Home » Warar
Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga Iyo Akadeemiyada Cilmiga iyo Suugaanta oo Si WadaJir u xusey Maalinta Afka Hooyo
Munaasabad si ballaaran looga qayb galay oo isugu jirtey xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo hambalyo loo hambalyeynayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo ahayd mid aad u bilan waxaa qaban-qaabadeeda iska kaashaday Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta....
RW Ku-Xigeenka dalka oo la kulmay safiirka cusub ee UK
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Cusub ee dalka Ingiirska Amb David Concar, iyaga oo kawada hadlay qaban-qaabada shir heer sare ah oo ku saabsan horrumarka iyo amniga Soomaaliya oo sannadkan lagu qaban doono magaalada London.
Mudane Carteh ayaa Safiirka kala hadlay wax yaabaha looga hadli doona...
Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaallo hambalyo ah ka kala helay Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal sugayaashiisa
Muqdisho, February 16, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid U adeegaha labada Xaram , Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud.
Boqor Salman ayaa ku yiri dhambaalkiisa “ Aniga oo ku hadlaya Magaca shacabka iyo Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya...
Madaxweyne Farmaajo oo Si Rasmi ah ula wareegay Xafiiska
Muqdisho (16ka febraayo, 2017)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud keddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Intii ay xilwareejinta socotay ayaa madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud...
Golaha Wasiirada oo maanta isugu yimid shir aan caadi aheyn
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn oo ay kaga doodayeen Miisaaniyadda 2017, iyo ansixinta xisaab-xirkii Miisaaniyaddii 2015. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsadeen in ay soo diyaariyaan Miisaaniyadda...
Madaxweynaha oo la Kulmay Hay’adaha Gargaarka iyo Beesha Caalamka, isla markaasna Dhambaal ka helay Amiirka Qatar
Muqdisho 13 Feberaayo 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta qaabilay wufuud ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay uga wada hadlaan sida ay beesha caalamka uga qeyb qaadan karto gurmadka abaaraha.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay K/Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu...
Warasi Dr. Sulub oo talooyin muhim ah usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Shacabka
Dr. Abdurahman A. Noor Sulub oo talooyin muhim ah usoo jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Shacabka Soomaaliyed
February 10, 2017. Waxaa maanta igu soo booqday xafiiskayga Dr. Sulub. Aniga oo ka faaideysanaya fursadaas ayaan Aqoonyahan Dr. Sulub weeydiyay sadex su’aalod oo kooban. Waxaa wareysigii aan la yeeshay Dr. Sulub uu u dhacay sidaan.
Waa maxay Hoggaamintu?
Pof....
Farmaajo oo ku guulaystay doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya 2017
Maanta oo Abaco ah , Febaraayo 8,2017 waxaa ku guulaystay doorashada Madaxwayanaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxwayne Farmaajo ayaa 184 cod kaga guulaystay Mudanae Xasan Sheikh Maxamud, oo helay 97 cod. Madaxwaynihii hore ayaa tanaasulay in doorashadu u gudubto wareega sadexaad, sidaas ayaa Farmaajo ku noqday Madaxwaynihii Jamhuuriyada Faderaalka ee Soomaaliya. Isla goobtii...
Sheekadii Badda ee Gen. Jaamac Maxamed Qaalib iyo Qoraa Amiin Yuusuf Khasaaro
Arinta muranka dhinaca Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya waxaan ka hayaa labo sheeko oo xiiso leh.
Sheekada Koowaad.
Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa saraakiishii ugu saraysey ee soo mara ciidamada Soomaaliya gaar ahaan Booliiska iyo Nabad sugida, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu iiga sheekeeyey halka ay salka ku hayso Sheekada muranka dhalisay ee Soohdinta dhimaca Badda...
