Home » Archive Qoraaga
Fawsiya Yuuuf oo Nairobi ku Saxiixday Heshiiskii Xadaynta Badda ee MoU, ma mari doontaa Wadadii uu maray C/raxmaan C/shakuur
Heshiiskii Is-fahamka ee baarlamaankii hore diidey ayaa markale waxaa Nairobi ku saxiixday Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, haddaba Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya tallaabo intee leeg ayuu ka qaadi doonaa mar haddii xukuumaddu ku xad gudubtey xeer baarlamaan….
Read More →
Xafiiskii UNPOS ee Soomaaliya ee Mahiga oo 3-da June isku Bedeleya Howgalka UNSOM ee Nicholas Kay
Iyadoo 2 Bisha June ay ku egtahay Hawshii uu qaban jiray Xafiiskii Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah oo bishu tahay 3-da Juun 2013 Xafiiskaas Xafiiskii bedeli lahaa laga furayo Soomaaliya. Xafiiskan Cusub ee UNSOM oo hawshii uu Xafiiskaasi hayay bedelayay ayaa Doorkiisa waxaa loo qaybiiyay illaa Afar Qaybood oo waa weyn.
Read More →
“Ciidamada Kenya Soomaaliya uma Imaan In qabsadaan ee waxay u yimaadeen in ay Nabad ku soo Dabaalaan”
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo iminka booqasho ku jooga Magaalada Yokohama ee dalka Jabaan ayaa waxaa uu halkaa kulan kula qaatay Madaxweyne ku Xigeenka Kiinya William Ruto Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Xiriirka labada Dal iyo Mugdiga waayahan dambe soo kala dhex galay gaar ahaana Arrimaha Gobolada Jubbooyinka oo Ciidamada Kiinyaanka ee halkaa ku sugan lagu...
Tacsi: Xaaji Maxamed Huruuse oo ku Geeriyoodey dalka Cummaan
June 1, 2013: Dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Ganacsadihii weynaa ee reer Puntland Marxuum Xaaji Maxamed Huruuse oo shalayto ku geeriyooday magaalada Salaalah ee dalkaasi Cummaan. Geeridu waa xaq oo cid walbaa waa ay dhimanaysaa ee waxaanu leenahay...
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda “waxa aanu ka codsaneynaa baarlamaanka inuu ansixiyo Sharciga Shaqada arrimaha dibadda”.
Dr. Jamaal Maxamed Barrow ayaa maanta ka hor akhriyay Xubnaha golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sharciga shaqada Arrimaha dibadda ( Foreign Service Low) , kaasoo Wasaaraddu ay diyaarisay , kuna dooneyso dib u yagleelidda hab raac diblomaasiyadeed oo xilliyeynaya xilalka diblomaasiyadda iyo habka shaqo iyo shaqaale ee Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya ee dibadda .
Read More →
Naagtaada mar dambe ha iiga soo dacwoon!
Oday abwaan ah oo indheer garad ah ayuu ahaa. Inantisii ayuu wiil u guuriyey. Marka hore baahi ayaa la isu qabaa, mid walbana kan kale malag ayuu u haystaa, hoosna la isuma oga. Tan kale mar haddii aroos dhoco oo la aqalgalo jannadii aakhiro in la galay oo dhib adduun intaas ku dhamaatay ayay dhalinyaradu uqabaan.
Say doonta ha ahaatee miyigii la isku guursaday ayaa muddo la isku qabay, ka dibna meeshu...
Uqeybsanaha Dhanka Waxbarashada, Hidaha iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaalida Dalka Sudan oo kulan la qaatay Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Dalka Sudan.
Uqeybsanaha Dhanka Waxbarashada, Hidaha iyo Dhaqanka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane C/qaadir Maxamuud Cali Guulane ayaa shalayto kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka Suudaan, iyagoo kawada hadlay Xiriirka labada Wasaaradood gaar ahaan Hidaha iyo Dhaqanka.
Read More →
God Sireed Ha Qodin, Haddii aad Qodidna Ha Dheereynin?!!
EX. XILDHIBAANE SHIIKH SAHID MOHAMED YUSUF
HORUDHAC:
Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Ahmed wuxuu ahaa Madxweyne Soomaaliya oo dhiiqo dhex taal ka soo baxshay,Anigoo ka mid ahaa kooxdiisii Ururka Isbahaysiga Dibixoreynta Soomaaliyeed ayaan Soomaaliya ka badbaadinay in ay noqoto maxmiyad Dalka Ethiopia , markii aan qaadanay Heshiiskii july 2008 ee Djabouti ka dhacay ee qoraayey...
