dalka Jabuuti waxaa  ka dhacay  Xaflad caleemo saar iyo dhaar isugu jirta, waxaa sidoo kale ka dhacay magacaabista ra’iisul wasaaraha iyo dhismaha xukuumadda cusub ee dalka Jabuuti. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar seddaxaad u magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jabuuti, Md. Dileyta Maxamed Dileyta 11/05/2011. kadib magacaabista Ra’iisul... 
Halkudheg: ,

Maqaal: Talo soo jeedin Xal u helida shaqaaqooyinka iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca deegaana Puntland.

May 17, 2011
Waxa qoray: Bootaan Barre Samatar. Anigoo ah muwaadin reer Puntland ah kana mid ahaa aasaasayaashii Puntland ee sanadii 1998dii waxaa tiiraanyo iyo argagaxnimo ah in maalin walba dhegaheena ay ku soo dhacaan falal argagax ah oo ka dhaca deegaamada Puntland,kuwaasi oo isugu jira aano qabiil oo aan dhamaad la heyn iyo kuwo kale oo cadowga Puntland soo abaabulaan si khalkhal loo galiyo xasiloonida iyo... 
Halkudheg:

Maandooriyaha Qaadka iyo mushkiladihiisa – Qaybta koowaad

May 17, 2011
Qore: Axmed shiil Muxumed ahmedshil@yahoo.com Borlänge, Sweden Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa rasuulilaahi Gogoldhig: Maamulka magaalada Borlänge ee Iswiidhan ayaa soo bandhigay sanadkii hore qorshe lagu doonayey in loogu kuurgalo baaxadda iyo dhibaatada uu maandooriyaha Qaadku kuhayo bulshada soomaaliga ah ee kunool magaaladan. Waxaa markaa lalasoo xidhiidhay Ururka Umis (Ururka Midnimada... 
Halkudheg: ,

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye: muddo kordhin hal sano ah ha loo sammeeyo DFKMG

May 17, 2011
WAR MURTIYEED: Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa kulan howleed isugu yimid maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2011, wuxuuna kulankaasi uga hadlay xaaladda Siyaasadeed, Bulsho iyo Nabadgelyo oo uu haatan dalka ku sugan yahay, gaar ahaan khilaafka ka dhex aloosan Hay’adaha Dowladda ee la xiriira sidii looga bixi lahaa ku-meel-gaarnimada khilaafkaasoo yimid markii uu Baarlamaanku sammeystay... 
Halkudheg:

“Badda Soomaaliya waa 350 mayl ee ma aha 12 mayl”

May 15, 2011
“Badda Soomaaliya Waxay idinku noqon doonaa Kabiihii Abuu Qaasim” – Waraysi uu Radio Danan la yeeshay Xasan Dhooye ka Dhegeyso Danannews, waraysigaas oo uu kaga war Bixiyay Sharciga Badda Soomaaliya iyo cabirka xuduudda badda – Aqoonyahanka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Jaamac Xasan Dhooye oo dalka Maraykanka Ku sugan ayaa Idaacadda danan uga war bixiyay qaabkii... 
Halkudheg:

Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo Farmaajo oo lagu Waddo in ay ku kulmaan…

May 15, 2011
  Iyadoo marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana Khilaafkaan walaac weyn hadda ka muujinaya dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ka dib markii ay hakad galeen Howlahii loo unkey Dowlada iyadoo taasi jirto ayaa , warar ka soo baxaya qaar ka mid... 
Halkudheg: , ,

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Deeq lacageed Guddoonsiiyey dad aad u Tabaaleysan oo ku sugan Muqdisho

May 15, 2011
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed (UWS) oo inta badan gacan siiya dadka tabaaleysan iyo dadka ku barakacay gudaha dalka ayaa sanadguuradiisii 3-aad oo ku beegan maanta 15/05/2011 ayaa Xus ku aadan Sannadguuradaas waxaa deeq lacageed gudoonsiiyey dad aad u tabaaleysan oo ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaas oo isugu jiray dad cuuryaamiin ah, indhoolayaal iyo barakacayaal, waxaana goobtii lagu guddoonsiinayey... 
Halkudheg:

15ka May Dhallinyaradii S.Y.L iyo Dhallinyarada Maanta

May 14, 2011
Hordhaca taariikhda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka muuqanaya hormoodkii xurnimada Soomaaliyeed inay ahaayeen 13kii asaasay ururkii S.Y.L ee ay hoggaanka u ahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed bishii May 05/15/1943kii, halgankii ay bilaabeena uu noqday midkii dhaliyey xornimadii bishii July 07/01/1960kii taariikhda ay xambaarsabn tahay iyo qiimaha ay leedahay 15 May laguma soo koobi karo faalladani hase... 
Halkudheg:

Sannad Guuradii 68aad ee Halgankii XIsbigii SYL – 15 May 1943

May 14, 2011
Qore : Abdulkadir Ali Bolay Waxaa maanta ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah   sannad guuradii 68aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y. L 15 May 1943, waxaan ilaahay  ugu baryeenaa inuu u  naxriisto  inta ruux ee  ku shahiiday oo naftoodda u soo huray xornimadda... 
Halkudheg:

Farmaajo oo ku biiray Madaxda Soomaaliyeed ee Xagal Daacinaya Xornimada Dhul-badeedka Soomaaliyeed – Hadalkiisii UN

May 14, 2011
Xeerka Law No 37 waxaa websiteka FAO lagu daabacay October 21, 2000, websiteka Qarammada Midoobayna waxaa lagu daabacay July 23, 2001, xeerkaas oo qeexaya in badda Soomaaliya tahay Territorial Waters 200 mayl, halka ra’iisul wasaaraha DFKMG uu May 11, 2011 adeegsadey oraahda EEZ taas oo khalad cad ah…. SII AKHRI  Read More →
Halkudheg:

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG

May 14, 2011
Hay’adaha Dastuuriga ah waa inay si wadajir ah u go’aamiyaan mustaqbalka Dalka – Warsaxaafadeed – Sabti, 14 May 2011 – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa warbixin kooban ka bixiyey socdaalkiisa iyo waxii u qabsoomay. Ra’iisul Wasaaraha  ayaa ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii... 
Halkudheg: ,
Tawakal
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...