War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah) – BADDA
Tr. September 19, 2016
Muqdisho – Soomaaliya
Todabaadkaan oo billaabanaya 19-ka September 2016, Dowladda Soomaaliya waxaa ay soo-jeedin afka ah ka samayn doontaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (“Maxkamadda”) ee Magaalada Heague, Dalka Netherlands, taasoo qeyb ka ah diidmada hordhaca ah ee 7-dii October 2015 ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), ee ka dhanka ah...
FADLIGA 10KA HORE EE BISHA CARAFO
Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Waxaa fadli idiin ku filan 10kaan maalmood ee bisha Carafo in uu Allaah ku dhaartay oo Allaah yiri: ?Eebe wuxuu ku dhaartey waabariga. Iyo Habeennada tobanka ah ( Carafo).?
Ibnu Abaas, Ibnu Zubeyr, Mujaahid, Ibnu Kathiir iyo Culumo kale waxey ku fasireen in ay tahay 10ka hore ee bisha Carafo.
Rasuulka SCW waxaa kasugnaadey in uu yiri: “Maalmo Allaah camalka...
Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka Tacsiyeeyey geerida Marxuum Cali Samatar
Muqdisho, August 20, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaara uga tacsiyadaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumka.
Ra’iisul Wasaaruhu...
Dacwad ku Saabsan Laba Hotel oo Caan ah oo Hortaala Xeer Ilaalinta Qaranka
Iyadoo Maxkamadaha Dalka intooda badan waxay mudooyinkii ugu Dambeeysey ay qaadayeen Dacwadaha la xiiriira Dhulalka iyo Guryaha la isku haysto maadaama Dalka Soomaaliya uu ka dhacay Dagaal Sokeeye kaasoo sababey in Xoog lagu haysto Dhulal iyo Guryo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed iyadoo taasi ay jirto ayaa Xeer iaalinta Qaranka ee dalka ka furantey Dacwad la xiriirta laba Hotel oo Caan ahaa...
Daryeelka Af-Soomaaliga iyo Dugsiga Hooyada
SIMINAAR AY SOO QABAN-QAABIYEEN AKADEEMIYE GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA IYO HAWEENKA G/BANAADIR OO LAGU QABTEY MAGAALADA MUQDISHO.
Kulan aqooneed aad u balaaran oo lagu baranayay daryeelka af-Soomaaliga iyo kaalinta ay hooyadda ka qaadan karto horumarinta afka ayaa maanta lagu qabtey xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.
Madal aqooneedkaasi oo si wadajir ah ay u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye...
Soomaaliya oo beenisey kulanka la sheegay in uu dhexmaray Madaxweynaha DFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel
“Wasaaradda (Arrimaha Dibadda) waxa ay xaqiijineysaa in kulanka la sheegay ee dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel aanu qabsoomin.”
Tr. July 06,2016
Muqdisho – Soomaaliya
War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah).
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka shaqeyneysaa si aan habacsanaan ku...
Xisbi Cusub oo Muqdisho lagu Daahfuray
Magaalada Muqdisho waxaa looga dhawaaqey ama lagu Daahfurey Xisbi SIyaasadeed oo lagu Magacaabo Xisbiga WADAJIR oo Haldhigiisu yahay Asal iyo Iftiin waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro,, Madaxda Xisbiyada Siyaasada Dalka, Odoyaasha Dhaqanka, Culimada’udiin, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale
“Xisbiga Mabaa’iidiisa waa Dhowrista Madaxbanaanida Wadajirka...
Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey weerarka hotel Ambassador, kana taciyadeeyey geerida xildhibaanada
Muqdisho, June 1, 2016—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarka argagixiso ee galabta lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo u adeegayay bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed...
Ra’iisul Wasaaraha oo dhalinyarada ku booriyay inay la yimaadaan Midnimo iyo Wadajir
Muqdisho, May 15, 2016—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta hambalyo u diray dhamaamba dhalinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, Munaasabadda sanadguurada 73-aad ee aas aaskii ururkii dhalinyarada ee SYL kuwaasoo horseeday gobanimadii dalka.
