Home » Archive Maalinta February 1st, 2014

Tacsi – {Halyeey /geesi waddani ah oo inaga tegay}

Feb 1, 2014
Dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester iyo agagaarkedaba waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda soomaaliyeed kadib geeridii halyeey qaran ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo xaleyto ku geeriyooday dalkaasi Mareykanka. Jaaliyaddu waxa ay leeyihiin Allaha ummadda soomaaliyeed sabir iyo iimaanba ka siiyo geesigaas/ halyeeygaas... 

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka tacsiyeeyey geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi C/risaaq Xaaji Xuseen: “ Guddi aas qaran qabanqaabiya ayaan u xilsaarnay”

Feb 1, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka. Isagoo ku hadlaya Magaciisa, Kan xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh... 

Macalinkaygii Siyaasada Hon. Abdirisaaq Xaaji Xuseen illaahay ha u naxariisto

Feb 1, 2014
أنالله وانا اليه راجعون Ilaahay wuxuu ceshto isagaa Iska leh, wuxuu bixiyana isagaa Iska leh, wax kastana agtiisa waxay ku leeyihiin waqti go’an, sabra oo ajar xisaabsada. Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Abdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaan illaahay uga baryayaa inuu u danbi dhaafo una naxariisto, Waxaan uga... 

Wafdi Culimo ah oo Socdaal Dacwadeed ku kala bixiyay deegaanada gobolka Sanaag:

Feb 1, 2014
1: Booqashadii dhahareed. Xarunta Degmada dhahar waxaa safar Dacwo ku tagay Wafdi uu huggaminayo Shiikh Axmed Cabdisamad oo ah guddomiyaha jamacatul ictisaam bil kitaabi wal sunnah iyo maamulka Mu’asada alminhaaj, Ujeedka Safarkooda ayaa ahayd horumarinta Dacwada degmada, booqashada goobaha waxbarashada guud ahaan gaarahaanna macaahidda sharciga ah iyo dhiiri galintooda, iyo lakulanka bulshada... 

Geeri Naxdin Leh: Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo ku Geeriyoodey Minneapolis, USA

Feb 1, 2014
Allah ha u naxariistee waxaa maanta Janaayo 31, 2014 magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku geeriyoodey ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo ahaa geesi ka geeriyoodey Soomaalida oo dhan, halyey adduunka magac wanaagsan kaga tegey. Waxaana bahda SomaliTalk geeridaas uga tacsiyadaynayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisii, marxuumkana waxaan... 

Shirweynihii Golaha Guud ee Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

Feb 1, 2014
Waxaa Hotelka Ramada ee Magaalada Muqdisho maanta oo Taariikhdu tahay 31 January lagu qabtey Shirweynihii Golaha Guud ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association (SMA) , waxaana ka qayb galey Qaybaha kala duwan ee Dhaqaatiirta Soomaaliyeed , Ururada Bulshada iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Ugu Horeyn waxaa halkaa ka Hadley Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Ururka Dhaqaatiirta... 

Janan Maxammad Abshir Muussa oo ka tacsiyeeyey geeridii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Feb 1, 2014
Allah ha u naxariisto Annagoo ah Janan Maxammad Abshir Muussa iyo ilmahayguba, annagoo ka xun geeridii naxdinta lahayd ee walaalkay Marxuum Cabdulrazak Xaaji Xuseen. Waxaan ugu ducaynayaa in Eebbe geeyo Jannatula Fardowsa, Afadii, ilmihii uu ka tegey, guud ahaan qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan. Allah ha naxariiste Marxuumka walaalkay Cabdulrazaaq Xaaji Xuseen... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...