Home » Archive Bisha August, 2013

“HAWEENKA SOOMAALIYEED, DUMAR AAN RAG LAHAYN”

Aug 17, 2013
Tani ma ahan mid loo dulqaadan karo ( We can`t tolerate beyond of this). Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaha sharafta iyo maqaamka weyn dumarka ka siiyeey diinta Islaamka ee ilaalisa xuquuqda uu qof walbaa leeyahay. Ugu horeyntii waxaan si tiiraanyo leh ugaga tacsiyeyenayaa gabadha Soomaaliyeed ee sharafteeda sida xun loogu xadgudbay laguna bahdilay ayada oo dalkeedii hooyo joogta, oo waliba joogta... 

Waa Sidee Xaalada Dadkii ku Dhaawacmey Rasaastii Ciidmada Dowlada Ku Fureen Dad ku Banaanbaxayey Warshadii Hore ee Caanaha.

Aug 17, 2013
Ma ahan markii ugu Horaysay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada federaalka Soomaaliya lagu Eedeeeyo iney Rasaas Nool Nool u Adeegsadaan Dad Rayid ah oo ku nool meelo badan oo ku yaala Geyiga Soomaaliya, Bartamihii Todobaadkii hore Agagaarka Warshaddii hore Caanaha waxaa gaaray sida ay sheegeen Dadka Deegaanku Qaar ka mid ah Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka , waxayna Ciidamadaasu oo Adeegsanayey... 

Wariye Axmed Shariif oo Shaqeynayey Radio Muqdisho oo lagu Diley Magaalada Muqdisho

Aug 17, 2013
Kooxo ku Hubeysan Bistoolado ayaa maanta Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ku dilay Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta. Axmed Shariif Xuseen oo ahaa Eng guud ee Farsamada idaacada Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa la dilay xili uu ka soo baxayay Gurigiisa kuna soo jeeday shaqada. Eng Axmed Shariif Xuseen oo horey uga soo shaqeeyay idaacadii Hornafrika iyo idaacado kale... 

Shirkii Golaha Wasiirada oo lagu soo qaaday Haweeney Soomaaliyeed oo la sheegey in ay Kufsadeen Ciidamo ka tirsan AMISOM

Aug 16, 2013
Kulankii Golaha Wasiirada ee maanta oo Khamiis ayaa waxaa uu ka dhacay Xafiiska Raiisul Wsaaraha ee Dowlada Federaalka waxaana Goob joog ka ahaa Golaha wasiirada oo Diirada lagu saarey Fal Kufsi ah oo lagula kacay Haweeney soomaaliyeed Maalintii Ciida kaasoo ka dhacay Xerada Maslax oo ay degen yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom Golaha wasiirada ayaa Cambaareeyey falkaas waxayan ku Tiilmaameen in... 

Ururka PASWA oo Dood u Qabtey Haween kala socdey Degmooyinka Goboka Banaadir taasoo ku Saabsaneyd Gudniinka Fircooniga iyo Waxbrashada

Aug 16, 2013
Waxaa Xarunta Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Dood ku saabsan Doorka Gabdhaha Soomaaliyeed uga qayb qaadan karaan Dhinaca Waxbarashada iyo Dhibaatada Gudniinka Fircooniga, waxaa Doodaan soo qaban qaabiyey Ururka Haweenka ee Positive Action for Somali Women Association oo Magaciisa loo soo Gaabiyo i waxaana ka soo Qayb galey Haween ka kala socdey Degmooyinka Gobolka Banaadir.  Read More →

Goormuu Gudoomiye Degmo iyo Sarkaal Ciidan Noqdeen Dhul Bixiye.

Aug 14, 2013
Rag Isbiirsadey oo ka Faaideystey Hadalkii Madaxweyne Xasan Shiikh. Madaxweynha Dowladda Federaalka ee Somaaliya ayaa waxaa uu kal hore ka Dhawaajiyey in Marka ay Dowladu Dhaqaale u hesho Dhismayaasha Dowladda laga saarayo Dadka Degan , balse inta ka horeysa aan Cidi laga saari Karin Dhismayaasha Dowladda hase yeeshee hadalkii Madaxweynaha waxaa si Dadban uga faaideystey Gudoomiyayaashii Degmooyinka... 

Ururka Bisha Cas ee Iran oo Howlo Samafal ka Fuliyey intii lagu Guda jirey Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan

Aug 13, 2013
Markii ay dalka uu ka Dilaacdey Abaartii 2011 ayaa waxaa Dalka Soomaaliya u soo Gurmad Hayado fara badan iyo qaar ka mdi ah Wadamada Caalamka , waxaana Hayadihi u soo Gurmadey ka mid ahaa Ururka Bisha Cas ee Iiraan , waxayna Guud ahaan dalka oo dhan ka sameyeen Barnaamijyo Samafal oo dadka Abaaraha loogu Gargaarayo kuwaas oo isugu jirey Qaybinta Noocyo kala duwan oo Raashin ah oo ay siineysey Dadka... 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Wadda Qorshe ay Wax Kaga Qabanayso Ammaanka Muqdisho.