“Ugu horeyn waxaan hambalyo u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed meel...
Soomaaliya oo ka jawaabtey qoraalkii Washington Post ee sheegashada caruurta da’da yar ee ah in xuquuqdooda aas’aasiga ah ay ku xadgudbeen ciidammada ammaanka Soomaaliya
Tr. May 11,2016
Muqdisho – Soomaaliya
War Saxaafadeed
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga walwalsan tahay sheegashada caruurta da’da yar ee ah in xuquuqdooda aas’aasiga ah ay ku xadgudbeen ciidammada ammaanka Soomaaliya, sida lagu sheegay war lagu daabacay wargeyska The Washington Post , 7-da May 2016.
Annaga oo ka mid ah dowladaha saxiixay cahdiga Qaramada...
Arrdeyda 18 Gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka oo tartan qur’aan akh-ris uga furmey Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota!
Sheekh Faysal Camuudi oo wareysi gaar ah siiyey Somalitalk “waalidiinta waxaan ka codsanayaa in caruurtooda aysan maclimiinta keliya kudeynin”.
In ka badan 240 arrdey oo ka kala socda 18 gobol oo ka mid ah dalka Mareykanka, ayaa tartan xifdinta Qu’aanka Kariimka uga furmey Masjidka Karamel ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota 07/05/2016. Tartankan oo socon-doona todobaad ayaa waxaa...
R.Wasaaraha oo guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedaha loo jeediyay Hay’addaha Amniga
Muqdisho, May 8, 2016—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedo loo jeediyay hay’addaha amniga dalka.
Guddigan oo ah guddi heer wasiir ah ayaa ka kooban 4 xubnood oo kala ah.
1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka...
Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)
1 Janawari 1974 tii laba gu’ ka hor intaan la igu biirin Xoogaggii Nabad ilaalinta N,S,S waxaan Xabsiga u taxaabnay 2 Askari oo Ameerikaan ah iyo Qof u dhashay Boqortooyada Ingriiska , waxaan qabanay ayagoo saaran Gaari-Dameer , waxay ku socdeen siday sheegeen Xeebta, labada Askari mid ayaa feera qaawanaa , waxay soo fuudeen kana soo dhargeen khamri, hab dhaqankooda wuxuu ka caraysiiyay shacab...
Sucdi Daahir oo ku Guuleysatey Caafimaadka Wiilkii yaraa ee AMISOM Dhaawaceen
Farxaan Xuseen Maxamed waa 12 jir Bishii Ogoosto 2013 waxaa Gaari ay leeyihiin Ciidamada Amisom ku jiirey agagaarka Dugsiga Sare ee Booliiska , waxaana Dhaawac Culus uu ka soo gaarey Qaarka Dambe ee Jirkiisa,
Waxaa Gacanta ku dhigey Sucdi Daahir Diiriye (Qajaf weyn) markii ay aragtey in uu ku Dayacan yahay magaaladda Muqdisho waxay Geed Dheer iyo Geed Gaaban u fuushey sidii ay Farxaan ...
Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)
ilinka 1985-ta ayuu taliskii Nabadda Qaranku ii diray safar shaqo oo aad u qalaf san inaan ku aado Itoobiya, si aan Dad qiime u lahaa taliskii xabashida ciidda ugu daro, ma ahayn markii ugu horaysay ee la ii diro Itoobiya dhawr jeer ayaan magac dul saar ah ku tagay laakiin markan waa ka duwanaa oo saraakiil Soomaaliyeed oo dalka ka baxsaday ayaa Xabashi lasoo saftay dagaalkii ay nagula jirtay ,...
Ra’iisul Wasaare Cumar “Heshiiska Garowe waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo”
Garowe, April 3, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii caawa lagu saxiixay magaalada Garoowe, wuxuna ku dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xal maangal ah oo waqtigan kala guurka ah ee dalku marayo looga gudbi karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka...