Home » Archive Maalinta August 18th, 2009
Dowlada FKMG oo Sheegatay inay Degmada Luuq lawareegtay
War Somalitalk kasoo gaaray Madaxtooyada ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada gacantooda ay kusoo laabatay Magaalada Luuq, warkana wuxuu u qoraa sidatan;
Wardegdeg ah : Magaalada Luuq oo gacanta Dowladda
Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa gacanta dowalda ku soo laabtay Degmada Luuq, ka dib markii ciidamo dowlada ah oo uu hogaaminayo G/sare Maxamuud Cusmaan Weli.
Magaalada Luuq waxaa ay tahay magaalo Istiraatiiji...
Xisbul Islaam oo sadex qodob ka hadlay
Afahayeenka howlgalada Xisbul Islaam oo maanta shir jaraid ku qabtay magaalada Muqdisho .
Dhagayso War saxaafadeedka Xisbul Islaam
Afahayeenka howlgalada xisbul islaam Maxamed Cismaan Caruus ayaa ka hadlay 3 qodob kuwaasi oo uu wax uga sheegayey howlaha ciidamada xisbul islaam eek u aadan bilashada bisha baakeysan ee ramadaan wuxuuna intaa ku daray in ay sii wadi doonaan dagaalada ay ku diidan yihiin...
Ogaysiis:Somali Community in Denmark iyo Puntland Aid Service
Urur weynaha Somali Community in Denmark iyo Puntland Aid Service waxay si wadajir ah Dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Denmark ogeysiinayaan in kulan balaaran oo loogu talagalay Xog wareysiga wasiirka demoqaraatiga, arimaha federaalka iyo maamul wanaaga ee Puntland Mudane Dr Abdi Hassan Jimaale Isagoo diyaar u ah in uu xog buuxda ka bixiyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobalada Puntland...
Al-Barakaat: Dadkii lacaguhu ka maqnaayeen hanala soo xiriireen
Ogaysiis deg deg ah oo ku socda dadkii ay lacagaha uga xayirmeen Bangigii Barakaat .
Waxaa laga codsanayaa macaamiishii ay lacaguhu uga maqnaayeen Bangiga Barakaat in haatan ay si deg deg ah ula soo xiriiraan Xafiiskooda oo ku yaala Magaalada Muqdisho iyagoo kala soo xiriiri kara Emailka
bsmog2009@hotmail.com.
Ama Teleefonada kala ah
002521-652930
002521-5500979
0025215477708
002521-5350000.
Read More →
Gudida Taakulaynta Dadka Tabaalysan oo Muqdisho Looga Dhawaaqay
Gudida Abaabulka Iyo Taakulaynta Dadka Tabaalysan Oo Magaalada Muqdisho Looga Dhawaaqay
Kulan balaaran oo ay maanta kawada qayb galeen waxgarad ,Ganacsato ,aqoonyahano ,odayaal dhaqameed ,abwaano iyo weliba masuuliyiin ka tirsan ururka xisbul islaam ayaa lagu gorfeeyey xaalada adage ee ay ku jiraan dadka danyarta ah ee u barkacay duleedka iyo daafaha caasimada muqdisho kuwaasoo ay sheegeen inay kusoo...
Ramadaanku waa Fursada Cumriga|Calinuur
Ramadaanku waa Fursada Cumriga
(Dersiga Koowaad)
Ramadaanku waa Bil illaah ka fadilay Bilaha kale, waana Bil mudan in lagu soo dhaweeyo u diyaar garoow wanaagsan, marka ay Bilatana mudan in laga faaiideesto daqiiqad kasta oo kamid; maxaa yelay Ramadaanku illaah (cw) waxaa uu ka yeelay mid ka dheer Bilaha kale afar arimood oo waa weyn oo kala ah:
1-Waxaa uu illaah Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo...
Fariin: $1100. oo wax tartay labo boqol oo qoys
Ururka samafalka adamiga oo saldhiguusu yahay dalka U.S.A oo kaalmo Lacageed gaareysa $1100 soo geersiiyey barakacayaasha guryahodii uga cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn.
Fadlan dhagayso codka baahanayaasha
Sawiro kale oo fariimo muhiima xambaarsan daawo
Deeqdaan oo ay iska soo uruuriyee Qaar ka mid ah gabdhaha iyo wiilasha jaaliyada mareykanka gaar ahaa magaalada Washington DC iyo hareraheeda...
Sanad Guradii 25 naad ee Jabhada ONLF oo si weyn looga xusay Magaalada Nairobi.
Iyo Taarikh ahaan sidii Jabhadaas ay ku bilaabatay.
Dabaal daga Sanad guurada 25-naad ee Jabhada Wadaniga xoreynta Ogaadeeniya oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Afrikada Barrie ee Soomaalida Ogaadeeniya ayaa lagu qabtay 15/08/2009, Gudaha Magaaladaan Nairobi, gaar ahaan Holka weyn ee Sir Ali Muslim Club.
Xafladaan xuska aheyd oo bilaabatay 1:00 pm Duhurnimo ayna kasoo qeyb galeen Dad Boqolaal kor...
Ka Qeyb-Qaaado Mashaariicda Afurinta Soomanayaasha.
Munaasabada Bisha Barakeeysan Ramadaanka waxaan
Guud ahaanba Ummaddaha Muslimiinta gaar ahaan Shacabka ama
Ummada weynta Somaaliyeed Raxmaanka uga rajeeyeenaayaa:-
Kheeyr badan-Raxmadiisa,Barakadiisa,Cafiskiisa iyo guud
ahaanba kheeyraadka fara badan ee bisha barakeeysan inagu
maneeysto, nabadgelyo buuxda,walaalnimo,is-faham buuxa iyo
xal u helida khilaafyada,colaada iyo masiibooyinka taagan
oo Dad...
Ramadaan waa Fursad Nafta lagu Badali karo|A.Albanna
Ilaahay sarreeya waxa uu siiyaa dadka fursad wanaagsan sanad walba waana fursad uu ugu talogalay inay naftooda seeteeyaan oo ay baraan samirka, dulqaadka, iyo cibaadada, waana fursad uu qofku naftiisa ku layliyi karo si uu u sameeyo is badal, qofkuna hadii uu maalintiisa habaysan kari waayo ma habaysan karo bil iyo sanad toona haba sheegsheegto inuu wax habaysan karo, ama ha ku qorto waraaqo waawayn....