Home » Archive Maalinta May 5th, 2013

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Qarax Ismiidaaminta ahaa oo la Doonayey in lagu Dilo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

May 5, 2013
Xarakadda Al-Shabaab oo sheegatey Masuuliyada Qaraxaasi – Barqanimadii Axadda ayaa Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay waxaa lala Eegtay Gaari siday Wafddi Turki ah oo Kulan la soo qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya.Wararka ayaa sheegaya in Wafdiga markii uu ku soo laabtay Kulankii ay la yeesheey ayaa Gaari sida la sheegay Kaarib ahaa lala beegsaday gaarigii... 

Shirweyne lagaga hadlayey dacwada gobolka Mudug oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Xarfo

May 5, 2013
Waxaa maalintii jimcaha ee 3/5/2013 lagu soo gabagabeeyey magaalada Xarfo shirweyne muddo labo beri ah uga socday culumada iyo ducaadda gobolka Mudug oo ay soo qabanqaabisay Mu’assasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta. Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen ilaa 24 daaci oo ka kala socday magaalooyinka gobolka waxaa looga gollahaa in ducaadda gobolku yeeshaan iskaashi dacwadeed oo buuxa, lana xoojiyo... 

Xarunta Macluumaadka ka Hor-tagga Burcad Badeedda Soomaaliyeed (SAPIC) oo laga Furey Magaalada Muqdisho

May 5, 2013
Xarunta macluumaadka ka hor-tagga burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa maanta kulan lagu soo bandhigay daraasad ay sameysay xaruntu oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada, culimo Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka Federaalka, wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo wakiilo caalami ah ku qabatay hoteelka Jaziira Palace ee magaalada Muqdisho.  Read More →
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...