Home » Archive Bisha August, 2013

HADDA IYO DAN | Qore: Axmad Cabbas (Gacma-Gaab)

Aug 31, 2013
Arar Jiritaanka Dawladda Puntland wuxuu kowsaday 1di July 1998, taasoo ku beegan maalinti la ansixiyay Axdigi Ku-Meel-Gaarka ahaa. Sidaas awgeed, maantay oo ah 31ka bisha Agoosto ee sannadka 2013 Puntland waxay jirstay 15 sano iyo laba bilood. Puntland waxay ballaysintay guul la mahadiyay. Hor iyo horraan waxay soo afjartay haggaaminti jabhadahi ka talinayay geyiga Puntland (SSDF, USP iyo SDU). Hannaanka... 

HAY’ADA CEWARN OO UGU DEEQDEY SOMALIA CEWERU QALAB ISUGU JIRA COMPUTERS IYO PRINTERS.

Aug 31, 2013
Hay’ada Conflict Early Warning Mechanism (CEWARN) oo ah Hay’ada ka Digta Colaadaha ka dhaca Xuduudaha Wadamada Xubnaha ka ah IGAD ayaa waxay ugu Deeqdey Hay’ada Somalia CEWERU oo ah iyana Hay’ad ka digta Colaadaha isla Qalab isugu jira 7 Computers iyo 7 Printers. Qalabkaan waxaa kaloo la socda 7 Fax Machine kuwaas oo dib looga keeni doono.  Read More →

35 Arday oo Daraasaadka Sare ee Jaamacada Muqdisho ka Qalin-Jabiyey

Aug 31, 2013
Waxaa Xaflad aad loo soo Agaasimay loo qabtay 35 Arday oo ka Qalin jabisay Jaamacada Muqdisho Qaybteeda Daraasaadka Sare (Postgraduate Program). Waxaana Waxbarashadan Tacliinta Sare oo ay iska Kaashadeen labada Jaamacadood ee kala ah Jaamacada Muqdisho oo Soomaaliya ah iyo Open University oo Malaysiya ah. Waxaana Xafladan oo ay ka soo qaybgaley Madaxda Dawlada, ay ka mid yihiin,Agaasimaha Wasaarada... 

Madaxweyne Xasan Shiikh “Inkastoo Cunaqabateyntii Hubka la qaadey hadana ma jirto Dowlad Ciidamadeena wax siisey waana Midaa in uu Hakad uu ku yimaado…

Aug 31, 2013
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlayey Warbaahinta Xukuumadda ayaa dhinacyo kala duwan Hadaladiisa ku Taab taabtay gaar ahaana Siyaasadda Xukuumadda ee Gudaha.Madaxweynaha ayaa ugu horeynba ka hadlay sidii Xukuumaddiisa loogu ballaarin lahaa Degmooyinka gaar ahaana Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Xafiisyadii Dawladdu gaarsiisneyn. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa... 

Dowladda Norway oo si weyn u daneyneysa Shirka Adis-Ababa

Aug 29, 2013
Warar ku saabsan Shirka Dowladda Federaalka Maamulka Raaskambooni uga Socda Aadis Ababa – Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya waxay sheegayaa in halkaasi uu shir uga socdo Dowladda Federaalka iyo Maalmulka Raas Kambooni ee uu Hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaana Wada hadaladaas la doonaya in lagu Dhameeyo Xaalada ka taagaan Gobolada Jubbooyinka ,... 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo maanta kormeeray bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka oo ka bilaabtay Bankiga dhexe

Aug 29, 2013
iyo Madaxweynaha oo soo dhoweeyey wafdi ka socday QM & AU. “Shacabku waxey idinka sugayaan inaad badbaadisaan oo aad sharafkooda iyo karaamadooda illaalisaan” Muqdisho, August 29, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa saaka kormeer ku tegay xarunta Bankiga dhexe ee Soomaaliya, halkaasoo ay ka soconeyso bixinta mushaaraadka... 

Madaxweynaha Soomaaliya oo abuuray Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed – Warsaxaafadeed

Aug 27, 2013
Muqdisho, 27 August 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo leh Xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aanadda Golaha Amniga Qaranka.  Read More →

Shirkadda Dahabshiil oo Mootooyinka Curyaamiinta Gacanta laga Wado ugu Deeqdey Dad Cuuryaamiin ah.

Aug 27, 2013
Shirkadda Dahabshiil oo inta Badan looga Bartey in ay Caawiso Dadka Tabaaleysan ayaa maanta waxay Mootooyinka Nooca Cuuryaamiinta ee Gacanta laga Wado ugu Deeqdey Dad Cuuryaamiin oo isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo si weyn ugu baahnaa islamarkaana Dadkaas wixii Hataan ka dambeeyey ay noqon doonaan kuwa ku Adeegta Matooyinkaas.  Read More →

“Ma jirto cid wax ka bedeshay Dastuurka Qaranka”…WARSAXAAFADEED

Aug 27, 2013
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku saabsan Dastuurka KMGka ah ayaa ka jawaabayey eedeymaha ku saabsan in la gacan togaaleeyey dastuurka ama in si aan sharciga waafaqsanayn wax looga bedeley dastuurka….  Read More →

