Home » Warar
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo
Muqdisho, April 13.2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, sida dhisme loo diyaarinayo baarlamaanka iyo Wasiirada maamulka Jubba, Dekedda, Isbitaalka guud, Iskool H/dhexe ee Ganaane iyo dhismaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, isaga oo dhanka kale xariga...
Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa
gaaray magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga ayadoo wafdiga
Gudoomiyahana ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha FIUMICINO Airport
ee magaalada Rome kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Talyaaniga, Safiirka Soomaaliya ee dalkan iyo Jaalliyadda...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqasho ku tegey Kismaayo si uu hogaamiyeyaasha maamulka Jubba ugala hadlo meel marinta heshiiskii Addis Ababa
Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa booqasho ku tegey magaalada Kismaayo si uu kulan ula yeesho “hogaamiyeyaasha maamulka Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa dardargelinta iyo meel marinta heshiiskii Addis Ababa,” sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda, una qornaa sidan:
Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaare C.weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo dhoweyn ballaaran oo loogu...
Shirweynihii 2aad ee Somalia Investment Summit oo soo gababoobay, Dubai.
Shirkii labaad ee maalgashiga ‘Somalia Invetment Summit 2014’ ayaa dhowaan waxaa magaalada Dubai ee waddanka Isutaga Imaaraatka Catabta lagu soo gaba gabeeyay 7da April 2014 shirkaasi oo ku saabsan maalgashiga, iyo ganacsiga Soomaaliya (Somali Economic Forum), shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madax sare iyo wasiiro ka kala socota Dowlada oo uu ka mid yahay Mudane Saciid Ali Qorsheel, Mudane...
Mu’ tamarkii 7aad ee jaaliyada Soomaaliyeed Holland iyo nawaaxigeeda
Taariikhda: 30 April ilaa 04 May 2014
Holland:-Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalka Holland iyo nawaaxigiisa in la qaban doono Mutamarkii sanadlaha ahaa, kaas oo loogu talo galay in lagu wacyi galiyo dhamaan shacabka ku dhaqan dalka Holland iyi nawaaxigiisa.
Mutamarka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona culumada kala ah
1- Sh. Dr. Cali Maxamad Salax (Norway)
2- Sh Suldan...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Ayaa Maanta Booqashooyin Ku Soo Kala Bixiyey Degmooyinka Bulo Burde Iyo Jowhar
Muqdisho, 10, April, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Safiirka Djabouti u fadhiya dalka Soomaaliya, iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo BuuloBurde.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degamada Buulo Burde oo ka mid ah degmooyinkii...
Beelaha Jareer Weyne oo ka hadlay Kulan Xasaasi ah oo ay la qaateen Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Waxaa la isku Afgartey in Beelaha Jareer weyne Xubno Muhiim ah ku yeeshaan Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir..
Waxaa Xarunta Qowmiyadda Beesha Reer Weyne ee ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan balaaran , waxaana Kulankaas ka soo qayb galey Qaybaha kala duwan Bulshada Sida Salaadiinta , Cuqaash, Waxgaradka, Culimadudiinka, Dhalinyarada iyo Haweenka , waxaana Kulankaas Ujeedkiisu...
Wasiiru Dowlaha Arriamaha Dibadda oo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyey muwaadiniin laga soo tarxiilay Kenya
Muqdisho, 09,April, 2014… Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Burci Xamza ayaa maanta ku soo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cade 81 qof oo laga soo tarxiilay dalka Kenya,
Wasiirka oo war fidiyeenanada kula hadlayey Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan ka gaabin doonin kaalinteeda ku aadan daryeelka shacabkeeda,
“Anigoo...
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Ridwan oo maanta ka qayb galay kulan looga hadlayey tayeeynta Shaqaalaha Dowalada
Muqdisho, . **Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiraka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, kaasi looga hadlay tayeynta iyo dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda, waxaana kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda...
“Ku biiritaanka Ciidanka Itoobiya ee AMISOM waa arrin khaldan, taariikh ahaan iyo deegaan ahaanba…”
Waraysigii Telefishanka Somali Channel oo Xasan Dhooye…
Televisionka Soomaaliyeed ee Somali Channel ayaa waraysi dheer oo ku saabsan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ku biiritaan koodii ay ka mid noqdeen ciidanka AMISOM kala yeeshay Xasan Dhooye oo ku sugan Minneapolis. Ku biiritaankaas oo ah “Arrin khaldan, siyaasad ahaan, taariikh ahaan iyo deegaan ahaan,”…. ka daawo Videoga...
Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Caafimaadka Adduunka 7-da April oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho.
Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu Xusayey Maalinta Caafimaadka Aduunka ee 7 April waxaana ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro, Masuuliyiin ka socotey Hayadaha Samafalka kuwooda Dibada iyo Gudaha, Ururka Dhaqaatiirta Soomaalyeed,, Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka ee Daryeelka Bulshada, Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Fanaaniin.
Ugu...
Ciidamo Gaar ah iyo Saraakiil Tababar ku soo Dhameystay Dalka Imaaraatka Carabta oo dib ugu soo laabtay dalka.
Waxaa Dalka dib ugu soo laabtay ciidamo gaar ah iyo Saraakiil lagu soo tababaray dalka Imaaraatka Carabta. Ciidammadaas oo loo soo tababaray ilaalinta Madaxtoyada Soomaaliya iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee Caasimmadda.
Tirada ciidankan sida gaarka ah loo soo tababaray ayaa waxay gaareysaa 58 askari oo ay ku jiraan dhowr Saraakiil sar sare ah, waxayna ku soo qaateen dalka Imaaraatka Carabta tababar...
Barlamaanka Soombaaliya oo dalbanaya in lasoo bandhigo Qodobo u badan Heshiisyo iyo Qorshe hawleedka Ciidamada AMISOM
Xildhibaan Cabadiqaadir Cosoble Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaki weyn geliyay Mandate ama waqtiga ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ay ku joogaan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay iska joogaan dalka Soomaaliya, laakiin aysan jirin waqtiga rasmiga oo Soomaaliya ay joogaan, taasi oo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay.
Cosoble ayaa runta...
Golaha Wasiirada oo ka shiray amniga, howlgalada iyo gargaar la gaarsiinayo gobolada
Warsaxaafadeed
Muqdisho, April 3, 2014—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Kulanka ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen amniga dalka, howlgalada ciidamada wadajira ay ka wadaan gobolada dalka,...
Xabsiga la Hjiregliyey Garoowe waa mid aan ku imaan Rabitaanka Ummada Soomaaliyeed , waxaana la doonayaa in Dad gaar ah lagu Ciqaabo.
“Xabsiga Garoowe laga hirgeliyey waa Xabsi u gaar Beel Soomaaliyeed waxaana taas kuu Cadeynaya Furitaankiisa lagala ma tashan, Dowladda Federaalka sidaa darteed waxaan Beesha Caalamka uga digayaa in Xabsigaan aan la geyn Karin dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya” ayuu yiri md ka mid ah Ciidamadii Asluubta oo diidey in magaciisa loo adeegsado Saxaafada waxaa uu sheegey in Xabsigaas uusan...
Baarlamaanka Soomaaliya oo is-hor-taagay Heshiiska Dekedda Muqdisho Loogu Wareejiyey Shirkad Turki Ah, ilaa laga…
Qaraar uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka qaatay heshiis ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gashay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku saabsanaa maamulka dekedda Muqdisho ayaa tibaaxay “In xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wareejin karin Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho Shirkad inta Golaah shacabku ka xaqiijinayo waafaqsanaanra heshiiskan …”
Qaraarka oo dhamaystiran...
Siyaasiyiin iyo Ganacsato Caan ah oo Maalintii Saddexaad ku jira Xabsi ku yaal Magaalada Muqdisho.
Odoyaal Dhaqameed ay isku Hayb yihiin Siyaasiin iyo Ganacsto Dhawaan Dowladda Federaalka ay Xabsiga u taxaabtey oo Warbaahinta la soo xiriirey ayaa waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka Codsadeen in la sii daayo Siyaasiinta iyo Ganacsatada oo ay sheegeen in si gardaro ah loo xirey iyagoo aan wax dambi ah gelin, islamarkaana ka qayb galayey waxay ku tilmaameen Kalfadhigii Labaad ee Maamulka Banaadir...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo dawladda Talyaaniga uga mahadceliyay Qalab ay ugu deeqday ciidanka Qalabka sida
Warsaxaafadeed
Muqdisho, April 2, 2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Talyaaniga taageerada ay u fudiyeen ciidanka Qalabka, wuxuuna ku tilmaamay ifafaalaha dib u soo laabashada xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha oo...
