Home » Archive Qoraaga
RW. Cumar ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed.
Muqdisho, January 21, 2015… Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Ha’yada Culimada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta in ay gacan ka gaysta sidii dalka looga saari lahaa marxalada uu ku jiro.
Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay culimada ayaa la isku...
CUMAR CABDIRASHIIDOW XALAAL BARQAA LA QASHAA !!
Soomaalidu waxay tiraahdaa “GURBAAN MAXAA HABEENKII LOO TUMAA HADDII AYSAN LAQDABO KU JIRIN” , marka aan sidaa leeyahaay dadka Soomaaliyeed waxay la yaaban yihiin Labadii Gole Wasiir ee ay kala soo magacaabeen Cadbiweli Shiikh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka lagu dhawaaqey Waqti Ummada Soomaaliyeed ay Hurdaan oo cid soo jeeda aaney jirin marka waxaana ku tilmaami karaa Wax Cusub...
Maraykanka oo Maanta oo kale laga xasuusto Hogaamiyihii Xaquuqda Madaniga ah Martin Luther King.
Martin Luther King Wuxuu ahaa hogaamihii isu taagay u dagaalanka xuquuqda dadka Madoow ee Maraykanka si aanan rabshad lahayd, isagoo taariikhda ku galay khudbadii caanka noqotey ee uu jeediyey ee magaceedu ahayd “Waxaan ku riyoodaa”
Marting Luther King waxa uu dhashay 15 kii Janaayo 1929-dii, wuxuuna siyaasadda iyo kacdoonkii u dagaalanka xuquuqda madoowga galay isaga oo dhawr iyo labaatan jir...
R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
Muqdisho, January 19, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaaraha...
2009: Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay
somalitalk.com/2009/09/16/cumar-crashiid-oo-qarammada-midoobay-u-gudbiyey-waraaq-burinaysa-goaankii-baarlamaanka-kenyana-u-ogolaanaysa-badda-soomaaliya-ee-ay-cabiratay/
Read More →
Cumar Cabdirashiid oo kala diray Golahiisii Wasiirada
Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad ah ku ogolaadey Codsigii Raiisul Wasaaraha ee ahaa in la kala diro Golaha Wasiirada Cusub
Inta uusan Baarlamaanka ka doodin Kalsooni siinta Xukuumada Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid aya waxaa Gudoonka Sare soo gaarey Warqad Qoraal ah oo uu soo direy Raiisul Wasaaraha oo uu Baarlamaanka uu ku wargelinyo in uu kal direy Golihii Wasiirada ee uu dhawaan soo agacaabey...
JE SUIS MUSLIM (Waxaan nahay Muslim) Hal-ku-dhigga Banaanbixii ay dhigeen Ardeyda Jaamacada Soomaaliya.
Marka la weeraro Dadka Madow, reer Galbeedka ama Dadka Dimoqraadiyadu Madax martey waxay yiraahdaan “Waa Midab Takoor” (Racism) Marka la weeraro Dadka Yuhuuda ah waxay dhahaan “Yuhuud Naceyb” (Anti-Semitism) marka arrimo Haween laga hadlo waxay yiraahdaan “kala Soocida Ragga iyo Dumarka” (Gender Discrimination), marka la weeraro Ragga isu taga ama isu Galmooda waxay la soo boodaan...
Xukuumada Sharmaarke oo la sheegey in ay ku adkaan doonto in ay Codka Kalsoonida ka hesho Baarlamaanka maalinta Beri ah
Maalinta Sabtida waxaa la filayaa in ay kulan yeeshaa Xubnaha Baarlamaanka si Xukuumada uu dhawaan soo dhisey Raiisul wasaaraha Dowladda Federaala ee Cumar Cabdirashiid u siiyaan Codka Kalsoonida ama u didaan hase yeeshee Maalintii Kkamiista ahayd ayaa Raisul wasaaraha loo diidey in Waqti loogu daro Kalfadhiga baarlamaanka .
Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Kulamo kala goon gooni ah oo looga arinsanayo...
Wasiirkii hore ee Khayraadka Badda oo Geeriyoodey
R/Wasaare Cumar ayaa ka tacsiyeeynaya geeridii ku timid Wasiirkii Khalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Coloow Barroow.
Muqdisho, Janaayo 16, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Coloow Barroow ku-simihii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo...
Cumar Cabdrashiid oo ka jawaabay Hadal ka soo yeerey Qaar ka mid Xildhibaanada oo ku hanjabey in aysan Codka Kalsoonida siin doonin Xukumadiisa
Muran iyo Khilaaf weyn oo ka dhashey Magacaabistii Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Golahiisa Wasiirada , waxaana Magaalada Muqdisho durba ka bilowdey Shirar Goon Gooni ah o ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda Magacaabistaas , waxaana Kulamadaan Hogaaminaya Xildhibaanadii iska waayey Liiska Golaha Wasiirada.
Xubnaha ugu cad cad ee doonaya in aan la siinin...
Shirkada Korontada Banaadir (BECO) oo Qiime Dhimis Balaaran u sameysey Bulshada Soomaaliyeed.
Shirkada Korontada Banaadir (BECO), ayaa qabtey Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey ismarkaana waxay Munaasabadaas ay ahayd mid ay shirkada hoose ugu dhigeyso Sicirka Korontada ee ay siiso Bulshada Soomaaliyeed waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galey , Waxgarad, Odoyaasha Dhaqanka, Ganacsato, Shrkado, Jaamacadaha, Dugsiyada iyo marti Sharaf kale .
“Shirkadda Korontada (BECO) bulshada ayaa...
R/Wasaare Cumar oo Caawa ku dhawaaqay Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada
Muqdisho, Januari 11, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa caawa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, kadib markii uu wada tashi kala sameeyey Madaxweynaha, Gudoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, Ra’iisul Wasaare Cumara ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaanta siin doonto dhamaystirka howlihii horey loo...
Ardeydi igu Badneyd oo u Fariisatey Imtixaanaadkii Jaamacadda Horseed 2014-2015.
Waxaa Xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Horseed ka bilowdey imtixaanaadkii Waxbarshada ee Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadaas ka Kooban tahay,ee 2014 -2015 waxayna ardey ay ahaayeen kuwa ku Mashquulsanaa imtixaanaadka ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed iyadoo Macalimiinta iyo Maamulka ay ahaayeen kuwa si aad ula socda Qaabka loo qaadayo Imtixaanaadka.
Xasan Shiikh Abuukar oo ah Gudoomiyaha Guddiga...
Warsaxaafadeed: Soomaaliya oo Digniin u dirtay Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo Macdan ka baareysa Buuraleyda Gobolka Awdal
Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia waxay si dhaw ula socotaa dhaqaaqa shirkadda ARC oo Shiine laga leeyahay taas oo waayahan danbe si sharci darra ah macdan baaris iyo qodis uga wada Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal. ARC hawlaha sharci darrada ah ee ay wado waxay abuurtay xasilooni darro soo wajahday degaanadaas kadib markii ay qoratay boqolaal meleeshiyaad ah oo...
Caliyoow Xaal ka Qaado wixii Dhacay!
Soomali badan ayaan ku farxin hadalkii dhowaan ka soo yeeray Hogaanka Ciidmada Amisom ee ahaa in xilkii laga qaaday Afhayeenkii ciidamada Amisom Coll. Cali Aadan Xumud, markan sidaas leeyahay wxaan ka turjumayaa Shacabka Soomaliyeed oo ay Weriyashu ku jiran. Afhayeenkii ugu horeeyey ee ay Amisom yeelato waxa uu ka soo jeedey Ciidamada dalka Yugandha Bady Ankuna wxay ahayeen Ciidamadii ugu horeeyey...
Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka oo Dowladda Turkiga ka dalbadey in ay kala shaqeeyaan Dib u habenta Garsoorka.
Faarax Sheekh C/qaadir oo ah Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka oo iminka ku sugan Dalka Turkiga aayaa waxaa uu Kulan la qaatey Dhigiisa Wadankaa Bekir Bosdeh waxaana Kulankas la iskula soo qaadey Xiriirka u dhaxeeye Somaaliya iy Turkiga kaasoo Xoogeystey Sannadkii 2011 ka dib markii Abaaro ka dilaaceen Gobolo Ka Tirsan Dalka
Wasiirka Garsoorka oo ay Booqashadiisu ku wehliyeen xeer-ilaaliyaha Guud...
Faarax Qare 2013: Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka
“Badeena waa lagu soo Duulay, waana in aan noqon dad wax loo yeeriyo maalin kastana ay warqado u soo diyaariyaan shaqsiyaad sheeganaya inay ka socdaan Beesha Caalamka” ayuu yiri Jan, Faarax Qare oo sheegay in dhibaatada lagu hayo Badda Soomaaliya aanay ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo. Hadalkaasi waa sidii uu 2013 ka rumaysnaa badda Soomaaliya.
Warbixintan waxay SomaliTalk kusoo baxday...
Munaasabad lagu Daahfurayey Urur loogu Magacdarey Dib u Dhiska Soomaaliya (SRO ) oo lagu qabtey Muqdisho.
Waxaa Hotelk Maka Al-Mukarama lagu qabtey Munaasabad lagu Daahfurayey Ururka Dib u dhiska Soomaaliya (Somali Rebuilding Organization marka la soo Gaabiyo loo yaqaan (SRO), Ururkaas oo hore looga furey Magaalada Minneapolis ee Cariga Mareykanka ayaa waxaa ka qayb galey Xildhibaano, Siiyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano,Dhalinyaro, Haween, Waxgarada, Qaybaha kala duwan ee Bulshada, Madaxda Ururka iyo...
Xaggee ku dambeeyay Go’aankii Golaha Wasiirada ee Badda Soomaaliya iyo Law no 37
Golahii wasiirada ee xukuumaddii ka horey tan hadda ka jirta Soomaaliya ayaa go’aan taariikhi ah kasoo saaray xeerka badda Soomaaliya oo ay ku adkaynayaan sida ay u aqoonsan yihiin sharciga Law no. 37.
Laakiin dacwadda ay DFS u gudbisey Hague ee muranka gelineysa badda Soomaaliya ayaan lagu xusin go’aankaas. Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah go’aankaas maxay ka rumaysan yihiin...
Kulan lagu soo Dhaweynayo Gudoomiyaha Cusub ee Dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kula balaaran oo u jeedkiisu ahaa soo dhaweynta Gudoomiyaha Cusub Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed, waxaana kulankaas ka qayb galay Xildhibaano,Siyaasiyiin,Waxgarad,Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween oo dhamaantood ka soo jeeda Gobolka Hiiraan .
Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Muna Xasan Maxamed oo ugu horeyntii...
Ambasadoor Cabdiraxmaan Diinaari “Dadka ku nool Gobolada Dhexe waxaan u hayaa oo Deeq Caddaalad haddii ay i doortaan”
“Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ii sheegey in hadii Xal loo helo Gobolada Dhexe Xal loo helyo Dalka oo dhan”
Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( Diinaari) oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweyninimo ee Maamulka loo sameynayo Gobolada dhexe oo u waramayey Warbaahinta qaar ayaa ugu horeyn waxaa la weydiiyey sababta ku kaliftey in uu u Tartamo Xilkaas ? wuxuuna ku jawaabey...
Waa kee Sannadka Mudan inaan u Dabaal Dagno? Ha ku Dhex Milmin Gaallada “
Asalamu caleykum walaalahi Soomaaliyeed salaam kadib mahad oo idin alle ayaa iska leh nabigeena muxamadna nabad galyo korkiisa ha ahaato sheikh ma ahi laakiin waxaan rabaa inaan qoraal yar oo baraarujina idin soo gudbiyo wixii aan khaldo ama aqoontaydu I gaarsiinwaydo waan ka cudur daaranayaa.
Fariintii shiikheena xafidulaah Shiikh Shibili )asc) ikhwaani, bacda salaan, caawa waxa laga dareemayaa...
Xulashada Jimcaha: Xasuuqa ciidamada Kenya ay ku hayaan Muslimiinta Dalkooda
Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya horraantii 91kii, dowladaha Kenya Ehiopia waxay saameyn taban ku lahaayeen xaaladda iyo isbeddelada siyaasadeed ee waddanka Soomaaliya. Walow ay in muddo ahba socotay faragelinta qaawan ee waddamada deriska la ah Soomaaliya, haddana waxay ciidamada Kenya ka soo tallaabeen xadka NFD ( dhulkii Soomaaliyeed ee ay horay Kenya xoogga ugu haysatay)...
60 Soomaali ah ayaa Lagu Diley Koonfur Afrika 2014 – magacyadooda halkan ka akhri…
K/Afrika : Imisaa la diley ? Tirada Soomaalida la dilay Iyo Dukaamaha La Boobay 2014, Akhriso Magacyada ….
Tirada Soomaalida ee sanadka 2014 lagu diley dalka Koonfur Afrika yaa gaaraya heerkii ugu hooseyay marka loo eego tirakoobyo lagu kalsoonyahay oo la sameeyay sanadahii tagay, dhanka kale, dhaca iyo boobka ayaa heerkoodu aad u sareeyay, iyada oo ay dhaceen gabood falo kale oo aad u fara...
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
Muqdisho, 31, Dec, 2014…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalladaas kuwo nasiib darro ah oo xiligan ay dadka Soomaaliyeed...