Shiikh Cabdulaahi Sagal “ Weligey ma Noqon Shiico Mana Noqon Doono,Shiikhii igu Tilmaamey waxaan ka Rabaa Caddeyn Buuxda “

Aug 27, 2013
Shiikh Axmed Xuseen “Shiikh Cabdulaahi Sagal waa Shiikh aan Aqoon Durugsan u leeyahay Warka laga sheegey waa mid aan Sal iyo Raad lahayn” Waxaa Waqtiyadaan dambe Shacabka Soomaaliyeed ay Hadal Hayeen in Xarumo lagu Faafiyo Mad-Habta Shiicada laga furey Magaalada Muqdisho waxaana Warkaan uu ka soo yeerey Mid ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo... 

Minneapolis: Xuseen Samatar oo ka mid ahaa Guddiga Waxbarashada Minneapolis oo Geeriyoodey

Aug 26, 2013
Bahda SomaliTalk waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii marxuum Xuseen Samatar oo Axadiii ku geeriyoodey magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Gaar ahaan waxaan tacsi u direynaa xaaskiisii Ubah Jama iyo afarta carruur ah ee uu ifka kaga tegey. Xuseen Samatar waxaa 2010 loo doortay in uu xubin ka noqdo guddiga waxbarashada ee Minneapolis school board, xilkaas oo uu hayey ilaa uu geeriyoodey. Allah... 

FAYIIGSIGA TIMAADDADA | Qore: Dr. Saadiq Enow

Aug 25, 2013
Xilliga ah timaaddada waa wakhti ku soo haya oo socdaalka nolosha uu kugu riixayo. Sida taaganta maanta ah ay u tahay timaaddadii shaley, ayaa timaaddada kugu soo food-leh ay u noqoneysaa taagan aad xilligeeda dhex taagan-tahay. Aragtida gaaban ee aanan si sax ah loola fayiigsan hiraalka timaaddada waa mid bogsiinyaha lagaga baxo. Kuwa aanan aragti u lahayn timaaddada (qof ahaan iyo bulsho ahaan),... 
Halkudheg:

Sheekh Mustafa iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Qatar

Aug 25, 2013
Waxaa markii uhoraysay booqasho kuyimid wadanka Qatar daaciga weyn ee Soomaaliyeed Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil. Sheekha oo aad loogu soo dhaweeyey magaalada caasimada ah ee Doxa ayaa wuxuu jeediyey muxaadarooyin isdaba jog ah oo ay isugu soo baxeen tiradii ubadneyd ee ebed isugu soo baxdo kulamada jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Qadar.  Read More →

Machadka Somali Computer Institute (SOCOMIN) ee Barashada Computerka oo ay ka Qalin Jabiyeen Dafcadii 38 aad

Aug 25, 2013
Waxaa Hotelka Muqdisho ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad si Heer sare ah loo so Agaasimey kuna saabsaneyd Qalin jabinta Dafcadii 38 aad oo gaareysa 130 Ardey kuwaas oo Machadka SOCOMIN ka Bartey Casharo la xiriira Dhinaca Computerka ,waxaana ka qayb galey Masuuliin ka tirsan Shirkadaha Isgaariisnta , Maamulka Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur Macalimiinta wax ka dhiga Machadkaas , Waalidiin,... 

Mid ka mid ah Ergadii Ansixisay Dastuurka Federaalka,Soona Xuley Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu Diley Muqdisho.

Aug 25, 2013
Kooxo Bastoolado ku Hubaysan ayaa Gurigiisa oo ku yaala Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho ku Dilay Marxuum Sulddaan Amiin Cali Muumin oo ka soo jeeda Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose kana ka mid ahaa Ergadii Ansixisay Dastuurka Federaalka Soomaaliya.Sulddaanka ayaa sida ay ku warameen Qaraabadiisa xiliga la dilayay wuxuu ka yimid Masaajidka oo uu Salaaddii Maqrib soo Tukaday halkaasoo... 

Xukuumada oo Golaha ammaanka ka codsatay in xayiraada laga qaado Ganacsade Axmad Nuur Jimcaale

Aug 23, 2013
Warsaxaafadeed Muqdisho -Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyagoo uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xariira amniga, falkii shalay lagu dhaawacay haweeney u dhalatay dalka Sweden iyo codsi ay u jeediyeen golaha ammaanka ee Q/midoobay... 

Halkee Marayaan Wada Hada Hadaladii ay Garwadeenka ka ahayd Dowladda Itoobiya ee u Dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo Axmed Midoobe

Aug 22, 2013
Weli Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka soconaya Shirkii iyo wada hadaladii u dhaxeeyay Xukuumadda Fderaalka Soomaaliya iyo Maamulka uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe ee la magacbaxay Jubbaland Wada hadaladan oo dhinaca Dawladda ay u Matalayaan Xubno ka socda Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Xubno ka socda Maamulkaas oo uu Horkacayo Axmed Maxamed Islaam ayaa illaa iyo iminka waxaa soo baxay... 