Dowladda Itoobiya oo Dooneyso in ay Dhexdhexaadiso Labada Maamul ee isku Haya Baydhabo, Marka uu …
“Tashan Waydaye waa laguu Talin”….
Dowladda Itoobiya laga soo bilaabo markii ay dhacdey Dowladi Miltariga ahayd waxay Galaagal ku lahayd arrimaha Siyaasada Soomaaliya, waxayna Milatatri ahaan Soomaaliya Ciidamadeedii Xoog u soo gelisey Sannadki 2006 , Xiligaas oo ay taageereysey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo Dagaal ku soo qaadey Ciidamadii Maxaakiimta Islaamka , haatan waxay Ciidamadeeda...
MINNESOTA: Bannaanbax looga soo horjeedo Tacadiyada ay Kenya ku hayso Qaxootiga Soomaalida
Soomaalida deggan magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maalinta Jimcada April 11, 2014 dhigaya bannaanbax ay kaga soo horjeedaan tacadiyada ay Kenya u geysanayso qaxootiga Soomaaliyeed….
PETITION:
CLICK HERE
Read More →
Hey’adda African Development oo deeq gaar-siisey qaar kamid ah xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka Gedo.
Deeq-dani ay hey’addu gaarsiisey Xarumaha sida bilaashka ah dadka loogu daaweeyo ee ku yaala degmooyin kamid ah gobolka Gedo ayaa waxay ahayd hal Container oo iskugu jira qalabka loo isticmaalo Isbitaalada iyo daawooyin, kuwaasoo ay soo dhiibeen qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka iyadoo ay kaashanayaan Hey’adda ADEH oo xarunteedu tahay gobolka Washington.
Cismaan Diiriye...
Shiikh Cumar Xerow “Burcad Badeeda in lala Macaamilaa ma Banaana”
Maxay Diinta Islaamka ka Qabtaa Burcad Badeednimada ?
–
Waxaa noo suurta gashey nin aan wareysano Shiikh Cumar Maxamuud Wardheere (Shiiikh Cumar Xerow ) oo ka mid ah Culimada waa weyn ee sida weyn looga yaqaan Magalada Muqdisho waxaana wax ka weydiiney waxa ay diinta Islaamka ka qabto Burcad Badeednimada waxaana uu Wareysigii u dhacay Sidatan:
Su’aal: Qaadicu Dariiqa Diinta Islaamka Tilmaantey...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo Kampala kula kulmay R. Wasaaraha Itoobiya
sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya
Warsaxaafadeed
Muqdisho, March 27, 2014——-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa kulan gaar ah saaka la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailamariam...
Madaxweynaha Somalia oo ka qeybgalay Shirka Jaamicada Carabta
Madaxweynaha Somalia oo ka qeybbgalaya Shirka Madaxda Dalalka Carabta ayaa
yiri “Madaxda Carabta waa inay xal u helaan mushkiladaha ka jira dalalka
Carabta.”
Madaxweynaha Somalia ayaa ka qeybgalaya Shirka Jaamicadda Carabta oo Kuwait
ka socda oo uu airport-ka ku soo dhoweeyey Amir-ka Kuwait, Amir Sabah
Al-Jabir Al Sabah.
Madaxweynaha ayaa yiri “Madaxda Dalalka Carabtu waa inay xal...
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla “ Gudoomiye Jawaari waa Masuul iiga waayo Aragsan, Suurtagalna maha in aan Xilkiisa Hunguriyeeyo” Wareysi
Waxaa noo suuratagashey in aan Xafiiskiisa ku wareysano Xildhibaan Shariif Cabdalla Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka kana mid ah Guddi Xaquuqul insaanka ee Baarlamaanka waxaana u u dhacay Wareysigiisii Sidatan:
Su’aal : Sidee u aragtaa arrimaha Federaalka ee haatan ka socda Gobolada Dalka ?
Jawaab: Federaalka waxaa keeney markii Shacabku aad ugu dhibtoodeen in ay Magaalo...




