Home » Archive Maalinta September 3rd, 2011

Arday soomaliyeed oo dhan 41 ayaa habeenkii xalay ahaa Xaflad qalin jabin ah loogu qabtay magaala madaxda dalka suudaan ee Khartuum.

Sep 3, 2011
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay 41-arday oo ka qalin jebisay Kulyadaha kala duwan ee Jaamacadaha Suudaan ayaa lagu gudoonsiiyay shahaado kala duwan, iyadoo ardaydan ay ahaayeen kuwo u dhabar adeegay waxbarashadooda mudadii ay dhiganayeen Jaamacada. Arday qalin jebisay oo wajiyadooda ka muuqatay farxad ayaa isugu jiray, ragg iyo haween, waxaa ka dhex muuqday dad waa weyn,... 
Halkudheg:

Xaafada Xorgoble Ee Qardho oo ku Guulaysatey Kadis Aqooneedkii shirkadda Golis Ee la Qabtey Bishii Ramadaan.

Sep 3, 2011
Xaafada xorgoble ee magaalada Qardho caasimada gobolka karkaar ayaa ku guulaysatey kadis aqooneedkii ay maalgalisay shirkadda Golis oo ay faafisay warbaahinta caalamiga ah ee SBC Radio. Kadiskaas ayaa waxaa ka qayb galay 24 xaafadood oo ka tirsan gobolada puntland,kaasoo ahaa mid aad u xiiso badan oo qanciyey dhammaan dadka ku nool gobolada puntland. Ugu danbeeyntii tartanka kadiska bisha ramadaan... 
Halkudheg:

Ururka Samafalka ee Somali Women and Children Rescue Organization (SWACRO) oo kulan la qaadatey Mercy Malaysia

Sep 3, 2011
Iyadoo Hayado Fara badan ay ku soo qulquleen Magaalada Muqdisho ka dib markii dad fara badan oo ka soo cararey Abaarta ay soo gaareen Magaalada Muqdisho iyadoo taasi ay jirto ayaa Ururka Samafalka ee Somali Women and Children Rescue Organization (SWACRO) Xubno ka tirsan Ururka waxay Xafiiskooda ku qaabileen Masuuliyiin ka socotey Hayadda Mercy Malaysia oo Howlo indha indheyn ah u yimid Magaladda... 
Halkudheg: ,

Baaq Nabadeed: Reysal wasaaraha DFKMG oo baaq u diray dirirta Gaalkacayo

Sep 3, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasoo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay dagaaladaasi, wuxuuna Alle uga... 
Halkudheg:

Baaq Nabadeed:Ugaaska Awrtable oo baaq u jeediyey dirirta Gaalkacanyo

Sep 3, 2011
Ugaas Cumar Geelle Maxamed ayaa ka codsanaya waxgaradka, isimada, culumaaudiinka, haweenka, dhalinyarada ee beelaha walaalaha ee wada dega gobalka Mudug inay si wadajir ah uga qayb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo sida ugu dhaqsaha badan. Waa in labada dhinac ay joojiyaan colaada islamarkaana ay ka fogadaan hadalada iyo ficilada dadka sii kale fogeynaya, waxaan... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada DFKMG

Sep 3, 2011
Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay shalay isugu yimaadeen waxay kaga hadleen arrimo ku aadan ammaanka iyo hubka sida sharci darada ah loogu dhex sito magaalada iyo weliba midka lagu iibiyo qeybo ka mid ah magaalada sida suuqyada iyo meelo oo qarsoon iyagoo go’aano ka soo saaray arrintan. Shirkan oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah Mudane... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...