Cabdiqaasin Salaad Xasan oo Markii u Horeeyay ka Hadlay Xaaladda ka taagan Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose
Madaxweynihii hore ee Somaliya cabdiqaasin Salaad Xasan oo iminka ku sugan magaalada Qaahira ee Waddanka Masar oo waraysi siiyay Idaacadda VOAda laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid tahay Xaaladda Gobolada Jubbooyinka.
Read More →
Hay’adda Hormuud Telecom Foundation oo Barnaamij Shaqo Abuur ah u Sameysey qaar ka mid ah Naafada.
Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa fulisay Mashruucii ugu Horeeyey kaasoo shaqo loogu Abuurayo qaar kamid ah Dadka Naafada ah ee ku Nool Dalalka. Mashruucaan ay fulineyso Hay’ada Hormuud Telecom Foundation ayaa waxaa ka Faa’iideystay 20 Qofood oo Naafada Garguuratada ah.
Read More →
Madaxda Soomaliya iyo Japan oo ku heshiiyey in la xoojiyo xiriirka labada dal
Warsaxaafadeed:
Yokohama – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Japan, kulankan oo ka dhacay magaalada Yokohama iyadoo isla maantana uu dhici doono Shirkii Soomaaliya oo ay labada mas’uul wada shir-guddoominayaan.
Read More →
Urur-siyaasadeedka Midnimo oo si kulul uga jawaabay hadalkii Wasiirka War-faafinta Puntland
“Cadde Muuse waxa uu yahay madax-weynihii Puntland ee markii uu xilka ka dhamaadey si nabad ah u qabtey doorasho xalaal ah…” warsaxaafadeedka urur siyasadeedka Midnimo
Read More →
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Magaciisa Lagu Samaystay bog Twitter oo Been Abuur ah
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa tibaaxay in magaca guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya si been abuur ah loogu samaystay bog Twitter ah, “ayadoo bogaasina ka sakoow xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka loo isticmaalay Sawirkiisa”. Hoos ka akhri warsaxaafadeedka.
Read More →
Howgalka Ciidamada: Waa Mid Tiin-Tiin loogu Abuurayo Dowladda.
Howgalka Ciidamada Dowlada ayaa dadka qaarkood waxay Aaminsan yihiin in uu yahay mid Nacayb loogu Abuurayo Dowlada Federaalkaa…
Waqti Saq Dhexe ayaa Maqley Rasaas goos goos ah , inta soo toosey ayaan hoosta waxaan iska iri “Tolow Caawa sidee wax u jiraan Xaafadaan waxay ahayd Xaafad Nabdoon oo inta aan degenaa aysan wax ka dhicin
Read More →
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si rasmi ah u furay wajigii labaad ee talaalka cudurka Dabaysha
Cudurka dabaysha oo laga ciribtiray Soomaaliya sanadkii 2007 ayaa waxaa horaantii bishaan aan ku jirno laga soo sheegay afar xaaladood oo cusub magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Waxaana sidoo kale baaritaan lagu sameeyey 400 oo qof ilaa iyo hada la xaqiijiyey in 30 kamid ah looga shakisan yahay cudurka dabaysha.
Read More →
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Ergeygii QM Ee Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wafdi ka socday QM oo uu hogaaminayey ergeygii hore ee arimaha Soomaaliya u qaabilsanaa QM Danjire Augustine Mahiga.
Read More →
Suleymaan Maxamed Ibraahim “ Kenya waxay Dooneysaa in ay la Wareegto Gobolada Jubbooyinka , kuwa u Hor-Boodayana waa Maqaarsaar oo lagu Fushanayo Dano gaar ah”
Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Hore ayaa mar uu u waramey Warhaahinta kala duwan ee Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyey in soo gelitaankii Ciidamada Kenya ee Gobolada Jubbooyin ay yihiin kuwa Dowladda Kenya ay ka leedahay u jeedooyin gaar ah , isagoo sheegey in kuwa hor boodaya Ciidamadaas Kenya ay yihiin kuwa la doonayo in dano gaar ah lagu gaaro.