Aug 13, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Saxaafadda la hadlay ayaa ka Warbixiyay Kulan Saacdo dheer qaatay oo Golaha Wasiiradu ay ku yeesheen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in kulankii ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya looga dan lahaa sidii wax badan looga qaban lahaa Xaaladaha Amnidarro... 

Warbixin hor-dhac ah oo laga soo saaray shilkii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka Muqdisho

Aug 13, 2013
Guddigii loo xil saaray inay soo baaraan xog rasmi ahna ka keenaan qaabkii ay ku burburtay diyaarad ka soo degeysay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle International, waxaana gudigan oo uu madax u ahaa Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire ay soo saareen warbixin horudhac ah, waxayna u qorneyd sidan:- Dayuuradda oo ahayd Ethiopian Air Force, waxaa nooceedu ahaa Antonov An-12, waxaa... 

Hooyo Amran oo Sheegtey in Ciidamo ku Labisan Dareyska Dowladda ay Xoog ku Kaxaysteen, islamarkaana lageeyey oo lagu Kufsadey Xero ay Degen yihiin Ciidamada AMISOM

Aug 11, 2013
Hooyo leh Afar Caruur oo mid ay Nuujineyso ayaa iyadoo oo Miyir La’ waxaa la keeney Isbitaalka Xayaad ee Magaalada Muqdisho ka dib markii Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada oo ku sugnaa Agagaarka Isbitaalka SOS ay Joojiyeen maalinkii Koowaad ee Ciidul Fidriga markii lagu Amrey in ay qaado Niqaabka ama Indha Shareerka , markii ay iska qaadey ayaa lagu yiri waxaa laguu qabaa Dacwad ee waa in aad... 

Maamulka Axmed Madoobe oo Col. Barre Hiiraale ku Eedeeyay inuu ku Biiray Xarakada Shabaab.

Aug 11, 2013
Afhayeenka Maamulka uu horkacayo Axmed Madoobe Raas-Kaambooni Cabdinaasir Seeraar ayaa ka hadlay Xaaladda guud ee Magaalada Kismaayom,Wuxuuna sheegay in Ammaanka Guud ee Magaalada Kismaayo uu haatan yahay mid la isku halleyn karo isla markaana ay wax badan ka qabteen.  Read More →

CIIDI WAA TAN AAD DALKAADA HOOYO KU DHEX CIIDO

Aug 10, 2013
Intaa kabacdi, aqristaha sharafta badanoow, inkastoo aan anigoo dalka mudo dheer ka maqnaa,aan Dalka gudihiisasanadkii tagay (2012-kii) kusoo ciidey, hadana ciidaha aan ka maqnaa dalkeeyga hooyo, oo aan Danta/Bannaanka ku ciidey waa dhowr iyo toban sano, kuwaasoo aan ka wada maqnaa waalidka &walaalaha, qaraabada, asxaabtii aan soo wada korney waxna soo wada baraney,iyo guud ahaan ummad weynteena... 

Puntland oo Markab Turkish ah oo sidey Raashin dib ugu Celisey Muqdisho

Aug 10, 2013
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa tibaaxay in markab raashin sidey oo Turkey ah oo ka yimid Muqdisho in dib looga celiyey Dekeda Boosaaso, waxaana warsaxaafadeedku sheegay in raashinka uu sidey markabkaasi “uu qeyb ka yahay siyaasad jahwareersan oo Dowladda Federaalka ay ka wado gudaha Soomaaliya, taasoo khilaafsan Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo jiritaanka iyo Dastuurka... 

Mutamarkii 13aad ee Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic Center ee Minneapolis, Minnesota: August 30, 31 iyo Sept 1st, 2013

Aug 10, 2013
OGAYSIIS: Waxaan ugubishaaraynayaa bulshawaynta Somaliyeed ee ku nool Waqooyiga Amerika in Abubakar As-Saddique Islamic Center iyo Golaha isutaga Culimada Soomaaliyeed ee waqooyiga Amerika ay soo qaban qaabiyeen Mu’tamarkii 13aad ee sanadalaha ahaa oo Hal ku dhigiisu yahay  Read More →

Ra’iisul Wasaaraha oo la ciiday Ciidanka iyo Naafadii xoogga dalka

Aug 9, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyada Ciida u diray shacabka Soomaaliyeed — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa maanta booqasho ku tegay xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Martino ee ay ku nool yihiin Naafada ciidanka xoogga, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga tababarka ee Jazeera, iyo xarunta Villa Baydhabo ee taliska ciidanka... 