Raiisul Wasaare Saacid oo sheegey in ay Adag tahay Meel Marinta Dimoqraadiyada inta ay jiraan Kooxaha Caqabadda ku ah Xukuumadiisa

Aug 22, 2013
Cabdi Faarax Shirddoon oo hadlay ayaa sheegay in Dawladnimada Dalka weli aysan wada shaqayneyn Hay’adihii Dawliga ahaa isagoona arrintaa ku macneeyay in weli ay jiraan Dad Hubaysan, falal Amnidarro oo ay sameynayaan Kooxo uu ku sheegay Argagixiso ku Xooggan Dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare saacid oo Shalay Xafiiskiisa kula hadlayay Guddi loo Xil saaray soo Ururinta Tacadiyada Dalka ka jira ayaa... 

Dallada Dhalinyarada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOCSOYU) oo Qabtey Kulan Wacyigelin ah oo ku saabsan Khatarta Cudurka Dabeysha

Aug 22, 2013
Dallada Dhalinyarada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOCSOYU) oo Todobaadadii dambe waday Olole ay shacabka kaga Wacyogalinayaan sidii looga Hortagi lagaa Cudurka Dabeysha waxaa Xaflad ay kasoo qeyb galeen Dhalinyarada Dalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Ardayda Jaamacadaha ee Barta kuliyada Caafimaadka, qaar kamid ah Ururdada Blshada Rayidka iyo Marti Sharaf kale ayaa lagu qabtay Magaalada... 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray Iskuul laga furay Jazeera oo ay carruur Soomaaliyeed ka heli doonaan waxbarasho tayeysan.

Aug 22, 2013
Madaxweynaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri “Waxbarashadu waa aasaaska horumarka bulsho walba, carruurta Soomaaliyeedna waxey xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho tayeysan si ay u helaan mustaqbal iftiimaya. Waxbarashadu waa iftiin, rajo, iyo mustaqbal wanaagsan. Carruurteenna waa mustaqbalkii hoggaamiyeyaasha dalka.”  Read More →

Munaasabad lagu so Dhaweynayey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galgaduud (Xuseen Cirfo) oo uu Dhawaan Magacaabey Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Dhacdey Muqdisho

Aug 22, 2013
Munaasbad si Heer sare ah loo soo Agaasimey oo lagu soo Dhaweynayo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galgaduud Mudane Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo uu Dhawaan u Magacaabey Gobolkaas Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu qabtey Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galey Xildhibaano , Siyaasiyiin , Odoyaasha Dhaqanka , Culimaudiin ,Ganacsato . Ahlu –Suna Waljameeca , Gudoomiyayaasha... 

Barnaamijka Higsiga Cusub ee (New Deal ) ayaa maaanta ka furmay Magaalada Galkacyo ee Maamulka Gal-mudug

Aug 20, 2013
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS: Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) ayaa maanta ka furmay magaaladda Galkacyo, barnaamijkan oo ah wada-tashi ayaa socon donaa labo maalmood , waxaana shirka furay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Qorsheynta mudane Abukar Sheikh Cabdi Ibrahim oo hormuud u ahaa waftigii dowladdu u xilsaartay New Deal-ka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug... 

Faahfaahin Dheeraad oo ku saabsan Howgalkii Ciidamada Dowladda ka Geyteen Machadka Al-Sunnah ee Barashada Diinta Islaamka iyo Dhaqanka

Aug 19, 2013
Saalax Maxamed Yuusuf “Dowladda Fedeeraalka waxaan u soo jeedineynaa in ay sii Deyso Ardey weli u Xiran Maadaama Imtixaanaadkii ay soo Dhow yihiin Ugaas Mahada Ugaas Maxamed “Dowladda iyo Talafishinka Qaranka (SNTV) Waa Inay Cudur-Daar ka Bixiyaan Muuqaalkii kale ee ay Machadka u yeeleen) Mar aan Saakey Booqdey Machadka Al- Sunnah ee Barashada Culuunta Islaamiga iyo Dhaqanka waxaa si caadi ah... 

Sh. Cali Sh. Axmed (Qotte) oo ku geeriyooday magaalada Columbus Ohio

Aug 19, 2013
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN: MA DHINTE WAA ILAAHAY. Waxan tacsi tiiraanyo leh udiraynaa, dhamaan Beesha reer Nuur Ugaas Diini ee joogta dalka gudihiisa iyo dibadiisa (oo aan annagu ka mid nahay). Waxan si gaar ah isla tacsidaas ugu diraynaa qoyskii iyo qaraabadii marxuum Sh. Cali Sh. Axmed (Qotte) oo ku geeriyooday magaalada Columbus ee carriga Maraykanka xalay oo taariikhdu ahayd 8/18/2013.... 
Halkudheg:

Guddigii loo xil saaray baarista eedeynta kufsiga oo maanta howlgalay

Aug 17, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa magacaabay 15-kii bishan laba guddi oo heer wasiir iyo mid farsamo ah kuwaas oo soo baara eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo lagula kacay gabar Soomaaliyeed. Guddigan oo ay madax u tahay Wasiirka Adeega Bulshada Drs. Maryam Khaasim Axmed ayna xubno ka yihiin Wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa saaka... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...