Read More →
Yaxye Sh. Caamir “Haddii Badda Soomaaliya lagu soo Xad Gudbo waxaa Dhab ah in Badda Buluuga ah isku Bedeli Doonto Bad Gaduudan oo wada Dhiig ah”
DHAGAYSO:
“Haddii baddeena muran ay gasho, xitaa shanta dawladood ee waaweyn hadday isku raacaan, baddaas yar ee buluugga ah waxay noqonaysaa gaduud .. Wax kasta annagu aan isku hayno, marna ma ogolaan doono in la qaato baddeena, haddii cid isku daydo in ay qaadato taako ka mid ah, baddu dhiig dartiis ayey la gaduudanaysaa…”
Read More →
Shirkadda Muqdisho Taxi Company oo laga Hirgeliyey Magaalada Muqdisho
Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay isla markaana lagu soo ban dhigay Tagaasi Cusub oo ay leedahay Shirkad Cusub oo la magac baxday Mogadisho Taxi Company ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Ganacsato Shirkado iyo Marti Sharaf kale oo halkaa lagu Casuumay ayaa waxaa Khudbado ka soo jeediyay Xubnihii ka soo qayb galay Munaasibaddaas.
Ugu horeynba
Read More →
Maamulka shirkaadda Golis oo kulan ku yeeshay Bosaaso
Maamulayaasha xafiisyada shirkadda Golis ee gobolada iyo maamulka xarunta dhexe (HQ) ayaa kulan wada-tashi iyo is waraysi ah ku yeeshay magaalada Bosaaaso. kulaankaas oo looga arinsanayey kor-u-qaadidda shaqada iyo maamul wanaaga, kulankaas oo socday muddo labo maalmood ah waxaa lagu qabtey hoolka shirarka ee xarunta Bosaso.
Kulankaas ayaa waxaa goob-joog ka ahaa maareeyaha, ku xigeenka maareeyaha,...
Mooshin ka Dhan ah Joojigitaan Ciidamada Kenyaa ma Hirgeli Doonaa mise kii ka Horeeyey ee Xukuumadda Shirdoon halkii uu Marey Buu Mari Doonaa?
“Qalaalaasaha ka taagan Kismaayo waxay Dan weyn ugu jirtaa Dowladda Kenya”
Iyadoo Maalmahaan ay Jireen Mooshino ay soo Gudbinayaan qaar ka mid Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka uuna ugu dambeeyey kii laga keeney Xukuumada uu Raiisul Wasaare Saacid uu Hogaamiyo kaasoo markii dambe ku dhamaadey fashil ka dib markii inta badan ay Mooshinkaas ay ka laabteen Xubnaha Baarlamaanka ayaa haatan...
QADIYADDA GOONI-ISU-TAAGGA SOMALILAND IYO CAQABADAHA DHABTA AH EE HORYAALLA (Qeybtii: 1-aad)
Soomaaliya Soomaali Baa Leh
Midkii Kala Saar Lahoow
Midkii Kala Sooc wadoow
Midkii Si Xun U Fekeroow
Sareeda Hadeey Ku Waarto
Hadii Silac Iyo Dhib Gaaro
Samaanteed Iyo Xumaanteed
Soomaliya Soomaali Baa leh
HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Aqristaha sharafta badanoow, bal aan ku horeeyo’e, Gobollada Waqooyi...
Dhibaatada iyo xalka, ubadka qurbaha.
Ilmaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaa haysta dhib aad u weyn, oo aan inta badan loo ogeyn ama aan si mudan loo tixgalin, waana tan keenta, in ilmihii qaloocdo, dhaqan ahaan iyo nolol ahaanba, aakhirkana ku dambeeyo, xabsi iyo nolol ka dhac, waxa loo yaqaan.
Dhalinyaradani waxay ku dhex nool yihiin, labo dhaqan oo is diiddan inta badan, intaa waxaa u dheer, waa ilmo la nool waalid daallan jir...
Mudane Xildhibaan Ka Digtoonow “Qeybi oo Xukun” oo ah Sunta Midnimada
“Baaq Qaylo Dhaan ah”
Xubno ka tirsan Xildhibaanada Beelaha Hawiye waxaa shalay 25/05/2013 u gudbiyeen Afhayeenka Barlamaanka mooshin lagu codsanayo in dalka laga saaro ciidamada Kenya, waxaa taa iyana ka dabo qaatay xubno ka tirsan Xildhibaanada Beelaha Daarood oo iyana diyaarinaya mooshin lagu codsanayo in dalka laga saaro ciidamada Jabuuti & Ugaandha. Waa ayaan daro in 23sano ka dib inaan...
Xafladii Jubbaland State of Somalia ee Minneapolis, ee gobolka MN
Waxaa maalintidii Sabtidii ee ay taariikhdu ahayd 05/25/2013 lagu qabtay Hotelka wayn ee la yiraahdo Mariotte City Center ee ku yaala magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota xaflad wayn oo soo qaban qaabiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Minnesota, ee dalka Maraykanka. Xafladaas oo isugu imaadeen dad gaaraaya ilaa iyo labo kun oo qof “2000 oo ruux” sida dadka xaflada soo qaban qaabiyey...