R.Wasaaraha ayaa u diraya hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga dhamaan shacabka Soomaaliyeed

Aug 7, 2013
Kulu Caam Wa-antum Bikhayr. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa halkaan caawa Hamabalyo uga diraya dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.  Read More →

Hayadda HARO oo Sakaatul Fidri u Qaybisey Dad Indhoolayaal ah iyo kuwa Barakacayaal ah oo ku sugan Gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Aug 7, 2013
Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa Gargaar Raashin Sakaatul Fidri ah ka qaybisey Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Wadajir iyo Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo, waxaana Sakaatul Fidrigaas loo qaybisye Dad Danyar iyo dad Lixaadkoodu Dhiman yahay , waxayna Gargaarkaan oo ay qaybisey Hayada HARO ayaa waxaa uu ka koobnaa Bur , iyo Bariis.  Read More →

Dawladda Federaalka oo Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd oo fadhigeedu yahay dalka UK

Aug 7, 2013
Shirkaddan waxaa UK laga diiwaan geliyey 15 cisho ka hor, taariikhdu markay ahayd 22/07/2013 (July 22, 2013). Sidoo kale website shirkadda waxaa la diiwaan geliyey March 26, 2013.  Read More →

Ururka Women , Children And Elders Aid Organization (WCEAO) oo Maalmaha Ciidda London ku Qaban doono Barnaamij Taburucaad ah

Aug 7, 2013
Ururka Women , Children And Elders Aid Organisation (WCEAO) oo ka Dhisan Dalka Gudihiisa iyio Dibadiisa ayaa waxaa uu Qabanayaa Barnaamij uu Ugu Magacdarey CAAWI ILAAH HA KU CAAWIYE kaasoo Ururku ugu Tala galey in Maalmaha Ciida uu sameeyo Barnaamijkaas oo lagu Ururin doono Tabarucaad ah oo Ururka uu ugu talagaley in lagu Caawino dadka Soomaaliyeed ee Dhibaateysan gaar ahaan caruur Caafimaadaro la... 

Dr. Cabdiraxmaan Daqare Oo Fariin u Diraya Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Dalka

Aug 7, 2013
C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka tirsanaa Bulshada Rayidka ah kana mid ahaa Xubnihii Bulshada Rayidka ahaa ee ka qeyb galay Road Mapkii Dalka looga saaray KMG ee Garoowe 1 iyo Garoowe 2 , kana tirsanaa Golihii Ansaxinta Dastuurta, horayna uga mid ahaan jiray Xildhibaanaddii Golaha Deegaanka G/Banaadir , ayaa fariin u diray Madaxweynaha iyo Maamul Gonoleedyada Dalka iyo Shirweynaha Midowga Yurub... 

Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday in Ammaanka Magaalada Muqdisho Gacanta uu ka Baxay

Aug 5, 2013
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka waramay xaaladda Amni ee Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in iminka faraha ay ka baxday, ka dib markii ay ku soo bateen Qaraxyada iyo Dilalka Xildhibaan Maxamed Iidle oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa si cad Afka ugu Bayaanshey in Amniga Magaalada Muqdisho... 

Puntland oo Xiriirka u Jartay Dawladda Federaalka Soomaaliya

Aug 5, 2013
Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa tibaaxay in Puntland ay joojisey gebi ahaanba wada shaqayntii iyo xiriirkii kala dhaxeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeedkaas oo ku qornaa Ingriisi – Official Position of Puntland Government on Relations with Federal Government of Somalia PRESS RELEASE 05 August 2013  Read More →

Shirar uu soo abaabulay Xafiiska R. Wasaaraha oo lagu dhamaystirayo “Human Rights Road Map”

Aug 5, 2013
Muqdisho, 05 Augst, 2013.. Shalay shir ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo ay isugu yimaadeen Xooghayaha Golaha Wasiirada & Baarlamaanka Mudane Calas Maxamuud Jamac Juge, Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha Dowladda, Guddiga KMG Madaxa Bannaan ee Xaqiiqa Raadinta Tacadiyada ka Dhanka ah Xuquuqal Insaanka (Human Rights Task Force) iyo Danjiraha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xafiiska... 

Shirkii Kampala oo la soo gabogabeeyey iyo Madaxweyne Xasan oo Museveni ku ammaanay doorkiisa hoggaamineed ee Soomaaliya

Aug 4, 2013
KAMPALA: Madaxda Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Uganda oo kulan wada qaatay – Kulanka Madaxda waddamada Somalia, Kenya, Ethiopia, iyo Uganda ayaa lagu soo qaaday in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado fara badan oo u baahan in xal guud oo waara loo helo, kuwaas oo ka mid ah sidii Al-Shabaab loo soo afjari lahaa, sidii ciidadamada Dowladda... 

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay Saq-dhexe socod kumaray isgoys-yada magaalada Muqdisho

Aug 4, 2013
Muqdisho August 4, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay Saq-dii dhexe ee 12:00am saacadda geeska Afrika, waxaa uu socod lug ah ku maray degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaana Isgoys-yada Beexaani, Sanca, Fagax, Cali-kamiin, Laba-dhagax, Baar-ubax, Black sea, Al Barako, iyo isgoyska Banaadir, waxaana socdaalkani... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...